Sign in to follow this  
Kamaavi

DKMG iyo Sh Axmed Madoobe oo ku heshiiyay la dagaalanka Al-shabab.

Recommended Posts

Kamaavi   

azf4ll.jpg

 

 

Shabakada Aljazeera ayaa boga ay ku leedahay Internetka ku daabacday heshiis ay ku sheegtay inuu dhexmaray dawlada KMG iyo Sheekh Axmed Madoobe oo ciidamadiisu ka hawlgalaan gobolada Jubooyinka.

 

Shabakada Aljazeera oo soo xiganaysa illo wareedyo labada dhinac ah ayaa sheegtay in labada dhinac ay wada gaadheen heshiis mabda'iyan ah oo ay xarakada Alshabaab u aqoonsadeen cadow ay wadaagaan.

 

Qodobada labada dhinac ku heshiiyeen oo saxaafada laga qaiyey ayaa waxaa kamid ahaa:

 

1 Midaynta ciidamada DKMG ee lagu taba baray dalka Kenya iyo kuwa Axmed madoobe.

2 In Alshabaab loo aqoonsado cadow labada dhinac ay wada leeyihiin

3 In Jubooyinka laga sifeeyo Alshabaab

4 In la dhiso maamul loo dhan yahay oo wada matala beelaha dega Jubooyinka

 

5 In la ilaaliyo deriswanaaga dawlada Kenya

 

Waxay kaloo Aljazeera sheegtay iyadoo soo xiganaysa ilo wareedyo khaas ah in dawlada Kenya ay ka warheshay heshiiska isla markaana la gaadhsiiyey nuqul kamid ah heshiiska.

 

Isla ilo wareedyadan ayaa Aljazeera u sheegay in labada dhinac ay bilaabeen diyaarinta istaraatijiyadii lagula dagaalami laha Alshabaabka ku sugan Jubooyinka.

 

Warkan oo dhameystiran ka akhri halkan Aljazeera.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma durba? oo waaba hilmaamen casharaddi shabaabku horey ugu soo dhigeen. Mise in loogu soo celsho ayeey doonayaan oo loo sii bay-baaynsho?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^Awey mamulkii Zeylici? Seefta banaanka? iyo af hayeenkii indhaha guduudna ,,,, sow cashar looma dhigin iyaba... :D

 

Xiinka madoobee iyo Xisbiga are on the boat. Ku ducayso in sharifku madaxa kor u yara qaado oo uu neefsado. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sh. Xassan Daahir Aweys “Axmed Madoobe DKMG ah ayuu la heshiiyey”

 

1fkeif.jpg

 

Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sh. Xassan Daahir Aweys ayaa sheegey in ay ka warheleen in Sheekh Axmed Maxamed Islaam uu heshiis la saxiixdey DKMG ah iyo dowlada Kenya

 

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu Xamar ku qabtey ayuu sheegey in Axmed Madoobe iyo DKMG ah ay ku heshiiyeen in ay “wada difaacdaan” Jubooyinka sida uu hadalka u dhigey, balse Xisbul Islaam ay taasi ka hortagi doonto.

 

Waxa uu sheegey in ay jiraan qorshayaal ay maleegayaan dowlado dhowr oo ay doonayaan in ay kusoo farogaliyaan Soomaaliya, balse waxa uu ka digey in dabka ka hilaaqaya Soomaaliya uu gaari doono wadamadooda.

 

Sh. Xassan Daahir ayaa wax u muuqda in uu u qiilsameynayo Sheekh Axmed Madoobe waxa uu sheegey in uu ka mid ahaa mujaahidiintii qabatay Jubooyinka balse Alshabaab ay la dagaalameen kuna tilmaameen in uu ridoobey, balse ay ahayd in uu iska samro, mana ahayn in uu ku biro DKMG ah xiligan.

 

“Nalagama uusan tashan inaga, mana aqbaleyno” ayuu yiri Sheekh Xassan

 

Hadalka Sheekh Xassan Daahir ayaa soo baxay kadib warar saxaafada kusoo baxay oo shalay la faafiyey oo ahaa in Sh. Axmed Madoobe iyo Prof. Gaandi oo wasiir dowlada ka tirsan ah ay heshiiyeen, waxyaabaha lagu heshiiyeyna ay ka mid ahaayeen in la mideeyo ciidamada Axmed uu hogaaminayo iyo kuwa Jubooyinka laga soo aruuriyey, Kenyana lagu tabobaray.

 

Hase yeeshee ma jirin wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee la sheegey in ay heshiiyeen.

 

KismaayoNews oo sameysay xariiro kala duwan oo ay xog badan kaga ogaaneyso arrintani ayaysan illaa haatan u suurogalin in ay xaqiijiso heshiiska oo la sheegey in uu ahaa mid qarsoodi ah.

 

Hase yeeshee il war galeen ah ayaa ugu yaraan KismaayoNews u sheegtey in uu dhacay kulan dhexmaray Sh. Axmed Madoobe iyo Prof. Gaandi balse aysan jirin wax heshiis ah oo dhacay.

 

Walloow Sheekh Xassan Daahir Aweys uu sheegey in xisbigiisa ka hortagi doonaan heshiiskani, hadana ereybixinta uu isticmaaley ee ah “si ay wada difaacdaan Jubbooyinka” ayaa keentey shaki ah in uu ogolyahay arrinka, caadi ahaan ereybixinta xoogaga islaamiyiinta ah marka ay ka hadlayaan wax ay cadaw u arkaan waa iney yiraahdaan “weey nasoo weerarayaan” ee ma ahan “waxbeey difaacayaan” sida uu Xassan Daahir ka dhawaajiyey.

 

Wixii arrintani kasoo kordha dib ayaa kasoo tabin doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sheekh Xasan Daahir: "Axmed madoobe iyo Gaandi waxay ku heshiiyeen inay Jubooyinka iyo Gedo difaacdaan"

 

35bfrra.jpg

 

Hogaamiyaha Ururka Xisbul islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka warheleen In Axmed madoobe,Gaandi iyo rag uu wato ay heshiis ku gaadheen inay difaacdaan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay in heshiiskan aysan raali ka ahayn ayna ka urur ahaan ka hor tagi doonaan.

 

Dhanka kale Sheekha ayaa u digay dawladaha Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Burundi isagoo ugu baaqay inay faraha kala baxaan arimaha Somalia.

 

Hadalka kasoo yeedhay hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa yimid kadib markii maalintii shalay ahayd ay saxaafda somalida oo soo xiganaysa shabakada Aljazeera ay baahiyeen in Sheekh Axmed madoobe uu heshiis lagalay DKMG kaasoo inta laga warhayo ka koobnaa dhowr qodob oo ugu muhiimsanaa in labada dhinac ay iska kaashadaan ladagaalanka Alshabaabka ku sugan Gobolada Jubooyinka.

 

Sh.Axmed madoobe ayaa ilaa iyo hada aan ka jawaabin wararka sheegaya inuu la heshiiyey DKMG,Lama oga in uu ka jawaabi doono hadalka maanta kasoo yeedhay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo inkale.

 

Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^ Odeygu ma qacbaa mise Dhuso mareeb ayaa la qabsaday. :D:D

 

Dowlada waxaa ugu jira Indho Cade jaajuus xaalka halka uu marayo usoo sheega, Dowlada waxaa qabiilkiisa laga siiyay waxaanan qabiilada kale la siin, wali rabshuu wadaa, saaxiibadii kala tageen. Ina Caydiid, Ina habel Khalid, Zakariya, Dr.Cumar Iiman, Macow, Sh.H Turki, Abdikadir Dhaqane, Sh.Sakiin, Sh.Sharif aaway? Culumadii kala tage sida Sh Bashir Salad, Sh Barud Gurxan, Sh Umal, walaalkii Dr Aways.

 

Odeygu saaxada ayuu si fiican ooga baxayaa ,,, u dhaafa. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sheekh Axmed Islaam iyo dadka deegaanka oo kulmey

 

Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa qirey kullan dhexmaray isaga iyo dadka deegaanka Jubooyinka oo ay ka midyihiin odayo dhaqameedyo, waxgarad iyo Prof. Gaandi oo ah wasiir ka tirsan DKMG ah

 

Sheekha oo u waramay saxaafada maxaliga ah ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal shalay kasoo yeerey gudoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xassan Daahir Aweys oo ku eedeyey isaga in uu heshiis la galay DKMG ah.

 

Axmed Madoobe ayaa sheegey in uu jiro kulan uu la yeeshey Prof. Gaandi balse uu ahaa kulan qaab deegaaneed u dhacay, wuxuu sheegey in cid kasta oo ku socota magaca deegaanka uu u baneyn doono aaga si ay meesha uga saaraan Alshabaab, isla markaasina uu isaga kaashan doono.

 

Waxa uu sheegey in Xisbul Islaam ay ka gaabisey in ay xitaa difaacdo saraakiisha halhalka loo ugaarsanayo, haatana ay nasiib daro tahay in 7 bilood ka dib oo uu duurka ku jirey isagoo laga gardarnaa ay haatan ku eedeeyaan waxyaabo aan sal iyo raad lahayn, waxa uu xaqiijiyey in DKMG ah ay ka midtahay dadka uu la dagaashanyahay.

 

Warar ay heleyso KismaayoNews ayaa sheegaya in kullanka dhexmaray Axmed Madoobe iyo odayaasha deegaanka looga wadahadley dhismaha dowlad goboleed awood badan oo laga hergaliyo Jubooyinka, iyadoo rajo xoogan laga muujiyey cududa militari ee hadafkaasi lagu gaari karro.

 

KismaayoNews oo qadka taleefoonka kula hadashay Sheekh Axmed ayuu ku gaabsaday in uusan bixineynin wax xog ah oo ka dheeraad ah ama ka faahfaahsan intaasi.

 

Xarakada Alshabaab ayaa Sheekh Axmed Madoobe dagaal ku qaaday, kadibna ku tilmaamay nin diinta ka baxay, iyadoo waanwaan la doonayay in la dhexdhigo illaa hadda aysan wax miro dhal ah noqonin.

 

Laakiin 7 bilood kadib Axmed Madoobe waa qodaxda ku taagan Alshabaab, dhowr jeer oo hore ayuu ku qaaday weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo waxyeelo xoogan gaarsiiyey Alshabaab, arrimahani cusub ee soo kordhaya waxay Alshabaab galisey heegan iyo abaabul hor leh, waxaana jira cabsi soo kordheysa oo ah in maalmahan soo socda ciidamada Axmed Madoobe oo kaashanaya kuwa deegaanka ee dhawaan lagu soo tabobaray Kenya ay hormar culus ka gaaraan dagaalada , lana wareegaan deegaano Jubooyinka ka tirsan.

 

Alshabaab wali wax hadal ah kama aysan soo saarin waxyaabahani cusub ee soo kordhey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Axmed Madoobe is right on this one. He has every right to gather the support of the tolka in his struggle against the extremists lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this