Sign in to follow this  
Shirwac

WHATA ^%$

Recommended Posts

Shirwac   

Welcomme to Jowhar/ ku soo dhawada Jowhar.com

S Y M Aduunyo Jowhar ka joog aqirona Jaano

 

Booliska Magaalada Jowhar ayaa gacanta kusoo dhigay laba wiil oo midkood soo xertay Jalbaab iyo indho shareer.

 

indhosharer.jpg

Jowhar

 

 

 

Hawl gal balaaran oo lagu sugayo amaanka magaalada Jowhar oo ay ku sugan yihiin masuuliyiinta Dfkmg ee Somalia ayaa booliska magaalda Jowhar waxa ay gacanta kusoo dhigeen laba wiil oo dhalinyaro ah oo midkood xirnaa dharka gabdhaha Muslimiinta ay gashtaan ee loo yaqaan jalbaabka iyo indho shareerka.

 

 

Wiilkaani oo wajigiisa qariyey ayaa lagu qabtay Agagaarka xarrumaha Dowladda Federaalku ay deganyihiin mas’uuliyiinteeda, iyadoo ka dibna la dhigay Saldhiga Booliska magaalada Jowhar.

indhosharer1.jpg

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Jowhar Xasan Goomeey Calasoow oo saaka uga Waramay saxaafada ayaa sheegay in raggan isa soo qariyay ay ciidanku ka soo qabteen xaafada Buulo Makiino oo ka mid ah xaafadaha magaalada Jowhar, xiili ay ciidanka boolisku ku jireen howlo rondo ah oo ay ku gaaf wareegayeen xaafadaha Magaalada Jowhar.

 

 

Ammaanka Magaalada ayaa xalay ahaa mid si weyn loo adkeeyay iyadoo wadooyinka qaarkoodna loo diiday in ay dadku maraan taasoo ay dadweynuhu micno kala duwan ka bixiyeen.

 

Sidoo kale labada wiil oo loo ogalaaday inay saxaafada la hadlaan ayaa sheegay inay ka ahayd in ay ka masayrinayeen gabar ay saaxiibo ahaayeen mid ka mid ah labadaasi wiil oo gabadhaasi ay jacayl wada jilayeen laakin ninkale ku kor waday.

 

 

Arintaani ayaa baaritaankeeda waxaa wada saraakiisha booliiska oo baaritaan ku haya falkaasi ay ku kacen waxana lagu wadaa in maalmaha soo socdo maxkamad lasoo taagi doono marka uu dhamaado baaritaankooda.

 

 

Salaad Calli Jeele wasiir kuxigeenka Warfaafinta oo sheegay qaraxii lala beegsaday kolonyadii Raysul wasaaraha cidii ka danbaysay.

 

Jowhar.

Wasaarada warfaafinta XFKMG ee Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ku sheegay ciddii ka dambeysay weerarki bambaano ee lagu qaaday Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi iyo xubnahii la socday markii ay booqanayeen magaalada Muqdisho safarkoodii u dambeeyay.

 

Shir jaraa’id uu shalay ku qabtay Xafiiska wasaarada Warfaafinta Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi Md: Salaad Cali Jeelle ayuu klu sheegay in guddigii loo saaray baaritaanka weerarkaasi ay soo gudbiyeen in kooxaha Maxaakimta Islaamiga qaarkood ay ahaayeen kuwii fuliyay weerarkaasi.

Qoraal saxafadeedkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu ahaa weerarka lagu qaaday mas’uuliyiinta Dowladda Mid Argagixiso ah oo xirriir la leh argagixisada Caalamiga ah.

 

 

waxaana shirka jaraa’id oo nuqul ka mid ahaa isoo gaaray lagu soo bandhigay in qaar ka tirsan ilaalada Raysul wasaraaha lagu laayey qaraxaasi.

 

Qoraalkan ka soo baxay wasaarada Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegy dagaalka shalay ka dhacay magaalada Muqdisho inuu yahay mid ay soo qaadeen waddaado diimeed isu magacaabay Maxkamado kuwaasi oo doonaya in ay dhul balaarsi ka sameeyaan magaalada Muqdisho.

 

Waxeyna ugu dambeyntii Dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqday in ay joojiyaan kooxaha dagaalamaya weerarada ay dadka rayidka ah ku geeriyoonayaan isla makaan maatida dhexdeeda xabadaha laga joojiyo.

 

Hadaba waxaan helay nuqul ka mid ah shirkaasi jaraa’id oo ku qornaa afka Ingiriisiga waxa uuna u qornaa sidan:

 

 

Wafdi uu hogaaminayo Raysul wasaare geedi oo maanta ka dagay Adis Abbaba.

 

 

Jowhar.

 

 

Wafdi balaaran oo kusii jeeda magaalada Bruxelles ee dalka Belgium oo uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xfkmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa duhurnimada maanta ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

 

 

Wafdiga Geedi ayaa waxa ay ka koobnaayeen afar xubnood oo kala ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyada Prof. Saalim Aliyow Ibrow, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Prof. C/risaaq Cismaan Xasan “Jurille†iyo Axmed Cumar Xabeeb (Axmed Jaandhaay) oo ka tirsan masuuliyiinta G/Sh/Dhexe.

 

 

Ra’iisul wasaare Geedi iyo wafdigiisa ayaa ka degi doona dalka Ethiopia xaruntiisa Addis Ababa iyadoo lagu wado in wafdiga uu isla caawa ka anba bixi doona isagoo ku hakan doona dalka talyaaniga oo uu kulan la qaadan doona maalinta berita ah masuuliyiinta dowlada Talyaaniga.

 

Wafdiga ayaa ka qayb gali doona shir ay la yeelanayaan midowga yurub maalmaha 15-16/September iyadoo lagu wado inay kawada hadli doonaan sidii midowga yurub uu qayb wayn ugu qaadan lahaa sidii ay u taageeri lahaayeen xukuumada Federaalka.

 

Prof. Geedi iyo wafdigiisa ayaa 18-ka bishaan kasoo anba bixi doona magaalada Bruxelles ee dalka Belgium-ka.

 

 

Ra’iisul wasaraha ayaa waxaa sii sagootiyey qaar ka tirsan xukuumadiisa iyo xildhibaanada Baarlamaanka.

 

Dhanka kale wafdi uu hogaaminayo safiirka Somalia u fadhiya AU-da Ambassador Cabdikariin Laqanyo ayaa soo gaaray magaalada Jowhar iyadoo uu shir gaaban Airaboorka kula yeeshay Ra’iisul wasaaraha.

 

 

 

 

 

waxaa soo diyariyey

Mohamed Abdulle Hassan (SIIDI)

Siidi@jowhar.com

Tel Mob: 00252-1-574868

Jowhar.com

 

 

 

 

***************

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this