Sign in to follow this  
Suldaanka

Let the Games begin: Pictures from 2004 Somaliland regional sports competition

Recommended Posts

Qudhac   

Gobolka Awdal oo Wacdaro ku dhigay Gobolka Hargeysa 2:1 Gool.Sept/15/04

 

 

 

Hargeysa-(HWN)-Naadiga ku ciyaarayay magaca gobolka Awdal ayaa manta wacdaro ku dhigay naadiga ku ciyaara magaca Gobolka Hargeysa,markii ay ciyaar aad u xiiso badan oo dadweyne badan ay ka soo qayb galeen ay ku dhex martay Garoonka Hargeysa Stadium.

 

 

411399Hargeisa%20Team%20A2.jpg

 

 

Ciyaartan oo ahayd mid weerar iyo weera celis ayaa qaybtii hore ee Ciyaarta uu laad shabaga ku dhex dhigay Kubada Inanka lagu magacaabo Shactiroole oo ka mid ahaa labadi nin ee Dalka Spain u tagay tababarka la xidhiidha kubada Cagta lana soo kulmay Ronaldo iyo bahda Ciyaaraha ee Real Madrid,laakiin qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa xaaladi is bedeshay waxaana dardar aad u weyn la soo galay garoonka Naadiga Gobolka Awdal oo soo badhigay ciyaar aad u xiiso badan,waxaanay waxyar ka dib dhashadeen Goolkii u horeeyay,markii ay Ciyaartu bareejo noqotay ayaa xiisadii sii laban laabatay waxaana naadi kastaaba uu galay ciyaar xambaarsan weerar iyo Difaac,laakin Inamada Gobolka Awdal ayaa mar labaad hadana Gool qurux badan dhaliyay waxayna taasi keentay in ay Gobalka Hargeysa niyad jab ku noqoto,waxaanay halkaas Guushi ku raacday Gobolka Awdal.

 

 

200_awdale..JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

DAMMMM, WALAAHI THIS IS OFF THE HOOOOOOOOK..LOL

 

HEY SULDAANKA.. BY THE WAY WHERE ARE THE PICTURES OF THE SOOL FOOTBALL TEAM, SINCE THEY GOT TRASHED 3-0 BY TOGDHEER AND THEN 4-O BY HARGEISA LOL..CHECK IT OUT

Share this post


Link to post
Share on other sites

Corrections here:

According to Wareeggii Koowaad Ee Ciyaaraha :

 

Group A

Awdal, Hargeisa, Sool

Group B

Togdheer, Sanaag, Saaxil

 

Here is how next round's fixtures looks like:

 

Match A

Awdal vs Sanaag

 

and

Match B

Togdheer vs Hargeisa

 

 

BY THE WAY WHERE ARE THE PICTURES OF THE SOOL FOOTBALL TEAM, SINCE THEY GOT TRASHED 3-0 BY TOGDHEER AND THEN 4-O BY HARGEISA

They had no time for photos sxb...

Share this post


Link to post
Share on other sites

On one hand its raining, on the other hand Hargeisa lost the last match. lol Looks like I'll take the rain any day smile.gif

 

Suldaan finding the pic of Sool wasn't hard to find.

 

Notice the emblem of each region. lol Togdheer and their geel smile.gif :)Reminds you of the chants " geela, geela, geela, ....geela sidan ka daaya " :D:D

 

409397Sool%20Team2.jpg

 

 

And although this is only for the soccer tournament, this is the picture for Sool's basketball team. Check out the Wizard's jersey!

 

kooxsoo.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Xulka Gobolka Togdheer oo Sanadkii Sadexad soo istaagay Final ka Koobka kubada cagta Tartanka Gobolada Dalka Somaliland kadib markii ay Rigoolayaal kaga badiyeen Xulka Gobolka W/Galbeed

 

 

430damaashaadki%20togdheer.jpg

 

 

Hargeisa 18/9/004,(TogdheerSports.com), maanta waxa aanu la ciyaaraynaa Xul aad u adag oo ah Xulka Gobolka Hargeisa waxana aanu leenahay imika hal gool waxana aanu rajaynaynaa in aanu kabadin doono waayo waanu ciyaar naqaana Hargeisa, sidaa waxa yidhi Ciyaaryahan ka tirsan Xulka Gobolka Togdheer mr Yaasin Axmed Olol, hadaba ciyaartii maanta dhexmartay Xulalka labada Gobol ee Togdheer iyo W/Galbeed ayaa ahayd ciyaar aad uga kululayd ciyaarihii dhici jiray waxana la bilaabay xili aad u horeeysa waayo waxa ay ahayd ciyaar lagu kala baxayay oo aan la ogolayn in barbar dhac yimaado, hadaba waxa goolkii ugu horeeyay dhashaday xulka gobolka togdheer intii aan la bilaabin ayaanu dhow qof wax ka waydiinay ciyaarta waxana ka mid ahaa Gudoomiyaha Xidhiidhka kubada Cagta mr C/risaaq oo aanu waydiinay in uu ka faaloodo waxana uu yidhi, ciyaartani waa ciyaarihii ugu adkaa ee ina soo mara malaha waxa ka adkaan doonta oo kaliya ciyaarta final ka wana inagaa aragna in dee werar iyo werar celis ay tahay waxana aynu sugnaa waa cida guushu raacdo sheegina mayno cida aanu u malaynayno madama oo aanu nahay masuuliyiintii Tartankan, waxa kale oo aanu wax ka waydiinay sarkaal ka tirsan Xidhiidhka kubada Cagta Mr Mustafe Dago Dago

 

 

waxana aanu waydiinay sida uu u arko ciyaartan maanta, waxana uu yidhi walaahi dee labada kooxood waa laba kooxood oo xoog waawayn oo dee is ceshanaya waxana aynu odhan karnaa waxay ku kala baxaan waa nasiib uun balse haafkii danbe ayaa xulka gobolka hargeisa uu dardar muujiyay uu ku doonayo in uu ku keeno goolal balse waa ay kululaatay ciyaartii waxana ay noqotay mid ka sii adkaata tii haafkii hore balse waxa uu tobabaraha xulka hargeisa uu soo galiyay kadib markii ay canaani kaga timid xaga masuuliyiinta Ciyaaryahankii tobabarka mudada gaaban ku soo qaatay Dalka Spanish ka Casimadiisa Madrid mr Shactaroole waxana noo suura gashay in aanu waydiino bal in uu ciyaarta wax ka badali doono iyo inkale waxana uu yidhi sadan, waan ka badalayaa waxana aan ugu balan qaadayaa in aanu ka badin doono xulka Gobolka Togdheer intaa kadib waa uu galay 1 daqiiqo ka dib waxa uu keenay oo uu shabakha goolka togdheer galiyay goolkii bar bar dhaca, markiiba ciyaartii waa uu kululeeyay waxna waa uu kabadalay waxana uu isku dayay in uu keeno golal kale balse maa u helin wax kale oo jaanis ah ciyaartiina intaas ayay ku soo gabo gabo gabaysantay waxana sida caadiga ah la qabtay rigoolayaal waxana labada qoloba ay soo saareen min 5 ciyaartooy waxayna kala ahaayeen sidan

 

Gobolka Togdheer

Muuse Cismaan (11)

Yaasin Axmed Olol (7)

Xasan Cismaan Muuse (8)

C/risaaq Maxamed Diiriye (13)

 

Khadar Xassan Diriye (9)

 

Gobolka Hargeysa

 

Maxamed C/laahi (Cudha) (19)

 

Maxamed Cali Maxamed (5)

 

Aaden Maxamed Aaden

 

Maxamed Jaamac Maxamed (14)

 

Hadaba markii ay wada laagteen waxa kaliya oo Laga qabtay Ciyaaryahanka aanu ku muujinay khadka Cas ee maxamed c/laahi oo ka tirsan xulka Gobolka Hargeisa sidaas ayaanay ku dhamaantay waxa ay xulka Gobolka hargeisa aanay laagan halkii gool ee u danbeeyay oo markii ay xulka gobolka togdheer wada dhashadeen 5 ciyaartooy ayay iska daayeen madama aanu waxba u soo kordhinayn sidaas ayaana ciyaarii ay ugu badiyeen xulka Gobolka Togdheer 5-3.

 

 

429yaasin.jpg

 

 

Hadaba waxa is waydiin lah xulalka Gobolada Sanaag iyo Togdheer oo jaar ah ayaa mar labaadkii iskugu yimid final iyadoo sanadkii hore uu xulka Gobolka Togdheer ay ka badiyeen ayaa sanadkana la eegi cida badisa wana inoo sahan dabe in sha allah

 

C/rashiid haybe Cabdi

 

 

:D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Awdal and Sanaag (Sanaag won on penalties)

Togdheer and Hargeisa (Togdheer won on penalties)

 

Very tough matches, it could go either way... :D

 

Indeed, Sanaag team has proven last year's was not a fluke. They are a force to be reckoned with. :cool:

 

 

Congratulations to the finalist two Sanaag and Togdheer. May the better team win the competition. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Oh I hope that is the case.

 

Togdheer has great team, but still I think it's not nearly as good as Hargeysa. Yeah they beat us few times.

 

Sanaag has beaten them in '04 cup. I haven't been following the games ever since, so how are teams faired now?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yes, this certainly belongs the Sports section.

 

Will be moved to there.

 

NB, I missed in the old days of 'jaaw, Hargeysa, jaaw, jaad ma heynee, jaaw' when Waqooyi Galbeed teams arrived at Xamar stadium and was beaten. :D

 

And they had their own slogans too.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this