Sign in to follow this  
General Duke

deputy PM Buuba rubishes silly Qaynyare

Recommended Posts

ISMAACIIL BUUBAA: “Qanyare hadba wuxuu cadaw u arkaa cidda aan isaga shakhsiyan taageersaneyn, waana sababta uu u maagayo dalalkaasâ€

Sabti, July 02, 2005(HOL): Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ahna wasiirka Iskaashiga Gobolka ee Xukuumadda Federaalka Md. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo wax laga weydiiyay sida uu u arko eedeyn uu Maxamed Qanyare oo ah Wasiirka Amniga u jeediyay Dalalka Talyaaniga, Yemen iyo Itoobiya, kuna tilmaamay in ay yihiin cadaw Soomaaliyeed ayaa sheegay in Maxamed Qanyare uu hadba cadaw u arko cidda aan isaga shakhsiyan taageersaneyn, “waana sababta uu Qanyare ku maagayo dalalkaasâ€ayuu yiri Md. Buubaa.

 

Waxaa sidoo kale wax ka weydiinay Mr. Buubaa oo u waramayay Wargeyska SAnca Press ee ka soo baxa magaalada Muqdisho taageerada uu sheegay Qanyare in ay Qaramada Midoobay iyo Mareykanka u fidiyeen howsha nabadeynta ah ee ka socota Magaalada Muqdisho, “Wasiirrada dhowrka ah ee Xamar ku sugan waxaa ay beesha caalamku 100% kaga kalsooni badan tahay haweenka rayidka ah ee ka shaqeynaya nabadeynta, waana kuwaas kuwa ay taageerayaan UN-ka iyo Mareykanka sida ay noo sheegeen iyagoo weliba naga codsaday in aan dhiirigelinno howsha nabadeynta ah ee ay ka qeybqaadanayaan qeybaha Bulshada Rayidkaâ€ayuu ku jawaab celiyay Mr. Buubaa, isagoo dhinaca kale xusay in dib u heshiisiinta dowladda dhexdeeda ay haatan tahay mid ka dhow heerkii hore, wuxuuna tusaale u soo qaatay in Shariif Xasan, Guddoomiyaha Baarlamaanka uu haatan ka dabacsan yahay sidii hore marka la fiiriyo hadalladiisii u dambeeyay.

 

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md. Qanyare Afrax oo ka hadlayay xuska munaasabadda 1-da Luulyo ee xornimo qaadashadii Gobollada Koofureed ee Soomaaliya iyo Midowgii labada gole ee Waqooyi iyo Koofur ayaa qudbadii uu ugu talagalay xuska munaasabaddaas waxaa uu kaga faa’iideystay eedeyn uu u jeediyay Dalalka Talyaaniga, Itoobiya iyo Yemen oo uu sheegay in aysan dhexdhexaad ka ahayn howlaha nabadeynta ah ee ka socda ee magaalada Muqdisho.

 

“Yemen, Itoobiya iyo Talyaaniga dhexdhexaad kama ahan arrintan, waxayna rabaan in ay dumiyaan wax wanaagsan oo kasta marka la dhisayo, Talyaaniga wuxuu nala daba joogaa mar walba lacag, isku dirid iyo balaayo, shacabka Soomaaliyeed waxaa la rabaa in uu sidaas u ogaado, lacag haddii la bixiyo waxay noqon kartaa hub iyo rasaasâ€ayuu yiri Maxamed Qanyare Afrax oo mar kale maanta sheegay in diyaarad shalay geysay Magaalada Boosaaso Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ay waday Hub iyo Rasaas, wuxuuna caddeeyay in ay arrintaasi keeneyso dagaallo mar kale ka dhaca Soomaaliya iyo in la is-dilo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why is everyone suprised that these warlords see any country that supports the government as enemy. These men don't want peace they had rather die than lose their drug lands. I suggest A/Y to quit and sit in Galkacyo, its either that or a bloody war which will be worse than 1990 will visit Somalia soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ I suggest you make sense dear. The President was elected to take care of these warlords as for your constant predictions of all out total war its getting tiresome. Insha Allah there will be no all out war, no clan war... So tell us something new.

 

Buuba spoke the truth, people ahve more confidence in the people of Mogadishu and not the intentions of men who's days are numbered.;..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this