Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: explosives cell found telecom firms closed

Recommended Posts

Muqdisho: Maamulka G.Banaadir oo gacanta ku dhigay goob iyo rag farsameynayey waxyaabaha qarxa amrayna in la xero shirkaddaha Hormuud iyo Telcom

8. July 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen xarun lagu farsameynayey waxyaabaha qarxa iyo afar qofood oo arrimahaasi ka shaqeynayey isla markaana sheegay in dhawaan sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo soo taagi doono.

 

Md. Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) Guddoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa arintan maanta kaga hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Taliska ciidanka Booliska isagoo halkaasina ku soo bandhigay qaar ka mid ah hubkii ay laga farsameynayey waxyaabaha qarxa oo uu sheegay iney isugu jireen rasaasta sabanada oo biro iyo masaamiir laga buuxshay iyo qalab kale oo ka mid ahaa haraadigii diyaarad dhawaan ku soo dhacday duledka magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kale Maxamed Dheere ayaa sheegay in in maamulka gobolka Banaadir uu amray in maanta albaabada loo laabay xarunaha shirkaddaha isgaarsiinta Hormuud iyo Telcom isagoo sheegay in shirkadda Hormuud qeybteeda Huriwaa dhowr jeer halkaasi rasaas xoogan looga soo furay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya isla markaana ay goob u aheyd kooxaha weerarada gaadmada ah ka wada deegaanadaasi, sidoo kale shirkadda Telcom ayaa iyaduna lagu eedeeyay markii la amray in ay hubkooda soo dhiibaan ay soo wareejiyeen afar qori oo kali ah baaritaan uu maamulka gobolka ku sameeyayna xaruntaasina uu sheegay Maxamed Dheere in laga helay hub, qoryo, rasaas iyo waxyaabaha qarxa, wuxuuna amray in la xero maanta shirkaddahaasi.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkadaha isgaarsiinta Hormuud iyo Telecom oo irdaha laysugu dhuftay

 

(WYNET)Muqdisho:-Waxa irdaha loo laabay shiradaha telefoonada ee Hormuud iyo Telecom, ka dib markii lagu eedeeyey in hub fara badan laga soo saaray gudohooda.

 

Dawlada FS ayaa amar ku bixisay in irdaha loo laabo labadan shirkadood iyagoo ku eedeeyey in shirkadahaan baaritaanadii hubka ee dawlada FS ay fulinaysay gudohooda laga soo saaray hub iyo waxyaabaha qarxa.

 

Shirkadahaan ayaa sida sheegtay DFS horay loogu wargeliyey inay soo diiwaan gashadaan wixii ay hub haystaan,waxaana mid ka mid ah shirkadaasi ay diiwaan gashatay inay haysato 3 qori halka shirkada kale ay sheegtay inaysan haysan wax hub ah.

Guud ahaan shirkadahaan ayaa dawladu sheegtay in loogu tegay hub iyo budooyin laga sameeyo waxyaabaha qarxa,waxaana adag in la kala saaro hub iyo ganacsiga magaalada Muqdisho.

 

Dhinaca kale shirkadaha ayaan iyagu weli wax war ah arintaan ka soo saarin,oo aan wax ka oran eedaymaha loo soo jeediyey.

 

Dadka arimaha u dhuun daloola ayaa sheegaya in dawladu marna aysan shirkadahaan ku faraxsanayn oo ay lahaayeen rag ka tirsanaa MMI taasina ay tahay sababta loo xirayaa ee aysan jirin wax hub ah loo laga soo saaray.

 

Si kastaba ha ahaatee arinta xariga shirkadahaan ayaa dharbaaxo weyn ku ah dad weynaha magaalada Muqdisho oo si weyn ugu xirnaa shirkadahaan oo kala go,ay dad ban oo ku xiriiri lahaa is gaarsiinta shirdahan.

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Goob qaraxa lagu sameyo oo la helay

8 Jul 8, 2007 - 4:42:25 AM

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo saakay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Taliska ciidanka Booliska ayaa sheegay in baaritaan iyo howlgalo ay sameeyeen ciidamada Booliska iyo kuwa nabadsugida ee gobolka ay gacanta ku soo dhigeen rag farsameynayey waxyaabaha qarxa oo xarun qarsoodi ah ku lahaa xaafada Beexaani ee degmada Shibis.

 

“Baritan dheer kadib waxaan gacanta ku dhignay goob lagu farsameynayey waxyabaha qarxa iyo farsameyaqaanadoodii, waxaana dhawaan soo taagi doonaa sharciga si loo marsiiyo waajibaadkooda” ayuu yiri Maxamed Dheere oo warbaahinta u soo bandhigay qaar ka mid ah qalabkii ka koobnaa waxyaabaha qarxa

 

Dhinaca kale Maxamed Dheere ayaa shirkiisa ku sheegay in albabada loo laabay xarumaha shirkaddaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Telcom qeybtooda Huriwaa kadib markii uu Guddoomiyuhu ku eedeeyay in shirkadda Hormuud ay xaruntooda rasaas xoogan ugu soo rideen ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya isla markana ay goobtaasi aheyd meel keyd u ah ama gacan siisa kooxaha hubeysan ee nabad diidka waa sid auu hadalka u dhigaye.

 

Sidoo kale shirkadda Telcom ayuu sheegay Guddoomiyaha in markii la amray iney soo dhiibaan hubkooda ay keeneen afar qori oo nooca BKM-ka loo yaqaan balse markii baaritaan lagu sameeyay laga helay hub iyo rasaas aad u tiro badan taasoo mujineysa ineysan diyaar u aheyn wada shaqeyn dhex marta shirkaddaas iyo maamulka gobolka.

 

Ciidamada DFKMG ah ayaa baaritaano ka wadey goobo ka tirsan Muqdisho iyada oo ay magaalada ka dhacyaan qaraxyo iyo dilal la beegsanayo saraakiisha Dowlada.

 

Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda KMG ah oo shaacisay in la xiray xarumaha Hormuud iyo Talecom ee deg. Huriwaa.

Muqdisho, Axad, 08 July - 2007 [Radio Simba]

 

Wareegto maanta kasoo baxday dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxaa lagu amray Shirkadaha Hormuud iyo Telecom, in ay xiraan xarumahooda degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

 

Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa gudoomiyaha gobolka Banaadir Max'ed Dheere, ayaa waxaa sababta ka dambeysay arintaasi lagu sheegay kadib markii Hub goobahaasi laga helay.

 

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ahna agaasimaha waaxda war faafinta oo wareegtadaasi saxaafadda u aqrinaayay ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in shirkadahani lagu eedeynayo in aysan soo wareejinin hubkii hore loogu amray in ay soo wareejiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu:-(KP)Dowladda KMG ah oo shaacisay in la xiray xarumaha Hormuud iyo Talecom ee degmada Huriwaa Gobolka Banaadir

 

Wareegto maanta kasoo baxday dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxaa lagu amray Shirkadaha Hormuud iyo Telecom, in ay xiraan xarumahooda degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

 

Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa gudoomiyaha gobolka Banaadir Max'ed Dheere, ayaa waxaa sababta ka dambeysay arintaasi lagu sheegay kadib markii Hub goobahaasi laga helay.

 

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ahna agaasimaha waaxda war faafinta oo wareegtadaasi saxaafadda u aqrinaayay ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in shirkadahani lagu eedeynayo in aysan soo wareejinin hubkii hore loogu amray in ay soo wareejiyaan.

 

 

Xafiiska wararka ee Kismaayopost.com,Mogadishu,Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good move. I read an article lately that their also introducing auction and licensing of spectrum rights. This will improve the service for end-customers as well as provide solid telecom ventures for investors and entreprenurs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this