Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Is this really happening in Hargaysa?

Recommended Posts

Iam really shocked at the incident that took place in Hargaysa today. Did the reporter exaggerate or is he telling the truth?

 

It seems that the officials used really excessive and unnecessary force. Tanks and heavy military equipment were used to get a dead person out of hospital and forcefully bury him without the consent of the relatives of the killed person. He was beheaded by a member of the police force because they had an argument about who owned a land.

 

The report also says that the cousin of the murdered person lies dead on the street. He was 18 years of age and the security forces killed him whilst throwing stones at them a bullet hit him.

 

It is astonishing that a place of life and treatment awaked to that kind of tradegy because the fighting took place in and around the main hospital of Hargaysa.

 

Anyway illahay ha unaxariisto samir iyo imaan haka siiyo ehelada marxuumka dilka xaqdarrada iyo foolxunka badan loo geestay. Intii kale dhimatanaa illaahay ayagana ha unaxariisto.

 

 

Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Isku Bedelay Maanta Goob Furin Dagaal: Dhimashadu Waa 2 Qof Dhaawacu 20: Ciidanka Oo Adeegsaday Taangiyo

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 24 December, 2005

--------------------------------------------------------------------------------

 

Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Isku Bedelay Maanta Goob Furin Dagaal: Xukuumadda Oo Adeegsatay Dabaabado iyo Taangiyo

 

Hargeisa (Somaliland.org) Saaka Subaxii hore abaaro 7:00 aroornimo ayaa ciidamo booliis ah oo ku gaashaaman tikniko iyo hub culus waxay ku wareegeen ama isku xeereen Cisbitaalka Guud ee Caasimadda Hargeysa oo uu ku jiray ama yaallay Mayd Ilaahay ha u naxariistee Marxuum ka tirsana Ciidanka Booliiska Magaalada Hargeysa oo uu ku dilay ama qudha kaga jiray Nin kale oo ay isku qabteen dhul, laba cisho ka hor, Gudaha hore ee Cisbitaalka Qolka Maydka waxaa joogay eheladii Marxuumka oo iyagu go’aan ku gaadhay in maadama Ninkii Qudha ka jaray ama dillay ay Dawladdu gacanta ku hayso loo dilo sida shareecada Islaamku qabto, balse Xukuumaddu waa ku gacmo saydhay go’aankaasi, waxaanay raadiyeen Xal kale oo ay ku bad baadiyaan Ninka isagu wax dilay, kuna aasaan Marxuumka oo isagu ku jiray Qolka Maydka ee Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii ay Ciidamadaasi isku dayeen inay xoog ku soo saaraan Maydka si ay qasab iyo sandulli weliba caga juglayn la socoto ugu aasaan ayaa waxaa taasi diiday oo hor istaagay Eheladii Marxuumka oo u adeegsaday ciidanka Dhagxaan, waxaanay taayiro ku gubeen Waddada weyn ee isku xidha Cisbitaalka ilaa madaxtooyada.

 

Waxaa goobta yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan, iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska oo ay wehelinayeen Taliyaha Ciidamada Qarranka Nuux Taani, iyagoo wata Taangiyo iyo dabaabadaha loo isticmaalo Dagaalada Cul Culus, iyo weliba boqolaal Ciidanka Qarranka iyo Booliiska ah, waxaa argagax iyo sas qaaday shacabkii reer Hargeysa oo iyagu aan weligood arag quwadda intaasi le’eg ee ciidamo ah ee loo dul keenay ehelada Marxuumka Geeriyooday, dabadeed Wasiirka Arrimaha Gudahu wuxuu amar ku bixiyey in Ciidamada oo adeegsanaya Dabaabadaha dagaalku ay hore u galaan Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo ay ku jireen wakhtigaasi, boqolaal qof oo bukaan Jiif ahi, rasaasta ayaa cirka iyo dhulka is qabsatay iyadoo eheladii Marxuumku ay adeegsadeen hubka Fud Fudud, xagga ciidamada Qarranka iyo Booliiskuna ay adeegsadeen Hubka Cul Culus, sidoo kale waxaa ay indhaygu qabanayeen Haween da’yar iyo caruur iyaguna adeegsanaaya dhagxaan, weligay ma maqal Dawlad Shacabkeeda u adeegsata taangiyo iyo dabaabado weliba kaga sii darane iyadoo goobtuna ahayd goob Caafimaad.

 

Eheladii Marxuumka ayaa waxaa ku biiray boqolaal qof oo iyagu ka cadhooday ama ka gadooday ficilka foosha xun ee ciidamada Qarranku samaynayaan, waxay indhahaygu ku dhaceen ama qabteen Wiil yar oo da’diisu ahayd 18 Jir oo maydkiisu wadhanyahay badhtamaha Waddada hor marta Cisbitaalka Guud, kaasi oo ay Ciidamadu toos xabbad ugu toogteen, waxaa kale oo ay indhahaygu qabteen tobaneeyo qof oo albaabka hore iyo dariiqa dheer dhaawacoodu wadhanyahay, dhiigga ayaa is qoodhsaday, iyadoo waxaa runta meesha ka dhacay lagu tilmaami karo masiibo fool xun oo ay Xukuumaddu masuuliyadeeda leedahay, waxaa kale oo indhahaygu qabteen tobaneeyo ciidamada qarranka ka tirsan oo iyagana dhaawac ka soo gaadhay dhagxaantii iyo shiidkii, dhimashada la ii xaqiijiyey ayaa ah hadda 2 Qof halka dhaawacu uu kor u dhaafayo 20 qof oo iskugu jira mid halis ah iyo mid sahlan.

 

Rasaasta xoogeeda oo bilaabantay abaaro 9:30 Aroornimo ayaa waxay socotaa ilaa wakhtigani aan war bixinta diyaarinaayo oo eheladii Marxuumka geeriyooday oo yaalla qolka Maydka iyo weliba inaadeerkii oo ahaa wiilka 18 jirka ee ciidamadu toogteen ay is dul yaallaan, weli wax xal ah iyo wax wada hadal ah oo socda ma jiraan, balse dhammaan shacabka reer Hargeysa waxaa ka guuxaya maskaxahooda weli awoodda xad dhaafka ah ee Ciidamada Qarranka oo ka amar qaadanaya wasiirka Daakhliga ay u adeegsadeen maanta Shacab aan waxba galabsan balse keliya la tiiranyeysan Marxuum ehelkooda ah oo maydkiisu yaallay Cisbitaalka, dhammaan shacabku waxay ka sinayeen weedh keliya oo ahayd in weli ficilkani maanta dhacay aanay weli indhahoooda iyo dhegahooda hore usoo marin.

 

Wixii warar ah ee ka soo kordha falkani oo weli tiiranyadeedu ku taalla quluubta reer Hargeysa sida ugu dhakhsaha badanleh ayaan idiinla soo socodsiinayna, aniga oo imika ku sugan goob u dhaw cisbitaalka guud ee Hargeysa waxaa indhahaygu qabanayaan boqolaal askar ah oo ku xayndaaban hareeraha cisbitaalka.

 

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

SOMALILAND.ORG INFORMATION CENTER, HARGEISA

Somaliland.org@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Assalamu Calaykum,

 

I am surprised myself and it would be shame on the Riyale adminstration of taking innocent lives if this news happened the way it has been reported . But then I am not surprised because these politicians are all cold blooded killers who don't give a thing about the situations of the people.

 

It's indeed a sad situation and our heart goes out to those who lost relatives if this news is ever true.

 

Thanks for bringing this important subject up though bro.

 

Assalamu Calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Assalamu Calaykum,

 

Yoonis I have just gathered more information about this sad event that has happened today and still happening. The news indeed seems to be not false but very realistic considering the fact that the military get their orders from the big headed monster, the so called minister of domestic affairs Ismail Adan. I have always disliked that guy, becase he is munaafiq who doesn't know the dignity of the human being. He is cold blooded killer and a poison to the existance of the peace and stability of Hargeysa.

 

He needs to be brought to justice for the crimes he has just commited and the ones he commited previously against innocent civilians.

 

The guy who has muredered the police officer to start off of everything should have been taking through the laws according to Islam regarding the one who kills another Muslim should be killed for him . The relative of the victim should have been left to make the decision of what they wanted to do with the killer. They can choose to spare him or to kill him; eye for an eye. It's not the Police's business to jump in there and cause even greater destruction without any regards to the laws of the state and the city. They are once again bunch of criminals in uniforms told to protect the people.

 

The news is bit confusing but it's like this, a member of the Police force was killed by a man whom they fought over a land ownership. The policeman's family wanted the guy who killed the police officer to be ruled according to the Islamic law, but the government refused. The police forcefully broke into the hospital to take away the dead officer's body and try to barry him without any permission from the family of the victim. The family refused and many people joined in support and and tried to resist the cold blooded police alongside the military with stone throwing. The police used overwhelming force against the inocent civilians killing two and seriously injuring another 20. That is so far what we know of the situation that we have gathered from Somaliland.org website.

 

Red Sea- Allah ha unaxariisto cidii ku dhimitay hana caafiyo cidii ku dhawaacantay falka axmaq nimada leh ee ay boolis ku sheegu sababeen.

 

(Allahu ma Amiin)

 

Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Isku Bedelay Maanta Goob Furin Dagaal: Dhimashadu Waa 2 Qof Dhaawacu 20: Ciidanka Oo Adeegsaday Taangiyo

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 24 December, 2005

--------------------------------------------------------------------------------

 

Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Isku Bedelay Maanta Goob Furin Dagaal: Xukuumadda Oo Adeegsatay Dabaabado iyo Taangiyo

 

Hargeisa (Somaliland.org) Saaka Subaxii hore abaaro 7:00 aroornimo ayaa ciidamo booliis ah oo ku gaashaaman tikniko iyo hub culus waxay ku wareegeen ama isku xeereen Cisbitaalka Guud ee Caasimadda Hargeysa oo uu ku jiray ama yaallay Mayd Ilaahay ha u naxariistee Marxuum ka tirsana Ciidanka Booliiska Magaalada Hargeysa oo uu ku dilay ama qudha kaga jiray Nin kale oo ay isku qabteen dhul, laba cisho ka hor, Gudaha hore ee Cisbitaalka Qolka Maydka waxaa joogay eheladii Marxuumka oo iyagu go’aan ku gaadhay in maadama Ninkii Qudha ka jaray ama dillay ay Dawladdu gacanta ku hayso loo dilo sida shareecada Islaamku qabto, balse Xukuumaddu waa ku gacmo saydhay go’aankaasi, waxaanay raadiyeen Xal kale oo ay ku bad baadiyaan Ninka isagu wax dilay, kuna aasaan Marxuumka oo isagu ku jiray Qolka Maydka ee Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii ay Ciidamadaasi isku dayeen inay xoog ku soo saaraan Maydka si ay qasab iyo sandulli weliba caga juglayn la socoto ugu aasaan ayaa waxaa taasi diiday oo hor istaagay Eheladii Marxuumka oo u adeegsaday ciidanka Dhagxaan, waxaanay taayiro ku gubeen Waddada weyn ee isku xidha Cisbitaalka ilaa madaxtooyada.

 

 

 

Waxaa goobta yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan, iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska oo ay wehelinayeen Taliyaha Ciidamada Qarranka Nuux Taani, iyagoo wata Taangiyo iyo dabaabadaha, iyo weliba boqolaal Ciidanka Qarranka iyo Booliiska ah, waxaa argagax iyo sas qaaday shacabkii reer Hargeysa oo iyagu aan weligood arag quwadda intaasi le’eg ee ciidamo ah ee loo dul keenay ehelada Marxuumka Geeriyooday, dabadeed Wasiirka Arrimaha Gudahu wuxuu amar ku bixiyey in Ciidamada oo adeegsanaya Dabaabadaha dagaalku ay hore u galaan Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo ay ku jireen wakhtigaasi, boqolaal qof oo bukaan Jiif ahi, rasaasta ayaa cirka iyo dhulka is qabsatay iyada oo ciidamada Qarranka iyo Booliiskuna ay adeegsadeen rasaas, sidoo kale waxaa ay indhaygu qabanayeen Haween da’yar iyo caruur iyaguna adeegsanaaya dhagxaan.

 

 

 

Eheladii Marxuumka ayaa waxaa ku biiray boqolaal qof oo iyagu ka cadhooday ama ka gadooday ficilka xun ee ciidamada Qarranku samaynayaan, waxay indhahaygu ku dhaceen ama qabteen wiil da’diisu u ekayd ilaa 18 jir oo wadhan badhtamaha waddada hor marta Cisbitaalka Guud, oo ay xabbadi ku dhacday.

 

Waxaa oo ay indhahaygu qabteen tobaneeyo qof oo albaabka hore iyo dariiqa dheer dhaawacoodu wadhanyahay, iyadoo waxaa runta meesha ka dhacay lagu tilmaami karo masiibo fool xun, waxaa kale oo indhahaygu qabteen tobaneeyo ciidamada qarranka ka tirsan oo iyagana dhaawac ka soo gaadhay dhagxaantii iyo shiidkii, dhimashada la ii xaqiijiyey ayaa ah hadda 2 Qof halka dhaawacu uu kor u dhaafayo 20 qof oo iskugu jira mid halis ah iyo mid sahlan.

 

 

 

Rasaasta xoogeeda oo bilaabantay abaaro 9:30 Aroornimo ayaa waxay socotaa ilaa wakhtigani aan war bixinta diyaarinaayo oo eheladii Marxuumka geeriyooday oo yaalla qolka Maydka iyo weliba inaadeerkii oo ciidamadu toogteen ay is dul yaallaan, weli wax xal ah iyo wax wada hadal ah oo socda ma jiraan, balse dhammaan shacabka reer Hargeysa waxaa ka guuxaya maskaxahooda weli awoodda xad dhaafka ah ee Ciidamada Qarranka oo ka amar qaadanaya wasiirka Daakhliga ay u adeegsadeen maanta Shacab aan waxba galabsan balse keliya la tiiranyeysan Marxuum ehelkooda ah oo maydkiisu yaallay Cisbitaalka.

 

Wixii warar ah ee ka soo kordha falkani sida ugu dhakhsaha badanleh ayaan idiinla soo socodsiinayna.

 

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

SOMALILAND.ORG INFORMATION CENTER, HARGEISA

Somaliland.org@gmail.com

 

 

 

Assalamu Calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems that the officials used really excessive and unnecessary force. Tanks and heavy military equipment were used to get a dead person out of hospital and forcefully bury him without the consent of the relatives of the killed person.
He was beheaded by a member of the police force
because they had an argument about who owned a land.

Where did you get that from??

 

The dead man (alaya raxma raxmiin) was a police officer himself, and his family wanted "An eye for an eye" on the spot... typical natural reactionary for Somalis. The Police wanted to cool things down and first let the dead man be burried and then let things be negotiated without any haste or quick decisions. The problem started there.

 

Most of the killings and problems in Somaliland today is all about land disputes. This is the most serious problem that is still haunting Somaliland and so many people died because of this silly disputes which can errupt into a voilent family to family fude where guns and even knives get involved. Particularly, the fact that there is a lot of guns into the public hands make this matter worse, even the Police becomes a target when the temperatures are high in these kind of family disputes.

 

Anyways, this is about a family not between clans or subclans as the "you know who" want to allude to - just to clearify things. This was a typical Somali family wanting to quickly do their thing, their Somali way of settling things without the authorities' involvement in any way. Which is no acceptable, if there is rule and order here.

 

First the matter will be put to a court, a court will decide if the act was a murder or if it was self defence. The court will also look into the piece of land that was in dispute. The two families, can also look into settling the matter outside court - if both agreed.

 

The good thing is that the killer handed himself to Police and is currently under police custody.

 

But it is unfortunate that other lives were taken and that the government used disproportional force.

Share this post


Link to post
Share on other sites

people please dont worrie the fight happend between two people whom figthed over a land then one shoot the other then so off he went to generall hospital and then a serious Gun fight happend inside the hospital big those somalis from the south are making it so big ohh please remmebr we have a goverment and poilce force ok!!! our goveremnt funactions unlike yours.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

In spite of Hargeisa possessing somewhat functioning system, the likelihood a sporadic dispute pops up here and there is high, however, as they done it before I believe this will be contained before it spreads out.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

In spite of Hargeisa possessing somewhat functioning system, the likelihood a sporadic dispute pops up here and there is high, however, as they done it before I believe this will also be contained before it spreads out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this