Sign in to follow this  
MoonLight1

Is A.Lahi Yusuf VINDICATED?

Recommended Posts

Emp, awoowe Yey is on a siyaaro trip to Yemen let him rest in peace :D .

 

 

Warye Macno yare aka Mintid Farayar, haddana ma Paragon baad macawista kaga dheggentahay. Taydii ma kugu fillaan weydey :D ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^I know Yey is on Siyaaro in Yemen but his men are still in Mogadishu and that's my point, marka Saaxib don't hide behind the laugh, if your caravan has any other fighters other than tell us ninyaho.... Mase Ethiopia ayaa soo loobanaysa, waaba soo galeen ayaan maqlaayay...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Xiin :D Ninku ma sidan buu ahaa? This is the first time aan wax uu soo qorey si fiican u akhriyo.

 

Emperor, imisa jeer ayaa la yiri the caravan is gone? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin,

Adkeysa, saaxib, adkeyso. Don't make me an excuse for the horrible couple of days you've been having.

 

And stick to attacking ideas, not personalities. That trick seems to have lost its effectiveness for you and your ilk. Defend your ideas like a man and don't attack personalities when you're losing.

 

All I've said in the past has always been the same - your ideas are bankrupt and hypocritical. I think many on this Forum have now woken up to that fact.

 

Adkeyso....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Lool. Ma JB baa minder-kooda ah? :D

 

Emperior, lol. Waa talo nin weyn. Sxb, anigu waxaan leeyahay bal yaanan la degdegin illeen cayaari waa gelin dambee?

Share this post


Link to post
Share on other sites

JB is more of their supervisor, :D he is more of a diplomat,but these two always hunt as a pack like wolves looking for koonfurian blood, but I always suspected if Mintid is OODWEYNE with new identity and easier language to understand.lol :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^That is plausible given his mindless drive

 

Emp, awoowe ciidanka xamar joogaa waa ciidan dawladeed, taliyye ciidan, wasiir gaashaandhig, iyo madaxweyne bay leeyihiin. Sharif wuxuu dhaxlay haykalkii dawladeed ee ku meel gaarka ahaa ee Yey ka tegey. Haddaad rabtid intaa ku faan faan laakiin, maantoo hanagu celcelin. War ma garatay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa si kulul uga hadlay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho, isagoona dagaaladaas ku tilmaamay mid la doonayo in Dowladda lagu bur buriyo, waxaana uu Mas'uuliyada dagaalka dusha uu ka saaray Kooxda Alshabaab oo uu sheegay inay hoos ku wataan Argagixiso Ajaaniib ah.

 

Maxamed Qanyare oo ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii ay awoodii ka tureen Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in Dowladda ay is difaaceyso, isagoona cadeeyay in dagaal aan lagu kala adkaaneyn.

 

"Dagaalkan waxaa wada Alshabaab oo Niman Argagixiso Afganistaan hoos ku wata, Dowladdana wey is-difaaceysaa"ayuu yiri Maxamed Qanyare oo intaa ku daray in Dagaalka aanu aheyn dagaal diimeed.

 

"Anaga markii aan aheyn Isbaheysigii Argagixiso la dirirka waxay dhihi jireen waa Ashahaado la dirir, maantana waxay leeyihiin Shariifkii oo shalay iyaga ku saf ahaa waa Ashahaado la dirir, anaga hadii aan tanaasulnay oo Sheekh Shariif Madaxweyne noqday ma Ashahaado la dirir baa"ayuu si kulul u yiri Maxamed Qanyare.

 

Sidoo kale Maxamed Qanyare ayaa ku eedeeyay Kooxda Alshabaab inay wado dilalka qorsheysan, isagoona sheegay in si sharci daro ay dadka ku dilaan, isla markaana dadka shacabka hortood ay ka ridaan Madaafiicda, isagoona dusha ugu tuuray dhibaatooyinka shacabka soo gaaray inay Alshabaab ka mas'uul tahay.

 

"Nimankaan meeshey danahooda ka waayaan waxay yiraahdaan waa ashahaado la dirir, balse waxaan idin cadeyhaa in aanay diin ku dhaqmeyn"ayuu mar kale ku celiyay Maxamed Qanyare oo ka mid ahaa Ragii Hogaamiye Kooxeedyada ee Muqdisho ku aas aasay sanadkii 2006-dii Isbaheysigii La dagaalanka Argagixisada.

 

Waa hadalkii u horeeyay ee Maxamed Qanyare uu si toos ah u weeraray siyaasada Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, gaar ahaan Kooxda Alshabaab, tan iyo markii Qanyare awoodiisa ay kala jejebiyeen Maxkamadihii islaamiga ee hada kala firdhay.

 

 

-------------------- -------------------- ---------

 

Is Qanyare vindicated?

 

 

Silly question like the A.Yusuf one.

 

 

Both are warlords that have been defeated. Good riddence!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this