Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Sheeq Shariif oo safka hore dagaalka ku jira (dowlada oo qabsatay 80%)

Recommended Posts

Sheeq shariif oo maanta la wareegay dhamaan meeli hii horay looga qabsaday iyo isagoo ah abaan duulah ciidamada ee maanta dagaalka qaaday. amison oo madaafiic u qaybisay muqdisho

 

 

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada ku dhexmaraya Muqdisho Ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xoogaga Islaamiga ah

 

 

Ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM oo wata taangiyo ayaa la sheegay iney gaareen lana wareegeen si buuxda degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyo Deegaanka loo yaqaano Galgato oo ku yaala duleedka degmada Kaaraan sida wararka halkaasi naga soo gaaraya ay sheegayaan ka dib dagaalo halkaasi ka dhacay saaka waxaana goobahaasi mudooyinkan ku sugnaa xoogaga Islaamiga ah oo halkaasi dib uga gurtay.

 

 

Sidoo kale ciidamada DF Somalia oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa gaaray deegaanada Sii-Sii iyo Fagax oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay horey ugu sugnaayeen ciidamada xoogaga mucaaradka, iyadoo dad goobahaasi ku sugnaana ay sheegayaan in ciidamada DF ay uga sii gudbeen dhinaca wadada u baxda Ex-kontrool balcad oo ka tirsan degmada Heliwaa.

 

 

Dhinaca kale, madfac ku dhacay guri ku yaala xaafada Waxaracadde ee degmada Heliwaa ayaa waxaa ku dhintay illaa 3 ruux oo isku qoys ahaa sida ay sheegayaan dadka deegaanka halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, lamana oga ilaa hadda halka madfacaasi uu ka yimid iyo cida soo riday intaba inkastoo uu ku soo beegmay xili dagaalo aad u qaraar ay ka socdaan magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah.

 

 

Warar kale soo baxaya ayaa sheegaya ain madaxweynaha DF Somalia Shariif Sheekh Axmed lagu arkay goobaha dagaaladu ay ka dhaceen ee magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka SII SII iyo Sanca oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, sida ay sheegayaan dadka deegaanadaasi ku sugan ay sheegeen isagoo dusha ka saaran gaari gaashaaman oo ay leeyihin ciidamada AMISOM ee dagaalka ka qeyb qaadanayey, waxaana la sheegay madaxweyunuhu inuu ku lebisnaa dareyska milateriga ciidamada DF Somalia, iyadoo warar hada na soo gaaraya ay sheegayaan in deegaanka Suuqa xoolaha ay ku socoto madaafiic xoogan oo ay ridayaan ciidamada AMISOM.

 

 

Dagaalo kale oo duhurnimadii maanta ka bilowday laba isgoys ee Aadan cadde iyo H/wadaag ayaa goor dhoweyd oo salaadii casir aheyd qaboobay ka dib markii ay halkaasi dib uga laabteen ciidamadii DF ee weerarka ku soo qaaday xoogaga Islaamiga ah ee goobahaasi ku sugnaa lamaan oga ilaa hada qasaaraha labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi inkastoo dad rayid ah oo tiradooda saxda ah aan la heynin ay dhimsho iyo dhaawacba ka soo gaartay.

 

 

Dhinaca kale madaafiic ciidamada Amisom ay ku garaaceen xaafadaha cali kamiin iyo xamar jadiid ee degmada Wardhiigley ayaa waxaa ku dhintay hal ruux halka 5 kale ay ku dhaawacmeen sida dadka deegaanku ay sheegayaan iyadoo dhinaca kale warar hada na soo gaaraya ay ay sheegayaan in taangiyadii Ciidanada Amisom ee ka qeyb qaatay dagaalkii saaka ay dib ugu laabteen xarunta madaxtooyada Vila Somalia oo ay markii hore ka baxeen iyadoo sidoo kale tiro madaafiic ah ay xaruntaasi isla goor dhoweyd ay ku soo dhaceen sida dadka deegaankaasi ay sheegayaan

 

dayniilecom@hotmail. com

deyniilenews@yahoo.c om

Share this post


Link to post
Share on other sites

Subaxnimadii hore ee saaka ayaa waxaa dib u qarxay dagaal culus oo la isu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan, dagaalka ayaa waxaa isaga horyimid ciidanka Dawladda Federaalka oo ay garabsiinayaan Ciidmada Midowga Afrika ka jooga Muqdisho iyo Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo isgarabsanaya,Ciidan ka Dawladda ayaa waxaa u suurta gashey in ay muddo kooban ku jiiraan difaacii xooagag mucaaradka isla markaasna la wareegaan inta badan meelihii ay ku sugnaayeen todobaadyadii la soo dhaafey.

 

Wasiiru Dawlaha Gaashaandhiga Shiikh Yusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtey Isbitaalka Keysaney ee ku yaala duleedka waqooyi Bari ee Muqdisho halkaas oo ay muddooyinkii la soo dhaafey gacanta ugu jirtey Al-shabaab, Wasiirka ayaa sheegay “… Waxaa ilaahay mahadiis ah in maanta aan araxda ka jebeiney dadkii khawaarijta ahaa ee ka soo horjeeday dawladda Islaamiga ah, amarka dagaalka waxaa bixiyey Madaxweynaha ayaamihii la soo dhaafey oo dhan is difaac ayaan ku jirney, laakiin markii madaxweynuhu arkey inaysan nabad qaadanayn ayuu bixiyey amarka dagaalka, waana wadaynaa dagaalka inta laga soo afjarayo ayuu yiri Indhacadee…”.

 

Dhanka kale Afhayeen u hadley Ciidanka AMiSOM oo lagu magacaabo Bohuko Brighye ayaa maanta gelinkii hore beeniyey in ciidankoodu qayb ka ahaa dagaalka inkasta oo mar danbe ay qirteen in lagu qasabay dagaalka loona soo jirsadey meelihii ay ku sugnaayeen wax ka yar 1km, Raysalwasaaraha Dawladda ayaa horey u sheegay in ciidanka Amisom ay ka qayb qaadan doonaan dagaaladda.

 

Ku xigeenka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdifataax Shaaweeye ayaa sheegay mar uu la hadlaayey warbaahinta Horseed Media in uu ku sugan yahay deegaanka Galgalato ee Duleedka Karaan halkaasna haraadigii Al-shabaab lagu baacsanaayo.

 

Deegaanada gacanta dawladda ku soo qnodey ayaa waxaa ka mid ah degmada Kaaraan, Shibis, Cabdicasiis goobaha kale ee istaatiijiga ah ee gacanta ciidanka maanta galay ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Sanca.

 

Dagaal kale oo qorsheysan ayaa dawladdu ku qaadey qaybo ka mid ah Koonfurta magaalada sida Isgoyska Hawlwadaag, Kan Adan cadde iyo meelo aad u kulaalaya suuqa bakaaraha waxaana weli halkaas ka socda dhawaaqa rasaasta.

 

Dhanka kale afhayeen u hadley Xisbul Islaam ayaa sheegtey in ay weli joogaan goobihii ay horey u joogeen inkasta oo kaamarooyinka warfidiyeenku meelahaas ku soo sawireen Ciidanka Dawladda.

 

Dagaalka maanta ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dad gaaraya 20 qof waxaana ku dhaawacmey 50 qof kuwaas oo qaarkood la jiifiyey isbitaalada magaalada.

 

Waa markii u horeysey oo guulo la taaban karo oo is xig xiga ay gaaraan ciidanka Dawladdu, inkasta oo guusha dagaalka Muqdisho uu yahay mid maalinba dhan raaca.

 

Waxaa warbaahinta Horseed Media la soo gaarsiiyey Sawirada meydad la sheegay in ay yihiin Al-shabaab, waxaan ka cudur daaranaynaa in aan soo daabici karin anaga oo tix gelinayna akhristayaashayada iyo meydka.

 

Khariidada Magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amisom tanks caused mayhem within al shabaa. Ranks. However the fighting is brutal and Amisom are stronger than AL qaeda , shiekh hotel has nothing to do with this aside from claims.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

JB live with it. Most of xamar is under the government. You should be more concerned with Boorama. People there are protesting with CALANKEENA bulugley ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by General Duke:

Amisom tanks caused mayhem within al shabaa. Ranks. However the fighting is brutal and Amisom are stronger than AL qaeda , shiekh hotel has nothing to do with this aside from claims.

GD stop being sour for once. somalis in Mog have achieved victory. PLEASE be happy for them. Just this once. It doesn't matter how they achieved it, but what does is that they are free from Al-Qaeda's strangle hold.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Jacaylbaro:

Borama eh ?? ,, is it under the 80% ? ,,,
:D

LOOOL at 80%. same old you. resorting to humor when you know your defeated. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Jacaylbaro:

I didn't know i'm Alshabab ,,, defeated eh ? ,, yeah i knew you would think SL is located in Mogadishu ,,,
:D

JB defeated as in the argument. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this