Sign in to follow this  
wind.talker

Freedom for alleged ONLF fighters from Hargeisa prison

Recommended Posts

Some judges have some sense. Some...

 

Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Amartay In La Sii Daayo 28 Maxbuus Oo Ku Eedaysnaa In Ay Yihiin ONLF

 

Jamhuuriya — Hargeisa, Somaliland — 4 September, 2005

--------------------------------------------------------------------------------

 

Hargeysa(Jam)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xukun ay shalay soo saartay waxa ay ku dhawaaqday in la sii-daayo 28 Maxbuus oo ku eedaysnaa inay xubno ka yihiin Jabhadda Xoraynta Ogaaadeeniya ee dagaalka kula jirta Dawladda Itoobiya (ONLF), kuwaas oo muddo sannad ka badan ugu xidhnaa xabsiga dhexe ee Hargeysa eedaymo la xidhiidha inay gudaha Somaliland ka wadeen qorshe ay ku doonayeen inay kharbudaad iyo weeraro ay ku qaadaan dawladda Itoobiya.

 

Maxkamadda Sare go’aanka dacwadaasi ay u fadhiisatay waxa ay xukunkeeda u cuskatay in aan wax caddaymo ah loo haynin fal-dambiyeedka lagu soo oogay 28-ka Maxbuus, sidaas darted, xabsiga laga sii-daayo loona soo celiyo Xoriyadooda.

 

Hase yeeshee, Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka, ayaa xukunka Maxkamadda Sare waxa uu ka qaatay codsi ah inay mar kale dib u eegis ku samayso xukunka ay gaadhay dacwaddaasi sida uu xeerku dhigayo.

 

Maxkamadda Sare iyada oo hirgelisay codsiga Xeer ilaaliyaha Guud ee dib u eegista xukunka dacwadda, ayaa waxa ay isla shalay qaraar ku soo saartay in xabsiga lagu sii hayo 28-ka Maxbuus inta Maxkamaddu go’aan ka gaadhayso dib u eegista uu dalbaday Xeer ilaaliyaha guud.

 

Eedaysanayaasha loo haystay Jabhadda Xoraynta ONLF, ee tiradoodu ahayd 28 ayaa waxa lagu xidhay Magaalada Hargeysa Bishii May ee sannadkii 2004, markii lagu eedeeyay inay gudaha Somaliland ka abaabulayeen shirqoolo ka dhan ah Dawladda Itoobiya ee jaarka la ah Somaliland, isla markaana xidhiidh sokeeye la leh Dawladda Somaliland.

 

Eedaysanayaashan oo Eedaymaha uu ku soo oogay Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud, ayaa dacwad ay hore ugu fadhiisatay Maxkamadda gobolka Hargeysa waxa ay midkiiba ku xukuntay shan sannadood oo xadhig ah 28-ka Eedaysane, oo ka mid ah 29-kii Eedaysane, waxaanay Maxkamaddu sii-daysay hal Eedaysane. Hase yeeshee, Qareenada Difaacayay Eedaysanayaasha ayaa waxay Rafcaan ka qaateen Maxkamadda gobolka, ka dibna Maxkamadda Rafcaanka ee heer gobol ayaa go’aan ay ka soo saartay waxay waxba kama jiraan ka dhigtay xukunkaas, waxaanay dacwaddii dib ugu celisay Maxkamadda gobolka si ay mar kale dhagaysiga dacwaddaasi ay Maxkamadu dib ugu fadhiisato.

 

Xukunkaasi Maxkamadda Rafcaanka, ayaa Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud waxa uu Rafcaan ka qaatay Maxkamadda Sare oo muddo ka badan Sagaal bilood ay hor taalay dacwaddan uu rafcaankeeda u soo qaatay.

 

Toddobaadkan ayaa markii u horaysay Maxkamadda sare mudaysay dhagaysiga dacwaddan, waxaanay fadhigeedii shalay xukun ku soo saartay in Ooda laga qaado Eedaysanayaasha, iyada oo u cuskanaysa in caddaymo ku filan fal-dambiyeedyada lagu eedaynayo aanu Xeer ilaaliyuhu soo hordhigin Maxkamadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

These story is baseless these guys will will finished their sentenced delivered in court of law, after all they were caught in red handed trying to smugle weapons from Eriteria via jbouti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this