Sign in to follow this  
Baashi

Deel-Qaaf - a challenge

Recommended Posts

Baashi   

Here it is...I'm calling Jamaal but this is for a warm up exercise to "tuurasho". I suspect that there r several hidden treasures in this cyber jungle. May be some learned poet will correct my "deel-qaaf" and show us how it is really done.

 

Ba’da gabay Jamaaloow waa adigii abid baanni ku ahaaye,

Baabuu yahay naxwaha waa adigii baray, badowdan shabaga buuxdaaye,

Biladiyo waa adigii ku helay beeso badaniyo, badh iyo dheeraade,

Bal noo tuuro goo boowoow, beryahan waan basaas nahaye!

 

Hala beydhbeydhin murtida, maantoo kaley kuu banaan tahaye,

Ku bar goo halkaan cayimay, macnuhu waa baab kalaa yimide,

Biidhaami boholaha dar baa nagu jira, aan boocna garaneyne,

Baxar baxuur hanala gelin baaqu waa ba’ hoos ku baraleey e!

 

Bartaan ku shaxeyniyo heedhe shabagan badi lawada buuxo,

Ee baabuu yahay maaweelka beydh iyo gudub la isugu beego,

Ee aan misana barakada laheyn, karaamaduu berri lahaa,

Maxaa beddelay golaha, beelyey miidii buunka laheyde?

 

Bilowba sheekhii aan u imid inuu na baro baabul aakhira,

Ee baro la saaryoow hor illaahey buuga ugu qaatey,

Baarigii Nur waakaa ka baqooley subax, Beel kalaa timide

Maxaa looga baaqsaday kolkey badowdu, beentii weeye tiri?

 

Hablaha bilicda iyo kartida loogu daray baarinimoda la sheego,

Iyo barbaarta u wada dhabacan ee dooni, ee biidna garan weydey,

Kolay barashiyo waa heleen fursad, calafku waa beytka kaa xiga e,

Maxaa baqaha shuushka ku riday, waaba baaba suufi xaajaduye?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Ba'lleyda gabay Baashiyow ragbaa, beegsadoo garan e'

Waa baab naga da'weyn maansadaad, buug-fureeysaaye'

 

 

Boholohiyo mugdiga waxa iiga daran, baratankiyo beesta

Anigoon butaacayn murtida, idinku boobeynayn,

Bal aan soo bandhigo axwaal anoon wada bareereynin

Baryahani Nuur lama arkoo Wallaan, bidhna laga heyn e'

Baabuur miyuu dul fuulaa mise, koromo buubaal ah'

Buuqdaranta isbaheysatey miyuu, ooga go'ay bayjkan ?

Bayuuwarkey beri-ahaayeen miyaa, baarix la ahaadey?

 

Ma biskaato boogtan igu taalla ee, beerka qodaneysa

Ka boqoole golaha Nuurkiyo dhamaan, baarqabteeniiye,

Burqan badan iyo waxaa loo badaley, been-iyo habaas e'

Waagii beryaba haday igu badsheen, murugta-iyo buuqa;

Maxaa ii banaan Baashiyow aniga, waa iga baroor e?

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Hadii aan barbaar mudan la helin, dhalin buuga lagu dhaarshey,

Amba aan barta hoose laga dhayin bowdada, nabarka boogoobey,

Amaba aan daabada baacin lagu dayin, bootiyo cagajugleyn beena,

Baroorta maxay tari haatan, beylahday geenyadii sidii baadi oo kale!

 

FG: Awoowe waa iga bowsi dee!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Baahbaahinta maansadan waa Anigii berri ka'ahaye

Beryahaanba ma ubogin barbaartii boringka aheyde

Sidii Bariis baarixey baa laga booradeye

 

 

Sadexdaas dhextaal ma uga dhigey seerin iyo goon

Sudaxdii sanaag iyo ma-usimey saaq iyo seer

Sar kalena waa tan aan aan baarqabka u ahaa

 

Baashoow dhiin iyo hadaad bagox ka soo roortey

oo biidhikaalihii reer barsuug boobtey hadalkisa

Barsanmaayo ee beesaaniyoo buntukhaaga barowsii

-----------------------

 

Ceebey tacaal, bal waxa aan kobtan ku qorey eega. Walee odeygii awoowga ii ahaa kaw buu iga siinlahaa haduu eegatadan arki lahaa cantarobaqashka aan ku qorey goobtan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

"Baroorta maxay tari haatan, beylahday geenyadii sidii baadi oo kale!"

 

Hehehe Baashi ... sxb hoosta in la isugu dhigo ma ahayne waa sidee xaalku? lol

 

War Sophistow sxb, maxaa tiri awoowgaa hee? lol

 

" Sadexdaas dhextaal ma uga dhigey seerin iyo goon

Sudaxdii sanaag iyo ma-usimey saaq iyo seer

Sar kalena waa tan aan aan baarqabka u ahaa"

 

Walee waa runtaa oo siinleeydu waxey 'dhextaal' u tahay laba 'stanza' oo ba'ley ah.

 

FG: Baashishoow ba'leyda wey naga yara hokoshay ma is tiri oo wey naga yara haraadsantahay, ee "Deelka" bal ka waran?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Sa'da gabey Jamaaloow adigaa saatir ku ahaaye,

Adigaa Sanaag iyo Soolal Saaqi u ahaaye,

Saarka waa adigii saari jirey samawadoow suuban

Maad ka saaqdid beynoow ragwaa kii Sarmaanjiraye,

 

Afartaa sidii Sabeen dhukan saarka ma uga jiidey

Saankuu lahaa Samatar saashka ma usaarey

Maansadii saaka iitimi sahwi ma kadhowrey

Sirqaa hadalkaa soohdee sidii saanad ma udhiibey

 

Afarkalena waa sogootinta wiilka saarka noo-tumey

 

Sarwaaska laguma aqoon Nimankii Simanka ahaaye

Maandhow Siyidkii iyo Samatarbaa soohdin kuu xiga

Iyagaa daadih jirey maansadaad soori kari weydey

Ma silowdey baashow rag waa suuncad iyo saawi

Mise Suunaari Sanaageed baa saaka kaa tagey

-------

 

Jamaal, Awoowgey hade waa uu gabyi jirey, laakiin aniga waad iijeedaayoo ma aan soo rogan karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin lagu yaqaano inuu erayo tuur tuuro ma ahayn...Laakiin Ninka Jamaal ah baa beri dhaxdaa igu baraarujiyey in aan dhankan soo fiirsho... Mana garanayo waxa uu deel qaafku yahay..bal haddaanse ragga meesha isugu yimid wax la qaybso is iraahdo waxaan oran lahaa:

 

Sa'dii hadday socon weydey maxaa qaafkii lagu diiday xarafka kiisa qodban eh

 

Siraadka ifkiisa suuradihii quraankuba saw eebehay qaaf kuma dareerin eh

 

Sool iyo Sanaagba saadkaa lagu raacay ma Qardhaan u qalmin qalinka caaradiisa eh

 

Sida qaafka alif laamka nuunkaba waa loogu digay suubanihii Muxammad ahaay eh

 

Geeriduna xaq weeyoo qiyaamana waa tii loo wada halgamayayeh

 

Ragoow maad nuunka noo raacisaan kaftanka kiisan xiisoha lehe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Give it up for the new champ Mr. Legend of the Zu :D

 

Awoowe deel-qaaf waa khatif abwaanka gabyayaa u ku dhaco. Dee waad ogtahay maansadu waxay leedahay miisaan iyo khaafiyad. Kan khalda waa uu deel-qaafey oo gabaygiisu miisaankii iyo khaafiyadii buu seegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ Afkaaga caano lagu-qabey Baashi.

 

Ninkii Legend ahaayoow, wallee wad naga qarsoonayd balse mar hadaan dibada iskeentey, waa ragganimo loo baahanyahay.

 

Tusaale gabay :D :

 

Baa di da ninbaa ku la dey deya, dalna kaa ba dan e'

 

2-1-1 1-2-1-1-1-1-2, 1-1-2-1-1-1

 

First half line = 13 syllabus

Second half line = 7 syllabus

Total syll = 20. (maybe i counted them wrong !) Corrections welcome.

 

Bear in mind that various poems will adapt defferent number of syllabuses so it maybe 21, 20, 23 ..it dependents on the classic poet's style.

 

Remember in both semi-lines an alliteration of the symbolised by similar sounds must be used. In the poem I used as an example, the alliteration is "Da".

 

Just sharing the little I know :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Suufiga :D warkiisa ma rabee Jamaal iga sax midaan sxb. Shaqada dhexdeeda yaan ku habeeyey oo hada um aanan helin meel munaasib ah. Waana la sooman yahaye ee qaacida aad kor ku qortay ha igu dabaqin. Waxabaan dib u gocday sida Nairobi la inoogu khatalay.

 

Gacaliyoow Jamaal nimankii Maandeeq ku gatay gurriga Neyroobi,

Waaxyaheeda nimankii kala goostayee, gobolba meel geystey,

Gorgortanka raqdeedii nimankii ku galay, guluf iyo gafkiyo dooda,

 

Goorteey dhergeen, aar-libaax iyo kuwii hambadeedii guduriga u loogey,

Asalkaba guuldarada kuwii ku dhigay gaadmada, gowriciyo daalka,

Ololkii kolkey gulucya roortee, gacal maqan iyo gobonimo u booydey,

 

Gilgilishiyo xanuuniyo dhawaaq, kolkay guuxa damin weyedey.

Gooheeda gurmadkii ku soo baxay, nacabkeer dariska gama’ loo diidey,

Go’aankeey qaateen, ciiloow wayee sida talada loo gooyeey:

 

Garwadeen ha u noqdeen Maandeeq, kuwii nabarka gaarsiiyey!

Gabraaratadii guddi ha u galeen, gefkiyo godobta ayada loo geystay!

Ninkii garasho waayeel lahaa, aqoonyahan, geesi iyo shiikhba!

Gogosha ha isaga kaceen Gacaliyo boowayaaloow taa waa igali weydey!

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Baashiyow sxb, wallee waad gabaydey sxb. Aniguse waan yara guray, balse waxaan filaya saaxibkeeb sophist in uu weli gabay la guuxaayo!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Jamaaloow Suufiga (Sophist) saw issagan geeska durbadiiba i galiyey oo Sanaag iyo magacyo waaweyn ka sharqamiyey :D Sawkan addigiina haatan dib u gurtay oo hebelo ti-tilmaamey! Maxay tahay waxaasu? Walee inaan wiil-hoog ahay is ogaadey hadaanba ragii rag ahaa dhabaha ku riday :cool:

 

Wiil i dheh :D Hadda ka dib yaan hadalka la igu qaban dee!

 

Daan-daansi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

"Walee inaan wiil-hoog ahay is ogaadey hadaanba ragii rag ahaa dhabaha ku riday

 

Wiil i dheh Hadda ka dib yaan hadalka la igu qaban dee!"

 

Hehehe@Daan-daansi

 

Wiil iswaalaba waabiyaa hela ayaa horey loo yiri Baashow. Marka wiil-yahow ha is mahadinin weli, raagbaa soo gurxamayaaye. Mar hadaad Suufigii sophist ahaa soo magac-qaadey oo aad weli daan-daanisigaada shaaca ka qaadey, xaalkaagu waa bariga-dhexe. Ninkaad gabay ku maageyso armaad ka joogtaa maandhoow smile.gif

 

Waa yahay wey inoo tahay, saas kaagama harin Odey Baashiyow! Waan soo labakaclayn doona goor-dhow ee marnaba ha is-dhigan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Baryahaanba Baashoow waa anigii baadiyow galaye,

Bartamaha ugma jirin oo waa anigii baylahoo tageye

Baasuukayaal iyo Baroonbaa bogox kasoo yeerey

Oo buulkii baraagaha lahaa baasay oo buday e

Beerlaxowsi iyo waanwaan warkaas laga wawa beri e.

 

Afartaas sidii Waran laridey meel ma aqubadsiiyey,

Baantoobi maayee wiil belo beerka ma usaarey

Ma burqamey sidii baarqab boocame jooga

 

Maansada hadeey baashow baarka sare gaadho,

Maqaamkaad ka sheekeen jirtiyo hadhadii meel dhow laga meero

Oo masaladaad tiraah lamaherin waayo

Oo adoo mirey habeen hadii meel xun lagugu maago

Marsan weeye maandhoow hadal aan meelna loo marin’e

Bal kafiirso maansada ileen rag waakii baraaruga e

 

Baashoow hadaad baarqab tahay Bari kasoo Maaxay

Oo Biidhikaalihii kakorey oo wiil belo ismoodey

Bal isbanbaani oo ha beelhoofin ileen will belaad tahay e,

----

 

Kaftan wanaag weeye arintani.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this