Sign in to follow this  
Emperor

Golaha Guurtida D-block of Mogadishu Congratulate President Farole

Recommended Posts

Emperor   

Golaha Guurtida ******* ee G/Banaadir Xafiiska xoghaynta guud: War-saxaafadeed.

 

Jimco 16. 01. 2009

 

 

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 14/01/2009 ,fadhi ay isugu yimaadeen

Isimada,Guurtida,Aqoonyahanada iyo wax-garadka Beesha *******

,dood,wada-xaajood iyo falanqayn dheer ka dib,waxay isku af-garteen

Qodobada soo socda:-

 

1-Beeshu waxay si buuxda u taageertay Doorashadii habka Dimoqoraadiga

ah u dhacday ee lagu doortay Gud Golaha Baarlamanka Puntland MD:

Abdirashid

 

2- Beeshu waxay kula talisay Madaxwene C/raxmaan Sh. Maxamuud

(Faroole) iyo ku-xigeenkiisa C/Samad Cali Shire inay sugaan Ammaanka

Gobolka,gaar ahaan dhinaca Burcad-badeedka oo loo tiriyo in ay qayb ka

yihiin xubno sar-sare oo ka tiesan mas'uuliyiinta DGPL,sida ku xusan

Resolutionka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay SC/9546 ee 19

December 2008,waxaana aan idinkula talinaynaa inaad arrintan is-kaashi

kala yeelataan Beesha Caalamka,isla markaasna jawaab cad ka bixisaan

Eedeynta Guddiga Monitoring Group oo soo gudbiyay war-bixinta.

 

3-In ay Beeshu meel kasta ha joogtee ay si buuxda u taageerto Guusha

ka soo baxday tartankii Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ,kuwaasoo kala

noqday M/weyne C/raxmaan Sh. Maxamuud iyo M/Xigeen C/Samad Cali Shire.

 

4- Beeshu waxay si adag u tilmaantay in la dhamaystiro hay'adihii

Dawliga ahaa ee ay is-hortaageen Maamulladii ka horeeyay sida Nidaamka

Axsaabta badan(Multi Party) iyo Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah

(Constitutional Court) si looga gudbo hab-beeleedka tagaadiyay

Geedi-socodka siyaasadda iyo yoolkii ay Ummaddu higsanaysay,isla

markaasna saamayn ku yeeshay hab-raacii xulashada higaanka Xukuumadda

loo xuli lahaa.

 

5-Beeshu waxay la socodsiinaysaa Masuuliyiinta DGPL in lagu darsaday,

Hanti iyo Ciidan DFKS,kuwaasoo dhammaantood ay gaar u leedahay DGPL,Gaadiidkasi sidaas darteed waxaan Madaxda MGPL ka codsanaynaa inay arrimaha Hubkan iyo Ciidankanba kala hadlaan Madaxda Amisom iyo Africa Peace and Security Commission (Ambasador Lamanana) oo u dhashay Aljeeriya,taasoo aan ula jeedno haddii la dhiso Ciidan Qaranna Hubka iyo Ciidankuba waxay ka mid

yihiin agabka DFKS,haddii ay suurtoobi weydona waxaa laga doonayaa

Madaxdaas inay keenaan tubtii lagu furdaamin lahaa Hubka iyo

Ciidankaba,waana inaad Go'aan kala gaartaan arrinta oo leh

khatarteeda.

 

6- Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaannu kula dardaarmaynaa inay

door muuqda ku yeeshaan ka go'aan gaarista arrimaha Siyaasadda iyo

Ammaanka ee Soomaaliya,sababtoo ah Puntland waa qayb ka mid ah

Soomaaliya door muuqdana kuma lahan arrimaha uu hor-boodayo Ahmed

Walad Abdalla (Saxnuun,ii 2aad) Puntland waxay xaq u leedahay inay

fagaarayaasha ka caddayso fikirkeeda siyaasiga ahmilaa haddana waxaa

huwan magaca Soomaaliyeed koox isku reer ah,iyagaana la isa soo

hor-fadhiisiyaa,taasi oo aan macne badan samaynaynin,wallaow ay

caalamka u gudbiyaan warar aan sal lahayn oo iyagoo is-qaybiyay ka soo

kala baxa.

 

7-Beeshu waxay si cad uga dalbanaysaa Masuuliyiinta Puntland inay si

buuxda Ammaanka gacanta ugu dhigaan si Xafiiska Siyaasadda ee UNka loo

keeno meelaha nabdoon ee Soomaaliya (Intrium location) sida ku xusan

Qaraarka UNka,maadaama ay Muqdishu nabad noqon weyday.

 

8- Madaxda Cusub ee Puntland waa in ay si deg-deg ah jawaab uga

bixiyaan war-bixintii Guddiga Kormeerka Hubka oo dhaleecayn dusha uga

tuurtay Puntland,kuna tilmaantay madaxdeeda kuwo la shaqaysta

Burcad-badeedka.

 

9-Beeshu waxay su buuxda u canbaareynaysaa Commonique 28th,30th,31th

ee ka kala dhacay New-york,Nairobi,Addis-ababa dhammaantoodna uu

shir-gudoominayay Siyoun Mesfin iyo Commonique African Peace and

Security Commission ( PRESS STATEMENT ON THE SITUATION IN

SOMALIA)

 

 

Sidaas darteed waxaannu idinku adkaynaynaa inaad dhammaan arrimahan ka

miro-dhalisaan.

 

 

Dr: Husein Mohamed Dirir

Mogadishu,Somalia

 

 

 

 

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

 

Allidamaale@hotmail.com

 

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

 

Allidamaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Let me just add one bit, although the content of the message is good I was laughing at the new term, Golaha Guurtida Beesha D-block Loool :D , we have heard before Golaha Odayaasha Beesha H-block of Mogadishu, and now this, Walle Mogadishu caja'ib ayay leedahay wax kasta way keenaysaa :D

 

PS: I am sure, AT will disaprove this and say these do not represent me :D

 

PS2: Good call from Golaha Guurtida Beesha D to welcome and uhambaliyeeyeen President Faroole and his Vice Mr Shire.

Share this post


Link to post
Share on other sites

5-Beeshu waxay la socodsiinaysaa Masuuliyiinta DGPL in lagu darsaday, Hanti iyo Ciidan DFKS, kuwaasoo dhammaantood ay gaar u leedahay DGPL, Gaadiidkasi sidaas darteed waxaan Madaxda MGPL ka codsanaynaa inay arrimaha Hubkan iyo Ciidankanba kala hadlaan Madaxda Amisom iyo Africa Peace and Security Commission (Ambasador Lamanana) oo u dhashay Aljeeriya,taasoo aan ula jeedno haddii la dhiso Ciidan Qaranna Hubka iyo Ciidankuba waxay ka mid yihiin agabka DFKS,haddii ay suurtoobi weydona waxaa laga doonayaa Madaxdaas inay keenaan tubtii lagu furdaamin lahaa Hubka iyo Ciidankaba,waana inaad Go'aan kala gaartaan arrinta oo leh khatarteeda.

I am hearing Faroole has already been pushing this issue with AMISOM and IGAD.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^I didn't know but that's good to hear, if he already made contacts to Mogadishu and with the AMISON forces then Faroole is doing the right thing, he's the leader now and thus responsible of everything regarding Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Emperor:

Let me just add one bit, although the content of the message is good I was laughing at the new term, Golaha Guurtida Beesha D-block Loool
:D
, we have heard before Golaha Odayaasha Beesha H-block of Mogadishu, and now this, Walle Mogadishu caja'ib ayay leedahay wax kasta way keenaysaa
:D

There might be an explanation for it. Perhaps they resurfaced after - unlike their famous counterparts - quietly joined underground resistance when Mogadishu was occupied. Their deep concern for the plight of the Yey's trapped militiamen is because they understand how crucial they're for the safety and security of the people of Mogadishu. Wise guys indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Adeer you and the above dude are on a different airwaves, everything that contains the D term is somehow cynical to you and is only for the purpose of Yey and Puntland miyaa Lol, so lowly of you...

 

FYI, I am more alarmed and disturbed by the use of the term, and I believe some politicians in Mogadishu are behind this new phenomina to make a case and use it later for their political purpose, I doubt there are any Golo-Guurti of the said clan in Mogadishu. Isimada iyo odayaasha reerkan meelaha ay joogaan waa layaqaan.

 

The city of Mogadishu is famous for coming up with clan-based organisations, ala style of Ururka reer Hebel :D , adeer that's not something we approve and find it appealing in Puntland. And like I said in my earlier post, although the message of the said Odayaal is not bad, I certainly don't think that name is cool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by The Zack:

The right term should've been Jaaliyadda D ee Muqdhisho loool.

How so?

 

Mogadishu is a Somali city, and the Capital.

 

We are not like people in Hargeisa who call other Somalis who are on Somali soil within the Somali Republics boundaries ''diaspora''.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu was , relatively speaking, prior to the Ethiopian invasion and occupation the most diverse Somali city, like it always used to be.

 

Ofcourse we are talking about post-1991, still in that context Mogadishu hosted a large share of the ones where this topic is about. Mainly from Gedo and Jubboyinka, and other Northern businessmen from Northern Somalia.

 

So Mogadishu is open to all Somalis, and no one who is a Somali will be called by us ''diaspora''.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this