Sign in to follow this  
SOO MAAL

SSC Eyes 'United' Somalia [Al Jazeera VIDEO]

Recommended Posts

SOO MAAL   

 

A new armed group is threatening to launch a violent campaign for the reunification of Somalia.

 

The group is known as SSC, the initials of the Sool, Sanaag and Cayn regions they say that they want to liberate.

 

These regions are currently disputed over by both the breakaway Somaliland Republic and the Semi-autonomous region of Puntland in North East Somalia.

 

"Our ultimate goal is to make this area peaceful and prosperous and also seek a united Somalia," Ali Sabarey, the deputy leader of SSC, told Al Jazeera.

 

However, Somaliland officials dismiss the SSC as ineffective, saying that their threats are hollow.

 

Al Jazeera's Mohammed Adow has this exclusive report from the SSC stronghold of Buuhoodle.

 

Source: Al Jazeera

 

 

 

Garaad%20Jaamac.JPG

 

www.kismaayonews.com

 

Warka aysan rabin Somaliland in aad maqasho

 

 

Dhaqdhaqaaqa SSC ayaa markii ugu horeysey si weyn ugu soo ifbaxay shaashadaha warbaahinta aduunka si ka taloowsan rabitaanka Somaliland iyo Puntland

 

 

SSC%20ciidamo.JPG

 

Dhaqdhaqaaqani oo ay KismaayoNews u taqaano Darwiishland ayaa gooyey xakamihii xayiraada in codkooda aduunka u gudbo kadib markii taleefishanka caalamiga ah ee Aljazeera uu maanta faafiyey warbixin gaar ah oo ka hadlaysa SSC.

 

 

Waxay ahayd warbixintii mudo labbo habeen ah uu xabsi ugu jirey Maxamed Cadoow oo ah wariyaha warbixinta soo duubey kadib markii maamulka Somaliland ay ku xireen magaalada Burco.

 

 

Malaayiin qof oo aduunka dacaladiisa ku nool ayaa heystey kumanaan sababood oo ay indhahooda ugu dheeygagaan daawashada oday 60 jir ah oo la dhaanteeynaya baasuuke, isagoo u doodaya Soomaaliweyn

 

 

SSC (Sool, Sabaag iyo Ceyn) waa dhaqdhaqaaqa kaliya ee hubeysan ee maanta u doodaya soo celinta Soomaaliweyn ama Soomaaliya, Cali Sabarey waa hogaamiye ku xigeenka SSC wuxuu Aljazeera u sheegey in uu doonayo barwaaqo, dabadgalyo iyo in dhulka ay ku noolyihiin uu hoosyimaado maamul Soomaaliya oo dhan ka shaqeeya.

 

Garaadada beesha ayaa lasoo bandhigey iyagoo warbixin ka dhagaysanaya saraakiisha ciidamada, Garaad Jaamac Garaad oo ah saldanada boqortooyo ee ugu facaweyn beelaha waqooyiga dalka dega ayaa Aljazeera u sheegey “Dulqaadkii ayaa naga dhamaaday, Puntland iyo Somaliland-ba waxaan u sheegney in ay faraha naga qaadaan, hadii ay dhagaysan waayaan xoog ayaan ku maqashiineynaa codkeena” marka uu hadalkaasi dhahaya waxaa hareer fadhiya gurtidii beesha.

 

 

Kani waa warka aysan dooneyn in aad maqasho Somaliland oo ah maamul gooni isu tag ah oo ku celinaya gefafkii xukuumadii Siyaad Barre ay ka geeysatay Waqooyiga Soomaaliya iyo dabcan Puntland oo ku socota dariiq kaasi lamid ah.

 

 

Markii Aljazeera ay dhawaan tagtey Buuhoodle ee ay soo duubtey warbixintani waxaa markiiba xabsiga loo dhaadhiciyey wariyihii soo duubey ee Maxamed Cadoow, dhowr habeen ayuu xirnaa waxaana lagu qasbey in warbixinta aanan la baahin inta lagu jiro howlaha doorashada, taasina waxay u muuqataa in ay hergashay, todobaadyo kadib markii doorashadii ay dhamaatay natiijadiina lasoo saaray ayay warbixinta hawada gashay.

 

 

FG: Warbixinta Aljazeera xididka hoose ka daawo

 

 

http://english.aljazeera.net/video/africa/2010/07/20107178513916507.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^ you humor me with your subhanalah statement. People wanting to liberate their cities and want somali unity has nothing to do with tribe.

 

So try to take off your tribal lenses if anything somaliland is one clan government that wants to do nothing with somaliwayn.

 

haybad waxaad u leedahay dhulkaaga hooyo wa lama huraane hagar li'wax ugu qabo..

 

ha xoreestaane dhaafa...ma dad baa xaqoodi lo didaya dadna xaq daro logu hor seedaya? wa aduun!

 

qofkastow magaloyinkaaga u tali..hadad somaliwayn ku darsanasid sida rer ssc, puntland, hamar rabaan...ama hadaad goosanasid ie reer somaliland..taas waa sheeko yaga quseesa. Laakin dadka amaan ha siiyaan.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

I personally don't trust maxamed adow. He was just locked up in hargeisa and all of a sudden he produces a pro ssc report. It just proves that this guy reports based on how ppl treat him not on fair and unbiased reporting. He has never said anything good about puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Baashe the deputy speaker of the Somaliland parliament said it all they are in effective and have no power what’s so ever

I think it's Baashe the deputy speaker who is the one that has no power, and is just placed in such an insignificant position to make it seem like the NW Somalia's government is inclusive. He shouldnt be talking, since the position he holds is powerless.

 

On another note, all militia groups start off as rag tag, look at the beginnings of the SSDF, SNM, USC etc etc!! As time goes on they got better organized!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Good Job SSC Leader Suleiman Xaglotoosiye, Deputy Leader Ali Sabarey and SSC Movement

 

Thank You Mahamed Adow and Al-Jazeera

 

 

Insha Allah SSC is getting bigger and stronger everyday, now SSC is making international headlines, and Xaglotoosiye and Sabarey were only present in Buhoodle the capital of SSC-Somalia 2 months, very short time but they achieved a lot inside SSC region, and much remains to be done

 

Excellent Job, People of SSC are proud of their leadership today, Alhamdulilah

 

Las Anod and all SSC will soon be liberated, Insha Allah

 

Long Live SSC

 

Long Live United Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Talafeeshanka Caalamiga Ah Ee Al Jaziira Qaybtiisa Afka Ingiriisiga Oo Booqday Xarumaha Ciidamada SSC

 

Maxamed Cadow oo ka tirsan talafeeshinka caalamiga ah ee al Jaziira qaybtiisa ku hadasha afka Ingiriisa, wuxuu booqasho ku aaday gobolka Cayn, waxaanu halkaasi kula kulmay qaar ka mid ah garaadada SSC iyo ciidamada SSC ee u diyaar garoobay sidii ay u wajihi lahaayeen maleeshiyada maamulka jabhada SNM ee uu haatan horjoogaha u yahay Siilaanyo. Halkan guji si aad u daawatid warbixintii Maxamed Cadow

 

 

Talafeeshanka Caalamiga Ah Ee Al Jaziira Qaybtiisa Afka Ingiriisiga Oo Booqday Xarumaha Ciidamada SSC

 

 

Buuhoodle(Jidbaale.com) Maxamed Cadow oo ka tirsan talafeeshinka caalamiga ah ee al Jaziira qaybtiisa ku hadasha afka Ingiriisa, wuxuu booqasho ku aaday gobolka Cayn, waxaanu halkaasi kula kulmay qaar ka mid ah garaadada SSC iyo ciidamada SSC ee u diyaar garoobay sidii ay u wajihi lahaayeen maleeshiyada maamulka jabhada SNM ee uu haatan horjoogaha u yahay Siilaanyo.

 

Maamulka Jabhada SNM ayaa isku dayey inay hor istaagan weriyaha Madaxa bannaan ee ka socday warbaahinta caalamiga ah, iyagoo doonayey in aanu ka soo waramin xaqiiqda dhabta ah ee ay doonayaan shacabka SSC oo ay maanta ka go'an tahay inay samaystaan maamul iyo nidaam ay taladiisa leeyihiin. Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

TVga Aljazeera oo markii ugu horaysay ka soo waramay gobolada SSC

 

 

Halganka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay rabaan in ay ku hantaan midnimada iyo maamulida goboladooda ayaa markii ugu horaysay maanta laga soo daayey saaxafadaha caalimiga ah ee laga daawada aduunyada dacaladeeda oo dhan.

 

Maanta ayaa si habsami ah dunida oo dhan laga wada daawanayaa ciidamada hogaanka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku sugan agagaarka magaalada Buuhoodle ee iminka xarunta u ah dhaqdhaqaaqa dib u safaynta goboladaas.

 

Maxamed Cadow oo ah weriyaha bariga qaarada Afrika uga soo warama TVga caalamiga ah Aljazeera oo dhawaan soo gaadhay magaalada Buuhoodle ay socdaal ku soo maray ciidamada hogaanka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, waraysi gaabana la yeeshay qaar ka mid ah Garaadada ugu waaweeyn ee gobolada SSC.

 

Waxaana hubaal ah in TVga caalamiga ah ee Aljazeera uu noqoday kii ugu horeeyey ee saxaafadaha aduunka ugu waaweeyn ee ka qayb qaatay soo gudbinta wararka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo halganka ay doonayaan in ay dhulkooda ugu sameeyaan maamul gaar ah oo ay danahooda gaarka ah kaga tashadaan.

 

Marxalada goboladan Sool, Sanaag iyo Cayn oo iminka u gudubtay heer caalami ahina waxaana cad in aanay maanta meesha ay taagantahay aanay dib uga laabanaynin in ay hore uga sii socoto mooyaane.

 

Arintan TVga caalamiga ah ee Aljazeera maanta ku dhaqaaqayna waxay ku soo beegantay xili hogaanka midnimada iyo badbaadada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn uu ku gudo jiro abaabul cusub oo ay doonayaan in ay si deg deg ah u xoreeyaan gobolada degaanadooda ee aan iminka gacanta ugu jirin.

 

Isku soo wada duuduubo xaalada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maanta waxay maraysaa meeshii ugu fiican uguna dardarta badan intii hogaanka la aas aasay ama ay ku dhaqaaqeen howlaha dib u xoraynta gobolada maqan.

 

Hoos si wanaagsan uga bogo maqaalka muuqalk ah ee uu soo ururiyey TVga Aljazeera.

 

 

 

http://english.aljazeera.net/video/africa/2010/07/20107178513916507.html

 

 

 

Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

ASWRB.

 

The people of the so called "Somaliland", "SSC" and "puntland" are brothers in Islam. Moreover, they are united a by a shared descent from the Islamic Nobility of the hashimite and other noble tribes of the companions. The enclaves are created by the freemasons, ethiopia and israel- in order to divide and colonise the Somali people. Furthermore, the leader of the Puntland and SOmaliland are secret allies who regurlarly take instructions from the Ethiopian lodge. Their differences are only acted out to fool tribal and idiotics Somalis. As for the Aljazero report, What you witnessed in the video was men calling for asabiyah based politics and the spilling of blood on tribal basis. All of these entities should reconcile under a tree and unite under the banner of the Islamic Moorish Government of Waqooyiland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Cowke:

I personally don't trust maxamed adow. He was just locked up in hargeisa and all of a sudden he produces a pro ssc report. It just proves that this guy reports based on how ppl treat him not on fair and unbiased reporting. He has never said anything good about puntland

I wonder why you don't like him Cowke?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Aaliyah416:

^ you humor me with your subhanalah statement. People wanting to liberate their cities and want somali unity has nothing to do with tribe.

 

So try to take off your tribal lenses if anything somaliland is one clan government that wants to do nothing with somaliwayn.

Yeah Right, What has Somali unity to do with Sool Sanaag and Cayn? As far as I know Somalia have 18 regions and Cayn is not one of them. What are they fighting for? What is it that motivates them? Fighting for nationalism is not a Cause, fighting for Islâm is a Cause, at least by fighting for Islam you try to get a place in Jannah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this