Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

British Secret service officials arrive in Somaliland

Recommended Posts

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Ingiriiska oo Hargeysa jooga iyo Amaanka Caasimadda oo aad loo adkeeya

Written by Waaheen

Jul 15, 2010 at 03:18 PM

Hargeysa-(Qarannews)-Waxa manta Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport ka soo degay Wafti Sare oo ka tirsan Sirdoonka Ingiriiska kuwaasoo la socday Diyaarad khaas ah oo ka soo duushay Dalka Itoobiya

Waftigan waxa hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Sirdoonka Somaliland, kuwaasoo tababar dhinaca Maamulka Sirdoonka ah u tagay magaaladda Addis-ababa

 

Ilaa hada ma cada sababta waftigani ay u yimaadeen Dalka hase yeeshee warar aanu ka helnay qaar ka mid ah Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay xidhiidho la socoshada dhaqdhaqaaqa Kooxaha islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Somaliya oo dhaqdhaqaaqyo dagaal ka bilaabay Mandaqada kuwaasi oo ay kor ka kala soconayaan

 

Sidoo kale waxa la sheegay inay imaanshaha waftigan ka danbayso xisaabtan ay ku doonayaan inay ku ogaadaan Deeqo lacageed oo ay Xukuumadda Somaliland hore u siiyeen kuwaasoo loogu talagalay in wax lagaga qabto dhinaca War-doonka

 

Sida ay ilahaasi sheegeena waxa ay kormeer ku samaynayaan Xarun weyn oo ay Ciidamadda Sirdoonka Ingiriisku ka dhisteen Magaaladda Hargeysa oo ay ugu talagaleen inay ka dhigtaan Saldhig ay ku baadhaan dadka ay u tuhmaan argagixiso iyagoo qalabayn doona xaruntaas oo muddo hore dhismaheeda la dhamaystiray balse aan ilaa hada wali la furin

 

Ciidamada Milatariga iyo kuwa Booliiska ah ayaa la dhigay jidadka Hargeysa iyo goobaha muhiimka ah si ay u sugaan amaanka Waftigan, iyadoo la filayo muddada ay dalka joogaan inay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta Dalka

 

Safarka Waftigan ayaa ku soo hagaagay iyadoo ay cabsi weyni ka jirto Somaliya iyo Dalalka la jaarka ah, oo ay ku hirdamayaan kooxaha Jihaad doonka ah iyo dalalka urur goboleeda Igad

 

 

Waaheen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Milatariga iyo kuwa Booliiska ah ayaa la dhigay jidadka Hargeysa iyo goobaha muhiimka ah si ay u sugaan amaanka Waftigan,

Niman sirdoona oo dannahooda gaarka ah u socda ayaa waxaa loo soo dhawenayaa siddan dhulka cagaha looga qaadayaa. aduun!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siilaanyo oo caawa la kulmay wafti ka socda sirdoonka Ingriiska

Written by Qarannews

Jul 17, 2010 at 03:33 PM

Hargaysa,(Qarannews)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland mudane Axmed Siilaanyo ayaa caawa kulan la yeeshay wafti ayaamahanba dalka joogay oo ka socday sirdoonka Ingriiska, xubnaha waftigani oo ilo xog ogaal ahi ay noo sheegeen in ay ka soo laabteen safar ay ku tageen badiba gobolada Somaliland ayaa waxa uu kulankoodaasi uu ka dhacay caawa Hotel Ambasadoor ee magaalada Hargysa sidaasi waxa qarannews u xaqiijiyay ilo mihiim ah.

 

Ilaa hada ma cada waxyaabaha ay labada dhan ka wada hadleen hase ahaatee waxa ay hore waftigani ula kulmeen madax ka tirsan xukumada xilka wareejinaysa iyo laamaha sirdoonka qaranka, waxana la filayaa in arimaha ugu waaweyn ee labada dhan ay ka wada hadleen loo malaynayaa in ay tahay sidii la isaga kaashan lahaa arimaha argagaxisada iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya sirdoonka labada dal, oo hore dhidibada loogu aasay, iyada oo labada dal ee Somaliland iyo Ingriiska uu ka soo dhaxeeyay xidhiidh qoto dheer, iyada oo dalka Ingriisku uu xornimada siiyay Somaliland 1960'kii.

 

source qarrannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Allamagan:

quote:Ciidamada Milatariga iyo kuwa Booliiska ah ayaa la dhigay jidadka Hargeysa iyo goobaha muhiimka ah si ay u sugaan amaanka Waftigan,

Niman sirdoona oo dannahooda gaarka ah u socda ayaa waxaa loo soo dhawenayaa siddan dhulka cagaha looga qaadayaa. aduun!!
Waa yaab! It is stark contrast of how Richard Burton, the British Spy who paved Somalia's colonialization, was attacked and injured in Berbera, and now his grand sons with similar posts are having royal reception in the streets of Hargeisa.

Somali way u dhamaadey as our cultural pride and dignity has gone rock bottom.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Richard Burton's time is over adeer ,,, it is 2010 and the world communicate differently.

 

 

Go bring that cultural pride & dignity in Muqdisho first ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubno Ka Tirsan Sirdoonka Dawlada Ingiriiska (M16) (Secret Intelligence Service) (SIS) Oo Xarun Ka Furtay Hargaysa

 

 

Sida ay tilmameen xogtaasi, Saraakiishani ayaa la sheegay iney kormeer ku tegi doonaan...

 

 

Hargeisa (Gabiley News):- Warar lagu kalsoon oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegay in Xubin ka tirsan Sirdoonka Ingriiska MI6 (Secret Intelligence Service) (SIS),(United Kingdom), ay ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa, kuwaasoo la socday Diyaarad khaas ah oo ka soo duushay Dalka Ethiopia.

 

Xogtaan ayaa tilmaamtay, Saraakiishaan oo muddo gaaban tababaro ku siiyay xubno ay ka mid yihiin Madaxa Sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur iyo Saraakiil kale oo ka tirsan xafiiskaasi, kuwaasoo tababar dhinaca Maamulka Sirdoonka ah u tagay magaaladda Addis-ababa.

 

Ilaa hada ma cada sababta Sarakiishani ay u yimaadeen Somaliland hase yeeshee warar aanu ka helnay qaar ka mid ah saraakiisha maamulka ayaa sheegay inay la xiriirto ka war-haynta dhaqdhaqaaqa Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Somaliya oo dhaqdhaqaaqyo dagaal ka bilaabay Mandaqada kuwaasi oo ay korka kala soconayaan.

 

Sida ay tilmameen xogtaasi, Saraakiishani ayaa la sheegay iney kormeer ku tegi doonaan xarun dhexe oo ay ka dhisteen MI6 magaalada Hargeysa, iyagoo ugu talo galay iney kala socdaan dhaqdhaqaaqa Kooxaha islaamiyiinta ee ka dagaalama Konfurta Somaliya, kuwaasoo tuhun weyn laga qabo iney howlgalo ka bilaabaan degaanada Dalka Somaliland & mamuul goboleedka Puntland, Xaruntaani ayaa la sheegay in lagu qalabeyn doono Qalabka dhageysiga Isgaarsiinta iyo gaadiid lagu howl geliyo, ilaa hadda lama oga iney u qorteen shaqaale degaanka ah oo ka gacan siiya howlahaasi.

 

 

Ciidamada Milateriga iyo kuwa Booliiska ah ayaa la dhigay jidadka Hargeysa iyo goobaha muhiimka ah si ay u sugaan amaanka Waftigan, iyadoo la filayo muddada ay joogaan inay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta Somaliland.

 

Waxana hada il gaar ah lagu hayaa Geeska Afrika tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, halkaasi oo ay sheegteen in ay ka dambeeyeen ururka Al.Shabaab ee gacanta ku haya Koonfruta Somalia waxana indhaha Beesha Caalamku si weyn ula socdaan dhaqdhaqaaqa Somalida.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sida ay tilmameen xogtaasi, Saraakiishani ayaa la sheegay iney kormeer ku tegi doonaan xarun dhexe oo ay ka dhisteen MI6 magaalada Hargeysa, iyagoo ugu talo galay iney kala socdaan dhaqdhaqaaqa Kooxaha islaamiyiinta ee ka dagaalama Konfurta Somaliya, kuwaasoo tuhun weyn laga qabo iney howlgalo ka bilaabaan degaanada Dalka Somaliland & mamuul goboleedka Puntland, Xaruntaani ayaa la sheegay in lagu qalabeyn doono Qalabka dhageysiga Isgaarsiinta iyo gaadiid lagu howl geliyo, ilaa hadda lama oga iney u qorteen shaqaale degaanka ah oo ka gacan siiya howlahaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Allamagan:

quote:Ciidamada Milatariga iyo kuwa Booliiska ah ayaa la dhigay jidadka Hargeysa iyo goobaha muhiimka ah si ay u sugaan amaanka Waftigan,

Niman sirdoona oo dannahooda gaarka ah u socda ayaa waxaa loo soo dhawenayaa siddan dhulka cagaha looga qaadayaa. aduun!!
Waa runta. :D

Kaalay, adigu ma run bay kaa aheed markaad sida lo dhaweyaay argtay, mese waa kaa ciyaaar o sida "normal people-ka" waad la yaabtay Sirdoon maalin cad lago sii dhaweeyay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this