Sign in to follow this  
Emperor

Somali government bans flights to Somaliland

Recommended Posts

Emperor   

Muqdisho: Duulimaadyadii Diyaaradeed ee gobalada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya oo la joojiyay.

26. august 2007

 

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Dowlada KMG Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa war ka soo baxay ku sheegtay maanta in la joojiyay duulimaadkii diyaaradeed ee gobalada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya hadana loo yaqaano Maamulka Somaliland.

 

Dowladu waxa ay sheegtay in talaabadan la qaaday markii la helay in Shirkadaha diyaaraduhu ku xad gudbaan Duulimaadka dowliga ah kana horyimaadeen amaro ay soo saartay Hay'ada Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya oo maanta warkaan soo saartay.

 

Waxaana sidoo kale lugu sheegay Warkan in Shirkaduhu sameeyaan waraaqo been Abuur ah oo kuwaasoo ay ugu talagaleen in ay dadku ku dhoofaan ,ayadoo lasheegay in la joojiyay ilaa amar danbe oo ka soo baxa Hay'adda Duulista iyo saadaasha hawada Somaliyeed.

 

Talaabadan ay qaaday dowlada Soomaaliya ayeysan ilaa hada ka hadlin Masuuliyiinta shirkadaha Duulimaadyada iyo Maamulka Somaliland ee lajoojiyay in ay tagaan Diyaaradaha taga Magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi ka taliyo.

 

Magaalooyinka la mamnuucay in ay diyaaraduhu tagaan ayaa kala ah Muqdisho, Hargeysa, Muqdisho, Ber Bera iyo Hargeysa Muqdisho,ayadoo maalin walba diyaaraduhu isku maraan magaalooyinkaasi oo dhan ,ayadoo talaabadan lasheegayo in la doonayo in lugula xisaabtamo Shirkadaha Diyaaradaha.

 

Warkan ay maanta soo saartay Hay'ada Duulista iyo Saadaasha hawada Somaliyeed ayaa umuuqda mid ladoonaya in waxyaabo badan oo khaldanaa lugu saxo ,waxaana ku saxiixnaa maareeyaha Guud ee Hay'addaasi oo la yiraahdo Max'uud Sheekh Cali.

 

Waana markii ugu horeysay oo war noocaan oo kale ah ay soo saarto dowlada Faderaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya isla markaana waxaa lafilayaa in dhawaan xal kama danbeys ah laga gaaro.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Dowladda federaalka oo mamnuucday duulimaadyadii u baqooli jiray, kana iman jiray magaalooyinka Somaliland

 

Laanta duulista iyo saadaasha hawada ee wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan shirkadaha dayuuradaha ee ka howgala Koonfurta Soomaaliya looga mamnuucayo duulimaadyadii ay ku tegi jireen magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ka tirsan magaalooyinkan waaweyn ee Hoos taga Jamhuuriyadda la baxday Somaliland.

 

Qoraal ka soo baxay hay’adda duulimaadyada hawada oo ku saxiixnaa Maareeyaha hey’adaasi Maxamuud Sheekh Cali ayaa lagu sheegay in arintani ay ka dambeysay ka dib markii la ogaaday in shirkadaha dayuuradaha ay ku xad gudbeen nidaamka dowliga ah una hogaansami waayeen awaamiir horey uga soo baxday laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyey shirkadaha iney sameysteen waraaqo been abuur ah oo lagu dhoofo sida mida loo yaqaano (Go Home).

 

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in arintani lagu mamnuucay duulimaadyadii u baqooli jiray Somaliland ay sidoo kale la xiriirto ka dib markii maamulka halkaasi ka taliya ay shaaciyeen waa sida ku xusan qoraalkee in qofkii lagu arko isagoo wata baasaboorka cusub ee dhowaan ay soo saartay dowladda federaalka la xiri doono ilaa 8 sanadood oo xarig ah iyo arimo kale, waxaana loogu hanjabay shirkadaha dayuuradaha ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho haddii lagu helo iney ku xad gudbeen go’aankan ay ku muteysan doonaan ciqaab isugu jirta ganaax lacageed iyo duulimaadyada oo laga mamnuuco.

 

Go’aankan ka soo baxay laanta duulista iyo saadaasha hawada ee dowladda federaaalka Soomaaliya ee lagu mamnuucay duulimaadyadii u kala gooshi jiray gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo magaalooyinka Somaliland ayaa haddii uu dhaqan galo waxaa u saameyn aad u daran ku yeelan doonaa dad aad u fara badan oo dano kala duwan iyo howlo ganacsi isaga gooshi jiray labada dhinac kuwaasoo ku qasbanaan doona iney safaro wareeg ah galaan marka ay u kala gudbayaan labada dhinac, mana jiro ilaa hadda wax war oo ka soo baxay maamulka Somaliland oo arintaasi la xiriirta.

 

 

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Hay'ada Duulista Hawada DFS oo mamnuucday Diyaaradahii Aadi jiray Hrgaysa iyo Barbara ee Maamulka Soomalidiidka kadib markii ay u hogaansami waayen Shurucda.

 

Garoonka Muqdisho ee Caalamiga Aadan Cadde ayaa waxaa maanta loo diiday in ay soo caga dhigtaan ama ay aadaan Diyaaradaha rakaabka kadib markii maamulka Somlidiidka ay Hay'ada ku eedeysay in aanay u hogaansameyn qawaaniinta dawliga ah.

 

Kadib war cad oo laga soo saaray xafiiska ayaa lagu sheegay in ilaa amar danbe aanay Diyaaradaha aadi doonin Hargaysa ilaa laga saxayo qaldaad uu maamulka Soomalidiidka ee uu Dahir Riyaale hogaamiyo galay.

 

Dareenka iyo Saamaynta ay arintaan ku yeelankarto ayaa xeeldherayaasha sheegayaan in ay tahay mid ku jiifan doonta dhaqaalaha Soomalidiidka ay ka heli jireen Duulimaadyadii kaga imaan jiray Magaalada Muqdisho.

 

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Soomalidiidka oo ku sabsan xaaladan cusub ee soo wajahday

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Xabashida maxaa meesha keenay, su'aal baa lagu waydiiyay fudud, raggu inuu gabado ma ahan xaajadaada cadayso, Somalinimo miyaad rabtaa mase Somalilandnimo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

soomaalinimo maxaan ku diidi anigu miyaanan soomaali ahayn ??

 

I just have another country but i'm still and will be somali forever ...

 

 

Now, Xabashiga maxaa keenay Muqdisho ??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

JB, perhaps you need to undertand the meaning of Somalinimo, it doens't necessarily mean that one has to be ethnicly Somali to claim Somalinimo.

 

Somalinimo = Somali and nothing but Somali, no qabiil or anything else, Somali oo dhanna aad ogoshahay kana mid tahay, that's Somalinimo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

EMPER

loool dont confuse yourself waa yarka, if it is that precious how bout you wrapp it in silk cloth and stick where the sun dont shine for safe keeping, somalinimay barteen.

 

you washing the basides of amxaaro in muqdisho and you lecturing people, aint you got no shame.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anigu waxaan aamin sanahay inaan soomaaliba anigu ka hadhay ,,,, intii kele inta la gumaaday waataa masaakiintii yaraa ee soo hadhayna maraykan iyo xabashi loogu yeedhay si ay u sii gebagebeeyaan.

 

We're trying our best to build a nation free from qabiil or anything else ..... that is SOMALILAND.

 

 

Weli suáashaydii kamaad jawabin ,,, soodigii igu lahaa geesinimo muuji maxaa adiga kugu dhacay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Somalinimo = Somali and nothing but Somali, no qabiil or anything else, Somali oo dhanna aad ogoshahay kana mid tahay, that's Somalinimo.

Mr. Emperor, are you sure there is such a thing as pure Somalinimo in your case? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

maxa wax isku qasten, Somalinimo, whatever it is not being for Somaliland. At the very least, Somalinimo includes Somali Unity. Mida kale, Xabashi ba ethen ka washey ayaamahan! everything is xabahsi this xabashi that, give it a break people. The Government of Somalia, its neighbors (ethiopia, kenya, uganda) and its international supporters (the whole world minus Eritaraa) will not be stopped.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this