Sign in to follow this  
Jalaato

Akhristow Mucjisadan ku Quduro Qaado!!!!!!

Recommended Posts

Jalaato   

Ceerigaabo} Magaalada Ceerigaabo Ee Gobolka Sanaag ayaa Jimcihii Dhawayd lagaga dhawaaqay arin Mucjiso ah oo Dadbadan dareenkooda soo jiidatay.

 

Arintan oo Jimcihii dhawayd laga dahwaaqay Masaajidada Ceerigaabo ayay Culimadu kaga warameen arin dadbadan ilmo ka keentay.

 

Waxay Culimadu Sheegeen In tuulo lagu magacaabo Kulmiye oo qiyaastii 60KM u jirta ceerigaabo, ay ku Noolyihiin Afar Wiil o walaalo ah isla markaana Sifadan leh.

 

Dhamaantood wax Laf ah maleh oo waa wada Jiidh is haysta, wax hadal ahna maleh oo aan ka ahayn Haahhhhh, Subxaana lah, waxay Da,doodu u dhexaysaa 8-40 Sano.

 

Akhristow waxaa ka sii daran Qofka keliya ee hayay wuxuu ahaa hooyadood iyadiina dhawaan ayay dhimatay, waxay Culimadu ku yabooheen, in Meesha ay joogaan laga soo raro lana keeno Gudaha Ceerigaabo, kadib Aqal loo dhiso loona qabto Dad u adeega.

 

Arintan ayaa ah Arin qofka Daalacdaa uu ilaahay ugu xamdi naqo Caafimaadka uu siiyay ila markaana ilaahay uga baryo in uu ka dulqaado dhibaatada haysata dakaa islaamka ah.

 

C/qaadi Jilbis xoosh2003@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this