Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Mujaahid Ibraahin Dhegoweyne oo si kulul u dhaleeceeyay xadhiga siyaasiyiinta Qaran

Recommended Posts

SDWO (Hargeisa 30/0707) Mujaahid Ibraahim Dhegeweyne ayaa si weyn ugu dhaliilay xakuumada Madaxweyn Rayaale iyo xilkasnimo Darro isla markaana ku eedeeyay inay u dhaqanto habkii guracnaa ee uu ku dhaqmi jiray taliskii Siyaad Bare ee ku salaysana cabudhinta, caga jugleynt iyo xadhigga sharcidarrada xabsiyada loogu guri jiray ciduu uu u arko inay siyaaasadiisa ka biyo diidan tahay.

 

 

 

Mujaahid Ibraahim Dhegaweyne wuxuu sidaa ku shegay Waraysi khaasa oo uu siiyay wargeyska Haatuf ee ka soo baxa magaalada Hargeysa, Waxuuna Mujaahid dhegeweyne ku tilmaamay xaaladu dalku marayo mid werwer leh, isla markaana aan la saadaain Karin halka uu ku dambayn doono, isagoo sheegay in xadhiga lagula kacay masuuliyiinta urur siyaasadeedka Qaran uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana wuxuu xadhigaas ku tilmaamay inuu tusaale u yahay hamiga guracan ee u madaxweyne Rayaale ku doonayo inuu ku jiidhsiiyo ummada reer Somaliland meel marinta nidaam keli-talisnimo oo uu ku doonayo inuu awooda dalka oo dhan gacantiisa ku qabsado cidna aanu u joojin si uu ugu qariyo xilgudasho la,aanta xukuumadiisa , isagoo mujaahid dhegweyne xusay inaanay taasi ahayn mid manta u meel mari doonta madaxweyne Rayaale balse ay riyadiisa ka hor iman doonto runta oo layla gaadhaa.

 

 

 

Dhinaca kale golaha midnimada beelaha habar awal ayaa si kulul u canbaareeyay xadhiga masuuliyiinta sarsare ee ururka Qaran. Waxay golahani xukuumada ugu baaqeen inay si degdeg xoriyadoodii ugu soo celiso isla markaana ay xukuumaddu ka foojignaato tallaabooyinka sharci darrada ah ee ay kula kacayso muwaadiniinta.

 

 

 

Dhinaca kale eheladii siyaasiyiinta la xidhxidhay ayaan ilaa hada aanay u suurto gelin inay xabsiga maandheera ku booqdaan oo siyaaradooda uga soo kicitimay gobolada iyo degmooyinka dalka, ka dib markii xukuumadu amar ku bixisay in aanay cidi booqan Karin taas oo aanay maalintii doraad xitaa xaasaskoodii iyo caruurtoodii laga hor istaagay inay arkaan. Iska hortaaga xukuumada ee booqashada masuuliyiintaas xidhan ayaa ahayd u qaadan waa ku noqotay ehelka iyo asxaabta jiidaha kala durugsan uga kala yimid.

 

 

 

Dhinaca kale waxa maaanta magaalada Hargeysa shirar jaraaid oo kala duwan ku qabtay Odayaal ku hadlayey magaca beesha Sacad Muuse iyo odayaal ku hadlayey magaca beesha Habar Yoonis, inkastoo ay xukuumadu ka hor istaagtay in ay shirkaa jaraaid ku qabtaan hoteladii lagu qaban shiray shirarka noocan oo kale ah sida Baar xaraf, Shirkaa aakhrikii waxay si gooni gooni ah ugu qabteen labadaas beelood geedo ku dhow dooxaha Hargeysa Hoostooda, waxaanay dhamaantood ku dhaleeceeyeen xadhiga xukuumadu kula kacday masuuliyiinta ururka Qaran.

 

 

 

Gebogebadii dadku waxay u dhego taagayaan marka ay dhamaato 7 da cisho ee loo dhaadhiciyey masuuliyiinta xabsiga mandheera oo la filayo in la horkeeno Maxkamda, iyadoo dadka qaar isweeydiinayaan xukuumadu ma soo diyaarsandoontaa dacwad rasmi ah oo ay ku soo oogto masuuliyiintan xidhan mise xukuumadu waxay codsandoontaa in mudo kale dib loogu celiyo jeelka oo rumaan kale oo dirro.

 

Guled Cabdi Shaakhaash

 

Hargeisa - SDWO News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

It seems that most if not all those that in whatever way genuinely participated the armed struggle against former Military regime, have come out against this reckless move by riyales administration. Now the question remains "WHO ARE THE SUPPORTERS OF THIS HEINOUS ACT"?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

OOOOh Ok MR. JB :D Well, I was confused by your signature in contrast to your Somaliland political stance. Regarding your staunch support for riyaale, I was expecting your Signature to entail the Riyales famous Statement of congratulation to Meles on Invading Xamar, and not that of siilanyo, a political rival to Saint riyale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Toban Maxkamadood,Guurti Cid Kale, Midna Wax Aan Sharci Ahayni Kama Soconayo Ee Mee Sharcigii

Dr. Cali Cabdi Muxumed, — Hargeisa, Somaliland — 5 August, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Magac aan ku dhaqan shuruuceed lahayni ma noqonayo magac. haddii uu Sarkaal qaran metelan, hanti qaran ku shubto jeebka oo iyada oo caddeyno badan iyo maragyaba loo hayo uu xaakimku amar uu meel sare ka helay awgii, miiska garaaco oo ku dhawaaqo, Eedaysanaha dambigan waa lagu waayey, intuu miiska garaaco, shaambad uu kaga xoroobay debmigaa ma u noqoneysaa? Nin qof diley oo Maxkamadi sii deysay iyada oo ehelkiisii caddeyn iyo maragyoba u hayaan, maxkamad baa sii deysay ma u noqoneysaa barii'nimmo.

 

Guurtidan isu sacab tumaysaa, iyada oo aan sifo distoorka iyo shuruucda waafaqsan ku joogin, iyada oo hay'ad xukuumadda ka mida oo inqilaabtey distoorka Dalka isuna jadiidisay xilka, waxa ay ku hadleyso cidda dhegeysanaysaa iyaga laftooda ayaa shuruuc diid ah. Hal xaaraan ahi nirig xalaala ma dhasho, Gole aan Bulshadu soo dooran sida Wakiillada oo iyaga oo odey dhaqammo ah haddana Hay'addii sharci-dejinta lagu dhabar jebiyo, in laga hoos qaado lana aqoonsado maaha!!. Waa in lagu daro Golaha wakiillada doorasho xor ah kaddib ama marxaladdii loo sameeyey, waa laga soo gudaye waa in la baabi'iyo oo Dalku baarlamaan qudha lahaado.

 

Muwaadinku dalkan lix iyo toban sannadood buu ku dulman yahay. Annaga Madaxweyne , Guurti , Baarlamaan, Wasiir iyo mid kale toona musharkiisu nama soo gaadho, lamana lihin, waxa haddii aanu bulshada nahay wax noo ah, Mas'uulka Haybadda iyo sharafta qaranka Somaaliland sifo sharciga waafaqsan u muujiya, Musuqa la dagaallama, xuduudaha Dalkayaga aan muran gelin ee suga, Gole wasaro oo tiro yar tamar badanna sameeya oo

qorshe ay ku hawl-galaan oo qarameed leh.

 

Waxa wax noo ah, Mas'uulka hay'adihii fulinta ee qaranka waa Ciidammada qaranka'e Darajo iyo Astaamihii qaranka Somaliland ku dhiirrada in ay ka muuqdaan direyskooda oo ay muuqato haybadda Somaliland. Ilaa maanta maamulkanu waxa uu ka baqayaa in uu muujiyo jiritaanka Somaliland oo waa maleeshiya ciidammada qaranku!! inta ay sidan yihiinna caddaaladi ma jireyso, waayo xil lagu xisaabtamo ayaa maqnaanaya. Waxa wax noo ah, Mas'uulka adeegyada caafimaad, biyo laydh, nadaafad, maamul ilaa heer xaafadeed gaadhsiiya. Waddooyinkii Caasimaddu waa muraaro dillaac, waddooyinku laydh ma laha, boodhadh tilmaameed ma laha, qaar nabad gelyo waddo wey ku yar yihiin , Dabdemis qaran ma jiro, idaacad Muwaadinka iyo qaranka isku xidhaa ma jirto, Ardeyda sannad walba ka qalin jebisa Dugsiyada sare wax qorshe ah iyo xataa daneyn maamulku uma laha waana mas'uuliintii qaranka

ee mustaqbalka.

 

Dalku hanjabaad muwaadinka loo hanjabo, xadhig aan sharci ahayn iyo awood qaran oo lagu danaysto, qaran kuma noqonayo. Dabar ku giiji aanu hore iyo dib midna ugu socon cidna laga dhegeysan maayo ee waxaan odhan lahaa maamulkan wasiirrada sharku hor boodayaan, waar haddii intii laydin baray dhammatey, marxaladdiinnii wey socotey ee bal majaraha dalku u sii daaya, dar intaa ka badan yaqaanna oo wax tar ah, ayaa halkaa safarka ka sii wadiye, Isgiijintuse wax badan oo si khaldan idiin soo galey ayey idinka daadin, isla markaana, daadka cadhada bulshadu, cidhibtiinnay tiri, idinka oo itaal daranna ka hulleeli doona. "Hadduu duubi buuxsamo inuu daadto la arkeeye."

 

Dr. Cali Cabdi Muxumed,

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xargaga:

OOOOh Ok MR. JB
:D
Well, I was confused by your signature in contrast to your Somaliland political stance. Regarding your staunch support for riyaale, I was expecting your Signature to entail the Riyales famous Statement of congratulation to Meles on Invading Xamar, and not that of siilanyo, a political rival to Saint riyale.

Well, i don't suppor Rayaale as Rayaale ,, and i don't support UDUB coz they are UDUB ... i support the political stances, strategies and acheivements made so far plus what is going on in terms of implementation and planning.

 

Well, supporting Rayaale doesn't mean i worship the human being .... once he is wrong then i'm against him ...

 

I'm not against KULMIYE at all ,,, i just don't like the way they campaign as i said many times ,, just that and i'll be with them.

 

UCID is out of the window ,,, never supported them and they don't have a touchable value in my side ......

 

The words marked in my signature are written in gold ,,,, As Rayaale was wrong to congratulate Melez on what he did in Somalia although some words are twisted.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this