Sign in to follow this  
General Duke

SSC conference ends press release

Recommended Posts

Shirki Beelaha SSC oo soo gaba gaboobay.

October 16, 2009 filed under COMMUNITIES, NEWS IN SOMALI   ·   Comments (0)

 

C/qani C/laahi

 

Horseed Media

 

Shirkii beelaha Sool,Sanaag iyo Cayn maalmihii ugu dambeeyay uga soconayay magaalada wadanka Kenya ayaa  shalay galinkii dambe soo gaba gaboobay magaalada Nairobi ee Caasimada wadanka Kenya.

 

Shirkaasi  ayaa waxa  goob joog ka ahaa Salaadiin,Isimo,Abwaano,diblomaasiyin iyo Xildhibaano ka tirsan DFKMG ah ee Soomaaliya,masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihin Garaad Jaamac Garaad Cali,Garaad Abshir Saalax Maxamed,Garaad Cali Quraare Xassan,Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi” Moorgan”,Maxamed Cabdi Xaashi,xidhibaan Axmed Aadan Gabyoow,iyo xildhibaano kale.

 

Cismaan Cabdi Nuur Xaashi oo ka mid ah Odayaasha ka qayb galay shirkaasi ayaa Horseed Media u sheegay in shirkaasi ay ka soo baxeen qodobo muhiim ah kuwaasi oo ay ka mid yihiin;

 

1.In la mideeyo beelaha degan Sool,Sanaag,iyo Cayn.

 

2.In beeshu ay qayb ka tahay Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ayna diyaarna u tahay doonista midnimo Soomaaliyeed.

 

 

3.In beeshu ay dib u xoreyso Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn iyadoo kaashanayso Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland.

 

4.In Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ay ku guul daraysatay wax ka qabashada Gobolada maqan iyo qodobo kale oo salka ku haya.

 

Mar uu ka hadlaayay Cismaan CabdiNuur baaq ay beelahaasi ka soo saareen kulankaasi shalay galinkii dambe ku soo gabagaboobay magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in ay ugu baaqeen Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland,DFKMG ah ee Soomaaliya iyo beesha caalamka in ay taageeraan midnimada beelaha Sool,Sanaag iyo Cayn.

 

Waxaa u sidoo kale hoosta ka xariiqay in maalmaha soo socda ay rajaynayaan in ay doortaan beelahaasi golihii fulinta ee beelahasi,isla markaasina ay u hawl galayaan sidii ay u abaabuli lahaayeen sidii a dib ugu soo celin lahayeen Goboladaasi maqan.

 

“Waxaa hogaanka beelaha ah Dr. Saleebaan Ciise Axmed “Xagla toosiye”, halka hogaamiye ku xigeena uu beelaha u yahay Gaashaanle sare Cali xassan Axmed oo labadaba xilalkaas shalay loo dhaariyay,waxaana filayaa in maalmaha soo socdaya ay kulamo la qaadan doonaan beelaha Soomaalida iyo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya” ayuu yiri Axmed Cabdi Nuur.

 

Shirkaasi wajigiisa labaad uu ku soo gaba gaboobay shalay galinkii dambe magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa waxaa uu ku soo beegmaaya 15 october ee sanadka 2009 laba sano ka dib xilligii la qabsaday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool,iyadoo ay la wareegeen Maleeshiyo ka amar qaata Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin.

 

Dadka ayaa waxaa shaki adag ay ka muujinaayan talaabada xigta dib u soo celinta Goboladaasi ka maqan gacanta dowlada Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Horseed Media

 

Subscribe Now

Back to Top

Share this post


Link to post
Share on other sites

1.In la mideeyo beelaha degan Sool,Sanaag,iyo Cayn.

 

2.In beeshu ay qayb ka tahay Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ayna diyaarna u tahay doonista midnimo Soomaaliyeed.

 

 

3.In beeshu ay dib u xoreyso Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn iyadoo kaashanayso Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland.

 

4.In Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ay ku guul daraysatay wax ka qabashada Gobolada maqan iyo qodobo kale oo salka ku haya.

 

Mar uu ka hadlaayay Cismaan CabdiNuur baaq ay beelahaasi ka soo saareen kulankaasi shalay galinkii dambe ku soo gabagaboobay magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in ay ugu baaqeen Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland,DFKMG ah ee Soomaaliya iyo beesha caalamka in ay taageeraan midnimada beelaha Sool,Sanaag iyo Cayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

2.In beeshu ay qayb ka tahay Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ayna diyaarna u tahay doonista midnimo Soomaaliyeed.

 

This sounds very constructive. After all the meeting was about unifying the powerful darwish clan. Allow u gargaar ummadda, aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

3.In beeshu ay dib u xoreyso Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn
iyadoo kaashanayso Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland.

4.In Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ay ku guul daraysatay wax ka qabashada Gobolada maqan iyo qodobo kale oo salka ku haya.

Meaning Puntland let down people of SSC, that is why SSC people created their own organization and elected a new leader, because after 2 years of inaction and the lack of willingness to free SSCland, Puntland proved to be unreliable partner that cannot be trusted anymore.

 

Therefore all SSC delegates agreed that people of SSC themselves should free their own land from somali-diidland, and take matters into their own hands. No more waiting to Puntland

 

Although, the majority of SSC people don't mind to stay part of Puntland because Puntland is part of United Somalia , but reality on the ground is Puntland lost most of SSC territories to Somalidiid militia, so currently territorial wise SSC is NOT part of Puntland

 

As well the delegates agreed to hold Puntland accountable when the right time comes, after they expel the invaders from their land

 

 

Horaa looyidhi biyo gacmahaaga ayaa lagaga dhargaa, markaa reer SSC oo qudha ayuu sugayaa gobolada SSC,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

AllPuntland.com: Siyaasiin iyo Waxgarad ka soo jeeda Sool oo go’aamo ka soo saaray shir ka socday dalka Kenya.

 

Sida In dawladda Puntland ay ku guuldareysatay wax ka qabashada gobalada ama soo celintooda

 

 

16. oktober 2009

 

Nayrobi(AllPuntland)- Siyaasiin iyo waxgarad badan oo ka soo jeeda gobalada Puntland, gaar ahaana gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maalmihii ugu dambeeyey ay wada hadalo uga soconayeen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa soo dhameeyey wada xaajoodyadaasi, waxaana laga soo saaray xaalado ku wajahan deegaanada Puntland, gaar ahaana kuwa ka maqan gacanta dawladda Puntland.

 

Siyaasiinta joogtay mudadii uu socdey shirkaa waxaa ku jiray Siyaasiin aad looga taageersan yahay guud ahaan Puntland, oo ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi, oo aad utaageersan yihiin dadka Puntland,maadaama uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee Madaxweyne-nimada Puntland ku wareejiya si wanaagsan.

 

Ka qeybgalayaasha kulankaa oo ujeedadoodu ahayd sidii loo soo celin lahaa magaalooyinka ka maqan gacanta dawladda Puntland, loona adkeyn lahaa dawladnimada Puntland ayaa isku raacay qodobo khuseeya xaaladahaasi iyo go’aamo kale oo si gaar ah ukhuseeya beelaha Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

In dib loo soo celiyo gobalka Sool (Laascaanood), ayadoo la kaashanayo dawladda Puntland ee laga qabsaday gobalka Sool, In ay usheegayaan guud ahaan dalalka Caalamka in xoog lugu heysto Laascaanood, In lamideeyo Beelaha gobalada Sadexda ee SSC, In dawladda Puntland ay ku guuldareysatay wax ka qabashada gobalada ama soo celintooda, In Beeshu ay qeyb ka tahay dawladda Soomaaliyeed ee Puntland iyo qodobo kale oo ku wajahan xaaladaha gobalada maqan ee Puntland.

 

Ka qeybgalayaasha oo ka yimid dalacada aduunka ayaa ugu dambeyntii isku raacay doorashada cid fulisa qodobadan, waxaana hogaamiya looga dhisay Saleemaan Ciise Axmed (Xagla toosiye), oo ahaa Musharaxii la tartamay Jeneraal Cabdisamad Cali Shire, halka Kuxigeena loogu doortay G/sare Cali Xasan Axmed,waxaana labadaba lugu dhaariyey madashii ay ka dhacayeen wada xaajoodyadan.

 

Shirka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Siyaasiin ka soo jeeda Puntland, Xildhibaano iyo dad taageersan qadiyada Puntland ee ku dhisan midnimada Soomaalida, waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Aaden Gabyoow, Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) iyo Siyaasiin kale oo aad uga soo horjeeda heysashada Somaliland ee gobalka Sool.

 

Isimada ka soo jeeda gobaladaas ayaa sidoo kale joogay madashan oo uu hogaaminayay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah hogaanka Isimada gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana dhamaantood ay isku raaceen mawqifka soo celinta magaalada Laascaanood oo ay hada gacanta ku hayaan Maamulka Somaliland.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

AllPuntland: Laascaanood oo ka maqan gacanta Puntland 2 sanno, Faragalinta Itoobiya ee Sool &Dhinacyada gobalka isku haya hada xaaladooda……Warbixin dhinacyo badan leh…….

 

Puntland oo laga qabsaday magaalada Laascaanood, kama muuqdo dardar xoog leh oo ku aadan soo laabashada magaalada Laascaanood

 

 

16. oktober 2009

 

 

 

Garoowe(AllPuntland)- Magaalada Laascaanood oo ah xarunta gobalka Sool ayaa sannadkii labaad ay u ahayd shalay oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka socda Maamulka Somaliland,kuwaas oo ka qabsaday ciidamada Puntland sannadkii 2008-dii, markaas oo xoog Somaliland ku qabsatay deegaanadaasi.

 

Maamulka Somaliland ayaa hada magaaladaasi ka wada dadaalo ku aadan hirgalinta nidaamyadooda, inkastoo ay ku adkaatay Somaliland in ay si rasmi ah uga hirgalayaan gobalkaasi adeegyada iyo mawqifyada ay ubaahan yihiin,maadaama ay shacabka badankoodu diidan yihiin Maamulka Somaliland.

 

Puntland oo laga qabsaday magaalada Laascaanood, kama muuqdo dardar xoog leh oo ku aadan soo laabashada magaalada Laascaanood,inkastoo ay Warbaahinta Soomaaliya laga maqlo hadalada ay is dhaafsanayaan dhinacyadan.

 

Madaxdii hore iyo wixii ay ku waayeen Kalsoonida Shacabka…

 

Xukuumadii Madaxweyne Maxamuud Muuse Boqor oo laga qabsaday magaalada Laascaanood, ayaa weyday kalsoonida shacabka Puntland, markii la qabsaday magaalada Laascaanood,waqtigii lugu jiray doorashadii Madaxweyne-nimada Puntland, waxa ay dadku aad usoo dhaweynayeen fikrad kasta oo dib loogu soo celinayo magaalada Laascaanood.

 

Howshii lugu galay doorashada & Balan qaadkii Faroole iyo C/samad.

 

Musharaxiintii utaagnaa in ay noqdaan Madaxda Puntland, waxa ay jaanis weyn ka heleen qabsashadii Laascaanood, waxa ayna ahayd Madaxda Puntland ee hada qodobadii ugu weynaa ee ay ku soo baxeen Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu hada jooga, kalsoonida laga qabay in ay dib usoo celiyaan deegaanada ka maqan Puntland, dad badan ayaa rumeysan in aysan uga soo bixin sidii ay rabeen,hadana dawladda ayaa leh dadaal ayaa socda.

 

Masuuliyiinta Puntland ugu sareysa ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin dadaalo ku aadan sidii magaaladaasi dib loogu soo celin lahaa gacanta Puntland, balse fikradaasi ayaa noqon mid talaabadeedu ay muuqato, marka laga yimaado hadalada ay ka jeediyeen Warbaahinta.

 

Siyaasiinta aad ula socda xaaladaha magaalada Laascaanood iyo hanaanka Siyaasadeed ee Puntland ayaa cabiraya in ay Madaxda dawladda ee Puntland ay ku jiraan howlo kale, oo aysan baryaha dhow usoo jeedin xaaladaha magaalada Laascaanood, ayna ka hor marin doonaan xaalado kale.

 

Difaacayaasha Madaxda dawladda ee hada.

 

Saraakiisha difaacaya dawladda Puntland ayaa xaqiijinaya in aysan dawladdu wali heysan ciidamadii loo baahnaa, ayna dhowrayso baaqyo nabdeed oo ay udirtay Maamulka xooga ku jooga gobalka Sool, waxaana ay sidoo kale sheegeen in ay lagama maarmaan tahay in latashiyo lugu wajaho xaalada gobalka Sool.

 

Dadka rayidka ah ayaa aaminsan in ay Madaxda dawladda Puntland ee hada xilalka haya, ay ka soo bixi waayeen balantoodii ku aadanaa arrimaha soo celinta gobalada ka maqan Puntland, ayagoo xaqiijinaya in aysan socon wax horumar oo ku wajahan deegaanada ka maqan Puntland.

 

Somaliland iyo Laascaanood.

 

Somaliland ayaa bilowday canshuur qaadid ay ka bilowday magaalada Laascaanood, taasoo oo ay ku dooneyso in ay horay ugu dhaqaajiso adeegyadeeda ku aadan dhanka Maaliyada iyo xoogeysiga habka Maamul ee Somaliland, hadana ilaa hada dadka Laascaanood uma dhaqaaqin ka dhabeynta in ay bixiyaan habka lacagaha Canshuuraha oo ay bixiyaan.

 

Itoobiya iyo xaaladaha Sool.

 

Dawladda Itoobiya oo xiriiro la leh Maamulada Puntland & Somaliland ayaa ka biyo diidsan dagaalo ka dhaca gobalkaasi, waxa ayna madaxda labada dhinacba usoo jeediyeen in aysan marnaba udhaqaaqin dagaalo ku aadan xaaladaha Sool.

 

Siyaasiinta Puntland ee aadka ula socda xaaladaha Laascaanood, waxa ayna ku eedaynayaan Madaxdii hore ee Puntland oo ay qaarkood ku jiraan Madaxda maanta xilalka haysa in ay Itoobiya ka aqbalaan dagaalo aan ka dhicin Sool, taasoo ay mid xun uarkaan dadka gobalada Puntland.

 

Itoobiya ayaa xiriir wanaagsan laleh Somaliland, isla markaasna waxaa ka dhaxeeya Iskaashi dhinaca amaanka ah, ayadoo wararku ay sheegayaan in ay taageerto ciidamada Somaliland oo ay ka taageero dhanka saadka, ayna ciidamada Somaliland hada ay ku joogaan gobalka Sool, xaalad Siyaasadeed oo ka weyn Somaliland, taasoo la aaminsan yahay in ay wadato dawladda Itoobiya, oo aaminsan in ay gobalkaas maraan Jamhadaha ka soo horjeeda hanaankooda Maamul oo ay ula jeedaan ONLF.

 

Madaxda Puntland iyo tagidoodii Addis Ababa.

 

Madaxweynaha hada ee Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Sheekh Maxamuud iyo Kuxigeenkiisa Jeneraal C/samad Cali Shire horayna u ahaa taliye kuxigeenkii ciidamadii Daraawiishta Puntland ee laga qabsaday Laascaanood, ayaa tagay Itoobiya marar kala gedisan, waxa ayna kala hadleen dawladda Itoobiya arrimahaasi sida ay xaqiijiyeen labadooduba.

 

Dr. Faroole ayaa shaaciyey markii uu ka yimid Itoobiya, in uu la kulmay RW Itoobiya Meles Zanewi, uuna Meles ka codsaday in aan dagaal lugu wajihin xaalada Laascaanood, oo ay labada dhinac dhinaca nabadgalyada umaraan, taasoo uu sheegay Madaxweyne Faroole in uu soo jeediyey mawqifkiisa ku aadan in deegaanada Puntland ilaalintoodu tahay mid ku wajahan dastuurka Puntland, uuna ku dhaartay sidii loo soo celin lahaa magaaladaasi.

 

Laakiin Madaxweynaha ayaan ka gaabsaday in uu shaaciyo wararka sheegaya in ay jiraan siyaasiin udhalatay Puntland oo saxiixay in aan dagaal lugu qaadin Sool, wuxuuna Madaxweynuhu ka war-wareegay waqtigaas shaacinta arrintaasi.

 

Jeneraal C/samad Cali Shire Shalay,taliye kuxigeenka ciidankii laga qabsaday Lascanod, maantana ah Madaxweyne kuxigeen..

 

Madaxweyne kuxigeenka Jen. C/samad Cali Shire oo isaga si gaar ah loogu leexiyo xaalada Laascaanood, maadaama uu dawladda Puntland ka soo galay gobalka Sool, uuna ahaa waqtigii la qabsanayay Laascaanood taliye kuxigeenkii ciidamadii Daraawiishta Puntland, ee maalintaas ku jiray dagaalka.

 

Jeneraalka ayaa marar badan sheegay in ay soo celin doonaan Laascaanood, laakiin hadalka Madaxweyne kuxigeenku ma noqon mid gaaray halkii looga baahnaa, sida ay rumeysan yihiin dadka dhaliila waxqabadkiisa, sidoo kale siyaasinta dhaliilayaa ay sheegayaan in uusan ka soo bixin balantii uu qaaday markii la doortay, sida ka muuqatayna qorshihii uu ku soo galay tartanka doorashadu uu ahaa soo celinta magaaladaasi.

 

Taageerayaasha C/samad ayaa sheegay in ay jiraan siyaasado hoose oo ku aadan soo celinta Laascaanood, waxaana lasheegay in uu Jeneraalku markii uu booqday dalka Itoobiya, ay Addis Ababa usoo jeedisay mawqif ah in aan la wareerin magaalada Laascaanood, isagoo APL arrintaasi uga jawaabayay markii uu dalka dib ugu soo laabtay kana yimid dalka Itoobiya sannadkan bartankiisii, wuxuu ku sheegay in uusan waxba tafaasiil ah ka bixineyn arrintaasi.

 

Sidoo kale taageerayaashu waxa ay sheegayaan in aysan dawladdu wali jaanis weyn uhelin oo ay uga tashato arrimahaasi ama ay ku wajahdo ayna ku howlan tahay xalinta mashaakilaad ka jira gudaha Puntland.

 

Waxa lafilayo labo sanno oo ay Laascaano maqan tahay ka dib.

 

Dadka Puntland ayaa shalay oo ahayd 15-October-2009, waxa ay uahayd sannadkii labaad oo ay gacanta Puntland ka maqan tahay, magaalo shacabkeedu wax ka dhisteen dawladda Puntland ee maanta jirtaa, waxa ayna sheegeen in ay doonayaan in baarlamaanka Puntland oo 31-October-09, kalfadhi ku leh Garowe ay lagama maarmaan tahay in ay uyeeraan Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayna su’aalo ka weydiiyaan xaaladahaasi.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

The leadership of Puntland should realize that their stance and attitudes towards the formation of the Northland State will form the basis of any future relationship between the two states.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by *hatu*:

Gaarisa, Koonfur Galbeed, Jamhuuriyadda Soomaaliya

Likewise :D

 

However yours needs a bit of work.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by *hatu*:

oooh and want work do you have in mind? Bal share garee
:D

The Kikuyu boot on your head should give you plenty of inspiration.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by me:

The
leadership
of Puntland should realize that their stance and attitudes towards the formation of the Northland State will form the basis of any future relationship between the two states.

As usual hot air from the same pretender, adeer, can you explain to us what has been formed here? Is it a lobby, a new admin, a new state, what exactly was formed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by General Duke:

quote:Originally posted by me:

The
leadership
of Puntland should realize that their stance and attitudes towards the formation of the Northland State will form the basis of any future relationship between the two states.

As usual hot air from the same pretender, adeer, can you explain to us what has been formed here? Is it a lobby, a new admin, a new state, what exactly was formed.
This is not a discussion but an advice. The stance that Puntland takes against the formation of the Northland State will form the basis of any future relationship between the two states.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Puntland has no stance and should never oppose a local pressure group who's aim is to help the state of Puntland at the expense of the secessionist. It was clear from the meetings press release above the community still believe they are part of Puntland. Now what is your point again?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this