Sign in to follow this  
Che -Guevara

Divisions within the Government

Recommended Posts

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyed Gen. Cabdi Qeybdiid ayaa si cad u diiday inuu hubkiisa wareejiyo si ay kaga qeyb qaataan dagaalada, isagoona ku gacan seyray dalab ka yimid Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi.

 

Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa ka dalbaday Cabdi Qeybdiid inuu hubkiisa soo wareejiyo si ay Dowladda difaac ugu noqdaan, isla markaana lagu biiriyo dagaalada.

 

Muran ka dhashay diidistii Cabdi Qeybdiid ee Hubkiisa ayaa waxaa manta ka dhashay iska hor imaad Ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga ku dhex maray Gudaha Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

 

Generaal Cabdi Qeybdiid ayaan la ogeyn ujeedada uu u diiday hubkiisa, isagoo dhamaan Hubkiisa ka raray xarunta Commando Bolizio, kuwaasoo uu u daad gureystay Seybiyaano iyo Villa Baydhabo.

 

Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi ayaa ku eedeeyay Gen. Cabdi Qeybdiid inuu qaranka qiyaanayo, isla markaana aanu dooneyn inuu difaaco, isagoo ku tilmaamay inuu la mid yahay kuwa ka soo horjeeda.

 

Col. Cumar Xaashi ayaa ashtako ka dhan ah Cabdi Qeybdiid u gudbiyay Madaxweyne Shariif, isagoona dalbaday in xilka laga qaado, waxaana uu ku tilmaamay inuusan waajibaadkii ka saarnaa difaacida Dowladda uu gabay.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Hubkii Cabdi Qeybdiid iyo qeyb ka mid ah Ciidamadiisa ay ka mid ahaayeen Ciidamo manta si siyaasad ahaan ula wareegay Ex Contarol Afgooye, xilli aanu wax dagaal halkaas ka dhicin, isla markaana ay halkaas baneeyeen Xoogagii dowladda ka soo horjeeda ee horay u joogay.

 

Dagaalada Muqdisho ayaa u muuqda kuwo xaalado xasaasi ah ka dhalanaya, waxaana shakiga dadweynaha uu yahay in dagaalka uu isu rogo mid beeleed, marka loo eego goobaha uu dagaalka haatan ku soo koobtay.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Daacada u ah Madaxweyne Shariif oo caawa isku wareejiyay W/Muqdisho

 

Magaalada Muqdisho ayaa caawa degan, hase ahaate meelihi dagaalada ka socdeen Maalmihii aynu ka soo gudubnay ayaa caawa ka muuqda is bedel kadib markii

 

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa caawa degan, kadib dagaalo,iyadoo degaanadii Labadan maalmood ugu dambeeyay dagaalada ka socdeen caawa u muuqdan kuwa is bedel ku yimid.

 

Gacan ku haynta degaanadii ay joogi jireen Maleeshiyaadkii daacada u ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar ayaa caawa waxaa ku hoyday Maleeshiyaadka Al Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam.

 

Sida Shiirkole,Xeradii Guulwadayaasha,Wasaa raddii Gaashandhigga iyo Garoonka Stadio Muqdisho waxaa ku sugan Maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbul Islaam,waxaana meesha ka baxay Maleeshiyaadkii ku heybta ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha oo dhulkaas iyaga haystay markii hore.

 

Laakiin Xaafadda Fagax,Ceel tuba weyne,Saldhigga Yaaqshiid,Suuq Bacaad oo shalay ilaa iyo xalay ku dagaalamayeen Shabaab,Xisbul Islaamka oo wada socda iyo Ciidamada Dowladda iyo Maxkamadaha Islaamiga ayaa caawa waxa si buuxda gacanta ugu haaya Maleeshiyaad daacad u ah Madaxweynaha Dowladda KMG ah, kuwaas oo difaac kaga jira Baar Ayaan,Hotel Towfiiq,Shaneemo Puntland iyo Suuqa Towfiiq.

 

Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa laga eriyay wixii u dagaalamayay Shabaabka iyo Xisbul Islaamka Xasan Dahir Aweys Madaxda u yahay.

 

Sidoo kale Maleeshiyaad markii hore ku heyb ahaa Madaxweynaha balse dhinaca Shabaabka la jiray ayaa haddana waxay ku soo biireen difaaca Dowladda KMG ah.

 

Nuuradiin Macalin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Like I said before, wixii isku qasnaa ayaa dhoob iyo dhay u kala bixi doona. The government needs to know the weakest points within it first. Ina Qaybdiid and co. markeey dii'da timi ayeey caddaatey waxeey yihiin. I believe there are others that need to be ousted before an effective control can be put in place in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Basically, what you're saying is the more things change the more things stay the same.

 

Back to the Green Line of the '90's.

Sad turn of events but predictable though...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^I don't know how they would survive without having a dedicated CORE support,and Sharif keep making silly overtures like extending a hand to Indhaccade know double crosser.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^If he didn't do that the likes of Indhacade will get the excuse of opposing him. Now all reconciliation jestures have been exhausted. If the Sharif fights to bring order to Mogadishu, there are no grounds to opposite him. Sxb, it's politics before naked power.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Xisbul islaam oo garab sadexaad uu ka go'ay

11. maj 2009

 

 

 

Muqdisho(AllPuntland )-Da'ud Abtidoon oo ahaa afhayeenki ururka xisbul islaam ee Yuusuf Indhacade ayaa wax aan la isla ogeyn ku tilmaamay hubkii Yuusuf Indhacade uu ku wareejiyey Xasan Dahir Aweys.

 

Afhayeenkan ayaa sheegay in indhacade wareejinta uu hubkiisa wareejiyey ay tahay mid an waxba u dhimi doonin siyaasada garabkooda , waxaana uu sheegay in indhacade lagu yaqiinay is bad badalka siyaasada.

 

"Waa siyaasad qabiil anagana waxba kalama socon laakin khiyaano waxba lagu keeni doono" ayu yiri Abtidoon.

 

Waxa uu sheegay in aysan waxba u dhimi doonin gaar ahaan heshiis hordhac ahaa oo ay dawlada la galeen oo ahaa saldhigiisu in ay ku biiri doonaan .

 

Yuusuf Indhacade ayaa 10-Tikniko ah waxa uu ku wareejiyey Xasan Dahir markii la soo kulaalay difacayo uu lahaa , waxana loo taagay laba far oo ahayd in uu hubka keeno ama lala dagaalamyo .

 

Xisbul islaam ayaa hada waxaa ay noqonayan sadex garab marka ay hadana so go'een sh.Camey iyo Abtidoon .

 

Indhacade ayaa hada ah nin aan wax hub iyo ciidamo ah ku heysan Muqdisho , waxaana uu aad uga fikirayaa halka uu jabsan karo maadama uu dhinacii dawladana heshiiska uga baxay.

 

Xafiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Paragon:

^If he didn't do that the likes of Indhacade will get the excuse of opposing him. Now all reconciliation jestures have been exhausted. If the Sharif fights to bring order to Mogadishu, there are no grounds to opposite him. Sxb, it's politics before naked power.

Sharif must completely secure Muqdishu. He has no choice but to do that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ku dhawaad 10-qof oo ku Geeriyootay Duqeen , Sheekh Shariif iyo Xasan Daahir oo markii ugu horeyasy lagu arkay Furinta Dagaalka iyagoo wata Dareeska ciidamada…

 

Dagaal aad u culus oo manta galinkii danbe ka biklaawday Muqdisho ayaa wali waxa uu ka soconayaa goobo badan sida isgoyska Fagax oo ka tirsan degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir kaasoo dhexmaraya ciidamo ku lebisan dareyska cidamada DF iyo xoogaga ka horjeeda ee halkaasi ku sugan sida wararku ay sheegayaan.

Dagaalkan ayaa waxaa bar bar socda Duqayn sib a,an ugu dhacayso Xaafadaha Towfooq, isgoyska fagax, Huruwaa ilaa Suuqa Xoolaha iyo goobo kale.

Madaafiicdaan ayaa waxay si toos ah uga soo dhacayaan Madaxtooyada oo la sheegay in ay ka soo Ridayaan Ciidamada Ugandha waxayna akala yihiin Madaafiicdani BM- Ar5- Hoobiye iyo qoryo kale waxayna ku hoobanayaan Xaafadahaasi.

Inta la ogyahay ku dhawaad 10-qof ayaa ku nafwaysay Madaafiicdani oo bilaawday galabta balse waxay wararku sheegayaan in geerida intaas ka badan karto, maadaama ay dadku cararayaan oo aan laga gaarin in Guryaha maydka laga soo saaro.

 

Sidoo kale wararka ka imaanaya Goobta Dagaalka ama furinta ayaa sheegaya in markii ugu horeysay 5-maalin lagu arkay asaga oo wata Dareeska Ciidamada Milatariga Madaxweynaha Dowlada Midnimada Qaran Sheekh shariif sheekh axmed oo Dagaal Galinaya Ciidamada Dowlada ee aagaasi ka Dagaalamayay saacadihii la soo dhaafay.

 

Halka Sh Xasan Daahir oo isaguna la arkaayey isagoow ato dharka ciidanka isagoona arinka caawa ah laba saxiib sheikhyo isla ahaa ay dagaal Muslimiin lagu laynayaan ay kala hogaaminayaan arinka ayaa halkii laga filaayey Barwaaqo ayaa balaayo soo deg deg tay

 

 

 

 

dayniilecom@hotmail. com

deyniilenews@yahoo.c om

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Shariif iyo Xasan Daahir oo markii ugu horeyasy lagu arkay Furinta Dagaalka iyagoo wata Dareeska ciidamad

 

looool

 

I dont blv this is true. My man Sharif is not teh Caesar of Rome, he believes jihaadu shacab,like me, not the suicidal, fanatical type

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Originally posted by xiinfaniin:

[b

looool

 

I dont blv this is true. My man Sharif is not teh Caesar of Rome, he believes jihaadu shacab,like me, not the suicidal, fanatical type

Jihadu shacab= Jihad against the shacab using foreign mecenaries like Amnisom? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

Sheekh Shariif iyo Xasan Daahir oo markii ugu horeyasy lagu arkay Furinta Dagaalka iyagoo wata Dareeska ciidamad

 

looool

 

I dont blv this is true. My man Sharif is not teh Caesar of Rome, he believes jihaadu shacab,like me, not the suicidal, fanatical type

I think he did in the past ....... he can do it anytime but not now of course.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this