Sign in to follow this  
Saalax

Pirateland Minister kicked out from Dharkayn-Geenyo - Sool

Recommended Posts

Saalax   

hly6yloib1jb5xfxca5.png

 

 

Xubno Ka Tirsan Maamulka Waqooyi Bari -Puntland Oo Laga Eryey Dharkayn.

Written by jidbaale.com

Tuesday, 12 October 2010 09:08

 

Dharkayn(Jidbaale.com):-Wasiirka Qorshaynta Maamulka Waqooyi Bari Ex Puntland Daa’uud Bisinle iyo xubno uu hoggaaminayey oo maanta duhurkii soo gaadhey Degmada Dharkayn-geenyo xarunta ku meel gaadhka ah ee Hoggaanka ayaa waxaa gacanta ku dhigey Ciidamada SSC.

 

 

 

Sida uu noo xaqiijiyey Afhayeenka Hoggaanka SSC Axmed Gacmayare waxaa maanta duhurnimaadkii soo gaadhey Dharkayn xubno uu horkacayo Daa'uud Bisinle, ayna ka mid ahaayeen Aadan Xaaji Xuseen, Faarax Sulub oo ka tirsan golaha Wakillada waqooyi bari iyo nin kale oo lagu sheegey Cabdul Cagey, oo raajiciya Booskii baarlamaanka ee Ibraahim Maxamed Guure.

 

Afhayeenku waxaa uu intaas ku darey in markii xubnahani ay soo gaadheen Kaantaroolka dhanka Saaxdheer ay gacanta ku dhigeen Ciidamada SSC ee aaggaas ku sugan, waxaana ugu danbayntii laga masaafuriyey magaalada, ka dib markii odayaasha deegaanku ay ku hagoogteen.

 

Xubnahan oo dhawrkii maalmood ee aynu soo dhaafney ku sugnaa Tuulada Qoriley, halkaasna u yimi waxaa ay ugu yeedheen Nabadayn, ayaa saaka xamaamadooda ka soo gurtey, kadib markii Beesha B/same ay go’aansadeen in aysan xilligan wax wada-hadal ah galeyn ilaa iyo inta ay dhammay-sanayaan shirka u socda, iyagoo ugu baaqey dadkii halkaas tagey, ee Buuhoodle iyo Garoowe ka kala yimi in ay ku noqdaan meelihii ay ka yimaaddeen.

 

Xubnaha uu Daa'uud Bisinle horkacayey oo markii taasi ku dhacdey warbixin cusub looga soo yeedhiyey Garoowe, ayaa waxaa uu ahaa ujeedkooda Dharkayn sidii ay ula kulmi lahaayeen ugu qancin lahaayeen Garaad Jaamac Garaad Cali in Beeshu ay wada-hadalka gasho, kana noqoto go’aanka ay gaadhey oo labada bilood ah.

 

Isku soo wada duuboo waxaa ay arrintani waji-gabax iyo dhirbaaxo labaad ku tahay Kooxihii Maamulka waqooyi Bari uu ka soo direy Buuhoodle ee Isimada lahaa iyo kooxda Garoowe ka timi ee Daa’uud Bisinle horboodayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Libaahe, this has nothing to do with politics. The good minister has been on a peace mission between two brotherly communities in the region.

 

It is sad that his mission has not succeeded.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

I know. The garaads already told the bugland minister to stay out of this they do not trust bugland ministers. especially after what happened in 2006.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

^ a great depiction. The man needs to seek care at the identity rehab center in Buuhoodle and obtain prescription from Xine-xiiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this