Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Explosion kills civilian wounds others

Recommended Posts

Boosaaso: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Boosaaso.

29. oktober 2008

 

 

Boosaaso(AllPuntland)- Madaxwaynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ayaa ka hadlay qaraxyadii maanta lugu qaaday ciidamada Sirdoonka ee Puntland, wuxuuna sheegay in ay falkaasi fuliyeen kooxo uusan sheegin.

 

Madaxweyne Cadde Muuse wuxuu diiday in uu cidna ku eedeeyo qaraxyadii maanta dhacay wuxuuna sheegay in ay ka dambeeyaan dad ka soo horjeeda horumarka & amaanka deegaanada Puntland, wuxuuna ugu baaqay Shacabka Puntland in ay ka hortagaan dadkaasi.

 

Cadde Muuse wuxuu tilmaamay in ay bilaabeen howlgalo ay ku ogaanayaan cidii ka dambeysay falkan, isagoo sidoo kale beeniyey in ay dad kaga dhinteen howlgaladaasi.

 

Madaxweynuhu wuxuu qirey in ay ku dhaawacmeen 6 ka tirsan ciidamada Sirdoonka Puntland ayna ku dhimatey gabar ka mid ah Shaqaalaha meeshaasi ka shaqeyneysay, wuxuuna sheegay in ay dhinteen dadkii howlgalladan fuliyey.

 

Cadde Muuse wuxuu soo qaaday qaraxyadii ka dhacay Magaaladda Hargeysa, wuxuuna uga tacsiyeeyey shacabka Reer hargeysaad weeraradaasi lugu qaaday.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Innaa lillaahi wa inna ileyhi raajicuun.

It's tragic indeed, may Allaah have mercy with the inflicted of this madness.

 

A new and worriying turn of events indeed. Bosaso and Hargeise have been both hit hard.

Share this post


Link to post
Share on other sites

More details surfacing of the attacks:

 

Cadde Muuse Iyo Riyaale Kaahin Oo Ka Hadlay Qaxyo Ka Dhacay Hargeysa Iyo Boosaaso Oo Ay Ku Nafwaayeen 26 qof kuna dhaawacmeen 50 qof.

 

Oct 29, 2008 By:Jidbaale

 

Hargeysa,Boosaaso(Jidbaale.com)-Weerarada Saaka ka kala dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa oo ay ku naf waayeen ugu yaraan 26 qof kuna dhaawacmeen 50 qof ayaa waxa ka kala hadlay siyaalo kala gooniya Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse iyo Madax maamulka Hargeysa Riyaale Kaahin.

 

Cadde Muuse ayaa ku tilmaamay qarax halkaasi ka dhacay in aanu waligii ka noo kale soo marin Puntland, wuxuuna sheegay in ay hayaan sawirada dadkii ka danbeeyey qaraxan ee ku dhintay goobtaasi, wuxuuna sheegay Cadde in ay soo bandhigdoonaan wixii ka dhacay goobtaasi, wuxuuna ka gaabsaday in uu cid ku eedeeyo, wuxuuna shacabka Puntland ku booriyey in ay feejignaadaan, wuxuuna sheegay kuwa talaabadan qaaday in ay yihiin kuwo aan doonayn nabad galyada Puntland.

 

Cadde Muuse ayaa waxa kale oo uu ka hadlay qaraxa ka dhacay Magaalada Hargeysa isaga oo uga tacsiyadeeyey dhibaatada halkaasi dhacaday shacabka, wuxuuna ugu baaqay maamulka Hargeysa in ay iska kaashadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada qorshaysan.

 

Dhinaca kale Daahir Riyaale kaahin hogaamiyaha maamulka Hargeysa ayaa waxa uu ku tilmaamay qarax hargeysa ka dhacay ayaandaro, wuxuuna sheegay in anaanu maamulkiisu sidaas ku burburayn, wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay dareen feejigan yeeshaan maamulka iyo booliskana kala shaqeeyaan nabad galyada wixii ay ka shakiyaana soo sheegaan.

 

 

 

Wararkii ugu horeeyey ee ka soo baxay qaraxyadii ka dhacay Hargeysa iyo Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in ay ku geeriyoodeen qaraxan hargeysa ka dhacay 20 qof, ayna ku dhaawacmeen 40 in ka badan, dadka ku nafwaayey qaraxan ayaa waxa ka mid ah Xog-hayihii maxatooyada Hargeysa, Daahir Cali Iid iyo , waxa kale oo dhaawac halis ahi soo gaadhay Caaqil Dugsi Cabdi Xasan Dayl &Taliyaha ilaalada Madaxtooyada Abokor Sulub dhabdhable waxa kale oo ku geeriyoodey C/salan Saleban Warsame ,Maxmud cabdisugule borqore Dhinaca Boosaaso ayaa la sheegayaa in ay lix qof oo midi haween tahay ku geeriyoodeen.

 

Saaka saacadu markay ahayd geeska Afrika 10 subaxnnimo ayaa waxa qaraxyo isku mar dhacay lala begsaday Afar goobood oo muhiim ah oo ku yaala magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso, Afartan goobood oo kala ah, Xafiiska danaha dawladda Itoobiya Ee Hargeysa , Madaxtooyada Hargeysa , xafiiska hay,ada UNDP ee horumarinta mashaariicda UNka Hargeysa Iyo Xarumaha sirdoonka ee ku yaala magaalada BOosaaso.

 

Qarax-yadan ayaa loo adeegsadey Afar gaadhi oo ay saarnaayeen naftood hurayaal , gawaadhida ay wateen ayaa lagu sheegay nooca loo yaqaano Surf, oo laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa.

 

Dhimashada iyo dhaawaca oo aad u tiro badan ayaan ilaa iyo hadda la xaqiijin tiradooda,hase yeeshee waxaa la sheegayaa in xafiiska danaha Itoobiya ay ku geeriyoodeen dad tiro badan oo ka qaadanayey fiisayaal, iyo saraakiil xafiiskaasi ka shaqeeya, dhinaca madaxtooyada Hargeysa ayaa waxa la sheegayaa in ay saraakiil iyo madax badani ku jiraan dad halkaasi ku naf waayey, dhinaca xafiiska UNDP ayaa waxaa isagana laga soo sheegayaa khasaare baaxad weyn,warar dheeraad ah oo hadda soo baxayna waxay sheegayaan In sarkaal madax ka ahaa Ilaalada Riyaale Kaahin oo lagu magacaabo Col. Sulub Dhabdhable uu halkaasi ku geeriyoodey , Guriga qaybe ayaa isna la sheegayaa in dhibaato xoogweyni soo gaadhay , gurigiisa oo ku xigay xafiiska danaha Dawlada Itoobiya ee magaalada Hargeysa.

 

Cisbitaalka Magaalada Hargeysa ayaa la ciirciiraya dhaawac tiro badan, iyada oo 20 qof ee geeriyoodey ahaayeen dadkii ka agdhawaa gobaha qaraxu ka dhacay, dhaawaca ayaa lagula tacaalayaa cisbitaalka sidii loogu fidinlahaa gargaar,qaraxayadan awoodooda ayaa waxa ay keentay in guryihii jiingaduhu ka duulaan, magaalada Hargeysa ayaa iyadu kacsan oo dadku dhabanka iyo gacanta isku hayaan dhibaatadan baaxada weyn ee dhacday awgeed.

 

Qaraxan Boosaaso iyo kan Hargeysa ka dhacay ayaa isku xilli dhacay taas oo muuqata in si abaabulan labadan qarax looga soo shaqeeyey, ilaa hadda cidi ma sheegan qaraxyadan.

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Adde Muse and Riyoole Kahin are two bafoons who control or care about nothing but their bellies, corrupt and incompetency beyond known borders. They should vacate the seats immediately, Ximaariin dheh.

 

They condemed lagulahaa, condem my foot, ed1ots...

 

 

As for the innocent casualities, Ialahay ha unaxariisto inti dhimatay, kuwa dhawaacmayna Caafimaad dag dag Insha'alah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Emperor:

Adde Muse and Riyoole Kahin are two bafoons who control or care about nothing but their bellies, corrupt and incompetency beyond known borders. They should vacate the seats immediately, Ximaariin dheh.

 

They condemed lagulahaa, condem my foot, ed1ots...

 

 

As for the innocent casualities, Ialahay ha unaxariisto inti dhimatay, kuwa dhawaacmayna Caafimaad dag dag Insha'alah.

LOL..Don't worry about Riyaale Bafooness. Worry about what happen in Bosasso. Hargeisa didn't ask for your damn sympathy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Emperor:

^Riyaale is a bafoon, an ed1ot, so whats your problem.

Walaale, Don't pay attention to africa's own trogdolyte. I don't think Puntland nor Somaliland are his concern. He just wants to forment an arguement.

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by dhulQarnayn:

quote:Originally posted by Emperor:

^Riyaale is a bafoon, an ed1ot, so whats your problem.

Walaale, Don't pay attention to
africa's own trogdolyte. I don't think Puntland nor Somaliland are his concern. He just wants to forment an arguement.

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California
Not my concern? At least I'm not forcing fake sympathies like you folks. Remember "the cowards"?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

Nobody give a flying a-hole, if nobody buys what "we" are saying about Hargeisa.

 

So whats you point cretin?

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Adeer you are looking for an argument?

Go argue with the fake secesionists Mujahids like Red Sea and others ask them what they think of this suicide attacks? Is it to bring the faith like in Mogadishu or is this different.

Go pick an argument lad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thierry.   

Inna lilahi Wa ina illah rajicun

 

Emperor Adde Muse spoke very well give the man a break in fact how he handles this might win him another term

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this