Sign in to follow this  
Jumatatu

Member of the fact finding mission jailed in P/land...!

Recommended Posts

Jumatatu   

War deg deg ah masuul ka tirsan gudiga xaqiiqa radinta ee baryahaan u kuur galaye xalada dalka oo lagu xiray gobolada Puntland

Masuul sare oo ka tirsan gudiga xaqiiqa radinta ayaa lagu xiray gobolada Puntland, masulkan ayaa ka soo jeeda gobolka Banadir tasoo la sheegaya xiridiisa in ay ka danbeyso xaga fikirka ah uu ka soo aruuriye gobolada dalka qaarkii uu soo maray kuwasoo inta badan ay ka horyimadeen kenista ciidamo safka hore ah khasatan dalka Itoobiya .

 

Xariga masulkaan oo magaciisa lagu magacaabo Cabdulaahi Sheikh ayaa ah mid dhabar jab ku ah maamulka Puntland oo sheegan jirey mid nabad ah qofkana aan loo firineynin heybtiisa ama meesha uu ka soo jeedo hadase u ekaday mid fakir qabiil ku shaqeyo.

 

Masuulka ayaa qabo in hubka la wada dhigo goboladana dalka si siman looga dhigi doona cida gooni u heysaneysana aysan jirin tasoo ay marnba ku fikireynin gobolada Puntland oo ayagu isku qaban qabinaye in ay hubka ka dhigaan meelaha kale ,tasoo aan marnba macquul noqoneynin madama ay Soomalidu qabiil qabiil isku dishay

 

Xariga ninkaan oo la shegaya in uu ka danbeeya Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra´´iisal wasare Cali Maxamed Geeddi oo ayagu wato dano gaar ah oo aan la ogeyn ayagoona masuuliyiinta kale ee ka tirsan gudiga xaqiiqa radinta siyey lacag laalusha ah kuwana u balan qaday Jagooyin sar sare in laga siinya DFKMG

 

Gudigaan xaqiiqa radinta ayaa soomaray gobolada Banaadir, Bay , hiiraan, Shabelada dhexe ayadoon aan logu geysan wax dhibata ah hor istageyso shaqadooda ama xuriyadooda marka waxaa isweydiin mudan maxaa wada kulan siiyey safarka Geeddi iyo Cabdulaahi Yuusuf ee Puntland iyo xariga masuulka sare ee xaqiiqa radinta ( Saca nasa adaga ah iyo werta maxaa kulmiyey )

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Qoyska siyaasiya Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa walaac ka muujinaya xariga mas’uul kaasi.

February 28, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Cabdiqaadi Cashar Nadaara. Muqdisho, Soomaaliya.

 

Qoyska siyaasiga Cabdulaahi Sheekh Xasan oo isagu ka tirsanaa guddiga xaqiiqo raadinta ee Midowga Afrika, dhowaana maamul goboleedka Punt-Land ay ku xireen magaalada Garoowe ayaa iminka walaac ka muujinaya xariga mas’uul kaasi, waxeyna uggu baaqayaan hey’addaha u dooda xuquuqda aadamiga iney markaasi ku cadaadiyaan maamul goboleedka Punt-Land in si shuruud la’aan ah u sii daayaan mas’uulka u xiran.

 

Cabdulaahi Sheekh Xasan waxuu ka mid yahay mas’uuliyiinta ururka USC/SSA garabka uu hoggaamiyo Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finishâ€, waxaana qabtey ciidamada maamul goboleedka Punt-Land, xili uu la socdey guddiga xaqiiqo raadinta ururka Midowga Afrika oo xubnihiiisa uu isagu ka mid ahaa.

 

Drs. Madiina Abuukar Axmed oo ah xaaska Cabdulaahi Sheekh Xasan oo saaka la soo xariirtey iddaacadda HornAfrik ayaa walaac ka muujineysa arrintaasi, iyadoo ka cod saneysa mas’uuliyiinta kale ee ka soo jeeda magaalada Muqdisho iyo hey’addaha xuquuqda aadamigaba iney u tafaxeytaan sii deynta Cabdulaahi Sheekh Xasan, oo ay sheegtay in si khalad ah lagu heysto.

 

Cabdulaahi Sheekh Xasan xarigiisa ayaa waxaa HornAfrik u xaqiijiyey wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Punt-Land Cabdirisaaq Yuusuf Cabdule “Geesoodâ€, isagoo sheegay inuu isagu la socdo in la qabtey Cabdulaahi Sheekh Xasan, haddana la sii daayey uuna ka mid yahay wafdiga ururka Midowga Afrika oo iyagu ka amba baxey dowlad goboleedka Punt-Land deegaanada ay maamulaan.

 

Hase ahaatee Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish†oo ah wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafka ee dowlada federaalka Soomaaliya isagoo jooga magaalada Nairobi, ayuu HornAfrik u sheegay iney la xiriireen wafdiga xaqiiqo raadinta xubnihii ka socdey oo iyagu iminka ku sugan magaalada Nairobi, waxeyna noo sheegeen buu yiri in dowlad goboleedka Punt-Land ay sheegeen Cabdulaahi Sheekh Xasan in loo qaadayo magaalada Muqdisho, maadaama isagu aanu ka mid aheyn wafdigii Nairobi dib uggu noqotey.

 

Cumar Finish waxuu sheegay xiridan iney kala xiriireen madaxda sare ee dowlada ee ku sugan Punt-Land in kastoo aaney ku helin taleefoonka, sida uu yiri madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Cali Maxamed Geedi.

 

Cumar Finish waxuu sheegay iney taleefoonka ku heleen xubno ka tirsan dowlada federaalka oo iyana ku sugan Punt-Land, waxeyna noo xaqiijiyeen ayuu yiri in Cabdulaahi Sheekh Xasan la xirey, waxaanu ka cod saney in si shuruud la’aan ah loo sii daayo, maantana waxaanu la kulmi doonaa xubnaha guddiga xaqiiqo raadinta, inagoo ashtako dhab ah u gudbineyna ayuu yiri Cumar Finish.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Wasiirka wasaarada Warfaafinta maamul goboleedka Puntland oo qirtay in la xiray Cabdulaahi Sheikh Xasan oo ka mid ahaa gudigii xaqiiqa radinta ee ururka Midowga Afrika

Wasiirka wasaarada Warfaafinta maamul goboleedka Puntland Cabdirisaaq Yaasiin Geesood oo sheegay in la xiray Cabdulaahi Sheikh Xasan oo kamid ahaa gudigii xaqiiqa radinta ee midowga Afrika asagoona la shegay in loo xiray sababo la xariiro xaga fikirkiisa

 

Xariga Masuulka ayaa dhacay ayadoo gudiga ay siinayeen war bixintii waxyalahii ay soo qabteen Madaxweynaha DFKMG iyo Ra´´iisal wasaaraha ayaa waxaa soo galay qolkii uu ka dhacayey kulanka Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland kadibna waxuuna u yeeray Cabdulaahi Sheikh Xasan asagoo dibadda u bixiyey kadibna u dhiibey maleysiyada ka amar qaadata Jen. Cadde Muuse ayagoona kadib geeyey xabsiga dhexe ee Garoowe halkaas uu ku xiran yahay , ma jirta ilaa iyo hadda cid isku xil qantay in ay wax ka qabato xariga Cabdulaahi Sheikh Xasan oo asagu aan ku laheyn deegankasi wax taagerayaal ah .

 

 

Dhanka kale waxaa jira war sheegaya in kulan ay la sameyeen Cabdulaahi Sheikh Xasan kooxoo danbi baris ah oo ka socda dowlada Itoobiya kuwas oo weydiinayey suaalo dhowrah iyo in uu badalo fikirka ah in wadanka la keeni ciidamo safka hore ah tasoo la ogyahay in uu aad u aminsanyahay Cabdulaahi Sheikh Xasan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Cabdulaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa guddigii xaqiiqa raadinta Soomaaliya ee ka socday midowga Africa oo lagu xiray magaalada Garoowe

 

February 27, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Mas’uul u hadlay maamul goboleeedka Puntland ayaa cadeeyey in maamulkooda uu xiray Cabdlaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa guddigii xaqiiqa raadinta Soomaaliya ee ka socday midowga Africa.

 

Wasiirka wasaarada Warfaafinta maamul goboleedka Puntland Cabdirasiaaq Yaasiin Geesood oo u warramayey Idaacada HornAfrik ayaa sheegay in Cabdulaahi Sheekh Xasan loo heysto eedeymo la xiriira inuu galay dambiyo ka dhan ah maamul goboleedka Puntladn iyo dowladda Fedraaliga Soomaaliya.

 

Wasiirka warfaafinta Maamul goboleedka Puntland ayaa intaas ku daray in ay hayaan cadeyma ay tusi karaan dadka falalka lagu eedeeynayo Cabdulaahi Shekh Xasan balse ma aanu sheegin wax maxkamad ah oo dambiyada ku xukuntay Cabdulaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa guddgii xaqiiqa raadinta ee kormeerka ku sameenayey qeyba ka mid ah Soomaaliya.

 

Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa la sheegay in ay soo qabteen guddi la magic baxay guddiga nabadgalyada Puntland xilli guddiga xaqiiqa raadinta isu diyaarinayeen kulanka madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra’isul wasaare Geedi oo ku sugnaa magaalada Garoowe.

 

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Cumar Finish oo ka warrmayey xariga Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa waxa uu sheegay in arrintan la soo gaarsiiyey balse mar ay la xiriireen xubnaha guddiga xaqiiqa raadinta oo soo gaaray magaalada Nairobi ay u sheegeen in aaney waxba ka ogeyn xariga Cabdulaahi Sh. Xasan balse markii ay soo baxayeen loo sheegay in Cabdulaahi Sh. Xasan loo soo duulin rabay magaalada Muqdisho lana saarayey diyaarad qaas ah, arrintaas ayuu Cumar finisha waxa uu sheegay in guddiga xaqiiqa raadinta ay baaritaan ku sameyn doonaan.

 

Wasiirka Aw-qaafta iyo arrimha diinta Cumar Maxamed Maxamud “Cumar Finish†ayaa intaas waxa uu ku daray in arrintan ay tahay mid ka fajacineysa oo wax u dhimeysa nabadraadintii laga waday Soomaaliya.

 

Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in guddiga la socday ee xaqiiqa raadinta qaarkood ay kala argti ahaayeen loona maleen karo ayey leeyihiin wararka ka imaanaya Nairobi in sababtaa ay tahay mida loo xiray.

 

Xariga Cabdulaahi Sheekh Xasan oo kuu soo beegmay xilli madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo ra’isul wasaare Geedi iyo xubna ka tirsan dowladda fedraaliga Soomaaliya ay ku sugan yihiin maamul goboleedka Puntland.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waxay dhacdadani i soo xusuusisey arrintii Zamzam Ducaale. Waxay ila tahay inay haddana nala gudboon tahay in sidii oo kale loo cambaareeyo falkan khaldan. Tolow goormaa ninkaan la xiray xorriyadiisa loo soo celin doonaa? Waxaan rajeynayaa inaanba Itoobiyaan gacanta loo gelin dhibanahaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^ And the strange thing is he was arrested for voicing his disgust against the mal-practice of the fact-finding mission. They briefed the President and the PM in Garowe which was very un-orthodox and contradictory to the rules which established them. Their finding was for AU and central committe which formed them and sent them on the mission. For them to state their findings in Garowe and to the President and PM undermines the whole mission and speakes volumes. The arrest of a member among them who oppossed the mal-practice puts a stormy cloud over the whole thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Siyaasiga caanka ah ee Cabdilahi sheekh Xasan ayay maamulka Puntland ku xireen magaalada Garowe kadib markii uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan u baahneeyn ciidamo ka socda dalalka deriska ah

 

Siyaasiga Cabdilahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa saraakiishii xaqiiqo raadinta ee socdaalka ku joogay Puntland ayaa u dhashay beesha ****** ,wuxuuna ahaa la taliyahii dhinaca siyaasada ee Cumar Filish.

 

Cabdilahi Sheekh Xasan wuxuu mudo ka soo dhex muuqday Masraxa siyaasada Soomaaliya tan iyo markii la riday Xukumadii Maxamed Siyaad barre wuxuuna markii ugu dambeeyay ahaa Afhayeenka Ururka G8 ee lagu aas aasay shirkii Eldoret.

 

Weriye ku sugan Garowe oo magaciisa aan la shaacin Karin arrimo nabadgelyo aawgeed ayaa soo sheegay in xiritaanka sarkaalkaas sare ay ka dambeeyeen Madaxweyne Cabdilahi Yusuf iyo Jeneral Badmaceeye.

 

Weriyaha waxaa uu sheegayaa in Jirdil xoogan ay maleeshiyada Puntland u geeysteen siyaasigaas 'isaggoo lagu xiray xabsi ku yaal garowe.

 

Arrintaani ayay hay'adaha u doodo xaquuqul insaanka ku tilmaameen tacadi bareer ah balse qaar ka tirsan taageerayaasha Cabdilahi Sheekh Xasan oo la soo xiriiray Waagacusub.net ayaa xariga loo geeystay mas'uulkooda ku tilmaamay mid qabiil oo ku saleeysan bahdil iyo Aargoosi,waxayna sheegeen intaas ay wax weyn u dhimi doonto is dhexgalka bulshada Soomaaliyeed.

 

Axmed Muse Nux'Garowe.

 

ahmednuh2004@hotmail.com

 

Waagacusub News Monitering

Share this post


Link to post
Share on other sites

He should be released. There is no debate, if true and the reasons are what the tabloads have written then its injustice. And can not be tolerated. Release the man now and pay him compensation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^^^ Heh@pay him compensation!

 

"Do you accept Master Card, Sir or will the usual consignment of Camels do you?" :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^^

Why you cracking jokes man? I am serious if the story is true, then some one has to answer for it. And the victim must be compensated by any means.

If its not as Mohamed Dhere alluded to in his interview, then life goes on.

 

As for NGOON you have been mighty quite lately ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^^Heh. Do people in Africa (never mind Somalia) get compensated when treated badly? :confused:

 

Ps

Never knew you valued my contributions, saaxib. I’ll endeavour to increase my input from now on, so long as you promise to provide me with the laughs. :D

 

On a serious note, there isn’t much to comment on in the Somali situation nowadays. Things are changing so fast it would be foolish to predict what happens next (remember the story about relocating the capital for instance?).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

On a serious note, there isn’t much to comment on in the Somali situation nowadays. Things are changing so fast it would be foolish to predict what happens next (remember the story about relocating the capital for instance?).

:D:D:D , true true true I must say.

 

You should just wait and see how events unfold.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jamster   

If this is to be true then the Puntland Admin should release him on bail and from thenceforth,the appropriate procedures should be followed in order justice to pervail.

 

Jamatatu; If this happened in Hobyo or Hamar would you be so fervent to initiate this thread?; then again sadly, such things are trivial, sadly for more fetid things happen habitually that part of our country.

 

Ngone: Doubtlesly, the Duke never takes you seriously; you have painted a picture of yourself that is whimsical to say the least-- perhaps such would go down well in the women's section; I hear have idée fixe for such things.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Release the man now and pay him compensation.

:D:D:D puntland police have reserved some money in the bank for these kinda situations looool......

 

thanx for the laugh man

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Xubnaha Labada Gole ee Beesha USC ayaa ugu baaqa cida xiratay Cabdulaahi Sh Xasan in ay sii daayaan ayna cadeeyaan sababta loo xiray marna ogolaanmayno go aamada ay soo saari doonaan gudiga xaqiiqo raadinta

 

Kulankan waxa uu ka dhacay xarunta shirka Soomaalida ee Mbagathi waxaana ku doominayay Gudoomiyaha Gudiga Farsamada ee USC ahna Afayeenka Beeshaas Xidhibaan Cumar Xaash Adan ,

 

Waxaa kulanka Xaadir ku ahaa Wasiirada Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax Ganacsiga Al Xaaj MuUSE Suud Yalaxow, Awqaafta iyo Diinta Cumar Filish Hoowlaha Guud Cusmaan Xasan Cali Caato Dr Cali Baashi Cumar Rooraayer Caasho Caaji Cilmi Wasiirka Lacagta C/kariim Axmed Cali Wasiiro ku Xigeeno Wasiiro Xidhibaano gaaray 38 Xubnood,

 

Ujeedada kulankani waxa ay ahayd iyadoo ay maalmahanba soo if baxayeen warar sheegaya in la xiray mas uul ka mid ahaa Gudigii Xaqiiqo raadinta oo iyagu maalmahanba Booqanayay Goobo ka tirsan Wadanka Soomaaliya,

 

Mas uulkan ayaa lagu xiray Garoowe oo ah xarunta Maamulka Waqooyiga Bari ee Soomaaliya laguna magacaabo C/laahi Sh Xasan hadaba Xubnaha labada Gole ee Beesha ****** ayaa iyagu manta Amuurtaas Daraadeed u qabtay shir ay diirada ku saarayaan wixii ay ka yeeli lahaayeen C/laahi Sh Xasan xarigiisa,

 

Dhamaadkii shirkan ayaa Saxaafada la siiyay war Murtiyeed kooban oo ka soo baxay kulankaas iyada oo saxaafada uu ka hor aqriyay Gudoomiyaha Gudiga Farsamada Beesha USC ahna Afayeenka Beeshaas Xidhibaan Cumar Xaashi Adan,

 

1-waxaa na soo gaartay in la xiray Muwaadinkaa Soomaaliyeed Markii Wafdigu Joogay Garoowe Xarigaas oo ah mid sharci daro ah waxa uuna ka tirsana Wafdigii ka Socday A-U waxa uuna ka tirsanaa Ragii Gobolada oo dhan soo maray oo xaqiiqo raadinta,

 

gudiga naftirkiisu waxa uu ku salaysanyahay marka laga reebo Dadka Ajnabiga ah 4.5 iyadoo ninkaa si sharci daro ah loogu xiray Garoowe,

 

2- Waxaan Baaqa Adag ku soo jeedinaynaa in Si dagdaga loo soo daayo C/laahi Sh Xasan oo xoriyadiisii dib loo soo celiyo laguna soo celiyo goobtii laga waday oo hoowsha looga diray oo ahayd Xamar lana cadeeyo sababtii loo xiray ,

 

3-waxaan usheegaynaa Gudigaas & cida uu siin doono warbixintaba in warbixinta Gudigaasi ay keeni doonaan aan u aqoonsanayno in uu yahay mid aan sharci ahayn maadaama ninkaas loo xiray lana yiri waxa uu ka war bixiyaa oo uu sheegaa wax anagu aynaa rabin,

 

marka waxaa muuqata gudigaasi in ay ahaayeen gudi dhinac ushaqaynayay dadkii Dirsadayna wixii ay doonaan ka dhaadhicinayeen fikirkooda figrad ka soo horjeeda cid sheegi kartaana ayan jirin sidaa darted warbixinta iyo go aamada ay gudigaasi keeni doonaan ma ahan mid aan aqbalayno waxaan si cad ugu baaqaynaa cidii ninkaa xieray in ay si dagdaga u sii daayaan ayna cadeeyaan sababta loo xiray,

 

hogaamiyaasha%20siyaasada%20hawiye.jpg

The rebelious 'minority'.. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this