Sign in to follow this  
General Duke

A report on Badhan Sanag

Recommended Posts

Biyo la Hubaa waa Badhan

Warbixin ku saabsan magaalada Badhan

 

Badhan :- Magaalada Badhan waxay dhacdaa Loolka 10o.05’ Waqooyi, Dhigta 48o.33’ Bari. Waxayna ka tirsan tahay Gobolka Sanaag, waxayna u jirtaa 118km magaalada Ceergaabo oo xagga Bariga ah, magaalada Boosaasona waxay u jirtaa 180km oo xagga woqooyi ah.

 

 

badhan_horseed1.JPG

 

Magaalada Badhan waxa dhinaca woqooyi iyo Waqooyi Bari kaga dhereran silsiladda buuraleyda Golis. Waxay leedahay ceel dabiici ah oo magaaladu ka cabto , waana ceelka ay magaca kula baxday ee Badhan, waxana uu caan ku yahay halku dhegga ah Biyo la hubaa waa Badhan, oo ah kelmad ay bixiyeen ciidamadii daraawiishtu xilligii ay saldhigga ka dhigteen.

 

Waxana ceelka ku wareegsan dhismihii taariikhiga ahaa ee lagu yaqaaney daraawiishta.

 

badhan_horseed2.JPG

 

 

Muuqaalka ceelka Badhan

Magaalada Badhan waxa ku nool dad gaadhaya ilaa 40.000 oo qof, waana tiro soo kordheysa, dad badan oo tuulooyinka iyo miyiga kaga imanaya awgeed.

Magaalada Waxa ka furan afar dugsi , oo labo ay dugsiyo sare yihiin iyo hal xadaano, dugsiyadaas waxa wax ku barta arday gaadheysa illaa 1650 arday.

 

badhan_horseed3.JPG

 

 

Dugsiyada quraanku waxa iyana gaadhayaan 21 dugsi quraan , 9 masaajid oo labo kamid ah jimcaha lagu tukado.

 

Magaaladu waxay kale oo leedahay Isbitaal dhowaan dayactir lagu sameeyey, uuna yaallo qalab casri ah oo ay ugu deeqday hay,adda Al-manhal, iyo MCH .

 

 

Magaalada waxa kujira laynka telefoonada ee shirkadda Golis, iyadoo weliba shirkaddaasi korontada magaalada gelisey , inkasto ay jiraan shirkado yar-yar oo korontada siiya magaalda itaalkooda, waxa kale oo laga helaa Internet coffee-yo , dadku aad u isticmaalaan. Waxana ka furan idaacad FM ah , iyadoo uu kasoo boxo wargeys labo todobaadle ah oo la yidhaahdo Calmadow.

 

Dhaqaalaha magaaladu wuxu ku tiirssan yahay ganacsi ballaadhan oo ay la leedahay dekedda Boosaaso , iyadoo maalin walba uu ka boxo mid kamid ah labada Bas ee rikaabka u qaada magaalada Boosaaso. Iyo xoolaha nool iyo beero aan sidaa u horumarsanayn.

 

badhan_horseed4.JPG

 

 

Waxa soo gala afar waddo oo magaalada ku xidha magaalaooyinka la jaarka ah sida Ceergaabo, Boosaaso , Laasqorey iyo Magaalooyinka dhulka oogada ah ku yaal, inkastoo ay yihiin waddooyin raf ah , oo aan nasiib u yeelan in ladhigo laami. Taasna waxa dadku ku dhibaatoodaan xiliyada roobabka ah,oo waxyeello soo gaadho waddooyinkaas, gaadiidkuna aannu mari karin.

 

 

Waxaa qoraalkan soo diyaariyey

Maxamuud Ciyoon /Badhan

Wargeyska Calmadow /Badhan + Horseednet.

 

 

-------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bishaaradii Nafteydaaaaay

Lugta Waxaaan Ku sooo Maray

Ba'talaalihii uu Boodhari Ku aasnaaa

Ilaa Buurtii Daalo

Buran iyo Hadaafitomooo

Ceerigaabo iyo Badhan

Baladadii Kalgacalada

iyagoo Barwaaaqaaaaaa

Biyuhuna Qul-Qulayaaaaaan

Baliyaduna Buuxaaaaan

soo Bookhay owgaaaaaaaaaaa

 

;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Manshalah. Also I should point out that the heroine of Pland; Fatima Jama Jibrell who's from Eastern Sanaag, Buran in particular, is the most responsible to the fact that Pland is now the entity in the horn of Africa with an effective protection of the acacia trees.

I will dedicate a thread about her NGO Horn Relief within a short period Inshalah.

 

ps: Orgilaqe, I was waiting for your pictures you were about to post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

beautiful pics,,Badhan,miss u very much. :D

 

Fatima Jama Jibrell is indeed a heroine of Somalia; she is also the wife of the current Minister of Defense, Gen Abdulrahman Mahamoud Ali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ You people, can you post Xiin-Galool pictures? Badhan, Dhahar, Las-Qorey iyo Hadaaftimo igama heyso hada ee show me some Xiin-galool pics :D Or even Damalaxagare iyo Calmadow ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

great post - thanks Smith!

 

guys buurtii badhan ku taaleey maxaa la oranjireey?

 

lol@JamaaL

 

» Sunrise on the Makhir Coast - NASA

 

sunriseonmakhir.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Yes I am definately interested in the pictures of Xiingalool and DamalaXarage as i have never seen these places before,but the nomadic setting and view will indeed treat my devout love for ancestral homeland. Muad, the name of that mountain, was it Geelsaar or Geelaroor? I don't know man, but it starts with G.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this