Sign in to follow this  
Emperor

Kismayo fallen and Huuraale run on a donkey as usual

Recommended Posts

Emperor   

War deg deg ah: Al-Shabaab oo la wareegay Magaalada Kismaayo.

22. august 2008

 

 

Kismaayo(AllPuntland)- Dagaalo xoog leh oo maalmihii ugu dambeeyey ka socdey Magaalada Kismaayo ayaa goor dhaw lugu qabsaday Magaaladaasi ,markii ay Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab la wareegeen Magaalada.

 

Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa dagaal xoog leh la galay Maleeshiyo beeleedyo Magaaladaasi soo maamulayey tan iyo wixii ka dambeeyey markii Magaalada laga saaray ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya 22-April-2007-ba.

 

Wariye ka tirsan AllPuntland oo jooga Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in ay dagaaladu hada ka socdaan banaanka magaalada oo ay ubaxeen maleeshiyadii dagaalka kula jirtay Al-Shabaab.

 

Wariyuhu wuxuu sheegay in ay dagaaladan saaka ahaayeen kuwa culus, ayna ku dhinteen dad badan waxaana uu sheegay in uu Magaalada ka baxay Xildhibaan Barre Aaden Shire (Hiiraale) oo ahaa Masuulka ay ka amar qaadanayeen ciidamadii dagaalamayay maalmihii ugu dambeeyey Kooxaha diidan dawladda faderaalka ee Soomaaliya.

 

Halka uu ku sugan yahay Barre Hiiraale ayaa lugu sheegay meel magaalada ka baxsan oo ay ka sii dhaxeyso rasaas xoog leh oo saakadii hore ka bilaabatey Kismaayo.

 

Faahfaahinta kala soco AllPuntland.com

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hiiraale's exit from Kismayo seems to be more important to some rather the death of so many Somalis. It makes no sense why this war has to happen now creating another new wave of refugees, risking Ethiopian attacks and destabilizing the south even farther.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

:rolleyes: @ sniggering tittle.

 

Anywho,I dont get this strategy by Al-Shabaab,dont they have their hands full in Mogadishu without wasting resources in over taking other towns by force which means more Somalis dying and suffering? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Malika:

 

Anywho,I dont get this strategy by Al-Shabaab,dont they have their hands full in Mogadishu without wasting resources in over taking other towns by force which means more Somalis dying and suffering? :confused:

Duke's Clan Courts slur is proving a reality with every passing day I guess.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

War deg deg ah: Kismaayo oo ay la wareegeen xoogaga kacdoonka shacabka.

KN: warar sugan oo iminka naga soo gaaray Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada kismaayo ay gacanta gabi ahaanba u gashay xoogaga kacdoonka shacabka , iyadoo magaalada laga saaray maleeshiyooyinkii maamulka beeleedka magaalada ka talinayay.

 

wararkii ugu dambeeyey ee magaalada naga soo gaarayo ayaa sheegaya in magaalada gabi ahaanba ay gacanta u gashay xoogaga kacdoonka shacabka oo uu hogaaminayo Sheikh Dulyadeyn iyo abaanduulayaal kale, wararka ayaa intaasi ku daraya inb ay gacanta ku dhigeen dhamaan xarumihii maamulkii hore ay gacanta ku heyn jireen. dagaalku waa mid qaboobay inta baddan xaafadha dadkii ka qaxay ayaa dib loosoo celinayaa, iyadoo dadkii dhaawacmey lagu dawaynayo isbitaalka magaalada oo dadka ay ka tirro bateen.

 

maleeshiyooyinkii magaalada ka talin jirey ayaa magaalada oga baxay dhanka goobweyn, waxayna fadhiyaan meel Goobweyn ka sokoysa halkaas oo tacshiirad ay isku weeydaarsanayaan ciidamo yar oo ka daba baxay, sidoo kale waxaa la sheegayaa in ciidamo maxaakiimtu leeyihiin oo kasoo baxay dhanka Kamsuuma ay magaalada kusoo food leeyihiin waxaana laga yaabaa in ay dhabar jabin ku sameeyaan ciidamada magaalada laga saaray oo Goobweyn mele u dhow ku sugan.

 

warar sugan oo KismaayoNews ay u xaqiijiyeen saxafiyiin magaalada ku sugan, Col. Barre Hiiraale ayaa la shegayaa in uu magaalada ka baxay oo uu horkacayo maleeshiyooyinka magaalada laga saaray, waxaa la sheegay in uu isagu horkacayo ciidamada, oo laga yaabo in saacadaha soo socda loo furo wado ay ku baxsadaan, iyagoo ku wajahan Garbahaaray iyo BaladXaawo oo wali ay ka taliyaan hogaamiyekooxeedyo Barre la olog ah.

 

Magaalada Baardheere oo Barre uu tagi lahaa waxaa gacanta ku haaya maxaakiimta oo suurogal ma ahan in uu tago, laakiin waxaa shaki la galinayaa in maxaakiimtu u ogolaan doonaan in uu Barre iyo ciidankiisa baxsadaan iyo in kale, maxaakiimtu waxay ka war qabaan haddii Barre baxsado in uu dib isu soo abaabuli doono xabashidana soo kaashan doono.

 

waxaa dhanka kale dib loo furey qadkii isgaarsiinta magaalada, oo xirnaa saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada maxaakiimta ayaa iminka sugaya amaanka garoonka iyo dekeda iyo meel kale, walina madaxdoodu lama hadlin dad weynaha, waxayna ku jiraan wadatashiyo gaagaaban wallow aanan si rasmi la'isu horfariisin, walina madaxda qaarkood ay furunta hore joogaan.

 

KismaaYonews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

This is good news, its a welcome move, its not about Alshabaab or UIC, its the people of the city and reer Waamo that fought against this evil Huraale militia...

 

AT&T sxb kan wuxuu lamid yahay KACDOONKI shacabka Muqdisho iskaga saareen qabqablayaashii Xaaraanka kuhaysatay, in which every sane Somali person and groups, be it TFG, OLF, Punt, SL or any X group have supported.

 

Nuune and Che, this time round things have changed, you seem to be stuck in the old days...

 

Malika whats wrong with the topic, Huraale run on a donkey last time when ousted by Maxkamaha so title is fit for purpose, even worse there were a rumour that this time the man was wearing veil and on a donkey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

:rolleyes: @ Unknown! , maa intaasi lee dagaal ugalaan miyaa?

 

Ngonge,I guess so too!

 

Emperor,am sure someone somewhere is feeling justified,but am just disheartened by any news of more Somalis killing each other for what ever justifiable reason they have to do so. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Of course we are all deeply saddened and dishearted by the death of the innocent Somali people but the removal of the drug-dealer, scrap-merchant and the man who burned the greenry areas of Somalia the Jubba for coal is a matter to be welcomed...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this