Sign in to follow this  
General Duke

UN's John Holmes in Mogadishu : PICS

Recommended Posts

John Holmes Oo Soo Gaamar Muqdisho

--------------------------------------------------------------------------------

Muqdisho(Calanka.com) 12-May-2007

Wafdi ka kooban dhowr xubnood oo uu horkacayay wakiilka xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada Mr. John Holmes aya soo gaaray maanta magaalada Muqdisho, isagoo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Wafdigan oo ay ku soo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb (M.dheer), Taliyayaasha ciidamada Qalabka sida, wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr. Maxamed Cali Foon iyo taliyaha ciidamada AMISOM iyo xubno kale.

 

Wafdigan oo muddo dhowr saacadood ah ku sugnaa xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho ayaa imaanshihiisa ku soo beegmay xilli uu qarax ka dhacay Waddada ay ku yimaadeen oo aheyd KM4, halkaasna ay ku dhinteen sadex qofood, afar kalena ay ku dhaawacmeen.

 

 

Mr. John Holmes oo markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha la hadlay saxaafadda gudaha iyo dibadda ayuu sheegay in imaanshihiisu ay tahay ujeedada ka dambeysa inuu la kulmo madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ra’iisul wasaare Geeddi iyo xubnaha dowladda.

 

Isu duwaha gar-gaarka Deg-degga ah (ERC) ee Qaramada MIdoobay John Homes wuxuu booqanaya Soomaaliya bisha Maajo 12-13keeda si uu qiimeyn ugu sameeyo xaaladaha aadanimo ulana yeesho wada hadallo dowladda Federalka ku meel gaarka ah iyo bulshada rayidka ah.

 

 

Ujeeddooyinka booqashada Mudane Holmes waa sidan:

 

Si uu dhinacyada Soomaaliya ugu qanciyo oo ay ku jiraan kuwa ciidamada, in ay ixtiraamaan xeerarka caalamiga ah (oo ay ku jiraan ilaalinta dadka shacabka ah, ixtiraamaanna xuquuqda aadanaha), ayna dhiira geliyaan nabadad iyo degenaanshaha oo dan u ah dadka Soomaaliyeed.

 

Inuu maamulka ka xaqiijiyo dhammaan taageerada loo baahan yahay si si buuxda oo aan xannibaad laheyn loo gaarsiiyo dadka sida ba’an ugu baahan taageerada iyo ilaalinta xuquuqdooda, isla markaana loo xaqiijin lahaa in ixtiraam buuxa la siiyo dhex-dhexaadinta, u dhexeynta iyo madax banaanida dhammaan howlaha gar-gaarka ah ee aadanimo.

 

Kor u qaadidda ogaanshaha caalamka iyo taageerada Soomaaliya si wax looga qabto jawaabna looga bixiyo musiibada aadanimo ee ka dillaacday Soomaaliya .

Taariikh nololeedka John Holmes

 

Holmes waxa uu xoghayaha Guud ee Qaramada MIdoobay Ban ki Moon uu u magacaabay isu duwaha Gar-gaarka deg-dega ah ee Qaramada Midoobay oo uu si rasmi ah ula wareegay 1-da Maarso 2007.

 

Intii aanu ku soo biirin qaramada Midoobay John Holmes wuxuu ahaa safiirka Ingiriiska ee Faransiiska, jagadaas oo uu hayay tan 2001, wuxuu ku biiray arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Ingiriiska sanadkii 1973, wuxuuna ka soo qaatay kaalimo kala duwan oo ballaaran. Wuxuu shaqadiisa ka bilaabay London, oo ay ku jirtay mar uu Qaramada MIdoobay u qaabilsanaa oo ay ka mid aheyd waqti 1975 oo Golaha loo dhan uu u matalayay isagoo ka mid ahaa ergada Ingiriiska ee Qaramada MIdoobay ee New York.

 

 

 

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay John Holmes wuxuu ka shaqeeyay Moscow, London, Paris iyo India isagoo daboolayay Bariga dhexe, AFrika, Aasiya, Amerikada Koonfureed iyo MIdowga Yurub. Mudane Holmes wuxuu madax ka noqday barnaamijka kaalmada ee Ingiriiska iyo India, oo uu qunsul ka ahaa siyaasadda, kaddibna dhaqaalaha iyo ganacsiga, laga bilaabo 1991 ilaa iyo 1995. 1998, waxaa loo magacabay Safiirka Ingiriiska ee Burtaqiiska, jagadaas oo uu hayay iilaa looga magacaabay Baariis.

 

Wax yar kaddib markii uu ku soo noqday London 1995, wuxuu noqday xoghayaha Gaarka ah ee arrimaha dibadda iyo la taliyaha Diblomaasiyadeed ee Wasiirkii koowaad ee hore John Major. Mudane Holmes wuxuu sii waday kaalintaa xilliga Tony Blair, isagoo noqday xoghayaha Gaarka ah ee ugu muhiimsan. 1999kii waxaa abaal gud loo siiyay billadda Knighthood kaalintii uu ka qaatay geedi socodka nabadeed ee waqooyiga Ireland iyo heshiiskii Jimcihii wanaagsanaa (Good Friday Agreement).

 

John Holmes wuxuu ku dhashay Preston, oo ku taalla waqooyiga Ingiriiska sanadku markuu ahaa 1951, wuxuun wax ku bartay jaamacadaha Balliol ee Oxford.

 

Muuse Maxamuud Jiisow

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isku duwaha gargaarka bani'aadnimada ee Q.M oo soo gaaray Muqdisho

 

Mogadishu 12, May.07 ( Sh.M.Network) Isku duwaha gargaarka bani'aadnimada Q.M Mr. John Holms oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ujeedka socdaalkiisa lagu sheegay in ay salka ku heyso qiimeynta xaaladda bani'aadnimo ee Somalia.

 

Abaarihii 10 kii subaxnimo ee saakay ayaa Mr. John Holms iyo xubno la socda ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi ay ku soo dhaweeyeen Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere, Taliyaha ciidamada booliska Somalia Gen. Cabdi Qeybdiid, saraakiil ka tirsan Midowga Africa iyo Mr. Francois Fall oo ah wakiilka Q.M ugu qeybsan arimaha Somalia.

 

Mr. Holms oo saxaafadda ugu waramay garoonka Muqdisho ayaa waxa uu yiri " howl-galkeena waxa uu yahay si aan u caawino dadka, waana mid fudud arinkaasi, waxaana sidoo kale raadineynaa sidii aan dowladda ugala hadli laheyn arinkaasi , waxaana ay tahay walaaca ugu daran oo aynu qabno dadka ka qaxay Muqdisho oo wali ku nool daafaha caasimadda".

 

Mr. John Homs iyo saraakiishii la socotey ayaa u gudbay dhanka xafiiska UNDP, halkaasi oo kulamo ay kula leeyihiin saraakiisha sar sare ee hay'adda UNDP, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay kulankaan.

 

Socdaalka Sarkaalkaan ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmay xilli qarax xoogan uu gil gilay wadada KM4 ee magaalada Muqdisho, iyadoo sawaxanka qaraxaan uu argagax galiyay socdaalka wafuudaan, iyadoo marka qaraxa uu dhacay wafuudaan ay dib ugu laabteen Airaporka lamana oga in halkaasi ay ka duuleen iyo in kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Fatal Blast Disrupts U.N. Somalia Trip

By THE ASSOCIATED PRESS

Published: May 13, 2007

MOGADISHU, Somalia, May 12 (AP) — The United Nations’ top humanitarian official made a landmark visit to this battle-scarred capital on Saturday, but his trip was disrupted by an explosion that killed four people near the United Nations compound.

John Holmes, the under secretary general for humanitarian affairs, is the highest-ranking United Nations official to visit Mogadishu in more than a decade. His trip, including a meeting with President Abdullahi Yusuf Ahmed, was delayed briefly by the blast near the compound.

Mr. Holmes said he intended to ask the government to allow aid to reach its people while it tried to build on the fragile peace here. “It is their responsibility to look after civilians, to protect civilians and at the very least not to obstruct aid,” Mr. Holmes said.

The trip took place about two weeks after Somalia’s government declared victory over an Islamic insurgency.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Mr. Holmes said he intended to ask the government to allow aid to reach its people while it tried to build on the fragile peace here. “It is their responsibility to look after civilians, to protect civilians and at the very least not to obstruct aid,” Mr. Holmes said.

Share this post


Link to post
Share on other sites

john holmes!! that makes me laugh so hard!! he dont look like the john holmes that i am talking about!! loool.. what a joke.

 

they should close this un stuff!! its has become the joke of planet earth...! this thing has become just a useless piece of mouth for usa abuse around the world.

 

its high time to close this worthless office of us propaganda..! for 50 yrs it did nothing but produce thugs and yes sir officials.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Not that i have much respect for the U.N. or anyone affiliated with it but its worth noting that John Holmes had some scathing words for Abdullahi Yusuf.

 

"While the fighting was going on, we were very, very concerned about the plight of civilians. Clearly it was not the normal respect for humanitarian law," Holmes told the president.

After the meeting, Holmes said the fighting in the city had violated international humanitarian law. "When you have a pitched battle going on in a city full of civilians, that is not in accordance with the Geneva Conventions," he said.

Holmes said he was disappointed that his trip was cut short, but he got "a first-hand appreciation for the appalling situation in Mogadishu."

Damn right! The situation in Mogadishu is appalling. But you needn't go there to find that out you knuckle head!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Castro:

quote:Mr. Holmes said he intended to ask the government to allow aid to reach its people while it tried to build on the fragile peace here. “It is their responsibility to look after civilians, to protect civilians and at the very least not to obstruct aid,” Mr. Holmes said.

Funny isn't it that someone else actually has to tell the warlord regime to STOP blocking aid from the civilians who need it.

 

This is the governmnet Qabilists who consume welfare in western countries support. Someone drop them in the middle of Somalia :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by Wisdom_Seeker:

quote:Originally posted by Castro:

quote:

Mr. Holmes said he intended to ask the government to allow aid to reach its people while it tried to build on the fragile peace here. “It is their responsibility to look after civilians, to protect civilians and at the very least not to obstruct aid,” Mr. Holmes said.

Funny isn't it that someone else actually has to tell the warlord regime to STOP blocking aid from the civilians who need it.

 

This is the governmnet Qabilists who consume welfare in western countries support. Someone drop them in the middle of Somalia :mad:
Bullet proof jackets, bomb blasts and a non-Somali telling you how to help the people by simply allowing aid to get through.

 

I'm i missing something here? Is this govnt doing anything at all apart from photo ops and amateurish press releases?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this