Sign in to follow this  
Baashi

Deel-Qaaf - a challenge

Recommended Posts

^^Moodkayga oo dhaqan miyaan weerar lagu miisin?

Intii meesha tiil miyaan maro-morow qaadan?

Murdufkii kasoo haray miyaan lagu muraadaysan?

Ma Makaawigaygaan garduur lala mushaaxaynin?

Ma Mattaanka xiran baan dartiis loogu mari waayin?

Nin majiira oo kaca miyaan meesha laga waayin?

Naftu inay macaantahay anaa kuu markhaatiya'e?

Meeshii mildhaawa leh rag sow kula misaal maahi?

 

Sophistow, kaasi wuxuu ahaa nin reer Saaxil ah oo niman reer miyi ahi dhaceen! Oo weliba kuul uu aad u jeclaa oo ku xarragoon jirey,Makkaawina ahayd (yacni Makka laga keenay), ninkii burcadda dhacday madaxda u ahaa xirtay oo Garduur ku mushaaxay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Lake   

Originally posted by Sophist:

Baahbaahinta maansadan waa Anigii berri ka'ahaye

Beryahaanba ma ubogin barbaartii boringka aheyde

Sidii Bariis baarixey baa laga booradeye

 

 

Sadexdaas dhextaal ma uga dhigey seerin iyo goon

Sudaxdii sanaag iyo ma-usimey saaq iyo seer

Sar kalena waa tan aan aan baarqabka u ahaa

 

Baashoow dhiin iyo hadaad bagox ka soo roortey

oo biidhikaalihii reer barsuug boobtey hadalkisa

Barsanmaayo ee beesaaniyoo buntukhaaga barowsii

-----------------------

 

Ceebey tacaal, bal waxa aan kobtan ku qorey eega. Walee odeygii awoowga ii ahaa kaw buu iga siinlahaa haduu eegatadan arki lahaa cantarobaqashka aan ku qorey goobtan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this