Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somalia's Flag ........... According to AS

Recommended Posts

· Noocii calanka rasuulka.

Calankii dawlada rasuulku wuxuu ahaa calan madaw sidaan horeba usoo sheegnay, afargees ah, dhexdana ay kaga qorantahay kalimada tawxiidku. Hadaba si aan u cadayno in uu calanka rasuulku noocaas ahaa ama qaabkaas waxaan soo qaadanay axaadis dhawr ah saxeexna ah oo cadaynaya 1- noocuu ahaa. 2- wixii ku qornaa.

 

 

1. Xadiiskii ay soo saareen tirmidi, ibnu maajah, imam axmed, abii daauud ee kujira taariikh alkabiir, sanadkiisuna xasanka uu ahaa, ayaa waxaa laga wariyay baraa binu caasib in uu yidhi "Calanka rasuulku wuxuu ahaa mid madaw oo afargeesa, kana samaysan maro suuf ah".

 

2. Mucjamu saqiirka dabaraani waxaa isna ku jira xadiis uu warinaayay jaabir binu c/laah in uu yidhi: "Calanka rasuulku wuxuu ahaa mid madaw".

 

3. Xadiiskii uu warinaayay xaaris binu xasaan albakri ee uu yidhi: "Waxaanu aadnay madiina, waxaan aragnay rasuulka oo minbarka saran, iyo bilaal oo taagan hayana seef, markaasaa waxaan arkay calamaan madmadaw, dabadeed waxaan waydiiyay waxa ay yihiin calamaantani, waxaa la iguyidhi waa camar binu caas oo ka yimid dagaal".

 

 

4. Wuxuu bukhaari kusoo saaray taarikhu saqiirka xadiis uu warinaayo anas ibnu maalik oo uu yidhi:

 

 

" Rasuulku wuxuu laba jeer madiina ku reebay ibnu ummu maktuum, waxaanaan arkay isaga oo calan madaw sita maalintii qaadisiya"

 

· Maxaa ku qornaa calanka rasuulka.

 

Waxaa ku qornaa calanka rasuulka sidaan hore usoo sheegnay kalmada tawxiidka waxaana cadaynaya xadiiskan:-

 

1. Xadiiskii uu wariyay ibnu cabaas ee uu yidhi : "Waxaa ku qornaa calanka rasuulka "laa ilaaha ila laah, muxamadun rasuulu laah.".

Fiiro-Gaara: Waxaa jiray calan kale oo rasuulku uu lahaa oo uu midabkiisu cadaan yahay kalmada tawxiidka ee ku qorana ay ku qorantahay khad madaw, calankaas waxaa la yidhaahdaa liwaa اللواء waana calan u gaara amiirka ama cidii markaas dagaalka uga socota xaga amiirka, waana calan lagu garto taliska muslimiinta iyo hadba halka uu amiirku joogo, isticmaalkiisuna ma badna ee wuxuu ku koobanyahay uun amiirka iyo daarul khilaafa ama madaxtooyada, hadii uu amiirku meeshaas ka tagana waa laga daba raraa oo looma sii daayo halkiisaa.

 

 

Ahmiyada calankii rasuulka.

Calanka rasuulku SCW waxaa uu muslimiinta ku aglahaa ahmiyad aad u saraysa, waxaa inoo cadaynaya ahmiyada uu calanku lahaa iyo qiimihiisa

 

1. xadiiska ay soo saareen bukhaari iyo muslim: dagaalkii khaybar waxaa hogaaminaayay rasuulka SCW intii aan dagaalka la galin ee diyaar garawga loogu jiray ayaa waxaa uu rasuulku yidhi :

 

"Barri waxaan calanka u dhiibi doonaa nin ilaahay iyo rasuulkiisa jecel, ilaahay iyo rasuulkiisuna ay jecelyihiin" subixii ayaa wuxuu siiyay rasuulku calankii cali ibnu abii daalib. Waa maalintuu cumar binu khadaab yidhi waligay madaxtinimo ma jeclaan maalintaas mooyaane.

 

2. Sanadkii 8aad ee hijriyada wuxuu rasuulku scw udiray saxaabigii la odhanjiray xaaris binu cumayr alazdi, amiirkii busra in uu soo islaamo isaga iyo qoomkiisuba, amiirkii busraa wuu diiday dacwadii rasuulka, saxaabigiina wuu dilay, arinkaas waxaa aad uga cadhooday rasuulkii SCW, waxaana uu diyaariyay 3000 oo ciidan, waxaana uu madax uga dhigay sayd ibnu xaarisah, hadii la dilana in jacfar ibnu abii daalib lagu badalo, hadii jacfar la dilana in c/laahi ibnu rawaaxa la wareego, markii uu ciidankii baxay ee la gaadhay shaam waxay muslimiintii arkeen ciidankii ruum oo ah 200,000.

 

Taas oo ka dhigan in halkii askari ee muslim ahba ay kusoo hagaagayaan wax ku dhaw 70 askari oo gaal o ahi. Muslimiintii dibay u istaageen, waxaana halkaas khudbad ka jeediyay c/lahi ibnu rawaaxa oo ku boorinayo muslimiinta in ay jihaadka galaan laba mid uunaby heli guul ama shahaado iyo shahiidnimee, waxa ilaahay ugu hiilinayaana quwad in aanay ahayn iyo tiro badnaan ee ay tahay imaan iyo islaamnimo, initaas ka bacdi dadkii muslimiinta ahaa niyadoodii baa dhisantay, kalsooni rabaani ahna way qaateen, sidiibaana dagaalkii ku bilaabmay,

 

waxaana muslimiinta hogaaminaayay sayd ; binu xaarisah oo siday calankii rasuulka, kabacdina wuu shahiiday waxaana calankii dhulka u quudhiwaayay oo qaaday jacfar ibnu abii daalib, dagaalkii wuu sii adkaaday jacfar markaas wuxuu kazoo degay faraskiisii oo uu boqno gooyay si aanuu dib ugu noqon iyo in aanay ka faaiidaysan cadawgu hadii ay qabsadaan oo aanay muslimiinta kula dagaalamin, jacfar waxaa la jaray gacantii midig ee uu calanka ku hayay, waxaana uu ku qabsaday gacantiisii bidix si aanuu u dhicin calanku, hadana waxaa la jaray gacantiisii bidix, ka badci wuxuu ku qabsaday cududihiisa ilaa uu ka shahiiday, ………. Ilaa dhamaadka qisada.

 

Qisada sababta aynu u soo qaadanay waxaa weeye in aynu ogaano ahmiyada iyo qiimaha ay ku aglahayd saxaabadii rasuulka calankaas madaw, ee manta rag muslimiin isku sheegayaa caayayaan, calal iyo foolxumona af labadii ugu tilmaamay fasubxaanalaahil cadiim.

 

· Magaca calankii rasuulka.

Sida ay rasuulka caadadiisu ahayd waxaa uu magacyo ula bixi jiray waxa uu isticmaalo nolol maalmeedkiisa, sida seeftiisa, daabadiisa, iwm.

 

Xadiis uu soo saaray dabaraani oo uu warinaayay ibnu cabaas ayaa waxaa uu ahaa "Waxaa dhaqanka rasuulka ka mid ahaa: in uu magacyo ula boxo daabadihiisa(gaadiid), hubkiisa iyo alaabadiisa kaleba, calankiisana waxaa la odhanjiray CUQAAB, seeftuu ku dagaalami jirayna waxa la odhanjiray faqaar, midkalena waxaa la odhanjiray mikhdam ……….."

 

Cuqaab waa magac uu leeyahay shimbirka shimbiraha u geesisan, waxaana la yidhaahdaa waa shimrika hadii uu duulo, wixii shimbir ah ee duulayaa ay fadhiistaan, waxa uu dulmarayaana ay dhaqaaqa jojiyaan cabsi ay ka qabaan aawadii, ma cuno waxa dhintay, mana cuno wax aanuu isagu ugaadhsan, Culimada luqada carabigu waxay idhaahdaan wuxuu awoodaa in uu ka quraacdo ciraq kana qadeeyo yemen, waxa uu ka qabo awood duulimaad.

 

Macnaha markaas uu rasuulku SCW ula jeeday magacani waxaa weeye in marka calanka rasuulka kor loo qaado aysan jirin calan kale oo kor loo qaadi karaa, waa magac tilmaamaya cisiga iyo sharafta dawlada muslimka ah. Waa calan aan laga sarayn Karin. Lalana sinmi Karin, waxaan la yaabanahay ninka manta calankaas agdhigaya calan 1960 uu gaal ina siiyay isagoo inagu samirsiinaya, waana yaab nin ku garaacay calankuu dhakada kaaga xidhxidhay in aad kaga faanto kii aad cisada ku lahayd ee rasuulkaagu ku caanka ahaa. Arinta ah in aan isticmaar ka qaadanay madaxbanaanina kolay doodbaan ka qabaa se halkan maaha meeshaan kusoo bandhigayaa, hadii alle idmo markale ayaan ka hadli doonaa in aan run ahaantii madaxbanaani qaadanay 1960 iyo in kale oo la ina haysto wali.

 

· Muxuu xambaarsanyahay calankani?

Maadaama ay dhamaan muslimiintu isku waafaqsanyihiin in kalmada tawxiidku ay tahay ta lagu soo galo islaamnimada ayna jirin cid ka hor imankarta kalmadaas, waxaa uu calanka uu tawxiidku ku qoranyahay muujinayaa in ay dhamaan muslimiintu u simanyihiin cadaan iyo madawba, oo aan wadanka uu ka taaganyahay qof muslim ah lagu sheegi Karin in uu yahay ajanabi, ma aqoonsana calanku xuduud beenaadka, ma aqoonsana kala qoqobnaanta muslimiinta, iyo in koox kastaa ay inyar xayndaabato, oo muslimiinta edegedeg loo kala xidhxidho.

 

Xukuumadaha isku sheega in ay muslimiin yihiin calankoodana ku qortay kalmada tawxiidka waxaan leenahay, maydaan garan wixii ay idinka rabtay kalmada tawxidka ee aad calanka iskaga qorateen, marhadii muslimka aan ku dhalani uu ajanabi ku yahay dhulkaas, waxba tari mayso kalmad tawxiid oo calan lagu qoraa. Si ay run u noqoto waa in waxa ay idin amrayso oo dhan la qaataa oo ay kow ka tahay isku xukunka shareecada alle swc, islaamka in lasoo dhawaysto gaalkana laga bari noqdo.

 

· Maxay tahay xukunka in calankaan la qaato oo calan laga dhigtaa.

Hadii aan kazoo hadalnay axaadiistaa cadaynaysa in rasuulku uu lahaa calankaas madaw, iyo kaa cad ee u gaarka ahaa amiirka, maxaytahay axkaamta aan ka dheegan karno nusuustaas.

 

Wuxuu shaybaani siyarka ku yidhi " Waxaa haboon in calanka amiirku uu ahaado cadaan, calanka kalena uu ahaado madaw, sidaasaanay nusuustu sheegtay, waxaana laga wariyay raashid oo ka wariyay sacad alle haka raali ahaadee in uu yidhi : "Wuxuu ahaa calanka rasuulku SCW madow, calanka hogaankuna wuxuu ahaa cadaan, curwah ibnu zubairna wuxuu yidhi calanka rasuulku wuxuu ahaa mid madaw"

 

Sidoo kale wuxuu alxaafid ibnu xajar ku yidhi fatxul baariga "Axaadiistaasi waxay inoo cadaynaysaa in ay fiicantahay in calamaan la yeesho marka dagaalka la galayo, liwaagana (calanka cad) waxaa qaadaya amiirka ama cida markaas uu u wakiisho amiirku" 6/155.

 

Muxuu yahay xukunka ruuxa calankaas caayaa

Xukunka qofka caaya calankaas aynu kazoo sheekaynay ahmiyada iyo qiimaha uu ugu fadhiyay muslimiinta, waxaynu u daynaynaa culimada rabaaniyiinta ah, laakiin waxaa cad ruuxaasi in uu caayay aflagaadeeyey kuna jeesjeesay suno uu rasuulku ina amray.

 

Maxay samayn doonaan kuwa raayadii rasuulka wax ka sheegaya maalinka ilaahay la is horkenayo, ee uu soo istaago jacfar ibnu abii daalib oo gacmo la si uu u badbaadiyo in calankaasi uu ciida taabto.

 

Ilaahayaw maalintaas naga dhig kuwa raayadaas sita, ee hanaga dhigin kuwa calanka somaliyeed sita.

 

Waxaa si degdeg ah u qoray :-10/08/1430 - 01/08/2009.

bilaal_1985@hotmail.com

__________________

Bilaal Hargeysaawi

Bilaal_1985@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr.Bilaal's story is more of coercion than an actual evidence in support of this new flag. His coercion leaves no room for disagreement.

 

 

If Bilaal is offended by the blue flag, he could pack up and leave!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^He should've added his argument a mosque of four or more block concrete cement with a highly decorated carpet, air conditioned and a digital or paperback quran is bidcah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ah, They said ignorance is a bliss even when the light of knowledge shines on you Guys still you run into darkness. I can only pray for you my lost brothers. your only salvation is the black flag that will soon envelop all of Somalia and farther. Insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Tell me any Islamists or Islamic revolution in the Muslim World ever changed their country's flag to the black flag? Was it the Ikhwaan in Egypt? Was it in Jazaa'ir? Or Jordan? Or Turkey? Anyone one of them?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^My only salvation is to worship the allmighty Allah ( no one else, symbols or rituals), pledging an allegiance to the black flag won't save me from the hell fire. Now, you are gonna continue with " I will pray you mantra", you will actually present some evidence to make your point.

 

N remember Alla Jana iyo naara. But I highly doubt wrapping yourself with the black flag will get you to heaven.

 

 

Jacphar...Who argue with Rasuulka (PBUH) baa saan yiri.

Share this post


Link to post
Share on other sites

What you are probably forgetting is that alshabaab treat Somalis as pagans who need to be rescued from other orders. They are starting from scratch, and do not recognise these symbols as those of a Muslim people.

 

And this is where umu Zam online persona comes in.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tell me any Islamists or Islamic revolution in the Muslim World ever changed their country's flag to the black flag? Was it the Ikhwaan in Egypt? Was it in Jazaa'ir? Or Jordan? Or Turkey?

I have told you that these are the flags which the prophet (salAllaahu 'alayhi wa sallam) used to carry and this is sufficient for those who derive their legitimacy from islam.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saddiiq   

It's an issue of tarbiya (upbringing). European colonialists didn't ask anybody permission when they seized Somali territory, raised an indegenous elite in it's schools and military academies, who learned to behave like them, dress like them, and later left to run a state in their image. 50-60 years later, everybodys heart is attached to a blue banner that didn't mean anything to anybody just a couple generations ago.

 

It's fascinating. How do you make something up with your own two hands, then pledge absolute loyalty to it. The way it's saluted, honoured, revered with khushuu and humility alongside the national anthem. People don't really think about these things. Reminds me of the hadeeth of the entrance of shirk being as undetectable as a black ant creeping on a black rock, in the dark night.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

^You and your friend above you are confusing symbols of state and the state itself with Islam which is a way of life. This whole loyalty thing is a red herring. Can you be loyal to your family/spouse/friends while at the same time being loyal to Allah and his Messenger and their commandments? Of course. So goes with a state. It's not either/or.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ofcourse it is not allowed to swear loyalty to the secular puppet government.

But be that as it may, the fact is that this so-called Somali flag is not Islamic and therefore in and of itself inappropriate for an islamic state which rules according to islam.

This, in contrast to the Islamic flags with the shahaadah.

Therefore there is nothing wrong with the recent decision of the mujahideen to replace the nationalist flag whose colors represent the UN, by two Islamic flags which represent tawheed and which were carried by our Prophet (salAllaahu 'alayhi wa sallam).

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

What makes a fabric Islamic? Is it the writing that is on them? Is your shirt, pants, shoes Islamic? Need they be Islamic for you to be a good Muslim? Must you replace them?

 

The Islamic flags carried by our Prophet (PBUH) belong to every Muslim. They don't represent an individual nation or a particular movement but the larger ummah. That is the distinction you fail to make.

 

BTW - who said anything about swearing loyalty to any goverment?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this