Sign in to follow this  
Qudhac

The farce of defending a war criminal Cali samater

Recommended Posts

India   

I don't know what to make of your last post!!!

On one point you seem to agree that the Somali people's version of the "truth" is what their larger clan agree on. I agree with you on this point.

What I find amusing is how you still insinuate that my version is twisted whilst yours "might" be right! Correct me if I am wrong here but how do you say:

"

I agreed with the later claim because that is what is believed by those who supported the former regime while you argued against it because that is what is believed by those wronged by the former regime.Some where along that line of thinking the truth/facts about that event simply disappeared and we in turn made it became nonfacts and lies because of our biased opinions".

From your own words, is it fair to conclude that you supported the former regime because you believe the Massacre was treason related?? Secondly, what makes your version the truth and mine "the qabil truth/version". Remember, you have not submitted any proof to your claims!

Share this post

Link to post
Share on other sites
J.Lee   

Secondly, My posts were merely meant to proof that when it comes to deplorable events in our History we rely the "general assumption" to be the truth rather than the truth itself.

So what did I set to accomplish by this demonstration?

To merely show that at times it is better to suspend judgement as a skeptic would in order to know the truth about Somali History or Events.

Also to not let hatred influence your opinions thus make an hypocrite of you nor to stick to one point of view which might be the General assumption of one's clan rather than that view being derived by the Truth.

Basically, to state consciousness is power, know both sides of the story before you form your opinion and brand it the truth.

Where in the statement you qouted did I imply that my claim might be true whilst yours was biased?

I'm confused here, abaayo in my previous posts I argued against your claim simply to show you how YOU CAME ACROSS TO ME at times. You were this biased,hatred driven person who believed her "clans" general assumption to be the truth. So as a demostration, I argued for the general assumption of those who supported the former regime as a proof how corrupt one's thinking can be if they believed these assumptions to be the Truth.

Do I support the former regime?

No and I don't have any cause to for I was but 3 when the president was ousted.

Do I believe in those claims I argued for or yours?

No, I don't therefore why I suspend my judgement on past events in somalia and be somewhat of a cynic.

Note: The previous posts don't reflect my real opinions on past events. It was just a merely a demostration, if you will and I got tired of the back and forthness of it thus why I wrote the previous post.

Whether they were killed because of clan lineage or treason, Only Allah knows and that is who I leave it up to.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Xumo iyo samo ma kala jiraan?

WQ: Ibraahin Yuusuf Axmed

--------------------------------------------------

Dacwadda dhowaan lagu oogay Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar waa fal hagaagsan oo lid ku ah hab-dhaqankeenna maanta ee aan hagaagsanayn. Waxaa caado ah in qofka eed loo tirinayo aan shakhsi ahaan loola xisaabtamin ee qabiil dhan denbi looga dhigo laguna dulmiyo. Waxaa kale oo caado ah xaqa in lagu raadiyo waddo qudheedu xaqdarro ah, sida in gacan lagu aarsado ee aan la marin caddaalad iyo xeerarka ay tahay in ay dad ilbax ahi ku kala baxaan. Sida jariimada uu qof gaar ahi galo tol dhan loogu eedeeyo si la mid ah ayuu tolkuna dhagarqabaha ka dhashay u difaacaa. Dhaqankaasi aad buu u fool xun yahay, u dambeeyaa, khatar u yahay, ugana fog yahay danta wadanoolaanshaha iyo jiritaanka umadda.

Nin soomaaliyeed oo aanu dhowaan doodnay ayaa si ba’an u difaacay fikradda ah in aan xaq loo lahayn in dacwad laga oogo gaboodfalkii ay Maxamed Cali Samatar iyo kuwa la midka ahi umadda soomaalida u gaysteen. Ninkaasi aragtidiisa wuxuu cuskiyey laba qodob oo ay dad badani caadaysteen. Waa ta koowaade, in soomaalida oo dhami wada denbiile tahay, suurtogalna aanay ahayn in la iswada dacweeyo, sidaas darteed ay macnodarro iyo gardarro tahay in qof gooni loo raadsado. Iyo ta labaad oo ah, cid kasta oo cid dacwaysaa in ay qabyaalad u jeeddo, haddii kale cidda wax dacwaynaysa qudheeda dad eedo noocan ah galay baa ku jira ee iyagana ha la keeno.

Muranka ah â€cid walba waxaa ku jira dad denbiyo galay ee caddaalad ha la hor keeno†waxaa burinaysa weydiinta ah: oo yaa diiday in qof eed loo haysto la dacweeyo? Marka qof godob loo haysto qabiil lagu difaaco ha la arko, laakiin ma aha in dhibbane kale oo dacwoonaya xaqiisa la is-hor taago.

Arrintaasi waxay ka mid tahay fawdo feker iyo anshax oo umadda soomaalida ogaan loogu dhex tuuray welina lagu wado. Waxaa la rabaa in la hirgeliyo dhaqan aan ka duwanayn ka dugaagga oo ah in aan qalad iyo sax ama xumo iyo samo kala jirin. Waxay ka bilaabatay in si isyeelyeel ah loo yidhaahdo â€mucaaradku waxay ahaayeen qarandumis, waayo haddii ay maamulka saluugeen waxay ahayd in ay dadaal nabadeed wax ku beddelaan halkii ay hubka qaateenâ€. Waa isyeelyeel, waayo waa la wada og yahay taasi in aanay suurtogal ahayn, sida aanay maanta in laga doodo qudheedu suurtogal u ahayn.

Halgamaagii maraykanka madow u dhashay ee lagu magacaabi jiray Malcolm X mar la weydiiyey sababta uu u qaadan waayey halganka nabadeed ee laga bartay Mahatma Gandhi wuxuu ku jawaabay hadal macnihiisu ahaa: Gandhi wuxuu la kifaaxayey quwad ilbax ah oo nabarka akhlaaqeed ee lagu dhuftaa damqayo, laakiin annagu waxaanu gacanta ugu jirnaa Maraykan oo anshax iyo ilbaxnimo ka qaawan. Sidoo kale qofka Kooxdii Oktoobar isbeddel nabadeed kala hadlaa wuxuu la mid ahaa qof abrisyo la cayaaray. Muddo yar ka hor intii aan kooxdaas dadqalatada ah laga takhallusin duqaydii nabaddoonka ahayd ee gudbisay cabashada ku saabsan aayaha Qaranka wixii ku dhacay ama ku dhici lahaa waa tii la wada ogaa. Intii maalintaas ka horraysayna hadalkeedba daa.

Haddaba doodda sidan ah ee kacdoonkii bulshada lagu dhaleecaynayo run ahaantii daacad lagama aha ee xaqa iyo xaqiiqada ayaa buuq lagu furayaa, waxaana ku hoos qarsoon: maxaa gunnimada loo qaayibi waayey ee dulmiga looga gilgishay?! Si denbiilaha iyo dulmanaha isku mid looga dhigo, sannadihii ugu dambeeyey taladii Kacaanka waxaa aad looga shaqeeyey in xaqa iyo baaddilka la isku walaaqo. Waxaa la dhiirrigeliyey ku tumashada sharciga, xadgudubka, dhaca, colaadda qabiilooyinka iyo wax walba oo xun. Waxaana la gaadhay xukuumaddu in ay hubka culculus shacbiga Muqdisho ka iibiso, taas oo ujeeddada laga lahaa ay iska caddahay.

Dadka u tafoxaydan in ay yareeyaan ama xataa beeniyaan gumaadkii, burburintii iyo dullayntii uu Taliska Oktoobar umadda soomaaliyeed u gaystay had iyo goor waxay keenaan xisaab ay qaacidada iyo natiijaduba qaldan yihiin oo ah: gumaadka iyo burburka waxaa sababay mucaaradka, xukuumadduna dalka iyo dadka ayey badbaadinaysey! Dabcan taasi run ma aha, runna loogama jeedo, xataa ma aha isku day hagaagsan oo xaqiiqada lagu ambin karo, waase muran ku dhisan murtida ah â€Qaniinyo ayaa qaniinyo kaa fujisaâ€. Waxaa loogu raadgadayaa dhagarqabayaasha galay denbiyada waaweyn iyo gumaadka.

Si aynu u aragno dooddaasi in ay tahay quus liidata oo aan halka ay taagan tahay hore uga dhaqaaqi karin, aynu isla xasuusanno xaqiiqooyin dhawr ah oo ay dadkii dhintay iyo kuwa aan weli dhalaniba innala og yihiin:

1) Maalintii ay taariikhdu ahayd 1 julaay 1960 umadda soomaalidu waxay ku midawday qarannimo saldhiggeedu yahay hannaanka dimuqraaddiga, kaas oo ay tiirarkiisa ugu muhiimsan yihiin in dadka qaranka hoggaaminayaa ku yimaaddaan doorasho dadweyne oo xor ah oo xeer qarameedka waafaqsan.

2) Habeenkii ay taariikhdu ahayd 21 oktoobar 1969 markii ay koox uu Maxamed Cali Samatar ka tirsanaa talada Qaranka boobtay dalka waxaa ka dhisnayd dawlad dimuqraaddi ah oo sharci ah, taas oo ku timid doorashada iyo doonista umadda, sidaas darteed waafaqsanayd xeer qarameedka. Haddaba kooxdaasi in ay maamulkii sharciga ahaa ridday, xildhibaannadii la doortay kala eriday badankoodana xabsi ku gurtay, ayna xeer qarameedkii laashay, waxay wada ahaayeen falal afduub, budhcadnimo, argaggixiso iyo cadawtinnimo ah oo Qaranka Soomaaliyeed lagula kacay. Kow iyo labaatankii sano ee habeenkaas ka dambeeyey wax alla waxii ay kooxdaasi magac dawladnimo ku gaysatay ma ahayn sharci ee waxay ahaayeen denbiyo qaran ay tahay in si kasta, goor kasta iyo meel kasta oo suurtogal ah dacwad lagaga oogo.

3) Kow iyo labaatankii sano ee ay kooxdaasi umadda xoogga iyo xaqdarrada ku haysatey waxay xaaraamaysay fikrad kasta oo teeda khilaafsan, qof kasta oo taas ku dhiirradayna waa la gawracay ama god madow baa lagu riday. Sidaasna waxaa lagu curyaamiyey horumarkii dadnimo, ilbaxnimo, dhaqaale, aqooneed iyo dhinac walba oo ay dadka isirka soomaaliga ku abtirsadaa samayn lahaayeen, waxaana laga reebay asaaggeed iyo hayaanka dunida. Bulshadii soomaaliyeed ee hanka weyn lahayd waxaa laga dhigay mid dayaysan oo aan dhan ay u socoto garanayn, fawdo ku nool oo aan madax iyo mijo kala lahayn. Sannadkii 1991 markii kooxdaas la eryey umadda soomaalida ilbaxnimadeeda, akhlaaqdeeda iyo nolosheeda oo dhami waxay yaalleen heer aad u hooseeya, taas ayaana keentay masiibooyinkii markaas ka dib la arkay, ilaa ay gaadhay in la iswada weydiiyo â€dadka sidan u dhaqmayaa miyaanay ahayn soomaalidii la yaqaanney?!â€

4) Burburka midnimada ku dhacay iyo nacaybka aan xadka lahayn ee bulshada wada dhalatay kala galay waxaa sababtay siyaasaddii gurracnayd ee ay kooxdaasi xukunka ku ilaashanaysey, siyaasaddaas oo ahayd in qabiillada ay umaddu ka kooban tahay la isku baabi’iyo oo la isku mashquuliyo (qaybi oo xukun). Taasi inoogama baahna caddayn waayo cidna kama qarsoona sidii qabiilooyinka marba mid loo gumaadayey iyada oo qaar kale loo adeegsanayo.

5) Mar haddii ay kooxdaasi si walba u diiddanayd feker iyo ficil kasta oo wax lagu wanaajin lahaa, khasab ayey noqotay in mucaarad hubaysani abuurmo si maafiyada la isaga xoreeyo.

6) Mucaaradku haddii ay magaalooyinka xoog ku galeen waa dalkoodii, mana jirin awood iyaga ka sharcisan oo xaq u lahayd in ay ka celiso ama kula dagaallanto. Qawlaysatada uu Maxamed Cali Samatar ka tirsanaa in ay dalka xoog ku haysteen kuma noqon karaan dawlad sharci ah.

7) Kooxdaasi intii aanay talada dalka afduubin umadda soomaalidu waa ay isku duubnayd oo isjeclayd, waxayna lahayd yool midaysan. Haddaba xaalku sida uu maanta noqday waxaa mas’uul buuxa ka ah kooxdaas. Nimankaasi sidii ay wax u wadeen waxay gaadhay in ay waxgarad badani ku tuhmaan in ay ogaan iyo si abaabulan mujtamaca soomaalida u burburinayeen. Weliba xogogaalku waxay isku raacsan yihiin Maxamed Cali Samatar in uu lahaa awood aan ka yarayn ta madaxweynihiisa.

Haddaba waa wax aad looga xumaado in ay dad soomaaliyeed maanta maalkooda iyo waqtigooda ku luminayaan difaaca Maxamed Cali Samatar oo sidaas ku sifoobay…..

Haddii uu dhaqankeennu noqday in siyaalo aan habboonayn loo kala aarsado, dacwad maxkamadeed waa sida keliya ee ay tahay in qof walba oo garasho iyo akhlaaq suubbani taageero raallina ku noqdo. Haddii aan sharciyada aadamigu ku kala baxo lagu qancin, ma waxaa la doonayaa in loo dhaqmo sida dugaag kayn ku jira, oo aan denbiile iyo dulmane, xumo iyo samo, la kala garan ama la danayn? Qofka jecel ee difaacaya nin shacbi soomaaliyeed gumaaday, magaalooyin soomaaliyeedna dumiyey, sidee buu isla markaas uga hadlayaa in uu jecel yahay midnimo iyo dawladnimo soomaaliyeed?

Hooyada maanta Hargeysa joogta ee saddexdeedii ilmood ku wayday duqayntii sannadkii 1988 uu ciidanka Maxamed Cali Samatar ku qaaday iyaga oo Itoobbiya u sii qaxaya, haddii loo sheego in ay maanta dad soomaaliyeed diiddan yihiin in ninkaas caddaalad la hor keeno, maxay dareemaysaa? Dabcan waxay xaqiiqsanaysaa in ay jiraan dad hooggeeda ku diganaya kuna faraxsan, isla markaas Maxamed Cali Samatar falkaas ku jecel oo ku abaalmarinaya. Halkaas waxaa ka dhalanaya dareen isugu jira yaqyaqsi iyo argaggax, waxaana abuurmay jawi bani aadamnimada liddi ku ah. Waa feker iyo dhaqan mustaxiil ka dhigaya in ay dadka soomaalidu midoobaan, waayo isku dareen iyo isku dan ma aha, xumaha iyo samahana isku si uma arkaan, mana jiraan wax ka dhexeeya oo aan ahayn cadaawad. Waxaa dhicisoobaya, oo dhabarka ka jabaya, dadaalka umadda loogu shukaaminayo midnimo iyo nabad.

Fadqalallada lagaga soo hor jeedo dacwadda ku oogan Maxamed Cali Samatar iyo eedaysanayaasha la midka ah run ahaantii dadka wadaa isku mid ma aha. Qaarkood waa raacdoreeb ka tirsanaa isla taliskii uu ninkaasi sarkaalka sare ka ahaa, markaas waxay diidayaan, sideedaba, in denbiyadaas la soo qodqodo. Kuwo kale waxay ka tahay qabyaalad iyo cid ku xumayn. Waxaase labadaba ka sii badan dad aan aragti iyo dan lahayn oo ay dabayshu iska sidato.

Dadka noocan dambe ahi caqli iyo aqoon midna meesha kuma hayaan ee marba duruufta taagan baa dareenkooda hagta. Foolxumada dhammaan wayday ee Soomaaliya ka jirta iyo qaxootinnimada ayaa dadkan masaakiinta ah daalisay oo nuglaysay, dabadeed waxay noqdeen qalab cid waliba danteeda u adeegsan karto: mar waxaa maskaxda lagaga xadaa diin aan daacad laga ahayn, marna qabiil. Tusaale ahaan si loo jahowareeriyo waxaa la isu barbar dhigaa Soomaaliya sannadihii 1976 iyo 1996, waxaana loogu macneeyaa kala duwanaantu in ay tahay Kacaanka iyo jabhadaha, dabadeed Maxamed Siyaad Barre iyo Maxamed Cali Samatar ayaa loo tusaa halyeeyo. Si dantaas liidata loo gashado horta waxaa la damqaa nabarrada xanuunka badan ee qofka ka soo gaadhay qaxootinnimada iyo dawlad la’aanta. Sidaas ayaa lagaga qaadaa awooddii maskaxeed ee uu si hagaagsan oo xor ah ugu xisaabtami lahaa. Dadka Maxamed Cali Samatar maanta caddaaladda ka difaacayaa shaki la’aan noocan ayey u badan yihiin. Waxayse moog yihiin, ama la moogaysiiyey, dhibbanaha koowaad ee kooxda Maxamed Cali Samatar eedday in ay tahay qudhiisan qaxootinnimada iyo dawlad la’aanta la baday.

Haddaba akhriste, si aad u ahaatid qof anshax suubban oo damiir fayow, si aad u ahaatid qof habboon oo garasho hagaagsan, si aad uga qayb qaadatid soo celinta jiritaankaagii ummadeed, ha u hiilin eedaysanayaasha uu ka midka yahay Sarreeyo Guud Maxamed Cali Samatar. Intii aad kuwaas u hiilin lahayd u hiili maatadii soomaaliyeed ee ay gawraceen. U hiili kumannaankii iyaga oo aan waxba galabsan la gumaaday, iyo kumannaankii la agoomeeyey ama la goblamiyey, iyo kumannaankii la naafeeyey. U hiili wixii masjid, masrax, dugsi iyo guri soomaaliyeed lagu dumiyey madfac iyo diyaarad gaalo waddo. U hiili xaqa iyo caddaaladda sida ay Ilaahay iyo dadnimaduba ku farayaan. Haddii aadan sidaas yeelayn, ka xishood in afkaaga laga maqlo soomaalinnimo, midnimo, caddaalad iyo bani aadamnimo.

Ibraahin Yuusuf Axmed

Ibraahinhawd@hotmail.com

Share this post

Link to post
Share on other sites
NGONGE   

The trial of Saddam Hussein and his henchmen coupled with the arrest of that Somali guy in Sweden, reminded me of this thread.

The wheels of the bus go round and round... :D

Share this post

Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^^ Hyprocrisy is very common in this section..

Anyways this gent puts a very strong case against General Samatar and his cheerleaders.

Originally posted by xiinfaniin:

Si aynu u aragno dooddaasi in ay tahay quus liidata oo aan halka ay taagan tahay hore uga dhaqaaqi karin, aynu isla xasuusanno xaqiiqooyin dhawr ah oo ay dadkii dhintay iyo kuwa aan weli dhalaniba innala og yihiin:

1) Maalintii ay taariikhdu ahayd 1 julaay 1960 umadda soomaalidu waxay ku midawday qarannimo saldhiggeedu yahay hannaanka dimuqraaddiga, kaas oo ay tiirarkiisa ugu muhiimsan yihiin in dadka qaranka hoggaaminayaa ku yimaaddaan doorasho dadweyne oo xor ah oo xeer qarameedka waafaqsan.

2) Habeenkii ay taariikhdu ahayd 21 oktoobar 1969 markii ay koox uu Maxamed Cali Samatar ka tirsanaa talada Qaranka boobtay dalka waxaa ka dhisnayd dawlad dimuqraaddi ah oo sharci ah, taas oo ku timid doorashada iyo doonista umadda, sidaas darteed waafaqsanayd xeer qarameedka. Haddaba kooxdaasi in ay maamulkii sharciga ahaa ridday, xildhibaannadii la doortay kala eriday badankoodana xabsi ku gurtay, ayna xeer qarameedkii laashay, waxay wada ahaayeen falal afduub, budhcadnimo, argaggixiso iyo cadawtinnimo ah oo Qaranka Soomaaliyeed lagula kacay. Kow iyo labaatankii sano ee habeenkaas ka dambeeyey wax alla waxii ay kooxdaasi magac dawladnimo ku gaysatay ma ahayn sharci ee waxay ahaayeen denbiyo qaran ay tahay in si kasta, goor kasta iyo meel kasta oo suurtogal ah dacwad lagaga oogo.

3) Kow iyo labaatankii sano ee ay kooxdaasi umadda xoogga iyo xaqdarrada ku haysatey waxay xaaraamaysay fikrad kasta oo teeda khilaafsan, qof kasta oo taas ku dhiirradayna waa la gawracay ama god madow baa lagu riday. Sidaasna waxaa lagu curyaamiyey horumarkii dadnimo, ilbaxnimo, dhaqaale, aqooneed iyo dhinac walba oo ay dadka isirka soomaaliga ku abtirsadaa samayn lahaayeen, waxaana laga reebay asaaggeed iyo hayaanka dunida. Bulshadii soomaaliyeed ee hanka weyn lahayd waxaa laga dhigay mid dayaysan oo aan dhan ay u socoto garanayn, fawdo ku nool oo aan madax iyo mijo kala lahayn. Sannadkii 1991 markii kooxdaas la eryey umadda soomaalida ilbaxnimadeeda, akhlaaqdeeda iyo nolosheeda oo dhami waxay yaalleen heer aad u hooseeya, taas ayaana keentay masiibooyinkii markaas ka dib la arkay, ilaa ay gaadhay in la iswada weydiiyo â€dadka sidan u dhaqmayaa miyaanay ahayn soomaalidii la yaqaanney?!â€

4) Burburka midnimada ku dhacay iyo nacaybka aan xadka lahayn ee bulshada wada dhalatay kala galay waxaa sababtay siyaasaddii gurracnayd ee ay kooxdaasi xukunka ku ilaashanaysey, siyaasaddaas oo ahayd in qabiillada ay umaddu ka kooban tahay la isku baabi’iyo oo la isku mashquuliyo (qaybi oo xukun). Taasi inoogama baahna caddayn waayo cidna kama qarsoona sidii qabiilooyinka marba mid loo gumaadayey iyada oo qaar kale loo adeegsanayo.

5) Mar haddii ay kooxdaasi si walba u diiddanayd feker iyo ficil kasta oo wax lagu wanaajin lahaa, khasab ayey noqotay in mucaarad hubaysani abuurmo si maafiyada la isaga xoreeyo.

6) Mucaaradku haddii ay magaalooyinka xoog ku galeen waa dalkoodii, mana jirin awood iyaga ka sharcisan oo xaq u lahayd in ay ka celiso ama kula dagaallanto. Qawlaysatada uu Maxamed Cali Samatar ka tirsanaa in ay dalka xoog ku haysteen kuma noqon karaan dawlad sharci ah.

7) Kooxdaasi intii aanay talada dalka afduubin umadda soomaalidu waa ay isku duubnayd oo isjeclayd, waxayna lahayd yool midaysan. Haddaba xaalku sida uu maanta noqday waxaa mas’uul buuxa ka ah kooxdaas. Nimankaasi sidii ay wax u wadeen waxay gaadhay in ay waxgarad badani ku tuhmaan in ay ogaan iyo si abaabulan mujtamaca soomaalida u burburinayeen. Weliba xogogaalku waxay isku raacsan yihiin Maxamed Cali Samatar in uu lahaa awood aan ka yarayn ta madaxweynihiisa.

Haddaba waa wax aad looga xumaado in ay dad soomaaliyeed maanta maalkooda iyo waqtigooda ku luminayaan difaaca Maxamed Cali Samatar oo sidaas ku sifoobay…..

Share this post

Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Somaliland needs someone like nazi-hunter Wiesenthal to hunt all those criminals and bring them to justice. Stop crying and go to work guys.

Share this post

Link to post
Share on other sites

I don't think Cali Samatar is responsible for that happen in Waqooyi in '88-89. The government wasn't his, and thus can't be blamed for the crimes of a failed government. Siyad Barre's government has effected all tribes, even his own tribe, we're all victims, there is noo need to single out one man who was not directly responsible for anything. Reer Waqooyi people can't gain anything if Cali Samatar is arrested or left. They have to understand that tragedy as a lesson of their (nabi-caay, iyo diin waxka sheegid), and continue by doing more repentance for Allah, sw.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Gediid   

I wanted to respond to the poster above for his comments but decided that maybe people like him are better off for how they are.After all dadka bini adamku isku caqli mahaa taasna waa abuur Ilaah oo wax lagama sheegi karo....

But I do have a question for the "learned Islamic scholar"

masiibadii ku dhacdey Koonfur maxaa u sabab ah ma homosexuality koonfur lagu dhaqmi jirey baa u sabab ah mise wax kale Kutaabka aad wadatid bal ka eeg????

Share this post

Link to post
Share on other sites

Originally posted by Gediid:

Waxaa u sabab ah Nimcadii rabi oo ay ku shugri naqi waayeen. Kitaabka aan sito, oo ah kii jaamaca, wuxuu leeyahay, Ilaaheey qolo ma badalo xaaladooda ilaa ay iyaga ka badalaan waxa dhex ahaaday nafsadooda. Sidaas darteed, adoon sheikh igu sheegin ayaan hadal is weydaarsan karnaa, abti. Waxaan la inkiri karin in waqooyi galbeed dhibaatooyika ka jiray iyo gaboodfalkii ay ugu wacnaayeen masiibada ku habsatay. Sidoo kale, kitaabka aan sito, ee jaamaca, wuxuu leeyahay, (walaqad ahlaknaa maa xawlakum minal quraa wasarafnal aayaati lacalahum yarjicuun), waxaan halaagnay qolooyin gaararkooda ku sugnaa, waxaana u badbadalnay mucjisooyinkeena, kaliyah inay soo laabtaan. Remember, the keyword in this Ayah is to return to the Almighty, not blame human beings!

Marka masiibo walba oo ku dhacda dad muslim ah waxay ka dhigan tahay in (1) lagu cibro qaato, (2) ilaah loosoo laabto, (2) mardanbe aan loo laaban gafkii. Hadaba arinta ku saabsan koonfur masiibadii ku dhacday hadaad is laheyd ficilka liwaadka la yiraahdo ayaa ugu wacan, koley aniga taas kulama ogi, hadaad cadeyn heysidna waan kaa dhageesan doonaa, insha-allah. Reer waqooyina marwalba waa u baahan yihiin inay ilaah u laabtaan, waxba haka caroon taas oo Cali Samatar ha u xagxagan hadii ilaah lagu soo xasuusiyay.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Gabbal   

They have to understand that tragedy as a lesson of their (nabi-caay, iyo diin waxka sheegid), and continue by doing more repentance for Allah, sw.

:confused:

Walaal Alaah waad u baahantahaye, bal istaqfuralah ku daji intaa dambiga laguu qorin. Somali is dishaye, is wada laayeene, diin waxaysan ku saabsaneen haku qaldin.

Share this post

Link to post
Share on other sites

^Ok, istaaqfurulah ilaahoow ii danbi dhaaf, aniga iyo intii muslim ah. But I don't think the problem has nothing to do with Diinta. When you abandon Islam and become bussy for some bad things, Allah sends his signs for wake-up call reasons. And that is what we learn in the kitaab.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Gabbal   

What you said about the diin and the consequence of forgetting to practice is true, but it was grossly misrepresented and out of context in your earlier post. Almiino dheh Soomaal idil oo dhan bay ka daxeeso masiibada na haysto, laakiin qaybsikaas daacad kuma dhisnayn. But, atleast you realized the wrong, right?

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this