Sign in to follow this  
Xudeedi

Abdirizak Waberi: A Makhiri Member of the Moderate Swedish Party Elected MP

Recommended Posts

Xudeedi   

9849.jpg

 

Gothenburg _ Cadirisaaq Waaberi oo ah mid ka mida hoggaamiyayaasha wax ku oolka ah ee muslimiinta Sweden ayaa ku guulaystay jagada xubin baarlammaan ee dalka Sweden oo loo doortay. Cabdirisaaq Waa Soomaali u dhashay Gobolada Sanaag/Haylaan iyo Galbeedka Bari ee Soomaaliya. Xisbiga Cabdirisaaq Waaberi ee dhexdhexaadka ama Moderate Party waa xisbi degaan ahaan Gothenburg ka hawlgala. Muddadii uu jagadan u loollamayay Cabdirisaaq Waaberi wuxu ballan qaaday inuu isku xiri doono oo isu soo dhoweyn doono bulshada Sweden. “Waxan an ugu horrayn ka shaqayn doonaa faquuqidda. Dhallinyarta ka dhacaysa nolosha, daryeelka dadka muwaadiniinta ah, iyo arrimaha deegaanka,” ayuu yiri. Cabdirisaaq Waberi waxa uu metelaa Isutagga Islaamiyiinta, oo gacanta ku haya Masaajidka Stolkholm.

 

 

Isutagga Islaamiyiinta Sweden waxa la aasaasay 20 sano ka hor. “Waxaan u taaganahay qorshaha siyaasadeed ee faca cusub ee Dhexdhexaadka,” ayuu ku nuuxnuuxsaday. Laakiin Cabdirisaaq Waabier doorashadiisa waxay sii xoojinaysaa doodda Islaamka ku saabsan ee ka socota dalka Sweden. Mehmed Kaplan ayaa isna ah xubin kale oo Muslin ah oo ka tirsan baarlammaanka Sweden, laakiin isagu u soo galay xisbiga Green Party. Wuxu ahaa madaxweynaha Dhallinta Muslimiinta ee Sweden waana u dareen wanaagsan yahay Isutagga Muslimiinta ee Sweden.

 

 

Cabdirisaaq Waaberi oo Soomaali Muslim ah ayaa noqday xubin ka tirsan baarlammaanka Sweden Gothenburg _ Cadirisaaq Waaberi oo ah mid ka mida hoggaamiyayaasha wax ku oolka ah ee muslimiinta Sweden ayaa ku guulaystay jagada xubin baarlammaan ee dalka Sweden oo loo doortay. Cabdirisaaq Waa Soomaali u dhashay Gobolka Sanaag ee Soomaaliya. Wuxuna noqonayaa Soomaaligii ugu horreeyey oo loo doonto gole baarlammaan oo dal reer Galbeed. Xisbiga Cabdirisaaq Waaberi ee dhexdhexaadka ama Moderate Party waa xisbi degaan ahaan Gothenburg ka hawlgala. Muddadii uu jagadan u loollamayay Cabdirisaaq Waaberi wuxu ballan qaaday inuu isku xiri doono oo isu soo dhoweyn doono bulshada Sweden. “Waxan an ugu horrayn ka shaqayn doonaa faquuqidda. Dhallinyarta ka dhacaysa nolosha, daryeelka dadka muwaadiniinta ah, iyo arrimaha deegaanka,” ayuu yiri. Cabdirisaaq Waberi waxa uu metelaa Isutagga Islaamiyiinta, oo gacanta ku haya Masaajidka Stolkholm. Isutagga Islaamiyiinta Sweden waxa la aasaasay 20 sano ka hor. “Waxaan u taaganahay qorshaha siyaasadeed ee faca cusub ee Dhexdhexaadka,” ayuu ku nuuxnuuxsaday.

 

 

Laakiin Cabdirisaaq Waabier doorashadiisa waxay sii xoojinaysaa doodda Islaamka ku saabsan ee ka socota dalka Sweden. Mehmed Kaplan ayaa isna ah xubin kale oo Muslin ah oo ka tirsan baarlammaanka Sweden, laakiin isagu u soo galay xisbiga Green Party. Wuxu ahaa madaxweynaha Dhallinta Muslimiinta ee Sweden waana u dareen wanaagsan yahay Isutagga Muslimiinta ee Sweden.

 

dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Stockholm (HOL.). Dhamaadkii bishii Sebtember ee sanadkan 2010 waxaa dalka Sweden ka dhacay doorashooyinka baarlamaanka, gobolka iyo degmooyinka. Doorashooyinka waxaa ku tartamaayey xisbiyo badan oo kala ahaa – xisbiyada garabka midig iyo xisbiyada garabka bixid. Iyo xisbiyo yar yar oo aanan baarlamaanka horey ugu jirin.

 

Doorashadii sanadkan ee dalka Sweden waxaa ka soo baxay natiijooyin iyo waxyaabao badan oo aan horey uga dhicin dalka Sweden. Waxaa ka mid ah:

 

1. Waxaa baarlamaanka Sweden markii ugu horeysay taariikhda soo galay laba qofood oo Soomaali ah oo la kala yiraahdo C/risaaq Waaberi oo ka soo galay caasimadda labaad ee Gothenburg, iyo wiil da’ yar oo la yiraahdo Amir Adan. Waxay labaduba ka socdaan xisbiga talada haya ee Moderaterna. Waxaa hoos ku indha-indheyn doonaa dareenka iyo saameynta ay ku yeelan karta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden.

 

2. Waxaa baarlamaanka Sweden markii ugu horeysay taariikhda soo galay xisbi cunsuri (Racist) ah oo qaba fikradaha ajnabi-naceybka iyo islaam-naceybka. Xisbigaas oo la yiraahdo Sverigesdemokraterna, wuxuu baarlaaanka ku yeeshay 20 kursi oo ka mid ah 349 kursi ee baarlamaanka, wuxuu isla markii abuuray jawi aad u adag, dood iyo in uu kala qeybiyo xisbiyadii baarlamaanka horey ugu jiray.

 

3. Arrinta saddexaad ee ka soo baxday doorashooyinka dalka Sweden waxay noqotay in xisbigii dalka ugu weynaa isla markaana talada dalka inta badan oo hayey ayaa waxaa ku dhacay khasaaradii ugu darneyd boqolkii sano ee ugu dambeeyey, waa xisbiga Socialdemokraterna oo horey boqolkiiba 30 codadkii dalka. Taasi waxay noqotay jab iyo khasaaro aad u ballaaran oo ay la kulmeen hogaamiyayaasha xisbiga Socialdemokraterna ee dalka Sweden, ayaga oo waayey awooddii baarlamaanka iyo midkii magaalada caasimadda ee Stockholm, markii labaad, labadii doorasho ee ugu dambeeyey.

 

4. Waxaa maamulka siyaasiga ee magaalada Stockholm (Kommunfullmäktige) soo galay saddex Soomaali ah oo ka kala socota saddex xisbi – Eng. Cawad C/rixman Xisri (xisbiga Miljöpartiet), Rahman Diiriye (xisbiga Moderaterna), Xasan Wuqooji (xisbiga Socialdemokraterna), iyo Kaahin (xisbiga Moderaterna) oo galay maamulka caafimaadka iyo gaadiidka ee gobolka Stockholm (Stockholm Landsting). Waa markii ugu horeysay ee ay Soomaalidu kuraas ku yealato baarlamaanka dowladda hoose ee magaalada Stockholm. Waxaa sidoo kale magaalada Katrineholm soo galay maamulka magaaladaas Yaasiin Maaxi oo ka socda xisbiga Socialdemokraterna.

 

In Soomaalida Sweden ay laba xildhibaan ku yeeshaan baarlamaanka dalka Sweden waa horumar weyn oo ay gaareen guud ahaan Soomaalida qurba-joogta ah gaar ahaan Soomaalida Sweden. Ma jiro dal kale oo ku yaala galbeedka dunida oo ah meelaha ay Soomaalidu u soo qaxday oo xildhibaanno ku leh baarlamaanada dalalkooda. Taasi macnaheesi waxa ay yeelan kartaa macnooyin badan, balse waxaan rabaa in aan soo qaado hal qodob oo aan ka arkay dareenka dadka Soomaaliyed ee magaalada Stockholm. Labada xildhibaan ee Soomaaliyeed (C/risaaq Waaberi iyo Amir Adan) waxa ay baarlamaanka u fadhiyaan xisbiga Moderaterna oo ah xisbiga ugu weyn xisbiyada garabka midig, waa xisbi aysan Soomaalidu u codeyn jirin, isla mar ahaan taasna ay u arki jireen xisbi ka soo horjeeda danaha iyo maslaxada Soomaalida. Soomaalida dalka Sweden waxay u codeyn jireen ama illaa iyo hadda u codeeyaan xisbigii talada dalka heyn jiray ee Socialdemokraterna, ee hadda u ku dhacay jabka weyn. Ma dhicin in xisbiga Socialdemokraterna ee ay Soomaalidu codkooda siin jireen in uu gaarsiiyo baarlamaanka amaba fariisiyo maamulada degmooyinka sida magaalada Stockholm.

 

Haddaba waxaa muuqata in xisbiga Moderaterna ee talada dalka haya uu Soomaalida siiyey fursad qaali ah una furay albaab weyn oo ah in Soomaalidu ay ka mid noqon karto 349-ka qofood ee u taliya dalka Sweden. Ayada oo xildhibaan C/risaaq Waaberi uu yahay in wadaad ah isla markaana madax u ah ururada islaamiga ee dalka Sweden. Xisbiga Moderaterna ee haya talada magaalada Stockholm waxa uu door weyn ka qaatay masaajidka ugu weyn magaalada Stockholm oo la siiyey ururka islaamiga ee Järva Islamiska Förbundet ee ay Soomaalidu maamusho.

 

Waxaa muuqata in Soomaalidu ay gaartay maqaam iyo darajo weyn oo ay ku yeelatay bulshada Sweden, waxaa kaloo muuqata in uu isbedeli doono aragtida ay Soomaalida ka qabeen xisbiyada dalka.

 

C/Laahi Cilmi M.

Hiiraan Online

Stockholm, Sweden

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this