Sign in to follow this  
General Duke

146 MP's meet in Nairobi+ President Yusuf in Uganda+ Sudan, Ethiopia Egypt meeting

Recommended Posts

Kulan Xubnaha baarlamaanka ee ku sugan Nairobi isugu yimaadeen oo dib loo dhigay ka dib markii.......

Posted to the Web Apr 22, 17:22

 

 

Nairobi:-Kulan Xubnaha baarlamaanka ee ku sugan Nairobi isugu yimaadeen Hotelka Sagret Hotel ee magaalada Nairobi galabta 4:00 pm,kaasoo ay ka soo qaybgaleen 146 Xildhibaan oo ka tirsan Xubnaha baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliyeed ayaa dib loo dhigay ka dib markii Bethuel Kiplagat oo ahaa u qaybsanihii Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida iyo Guddoomiyihii Gudiga Fududaynta IGAD ee Shirkaas isagu ka codsaday Xildhibaanadii halkaasi isugu yimid inay baajiyaan kulankooda si loo middeeyo aragtiyada lagu kala gadisan yahay ee ku aadan dib u guuritaanka dalka gudihiisa.

 

kulanka Xubnaha baarlamaanka ayaa waxay ahayd in lagu lafaguro sidii qiimayn loogu sameyn lahaa xaaladda dalku marayo,Mashaariicda iyo Go'aamada Xukuummadda iyo Dhamaystirka dhismaha Golaha baarlamaanka,ayna doonayaan Xildhibaanadu sida ay sheegeen inay ku dhaqaaqaan ka soo bixitaanka Xilka loo doortay,iyagoo Xildhibaanadu si gacan taag ah ku aqbaleen codsigii uu soo jeediyey Kiplagat ka dib markii Xildhibaan Aadan Maxamed cali oo u hadlay Xubnaha baarlamaanka ku taliyey in shirka baarlamaanka la baajiyo oo la aqbalo dalabka Kiplagat.

 

Kiplagat oo isagu halkaasi hadal dheer ka jeediyey ayaa waxa uu sheegay inuu dhawaan socdaal ku soo maray dalalka Mareykaanka,Masar,Koonfur Afrika, iyo Nayjeeriya,islamarkaasna dhamaan dalalkaasi muujiyeen inay taageero u heelan yihiin Dawladda FKMG ah,hase yeeshee khilaafka ka soo shaacbaxay ee ka dhextaagan gudaha baarlamaanka iyo Xukuumadda ayuu ku tilmaamay mid u baahan in lagu xaliyo wada hadal,ayna ku dedaali doonaan inay farqiyada jira isu soo dhaweeyaan si looga mira dhaliyo guulihii laga gaaray shirkii dib u heshiisiinta soomaalida.

 

Betheul Kiplagat ayaa waxa uu la socodsiiyey Xubnaha baarlamaanka inay jirto kulan dhawaan isugu imaan doonaan Deeqbixiyaasha caalamka oo ku saabsan sidii dawladda looga caawin lahaa dib u guuritaanka,islamarkaasn uu ku rajo weyn yahay in kulankaas arrimo wax ku ool ah ka soo bixi doonaa,isagoo sheegay inay dhinaca kale jirto sidii lagu buuxin lahaa kaalintii Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr.Tubman oo hawlgab noqday,ayna socdaan dedaal lagu soo magacaabi doono Wakiil Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya oo ah shaqsi noqon doona mid leh khibrad dheeraad ah.

 

Isagoo ka hadlayey ciidamada nabad ilaalinta ah ee la keeni doono dalka ayaa waxa uu sheegay in magaca ciidankaas isticmaali doono noqon doono Ciidamada badbaadinta,kuwaasoo dhaqaalaha ku bixin doono ku deeqi doonaan Jamciyada Qurumaha ka dhaxaysa iyo Beesha caalamka.

 

Ugu dambeytii ayaa Kiplagat ku ammaanay dadka Soomaaliyeed in ilaah hibo u siiyey inay khilaafaadka soo dhexmara uga gudbaan iscafis iyo wada hadal ku dhisan samir iyo dulqaad,isagoo ka codsaday Xildhibaanada inay ku dedaal taabo galinta heshiiskii la gaaray.

 

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa ayaa kulankaas goor dambe soo gaaray,iyadoo warar hoose sheegayaan inuu halkaas u yimid sidii uu u guddoomin lahaa kulanka baarlamaanka,waxayna warar madaxbanaan tilmaamayaan inay IGAD iyo Beesha caalamku wadaan dedaal ah in lagu dhexdhexaadiyo Xubnaha sar sare ee Dawladda FMKG ah.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masar,Sudan iyo Itoobiya oo shir gaara ka yeeshay arinka Soomaaliya

Posted to the Web Apr 22, 01:12

 

capt.sge.hqw22.170405174237.photo00.phot

 

Qaahira:-Kadib markii uu shirkii madaxda dowladaha ku bahoobay Nibad ee Africa, kasoo uga socday magaalada Sharmi Al- Sheekh ee dalka Masar oo shalay halkaa ku dhamaaday ayaa waxaa ay yeesheen shir gaara wadama Masar, Sudan, iyo Ethopia shirkaas oo ay kasoo qayb galeen madaxda sedexda dal ayaa waxaa looga wada hadlay arima dhawra oo markaa ay ka mid ahayd arinka Soomaaliya iyo sidii sadexda dowladood ay ugu wada istaagi lahaayeen hal mawqif oo midaysan waxii ku saabsan arinka soomaaliya.

 

Shirkaas madaxda sadexda dal markii uu dhamaaday ayaa waxaa ay qabteen Wasiirada Arimaha Dibada ee sadexda dali war-saxaafadeed waxaana hadalka ku horeeyey Wasiirka Arimaha dibada Masar Axmad Abul-qayd kana hadlay in madaxda wadamada ku bahoobay Nibad ay si gaara uga wada hadleen arimaha Soomaaliya.

 

Wasiirka arimaha Dibada ee dalka Masar ayaa mar ay saxafadu waydiisay waxa ay ka wada hadleen ayuu yiri:arinka Soomaaliya ayaa ugu waynaa arimaha laga hadlay waxaana aanu isla soo qaadnay sidii dowladahaygu uga tageeri lahaayeen sidii ay DKFS ay dhakhso wadanka ay ugu guuri lahayd isla markaana aanu ugu gudbin lahayn waxii tageero ah ee dhanka ciidanka iyo nabad galiyada ku aadan , arimahaas oo dhan ayaanu isla meel dhignay, waxaana aanu ka yeelanay wada hadal qota dheer waxaana aanu ku raja waynahay ayuu yiri in ay somalidu dib u fekeraan arimahoodana ay xalistaan markaa ayaanu anagu noqon karnaa dad wax tari kara, oo ka taageera wax kasta oo ay baahidoodu tahay.

 

Wasiirka Arimaha Dibada ee wadanka Suudaan ayaa isagu si gaara wuxuu farta ugu fiiqay oo uu sheegay in ay kala tashadeen dowladda Ethopia dhanka Ciidanka ay u diri doonaan Soomaaliya iyadoo isla markaana aanu isla garanay in ay ciidanka Suudaan ay ka helo doonaan kuwa Ethopia tageero waxii ay uga baahdaan isla markaasna wasiirku ma faah faahin tageerada ay uga baahan karaan dhinaca Ethopia .

 

Dhanka kale Raysul-Wasaaraha dalka Ethopia Meles zenawi ayaa mar uu u waramayay tv. laga leeyahay dalka Masar oo lagu magacaabo chanelka kowaad ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya oo aan dowlad laheyni tahay khatarta ugu wayn ee Ethopia ku soo fool leh isagoo markaa sheegay in maanta ayan Ethopia wax la hari doonin si ay Soomaaliya ay u noqon lahayd dowlad xoog ku leh dalkeeda, iyadana nabad kula nool.

 

Mar la waydiiyay Meles zenawi in ay ciidan u dirayaan Soomaaliya iyo inkale ayuu sheegay in ay dalab ka haystaan dowldada Soomaaliya ayna ciidan udiri doonaan, lakiin ayuu yiri waa marxalad dame, oo waxaanu aan hada aanu tageeri doonaa ayuu yiri ciidamada Suudaan iyo Ugaadha oo uu sheegay in ay dhawaan gali doonaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Isha Wararka:Joornaalka Ahram, Sharqal-Awsat,iyo TVga dalka Masar

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masar, Sudan iyo Ethopia oo shir gaara ka yeeshay arrinka Soomaliya

 

sudan_masar_itobiya_sharma1.JPG

Cairo :- Kadib markii uu shirkii madaxda dowladaha ku bahoobay NIBAD ee Africa, kasoo uga socday magaalada Sharmi Al Sheekh dalka masar oo shalay halkaa ku dhamaaday ayaa waxaa ay yeesheen shir gaara wadama Masar, Sudan iyo Ethopia.

 

Shirkaa oo ay kasoo qayb galeen Madaxda sedexda dal ayaa waxaa looga wada hadlay arrima dhawra oo markaa ay ka mid ahayd arrinka Soomalia iyo sidii sadexda dowladood ay ugu heli lahaayeen hal mawqif oo midaysan waxii ku saabsan arrinka Soomaliya.

 

Shirkaa madaxdu markii uu dhamaaday ayaa waxaa ay qabteed wasiirada arrimaha dibada ee sadexda dal.

 

Wasiirka arimaha dibada ee Masar Mr.Axmad Abul Qayd ayaa mar ay saxafadu waydiisay waxa ay ka wada hadleen ayuu yiri, arrinka Soomaliya ayaa ugu waynaa arrimaha laga hadlay waxaana aanu isla soo qaadnay sidii dowladahaygu uga tageeri lahyn in ay dhakhso wadanka ugu guurto isla markaana aanu ugu gudbin lahayn waxiin tageero ah ee dhanka ciidanka iyo nabad galiyada ku aadan..." ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada ee Masar.

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "....arrimahaas oo dhan ayaanu isla meel dhignay waxaana aanu ka yeelanay wada hadal qota dheer waxaana aanu ku raja waynahay in ay somalidu dib u fakaraan arinkoodana u xaliyaan markaa ayaanu anagu noqon karnaa dad wax tari kara.....".

 

Wasiirka arimaha dibada ee Sudan ayaa isagu waxaa uu sheegay in ay kala tashteen Ethopia ciidanka ay udiri doonaan Soomaliya iyadoo isla markaana aanu isla garanay in ay ciidanka Sudan ay ka helo doonaan kuwa ethopia tageero waxii ay uga baahdaan isla markaanba wasiirku ma faah faahin tageerada ay uga baahan karaan Ethopia.

 

Dhanka kale Ra'iisul wasaraha dalka Ethopia ayaa mar uu u waramayay TV-ga dalka Masar ee No.1 ayaa waxaa uu sheegay in Soomaliya oo aan dowlad lahayni tahay khatarta ugu wayn oo Ethopia ku fool leh isagoo markaa shegay in maanta ayan Ethopia wax la hari doonin si ay Soomaliya ay u noqon lahayd dowlad xoog ku leh dalkeeda iyadana nabad kula nool.

 

Mar la waydiiyay in ay ciidan u dirayaan Soomaliya ayuu sheegay in ay dalab ka haystaan dowldada Soomaliya ayna ciidan u diri doonaan lakiin ayuu yiri waa marxalad dame oo waxa hada aanu tageeri doonaa ayuu yiri ciidamada Sudan iyo Uganda oo uu sheegay in ay dhawaan gali doonaan dalka Soomaliya.

 

Waxaa sidoo kale ka dhacay magaalada Sharma Al Sheekh kulan dhexmaray hogaamiyaasha Masar iyo Itoobiya ee Ato Meles Zenawi Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Xusni Mubaarak Madaxweynaha dalka Masar.

 

Kulankaasi oo sidoo kale lagu soo qaaday xaalada Soomaaliya iyo dowlada cusub ee Somaliyeed ee lagu dhisay dalka Kenya.

 

Dalalka Masar iyo Itoobiya ayaa kamid ah dalalka sida weyn Siyaasada Soomaaliya u daneeya isla markaana mararka badan ku kala duwan sidii lagu xalin lahaa arrinta Soomaaliya

 

Labada dowladood ayaa muujiyey sida ay usoo dhaweenayaan natiijadii shirkii labada Sano ka socday dalka Kenya iyo dowlada halkaasi lagu dhisay ayagoo markaa sheegay in dowlada Soomaaliyeed u baahan tahay inay ka hawl gasho dalka gudahiisa.

 

 

Al Ahram, TV No1, Sharqul Awsat + HorseedNet

Cairo, Egypt

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi:Kulan ay maanta isugu yimaadeen 146 xildhibaan oo dib loo dhigay codsi ka yimid Amb.Kiplagat darteed

- Friday, April 22, 2005 at 17:14

 

Nairobi(AllPuntland)-Xildhibaanno gaarayey 146 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay galabta kulan isugu yimaadeen Sacret hotel oo ku yaal magaalada Nairobi.

 

Kulankaan ayaa ajendaha lagaga hadlayey waxa uu ahaa:

 

1-Qiimaynta Xaaladda Guud ee dalku marayo

 

2-Mashaariicda iyo Go'aammada Xukuumaddu soo gudbiso

 

3-Dhammaystirka Dhismaha Golaha Shacabka.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaan isagu soo xaadirin madashaas,waxaase goor danbe halkaas yimid oo gudaha Hotelka soo galay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Cumar Dalxa,oo sida cad ay u qorshaysnayd inuu guddoomiyo kulankaas.

 

Markii uu furmay kulanku 4:00 galabnimo ayaa waxaa ugu horrayn halkaas hadal dheer ka jeediyey Ergaygii gaarka ahaa ee dalka Kenya u qaabilsanaa shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ahaana shirguddoonkii Guddiga Fududaynta IGAD Amb.Betheul Kiplagat oo isagu marti u ahaa shirkaan ,waxana uu ka soo warramay booqasho uu ku tegey dalal dhowr ah oo Afrika iyo caalamka ka tirsan oo dhammaantood aanu kala soo hadalnay buu yiri arrimo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed,inkastoo ay jireen waxyaabo xildhibaanada dhexdooda ka dhex dhacayna haddana ma maqal ayuu intaa ku daray cid leh yaan Soomaalida wax loo qaban.

 

Kiplagat waxa uu sheegay in dhowaan shir ka dhici doona Nairobi oo ay yeelan doonaan beesha caalamka iyo dalalka deeqda bixiya lagaga wadahadli doono sidii dawladda cusub dib loogu celin lahaa dalka,isagoo hadalkiisa ku soo qaatay in Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobey Kofi Annan uu ka fekerayo haatan cidda lagu bedelayo ergaygii khaaska ahaa ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsanaa ee Winston Tubman oo xafiiska banneeyey si loo soo celiyo kaalintii ay Soomaaliya caalamka kaga jirtey.

 

Ciidammada loo dirayo Soomaaliya ayuu sheegay in hore loogu magacaabayey Ciidammo nabad ilaalin ah balse haatan loo bedelay Ciidammada Badbaadinta Soomaaliya.,waxana uu Amb.Kiplagat ka codsaday xildhibaanadii halkaas fadhiyey inay is cafiyaan oo gacmaha isqabsadaan midoobaanna,isagoo Soomaalida ku ammaanay inay yihiin dad si kastoo ay isu jiid jiidaan oo xitaa marmarka qaarkood gacmaha isu qaadaan dad markaas heshiiya oo ilooba dhibtaas ka dhex dhacday ,sidaa darteedna looga baahan yahay in la iska iloobo xurgufaha yar yar ee ka dhex jira baarlamaanka dhexdiisa.

 

Ugu danbayntiina Amb.Kiplagat waxa uu ka codsaday xildhibaanada inay kulankaan maanta dib u dhigaan isagoo sheegay sababta uu u soo booqday inay tahay codsigaas si loo meel mariyo waan waan iyo heshiisiin ay wadaan oo aanaan doonayn annaga IGAD ah in wax naga xumaadaan ayuu yiri.

 

Markaas ka dib Xildhibaanadii goobtaas fadhiyey ayaa sacabka u garaacay ,iyadoo Xildhibaan Aadan Maxamed Cali oo hadalka qaatay uu caddeeyey inay ka aqbaleen codsiga Kiplagat oo shirka hakinayaan,waxaana la filayaa inay kulankaan oo maanta muujiyey inay xildhibaanada ku sugan Nairobi ka go'an tahay inay qabtaan oo weliba caddad aad u farabadan oo buuxiyey Kooramkii loo baahnaa ay halkaas soo xaadireen inay maalmaha soo socda qaban doonaan.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

AllPuntland,Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliyeed ayaa u kicitimaya Dalka Ugaandha

Posted to the Web Apr 22, 17:42

 

 

Nairobi:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nayroobi ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed uu qorsheynayo safar uu dhowaan ku tego doono dalka Ugaandha.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa uu la kulmi doonaa madaxweynaha dalka Ugaandha Yuweri Musafeni, isagoo kala hadli doona arrimo khuseeya nidaamka dowladda Federaalka KMG ah oo beryahan danbe ay hareeyeen khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay.

 

Warku wuxuu intaas ku darayaan in Labada Madaxweyne ay ka wada hadli doonaan nidaamka ugu haboon ee Soomaaliya ciidamo lagu geyn karo, maadaama ay soo baxayaan cabashooyin badan oo dhinaca Soomaalida ka imaanaya oo ka soo horjeeda in dalka Soomaaliya la geeyo ciidamo dowladdaha safka hore ka mid ah.

 

Dowladda Ugaandha ayaa ka mid ah dowladdaha Afrikaanka ah ee qoondeeyey in ciidamo nabadgelyada ilaaliya oo la geeyo dalka Soomaaliya.

 

Isha Warka:Radio Midnimo

Daabacaada:Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ina yeey always goes to battle when he knows that he has enough resources to humiliated other parties that’s why ina yeey our men from jariiban goes back and forth to secure enough resources to save his presidency becuz the boy’s from Mogadishu will crush his entire programme for Somalia if he comes to south of Somalia right now

By the way it seem that our shariif isn’t going anywhere this day's what happened to his great trip to our capital Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Its important to note that war is not the answer nor I hope will it happen in the new Somalia.

 

The warlords have no support, they have guns but no support and have no alternative to the cabinet plan. The FT are ready as the report above highlights. Sudan, Egypt and Ethiopia are now united on the Somali issue and have jointly sent a strong and clear signal, that they are in support of the government.

 

We wait and see.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We have waited for 15 years my dear brother. A little more time to get things ready will not be too much for the ever patiant Somali's.

 

Insha Allah all will be well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A little more time to get things ready will not be too much for the ever patiant Somali's.

 

 

Duke, that’s a sensible point but the old man has lost a lot of momentum by staying Nairobi. Traveling only gives the impression of a weak and indecisive president who’s hesitant to face and confront the harsh realities on the ground. Mark my words the more he and his government stay out side of the country the more the opportunistic warlords get emboldened and heartened. Placing his eggs in a one basket (TF) is not a encouraging sign either.

 

The irony though is the man whose sole qualifications was his strength and unfaltering character seems to have concluded that he couldn’t move a finger without the landing of foreign troops.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I do understand why he has requested FT because we all know his colleagues do not have any intentions of handing their militia's over. But i do wonder how long one can plan, he needs to implement those plans before people start taking his government as a big joke mind you some already think so.

 

As they say actions speak louder than words! He seems to be saying the right stuff so far but he immensely lacks the action

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin

Indeed some good points. If we take a holistic picture of the last 6 months one will see that things are not as dire as some would have us believe. For example on the whole the government’s executive wing is united, most of the ministers, PM and President are singing from the same song sheet. There is an opposition group forming which itself a development expected and one which is not all the whole negative. The FT issue is important one, how else could we disarm, look at the problems facing the so-called strong men of Mogadishu, due to lack of trust and even influence they have not managed to take any tangible steps and keep resorting to the same rhetoric and tactics we have all come to know of them.

 

Last news I received was that the FT troops are ready and IGAD has shown allot of determination, maturity and unity on the issue. The issue of strength is not sending clan troops to fight other clan troops but to stick to the vision of disaramament and the creation of a unified army. That is the reason why we need impartial troops from any country to help create an atmosphere where the government institutions are respected and trusted. The opposition have used up all their cards, Shariff Xasan, blaming real or imagined foes and using the usually effective clan cards. So far not much has changed on the ground.

 

When change comes it is neither sudden nor slow but it lasts. Somalia did not self destruct overnight it took years of erosion. It wont come around it will take time. The Yusuf/Geedi government is about one issue security and so far they have not negotiated on that nor tried to dilute it as some would have.

 

C-Flow.

Action is louder than words, but acting is not implementation. Sitting in Mogadishu won’t bring security; take the example of Abdiqasin and his Carta. Depending on a single clan won’t bring back unity, take the example of Ali Mahdi and Aydeed. Isolation won’t bring recognition and strength, take the example of Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by General Duke:

Action is louder than words, but acting is not implementation. Sitting in Mogadishu won’t bring security; take the example of Abdiqasin and his Carta. Depending on a single clan won’t bring back unity, take the example of Ali Mahdi and Aydeed. Isolation won’t bring recognition and strength, take the example of Somaliland.

Hence the planning of invading of areas controlled by his nemises with Foreign troops and those loyal to him under the description of dis-armament is answer in your logical and only solution right. Well think again sxb, cause this wont work, infact to be precise it aint working.

You mention 146 MP's, considering your figure is genuine dont you think the absence of 129 MP's and who are opposed to the current conduct and way of Government under Yeey says volumes of the distortion and divison that is within the TFG at this moment. No mentioning that neither the Speaker of Parliament or any of his assistants were present in the said meeting.

Mr.Duke for failing to see the failures of this government prooves you are sick to the core of tribalism. And that you are blind to reality if you in your understanding believe that it will achieve anything at its current status of animosity.

Saxiib ada ciirka roob ku og... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this