Sign in to follow this  
xiinfaniin

Kismayo admin ready to defend the peace

Recommended Posts

Maamulka Kismayo oo ku baaqay dagaal

 

 

 

Madaxa warfaafinta ee Maamulka Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay diyaargarow uu maamulkoodu ka waday qaybo ka tirsan Jubooyinka.

 

Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in la dagaalami doonaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa uu wato Col. Barre Hiiraale ee ku sugan Gobolka Gedo, isagoo xusay ind shcabka Kismaayo ay heegan u yihiin inay dagaalamaan si ay u difaacdaan amaankooda.

 

"Dadka ku dhaqan magalada Kismayo iyo kuwa Jubooyinka waxay wadeen maalmihii ugu dmabeeyay diyaargarow xoogan, si ay uga hortagan ciidamada Ethiopia iyo kuwa la socda ee Somalida ah" ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

 

Mas'uulkan ka tirsan maamulka Kismayo wuxuu sheegay inay hayaan xogo ku aadan in la qorsheynayo dagalo lagu qaado Kismayo iyo qaybo ka tirsan Juboyinka, wuxuna carabka ku dhajiyay inay u diyaargaroobeen inay is difaacaan.

 

"Gobolka Gedo waxaa ka socda diyaargarow looga horjeedo Barre iyo ciidamada uu wato, wuxuuna ku guuldareystay inuu dadka kasbado, iyadoo dad yar ay isugu soo baxeen goobihii uu hadalada ka jeediyay" ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub oo u muuqday inuu weerarayo Barre Hiiraale.

 

Sheekh Xasan Yacquub, wuxuu sheegay in dagaalada ay wadayaan oo aysan jirin xili ay dhamaanayaan, isagoo sheegay in Ethiopia ay la dagaalami doonaan hadii ay dalka ka baxdo iyo hadii ay joogto.

 

"Kuwa oranaya hadii Ethiopia ay baxdo yaan lala dagaalamin, waxaan u sheegaynaa inay ogaadaan in dagaladu ay socon doonaan ilaa saacatul qiyaamo, lagana doonayo inay ogaadaan in Ethiopia ay gumeysato dad Muslimiin ah" ayuu mar kale yiri Sheekh Xasan Yacquub.

 

Mas'uulkan wuxuu sheegay in qofkii diida inuu jihaadka ka qaybqaato uu yahay ruux la iibsaday caqligiisa iyo diintiisa, waxaana la hilmaansiiyay buu yiri walaalahooda dhibaateysan.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay maamulka Kismaayo ka hadlaan gulufyo ciidan oo todobaadkii ugu dambeeyay ka socday Gobolka Gedo, iyadoo dadka Kismaayo ay si weyn ugu dhegtagayaan waxa xigi doona hanjabaadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Since you are prevy to the Gedo internal manueverings, tell us Horn if Barre Adam has any support within the Gedo folks.

 

My assumption has been that community moved on, and warlords like Barre would not be able to mislead them again.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

Originally posted by xiinfaniin:

 

 

Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in "...waa inay ogaadaan in dagaladu ay socon doonaan
ilaa saacatul qiyaamo "

Waa waqti dheeree see camal :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xiin, that same Sheikh Xassan Yacuub there is from the community. So is the Xassan Jibriil who was behind the attack in Luuq and the Shiekh Gadaashay who led the attack on the Ethiopian convoy in Qaniiniyow hill near Baardheere last night.

 

The majority of the community, however, does not want a fight and really sees no reason to attack Kismaayo. I would say the shicib is largely nonaligned, meaning they do not support a war against Kismaayo or the Islamists but at the same time do not want to put up a great front against the Ethiopians and throw the region back to the infamous era of late 90's.

 

It is mostly the old guard from Kismaayo who are with Barre on this and facing them are the remnants of the former Al Itihad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

In 2009 Xiin supported Ethiopians to hold Kismayo. And in 2013 he supports the Kenyans to do the same. Indeed, not much has changed. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Dantu maxaway kubaday inaad Xiin posts-kiisi soo quftid.

 

If you think this will aid your anti-Jubbaland stance, it is not and it will not as Jubooyinka are far bigger than Xiin or any character on SOL or in the cyber world.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

lool. xiin ninyoow ninkan wukugu khafifay ma istiri? loool.

 

xiin is a 2000 lb eagle amongs the somaliaonline ducks. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this