Sign in to follow this  
Haashim

Ugaas has spoken out - The Truth About Kismayo -

Recommended Posts

Haashim   

http://www.horseednet.com/horseednet.php?id=4558

 

 

Ugaas Maxamed Weli:: Beesha ********* Kismaayo ma maamuli jirin ee Xamar baa laga maamulayey (Wareysi)

Last Updated::2006-10-08 21:55:20

 

Muqdisho:- Mid kamid ah Ugaasyada Beesha **** ******* oo ku sugan magaalada Muqdisho, Ugaas Maxamed Weli ayaa shaaca ka qaaday in beeshiisa aysan ku taageersanayn Col.Bare Hiiraale inuu dagaal ku qaado magaalada Kismaayo.

 

Ugaas Maxamed Weli Shiikh Axmed ayaa xalay telefishonka Universal wareysi uu siiyey uga hadlay qaabkii horey loo maamuli jiray magaalada Kismaayo iyo cida hada gacanta ku dhigtay.

 

Ugaaska ayaa sheegay inuu baaq u dirayo Wasiirka Gaashaandhiga ee DFKMG Col.Bare Hiiraale inuu ka waantoobo abaabulka dagaal ee uu wado.

 

Wareysigan halkan ka dhageyso asagoo cod ah

 

Mar la weydiiyey ugaaska inuu ka waramo Bare Hiiraale iyo maleeshiyooyinkii 7da sano kasoo talinayey Kismaayo, waxa ay damacsan yihiin ama laga filan karo.

 

Ugaas M. Weli oo su'aashaasi ka jawaabaya ayaa yiri [...Waxna waa sharci waxna waa Caqli, marka hore sharciga marka la yiraaho Bare Xaq uma leh inuu soo weeraro magaalada Kismaayo, sababtoo ah kitaab uguma qorna inuu iska maamulo magaaladaas, shalay xoog buu ku tagay, xoogii uu ku tagayna sidii ay ku badbaadin lahaa oo somalinimo ugu badbaadin lahaa uguma dhaqmin.

 

Sideedaba haduu qofku weel caano ku shubto oo uu iska daadiyo, qof uu u qabsado ma yaqaano, asaguna isma eedayn karo.

 

Waxaan dhihi karnaa Korneylka asagaa waxaa iska daadiyey, Aayad Quraan ah oo qoreysa inuu meesha maamulona ma jirto.

 

Dhaxal uu u helay oo beesha aan kasoo jeedo ay xoog ku xukunto deegaankaasina ma jiro. Waa meel soomaali u dhan tahay.

 

Waa meel Qeyb anaga (Beesha ****) naga mid ah iyo qolyo kale intey isku tageen ay cudud iyo xoog ku qabsadeen.

 

Si kasta oo ay tahay dadna wuu ku ladnaa qaarna way ku dhibanaayeen maamulkaasi xooga ku heystay Kismaayo.

 

Runta hadii la rabo Bare Hiiraale halkan (xamar) baa laga xukumay,...Magaalada Kismaayo mar walba Awooda Muqdisho ayey hoos joogtay...] ayuu yiri Ugaaska.

 

Ugaaska ayaa sheegay in Bare Hiiraale awooda uu ku joogay magaalada Kismaayo ay ahayd awooda magaalada Muqdisho.

 

Wuxuuna yiri beesha **** waxay kaalmo ka heshay reer Muqdisho, ayagaana kaal meeyey.

 

Ugaas Maxamed Weli ayaa sheegay in magaalada Kismaayo laga xukumayey Magaalada Muqdisho, asagoo intaasi raaciyey [...Hadii Muqdisho ay bada biyaha ka cabto,,..waa in ay Kismaayo bada biyaha ka cabto...hadii Muqdisho muushaali karsato waa in Kismaayo Muushaali karsato oo aysan Baasto karsan...]

 

Ugaaska ayaa ku nuux nuuxsaday in awoodii Bare Hiiraale horey u geysay Kismaayo ay tahay mida maanta halkaasi tagtay.

 

Ugaaska oo taageero weyn u muujinayey Maxkamadaha Muqdisho ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin Bare Hiiraale inuu dagaal dib ugu soo qaado magaalada Kismaayo ayadoo hadaladiisa ay kamid ahaayeen [....Cidii ay Maxkamadaha u garato ayaa Kismaayo madax ka noqonaya...Bare Hiiraale qabiil wax kuma raadin karo... Nin aad ku tiirsan tahayna ragganimo looma sheegan karo...] ayuu yiri Ugaaska.

 

Ugaas Weli ayaa intaasi raaciyey in beesha **** ay 4 qodob hordhigtay Col.Bare Hiiraale intii aan magaalada laga saarin.

 

Afartaasi qodob oo kala ahaa:

 

1. Inuu ogolaado in ay dhistaan beesha **** Maxkamad ka talisa Kismaayo si ay gacantooda magaalada ugu sii jidho. (shaatiga bedashaan) waa suu hadalka u dhigayee.

 

2. In Bare Hiiraale uu aado Dowlada uu kamid yahay isla markaana magaalada uga tago cidii maamuleysa.

 

3. In uu ku biiro Maxkamadaha oo uu noqdo xubin kamid ah Maxkamadaha.

 

4. Ama in uu kala doorto inuu noqdo Sidii Cabdi Qeybdiid ama Qanyare. waa suu hadalka u dhigayee.

 

Ugaaska oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Maxkamadaha ay diin wadaan iyo shareeco, asagoo ugu baaqay Bare Hiiraale inuu Muqdisho yimaado.

 

Ugaaska ayaa sheegay in Bare Hiiraale sidii Madaxweyne loo soo dhaweenayo haduu Xamar yimaado, waxaana loo ogol yahay ayuu yiri ugaaska Jegooyinka ugu sareeya ee Maxkamadaha oo aan ka ahayn guddoomiyaha fulinta iyo guddoomiyaha Shuurada.

 

Maxamed Weli ayaa sheegay in xaqooda ay Maxkamadaha usoo celiyeen asagoo ka hadlayey beesha ****, wuxuuna sheegay in ay kamid yihiin dadka ugu deegaanka badan Muqdisho, isla markaana uu hada maalin walba guryo badan oo ku yaal Muqdisho iyo gaadiid hore loo qaatay ay Maxkamadaha kusoo wareejiyaan.

 

Ugaaskan ayaa sidoo kale sheegay in Maxkamadaha aysan u dul qaadan doonin maamulada Somaliland iyo Puntland.

 

Wareysigan xasaasiga ah oo dhinacyo badan taabanaya halka ka dhageyso.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I have refuted so much propaganda from this man that other individuals have tried to use so much I do not even have a count.

 

This man is not, never was, and never will be a known political leader, business leader, traditional leader let alone one of the two Ugaases of the community he claims.

 

The Ugaas of Galgaduud of the community he claims is Ugaas Ciise Ugaas Cabdille.

 

The Ugaas of Gedo of the community he claims is Ugaas Cumar Ugaas Hersi.

 

There are absaloutely no other Ugaases of that said community and you and anyone else can go and verify.

 

This man and his bought words have no weight and were he to be believed he would be speaking from the deegaans of the people he claims and would utter his bought words amongst the people he claims instead of from Mogadishu.

 

There is no doubt Barre has 110% the support of his community and there is nothing any bought individual can do or say about that.

 

The problem lies with those with other intentions who give them air time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why is he speaking now? Why did he not make a statement when Kismayu was taken over and when the people he "respresents" were being thrown in jail?

 

He makes no sense what so ever, it seems the courts are woried.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Temujin   

Why is this guy running around everywhere claiming to be the Ugaas of a community that did not know of his existance before the clan courts surfaced?

Share this post


Link to post
Share on other sites

This guy is joker, what imposter! Qabiilada ******* ee xamar ayuu shaaha uga caabaa sidaa oo stupidly ugu yeera "Ugaas". Qabiilka qaarkood sida qabiilka ****** ee Insa-Salad Booy ayaa isticmaala asaga as a political instrument or a tool. Have you ever seen a Suldaan/Ugaas/Garaad /Boqor or Malaaq living not amongs his people? Ask yourself why he never goes to Gedo or Jubooyinka or Barri? or have your ever asked yourself what on earth is he doing in Xamar? and anyone who personally knows this "fake" Ugaas would tell you that this guy is af-minshaar yaqaana siduu wax ku cuna basa, haddana xamar ayeey uga qaraxday.

 

Qabiilada H. ee xamar jooga oo aan sidaa ukala aqoonin MR ayuu bariiska uga cunaa, guri iyo baabuur ku siiyeen. Car hadduu rag yahay ha tago dhulkiisi uu sheeganayo "ugaas" baan ka ahay.

_____________

 

No clan names, baliis.

 

[ October 10, 2006, 00:25: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maf Kees   

He did speak the truth, none of you actually made any attempts at refuting his claims.

 

  • Barre and his clansmen were a tool used by the south-Mogadishu powerhouse.
  • That same powerhouse helped him into Kismayo, placed him in check and eventually kicked him out.
  • Barre and his clansmen have no divine right to govern Kismayo as they certainly have no particular claim to the city.
Isn't it strange that the first two points are not easily made by someone who is supposedly a tool/mouthpiece for the UIC or Mogadishu?

 

Barre needs to think very rationally before he attacks Kismayo. He'll be facing a much stronger force that has shown, in the form of Indhacade and Ayro, it's power and ruthlessness. So not only will he and his clansmen have lost the rule over Kismayo, but also the death and destruction of his forces and possibly also the forced take-over of Gedo marka ciidamadiisa la jebiyey.

 

When it becomes clear for Abdullahi Yusuf that the odds are terribly against him and he won't receive sufficient outside help, he'll probably milk out the rest of his term and defend what little he still controls directly or indirectly.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

When it becomes clear for Abdullahi Yusuf that the odds are terribly against him and he won't receive sufficient outside help, he'll probably milk out the rest of his term and defend what little he still controls directly or indirectly.

Heh! Such power hungry people never resign to their fates, saaxib. They change colour, principles and sides in order to keep power. If Mr Yusuf, as you claim, saw that his current methods are not working I expect him to grow the biggest beard this side of Mogadishu and go to lead his honourable (but hasty) brothers in the UIC.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maf Kees   

Abdullahi Yusuf would rather voluntarily spend a third time of 6 years in prison, than grow a beard. Let alone become one of them. The only wadaads he likes are the moderate sufis, like the Timaweynta.

 

But you're right sxb, AY will not just sit back and accept his fate. I'm afraid that fact will manifest itself in a full-blown kamikaze-like offensive on the UIC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this