Sign in to follow this  
Maaddeey

MP surrendered to Shabaab: a blow to TFG

Recommended Posts

Maaddeey   

Shabelle: MUQDISHO.

Xildhibaan Saalax Badbaado ayaa waxaa isku dhiibay Xoogaga Dowlada kasoo hojeeda.

 

Saalax Badbaado oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta isku dhiibay Xoogaga Dowlada KMG ee Soomaaliya kasoo horjeeda.

 

Mudanahan ayaa sida wararka qaar ay sheegayaan waxaa maanta laga waayey Hoteelkii uu ka deganaa Gudaha Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya sida ay sheegeen Mas,uuliyiinta Dowlada ka tirsan.

 

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan inXildhibaan Saalax Badbaado in uu isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

 

Dhageystayaal wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idin kugu soo gudbineynaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Gudoonka Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo sheegay in ay baadi goob ugu jiraan halkii uu ku dambeeyay Xildhibaan Saalax Badbaado.

Posted: 2/12/2010 8:28:00 AM

 

Shabelle: MUQDISHO.

Gudoonka Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan halkii uu ku dambeeyay Xildhibaan Saalax Badbaado kadib markii sida ay sheegeen laga waayay degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda KMG Soomaaliya.

 

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore oo u waramayay Idaacada Shabelle ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan Xilhibaan Saalax Badbaado oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo shalay laga waayay degmooyinka ay gacanta ku heyso Dowladda KMG Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in xariiro kala duwan ay la sameeyeen qaar kamid ah Xildhibaanadii ay isku dhawaayeen kuwaasi oo iyagana sheegay in aysan ka warheyn halka Xildhibaanka uu aaday.

 

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore ayaa waxba kama jiraan ku tilmaayay warar kala duwan oo sheegaya in Xildhibaan Saalax Badbaado uu ku biirey dhinacyada kasoo horjeeda Dowlada KMG ee Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in marka la helo Xildhibaanka la xaqiijin doono halka uu ku maqnaa.

 

Warar xog ogaal ah oo Shabelle ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaanka uu u goostay Dhanka Xoogaga kasoo horjeeda Dowlada KMG ee Soomaaliya gaar ahaan Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab iyadoona ilaa iyo hada aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay Xildhibaanka iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan Saalax Badbaado oo ka mid ahaa Barlamanka Soomaaliya oo maanta cadeeyay in uu isaga baxay mudanayaasha Barlamanka KMG ee Soomaaliya

 

 

Xildhibaan Saalax Badbaado oo ka mid ahaa Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Suuqa Bakaaraha waxaa uu ku cadeeyay in uu isaga baxay mudanayaasha Barlamanka KMG ee Soomaaliya

 

Kadib markii maalmihii u dambeeyay la hada hayay halkii uu ku dambeeyay Xildhibaan Saalax Nuur Badbaado oo ka mid ahaa mudanayaasha Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in uu ka baxay ka mid ahaanshiyaha Mudanayaasha Barlamanka KMG ee Soomaaliya.

 

Saalax Badbaado ayaa waxaa uu sheegay in sababaha uu uga baxay dowladda KMG ay qeyb ka tahay in Barlamanka dowladda KMG ay ku dhaqmi waayeen ku dhaqanka shareecada islaamka oo ay horay u ansixiyeen mudanayaasha Barlamanka,isagoo sidoo kale ku eedeeyay ciidamada dowladda in dhibaatooyin ay ka wadaan goobaha ay gacanbta ku heyso dowladda KMG ee Soomaaliya.

 

“Maanta laga bilaabo nimankaasi waan ka baxay maanta ayaana cadeynayaa in aan ka mid aheeyn, asbaabaha aan uga imidna waxa waaye waxaa nabad gali waayay intii inaga amni noo soo raadsatay waxeey noqotay in laamiga Km4 oo aan anigu deganaa ciidamada Shisheeye ay ku dhibeeteeyaan gabdhaha Soomaaliyeed”ayuu yiri Saalax Badbaado.

 

“Ciidankaan la leeyahay ciidamadii dowladda oo ah ********tii is aruursatay iyo kuwa lagu soo tababaray dalal aanan garaneyn oo dhaqamo baas la soo baray ayaa dadka dhibaataynaya”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

 

Xildhibaanka ayaan wax faah faahin ka ka bixin cida uu isku dhiibay iyo cida gacanta ku heysa isagoona sheegay in diin jaceyl iyo shareeco doon uu u soo galay goobaha ay gacanta ku hayaan dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.

 

Saalax Badbaado waxaa uu sidoo kale eedeyn u soo jeediyay ciidamada Midowga Africa gaar ahaan afhayeenkooda Bariijiya Bahuuko oo inta badan iska fogeeya in ciidamadooda ay dhibaato u geystaan shacabka Soomaaliayeed.

 

“Labo iyo sedax jeer ayaan waxaa maqlay qaa’inka beenahawaaska Afrikaanka ah ee dhiiga umada Soomaaliyeed qaba isagoo qoslaya markii su’aal wariyayaashu ay ka weydiiyaan dagaalada, waxaan u gudbinayaa ninkaasi umadayada gumaaday in dhiiga dadkeena uu ka daadinayo uu meel u yaalo”ayuu yiri saalax Badbaado.

 

Waa xildhibaankii ugu horeeyay ee ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya oo sheega in xildhibaanimadii uu iska Casilay isagoo ku sugan goobaha ay gacanta ku hayaan xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

This is not news worthy, this dude was probably from alshabaab to begin with, he was one of the 250 that were just chosen to fill the number in. It ain't a blow to anybody, he won't be missed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this