Sign in to follow this  
General Duke

Puntland's war against bandits.........

Recommended Posts

puntland-flag1.jpgGaroowe: Madaxweynaha Puntland: "Jab xoogan ayaan gaarsiinay kuwii weerarka nagu soo qaaday waxaana ka qabanay Jaamac Ismaaciil Ducaale oo Argagixisada caalamiga ka tirsan"

26. Juli 2010

 

Garoowe(AllPuntland)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ka hadlay dagaalkii saakay waaberigii ka dhacay deegaanka Karin, isagoo sheegay in kooxo Argagixiso ah ay ku soo duuleen ciidamada amniga Puntland, isla markaana waxaa uu tilmaamay in laga guuleystay oo laga dilay dad badan saraakilna laga qabtay.

 

"Dad badan waa laga laayay, Madaxda laga qabtayna waxaa ka mid ah Jaamac Ismaaciil Ducaale oo ah nin Argagixisada caalamka ku jira oo hada ka hor soo weeraray isaga oo koox ajnabi ah wata magaalada Baargaal, halkaasna dagaal caalami ah lagula galay balse ka baxsaday isaga" ayuu yiri Faroole oo intaa raaciyay in kuwa soo weeraray Puntland ay yihiin kuwo dhibaato ka geystay Soomaalia isla markaana col la ah nabadda ka jirta Puntland.

 

Waxaa uu sheegay Puntland ay kalsooni ku qabto in cid kasta oo ku soo duusha ay ka guuleysanayaan, waxaa kaloo uu Md. Faroole uu ugu baaqay shacabka Puntland in ay iska difaacaan kuwa duulaanka ku soo qaaday jiritaankooda, hubka ay heystaana la soo baxaan si ay isaga difaacaan.

Waxaa uu sheegay Faroole in dagaalkan uusan aheyn dagaal ku kooban Gobol ee uu yahay dagaal caalami ah oo Gobolka oo dhan saameyn doona, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in ay xeraan buu yiri marin biyoodka Cadan sidoo kalena ay cuuryaamiyaan dhaqaalaha gobolka.

 

"Waxaan ognahay in shacabku hubeysan yahay, hubka ay iyaga isu sameyeteen ha keenaan goobta dagaalka, maxaa yeelay maanta wax la reebanayo ma lahan, loomana kala harayo Dowladda, shacabka, Ganacsatada reer miyi iyo reer magaal dhamaan waan ka qeybgaleynaaa" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ugu danbeyntii ka codsaday dowladdaha deriska in gacan lagu siiyo sidii ay isaga xoreyn lahaayeen kooxaha ku soo duulay.

 

Cali Muxiyaddiin

AllPuntland News

Share this post


Link to post
Share on other sites

“….Waxaa xalay ka dhacay magaalada Bosaso meel u dhaw dagaal aad u xoog badan, waa la caabiyey dhimasho badan ayaana soo gaartey, waana laga sifeeyey meelihii ay soo weerareen, waxaana laga qabtey saraakiil ka mid ahayd kuwa weerarka soo qaadey oo uu ka mid yahay
Jaamac Ismaaciil Ducaale
oo ahaa ninkii hadda ka hor soo weeraray magaalada Baargaal isaga oo wata ciidamo ajnabi ah….” ayuu Madaxweynuhu

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu danbeeyey ee dagaaladii ka dhacay agagaarka buuraha Galgala.

 

Posted to the Web Jul 26, 12:44

 

Boosaaso:-Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidanka Daraawiishta ee Puntland ay gacanta ku dhigeen Jaamac Ismaaciil Ducaale iyo 10 kale oo saaka weerar ku qaaday ciidamo ku sugnaa duleedka Laag waxaana ka laga dilay ilaa 13 kale.

 

Ciidamada daraawiishta ee Puntland ayaa waxay ka dhintay 2 askari waxaana ka dhaawacmay ilaa 5 kale waxana laga gubay gaari baroon ah dagaalka ayaa dhacay xalay saqdii dhexe.

 

Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan degan waxaana la wareegay ciidanka daraawiishta kooxaha weerarka soo qaaday ayaa u cararay gudaha buuraha

 

Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacaday xalay laag wuxuuna ugu baaqay shacabka Puntland in ay garab istaageen xukuumadiisa

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Madaxweynaha Puntland: "Jab xoogan ayaan gaarsiinay kuwii weerarka nagu soo qaaday waxaana ka qabanay Jaamac Ismaaciil Ducaale oo Argagixisada caalamiga ka tirsan"

 

26. Juli 2010

APL

 

Garoowe(AllPuntland)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ka hadlay dagaalkii saakay waaberigii ka dhacay deegaanka Karin, isagoo sheegay in kooxo Argagixiso ah ay ku soo duuleen ciidamada amniga Puntland, isla markaana waxaa uu tilmaamay in laga guuleystay oo laga dilay dad badan saraakilna laga qabtay.

 

"Dad badan waa laga laayay, Madaxda laga qabtayna waxaa ka mid ah Jaamac Ismaaciil Ducaale oo ah nin Argagixisada caalamka ku jira oo hada ka hor soo weeraray isaga oo koox ajnabi ah wata magaalada Baargaal, halkaasna dagaal caalami ah lagula galay balse ka baxsaday isaga" ayuu yiri Faroole oo intaa raaciyay in kuwa soo weeraray Puntland ay yihiin kuwo dhibaato ka geystay Soomaalia isla markaana col la ah nabadda ka jirta Puntland.

 

Waxaa uu sheegay Puntland ay kalsooni ku qabto in cid kasta oo ku soo duusha ay ka guuleysanayaan, waxaa kaloo uu Md. Faroole uu ugu baaqay shacabka Puntland in ay iska difaacaan kuwa duulaanka ku soo qaaday jiritaankooda, hubka ay heystaana la soo baxaan si ay isaga difaacaan.

Waxaa uu sheegay Faroole in dagaalkan uusan aheyn dagaal ku kooban Gobol ee uu yahay dagaal caalami ah oo Gobolka oo dhan saameyn doona, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in ay xeraan buu yiri marin biyoodka Cadan sidoo kalena ay cuuryaamiyaan dhaqaalaha gobolka.

 

"Waxaan ognahay in shacabku hubeysan yahay, hubka ay iyaga isu sameyeteen ha keenaan goobta dagaalka, maxaa yeelay maanta wax la reebanayo ma lahan, loomana kala harayo Dowladda, shacabka, Ganacsatada reer miyi iyo reer magaal dhamaan waan ka qeybgaleynaaa" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ugu danbeyntii ka codsaday dowladdaha deriska in gacan lagu siiyo sidii ay isaga xoreyn lahaayeen kooxaha ku soo duulay.

 

Cali Muxiyaddiin

AllPuntland News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:Madax katirsan Puntland oo kusii jeeda goobta Dagaalka.

26. juli 2010

 

APL

 

Garoowe:(Allpuntland)-Wafdi kasocda madaxda sare ee dawlada Puntland ayaa goordhaw oo maanta ah ka anbabaxay Magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland iyagoo kusii jeeda Jiida dagaalka ee buurlayda gobolka Bari,halkaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidamo katirsan kuwa dawlada Puntland & Koox katirsan Ururka Alshabaab.

 

Wafdigan oo si deg deg ah Caasimada uga anbabaxay waxaa Horboodayey Madaxweyne xigeenka dawlada Puntland Jen,Cabdisamed Cali Shire,waxaana kamid ah Wasiiro badan oo katirsan dawlada Puntland & Taliyeyaal sarsare oo katirsan ciidamada kaladuwan ee qalabka sida ee ay Puntland leedahay.

 

Marka lagareebo in Wafdigan ay Wasiiro & Taliyeyaal ciidan kamid yihiin waxaa xusid mudan in Wafdiga ay kamid yihiin khuburo Milatari & Boqolaal askar ah kuwaas oo laga soo saaray Xeryaha Ciidamada,waxaana sidoo kale kamid ah Ciidanka Madaxtooyada dawlada Puntland oo aad u hubaysan oo ladoonayo inay Gurmad deg deg ah halkaas kusiiyaan Ciidamada jiida kujira.

 

Wafdigani waxay bexeen Wax yar un kadib markii madaxweynaha dawlada Puntland uu ku dhawaaqay in Madaxda sar sare ee Puntland aysan marna ka istaagi doonin jiida dagaalka & Hogaaminta ciidamada Puntland ee dagaalka culus ku jira,waxaana lafilayaa in Daqiiqado un kadib ay halkaas gaareen islamarkaasna uu Gurmadku dagaalka ku biiro.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

quote: Jaamac Ismaaciil Ducaale

Who is this man ?
I heard he is the one attacked by the Americans in the South ....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso:Khasaarihii ugu danbeeyey ee Dagaalkii Karin...(Xog Waran).

26. juli 2010

 

APL

 

 

Boosaaso:(Allpuntland)-Dagaalkii Saaka ka bilowday tuulada Karin oo 40-Km u jirta Magaalada Boosaaso ee Caasimada ganacsiga ee Puntland ayaa goordhawayd oo Duhurkii kadib ah sii kululaaday kadib markii Gurmad aan kala joogsi & kala harsi lahayn ay Dawlada Puntland ciidamadeeda kaladuwan halkaas ku tageen.

 

Dagaalkan oo saaka bilowday markii Ciidamo daacad u ah Wadaadka taageersan Kooxda Alshabaab ee Buuraha bari ku dhuumaalaysanaya oo lagu magacaabo Sheekh Atam ay saaka Waaberigii Dagaal ku ekeeyeen ciidamo katirsan kuwa Puntland oo halkaas fariisin kulahaa,waxaana ay markii hore la wareegeen goobtii dagaalka iyagoo dilay Dhowr kamid ah ciidamada Puntland ee halkaas joogay.

 

Balse Ciidamo katirsan Kuwa Puntland gaar ahaan Kuwa Adeegsa Sirdoonka Puntland ee Hubaysan oo lagu magacaabo PIS-ta,Daraawiish & Birmad ayaa saaka isla aroor horeba halkaas gaaray,waxaana ay galeen dagaal aad u culus oo ay lagaleen Kooxdii goobta la wareegtay oo gaaraysay 50-Nin oo aad u hubaysan,kuwaas oo ay Ciidamada Puntland ku guulaysteen inay goobta lawareegaan islamarkaasna ay baacsadaan Kooxdii dagaalkan soo qaaday.

 

Taliye Sare oo katirsan Ciidanka Daraawiishta ee Puntland oo APL lahadlay isagoo kusugtan Goobta dagaalka ayaa sheegey in 7-kamid ah Daraawiishta oo ah iskudarka kuwii saaka Aroor hore dhintay & kuwii Barqadii dagaalkii ahaa ku dhintay ay halkaas uga geeroodeen ciidankiisa,waxaana uu sheegey in midkamid ah Birmadka Puntland uu isna geerooday halka uu askari kale oo katirsan PIS-ta Puntland uu dhaawac fududi soo gaaray,waxaana uu sheegey in ay kulaalayaan Buurta Galgala.

 

Waxaa sidoo kale Isbitaalka weyn ee Boosaaso la geeyey Meydadka in kabadan 5-Ruux oo kamid ah kooxdii dagaalkan soo qaaday,iyadoo ay dawlada Puntland sheegtay inay gacanta ku hayaan Hogaamiyeyaal sar sare oo qaarkood ajinabi ay yihiin oo dagaalkii maanta ku jiray,mana jirto wax war ah oo kasoo baxay kooxdii dagaalkan soo qaaday.

 

Cabdiqani Xayir

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Dahir aways is just dumb old man that doesnt learn from his dumb old mistakes of the past. He was defeated in 1992 when he tried this game under the disguise of al-itihaad does he think a new title "shabab or hizbul islam" will get him inside our regions?

 

War dadka doqonsana. Dahir aways needs to learn something real quick someone from puntland will kill his own brother if he brought enemies into the home this is an age old policy dating way back now and if dahir aways thinks he will get into our regions using some galgala foot soldiers and idps disguised as women using indha shareer he has another thing coming.

 

Puntland today is alot stronger then it was 1992 and yet we still managed to defeat you the usc and al-itihaad bloc. What makes them think puntland 2010 is going to submit? war odeygas dahir aways just doesnt learn from his past mistakes but i advice him inu is-dhiibo si dhaksaha badan just like his fellow brothers in baraxley and cadaado did. Tas baa surta gal ah if anything!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaamac Cismaan Ducaale AKA Doonyaale.. waa nin reer Galgala ah kuna barbaarey Boosaaso.....

-------------------------------------------------

 

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii Karin(Somali Public Radio).

 

SPR: Warar hordhac ah oo kasoo baxaya aaga u dagaalku ka socdo aya sheegay in maanta uu ka dhacay degmada Karin ee gobolka Bari, dagaal aad u xoogweyn oo keenay dhimashada iyo dhaawaca askar badan oo katirsan labada dhinac.

 

Wararka ka imanaya dhinaca saraakiisha Dawlada Puntland oo ay si gaar ah ugu soo dusiyeen Warbahinta SPR ayaa noo xaqiijiyay dhimashada 8 Askari oo ka tirsan ciidamada dowlada iyo waliba dhaawaca 7 askari oo katirsan dhinaca dowlada. Askarta darwiishta ku dhintey ayaa wali magacyadooda aan wada helin ayaa waxaa ka mid ah 3 nin oo kasoo jeeda deegaanka Galbeedka Bari iyo Haylaan.

 

Dhinaca kale, Warar gaar ah oo naga soo garay dhinaca kooxaha ka soo horjeeda Ciidamda dawlada ayaa sheegay in ay geriyooden 3 askari oo katirsan dhinac kasoo horjeday dawlada oo uu kamid ahaa marxum Siciid Saalax Caynab (iyadoo aan helin kuwa kale magacyadooda dhamaystiran) iyo waliba dhaawaca hal askari, iyada oo ay ciidamda dawladu ay qabteen Hal askari oo ku dhaawacmay dagaalka oo lagu magacaabo Jaamac Cismaan Ducaale isagoo dhaawiciisa lasii gudbinayo. Ciidamada taabacsan Sh. Maxamed Siciid Atam oo isla markaana maanta ku dhintey, dhaawacana kasoo gaarey ayaa waxay kasoo jeedaan isla deegaanka galbeedka Bari.

 

IMAG0017.jpg

 

Sikastaba ha ahaatee, dagaalkii maanta ayaa wuxuu ka dhacay dhanka Laamiga, iyadoo ay ciidamada weerarka soo qaadey ay ku noqdeen fariisimohooda oo ah dhanka buuraha xiga galbeedka.

 

Wixii warar ah oo kasoo kordha dagalkan dib ayan idin kaga soo tabineynaa.

 

SPR.fm

somalipublicradio.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this