Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Shipment of printed money arrives for Riyaale

Recommended Posts

If it is true ......... It is the government who made the money. Nothing to do with Rayaale or someone else .. (there is a government remember?) ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

1$ = 6200 SL shlilings...in past 6 year it was in teh range (5700 to 6500)

 

Can I ask you about the walaween money?

 

1$ = ??

and How it was stable in last 6 or 5 years??

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koontiinaro Lacag Xukuumaddu Soo Daabacatay ah oo Xalay Bangiga Dhexe Lagu Rogay

 

Hargeysa (Jam) - Afar Koontiinaradda waaweyn ah oo ay ku jirto lacag shilinka Somaliland ah oo xukuumadu soo daabacatay, ayaa xalay lagu rogay xarunta Bangiga dhexe ee Somaliland ee magaalada Hargeysa, kuwaasi oo dhinaca magaalada Berbera lagaga soo daabulay baabuurta xamuulka lagu raro.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay lacagtan ay soo daabacatay iyo xadigeeda toona, balse wariyayaal ka tirsan Jamhuuriya ayaa xalay indhahooga ku arkay koontiinaradan ay ku jirto shixnada lacagta ah oo xarunta bangiga lagaga rogayey afar baabuurta xamuulka qaada ah ee loo yaqaano shaamboo xayraanka, waxaana ilaa magaaladda Berbera lagu soo galbiyey tigniko hubaysan oo ilaalinayey ammaanka lacagtan, iyada oo ilaa xalayna ciidamo milatari ahi gaadh ka hayeen Bangiga, kuwaasi oo lagu arkayey wajahada hore ee Bangiga lacagta lagu rogayey.

 

 

Mar aanu xalay isku daynay in aanu lacagtan dalka la soo galiyey ee la soo daabacay wax ka waydiino Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Wasiirka Maaliyada Md. Cawil Cali Ducaale ayaanay noo suurtogelin in aanu khadka telefoonka ku helno, haseyeeshee sida ay ilo xogogaal ahi Jamhuuriya xalay u xaqiiyeen, ujeedada ka dambaysa lacagta xilligan xukuumaddu soo daabacatay ayaa lagu sheegay in ay tahay mid loogu talogalay in xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ku galaan ololaha doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto, lacataasina maaha mid daabacadeeda laga ansixiyey Golaha Wakiiladda Somaliland oo dastuurku xaq u siiyey in ay ogolaadaan lacag kasta oo dawladu soo daabacayso, haddii kale ay noqonayso mid qayru sharci ah oo isticmaalkeedu xaaraan yahay.

 

Warbixin ay dhawaan Gudida Dhaqaalaha ee golaha wakiiladu ka diyaariyeen miisaaniyad-sannadeedka 2009-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in dhammaan lacagaha uu bangigu soo daabacday aan laga ansixin Golaha Wakiilada sida uu dhigayo qodobka dastuurka 54 farqaiisa 3 oo ka hadlaysa awoodaha golaha dhinaca maaliyada, waxaannu qodobkaasi odhanayaa sedan, “In la daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed iyo kuwo kale oo leh qiimo dammaanadeed” arintani waxa ay u baahantay in goluhu go’aan sharciya ka gaaadho.

 

Maaha markii u horreysay ee xukuumaddu soo daabacato lacago aan loo marin sifihii sharciga ahaa ee dastuurku jideeyey, balse dhawr jeer oo hore ayey xukuumaddu lacago soo daabacday, taas oo aan Golaha Wakiilladu ansixin, isla markaana mudanayaasha golahaas iyo xisbiyada mucaaradku ku eedeeyeen inay sifo suuq madow ah ku daabacdo.

 

 

Dhinaca kale, sarifka lacagaha qalaad, gaar ahaan Dollarka ayaa maalmihii u dambeeyey circa isku shareeray suuqyada magaalada Hargeysa, iyada oo halka doolar uu gaadhay in lagu sarifayo 6800 shillinka Somaliland ah (lix kun iyo sideed boqol oo shillin), halka markii hore lagu sarifi jiray 6200 shillin.

 

 

Kor-u-kaca sarifka doolar ee suuqyada Hargeysa ayaa loo aanaynayaa inay masuul ka tahay lacag badan oo kaash ah oo suuqyada soo gashay, taas oo keentay in doolarku yaraado, kadibna sarifkiisu cirka isku shareero. Waxaanay arrintani keenaysaa inay wax ka beddesho nolosha aasaasiga ah, gaar ahaan cuntada daruuriga ah oo ganacsatadu ku iibiso lacagta doolarka, iyada oo si gaar ah saamayn ugu yeelan doonto dadka danyarta ah oo aan awoodi karin sicir-barar mar kale ku yimaada raashinka daruuriga ah.

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shankaroon, adeer you can compare the perfromance of Faroole in which inflation has gone down to Riyaale in which case it has increased.

 

Also even in Burco the Somali shiling is strong where no one else uses the fake money of Riyaale outisde the clan area of Hargaysa-Berbera-Buro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

First you didn't answer my Q...I do't understand text..I need numbers

 

Somailland 1$ = 6200...still stable!

 

I am new here & I dont stand the "dabayaac" way of dialog you have here...lets move from one point to another point....so I wont comment on Buro, farooole or clan areas, untill I hear your answer on:

 

1$ = 6200 SL shlilings...in past 6 year it was in teh range (5700 to 6500)

 

Can I ask you about the walaween money?

 

1$ = ??

and How it was stable in last 6 or 5 years??

say I don't know or asnwer (with numbers plz)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Shankaroon, adeer you can compare the perfromance of Faroole in which inflation has gone down to Riyaale in which case it has increased.

 

:D @ Fake monopoly money doing a lot better than your "country" currency. Shame

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool, again you do not know what inflation is, you must think its a good thing huh. :D

 

Riyaale is making sure that he gets another term, remember he won by only 80 fake votes last time. Now he will win by another 80 fake votes. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Riyaale won't go anywhere, he even said he'll leave only if voted out. So he makes sure there are no elections!! The man is a genius.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Guddoomiyaha oo ka warbixiyey lacagta ay soo daabacdeen oo Salaasadii Dorraad bangiga dhexe la soo gaadhsiiyey ayaa waxa uu yidhi;
“Waa lacagtii awalba la soo daabici jiray bay la mid tahay ee marka lacagta jeex-jeexanto ama baanka dhexe keyd yeesho ku bixin jiray mashaariicda iyo kharashka dawladdu soo gudbiso, dabcan uu diyaar u sii noqdo.

 

Markaa lacagtan waxaannu dalbanay muddo haantan laga joogo siddeed bilood, illimaha dhaqaalaha dalka oo aan fiiceyn awgeed, ayaa haddba shirkadii aannu wax u diranaa ay nagaga raagtaa oo ay ku timi waqtigan. Noodhka lacagtaasi waa tii shan-shanta boqol ahayd.”

 

Container of fake money is normal according to the secessionist bank I mean robber in chief. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qiimaha Dollarka Oo Si Xawli Ah Kor U Kacay Iyo Saamaynta Lacagta Cusub Ee Dalka Timid

 

Hargeysa, March 19, 2009 (Haatuf)- Qiimaha sarifka doollarka ee suuqyada dalka ayaa shalay mar kaliya kor uga kacay suuqyada magaalooyika, iyada oo qiimaha sarifka ee $100 shalay suuqa Hargeysa lagu sarifayey SHSL700,000, halka uu maalin ka hor u maraayey shsl 6800,000 gacanta hore, taas oo ka dhigan tiraba laba jeer todobaadkan guddihiisa inta uu qiimaha sarifka kor u kacay.

 

Hase yeeshee kor u kaca qiimaha doollarka ee shalay ayaa ku soo beegmay maalin ka hor uun markii ay Baanka dhexe ee Somaliland soo gaadhay shixnado lacag ah oo ay xukuumadu soo daabacday.

 

Inkasta oo imaatinka lacagtan cusub ee dalka soo gaadhay ay ka horeysay kor u kaca qiimaha sarifka dollarku suuqyada dalka haddana sida ay Haatuf u sheegeen qaar ka mid ah dadka ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee suuqyada Hargeysa, waxa kor u kacan dambe ee dollarku shalay uu ka dhashay ka dib markii ay suuqa lagu soo daayey kaash faro badan oo lacagta shilinka SL ah,taas oo ay xuseen inay ka soo baxday Baanka dhexe ee Somaliland.

 

“iyadoo markeedii horeba uu suuqu la ciir ciirayey doolar yaraan ayey xukuumaduna soo daysay lacago kaash ah oo shilinka reer Somaliland ah, taasina waxay sababtay in uu kor u kaco sicirka qiimaha sarifka dollarka”sidaa waxa yidhi mid ka mid ah sariflayaasha suuqa oo ay Haatuf wax ka waydiisay arinta kor u kaca qiimaha Dollarka.

 

Sidoo kale qaar ka mid ah sariflayaashan suuqa Hargeysa ayaa sheegay inay imaatinka lacagtan cusub ee ay xukuumadu soo daabacday lafteedu ay saamayn ku leedahay kor u kaca xawliga ah ee qiimaha sarifka dollarka, waxaanay xuseen in shaki iyo cabsi faro badan oo laga qabo in lacagtaasi lagu soo daayo suuqa ay keentay in kor u kaca doollarku “ horta markasta oo xukuumada lacag cusub soo daabacataba doollarku wuu kacaa, waayo khasab weeyi in ay lacagtaasi soo galayso suuqyada dalka, sicirka dollarkuna wuxuu ku xidhan yahay hadba khaashka Somalilandtu sida ay u taalo suuqa haddii ay badan tahayna dollarkan kor ayuu u kacaa, haddii ay ku yar tahayna hoos ayuu dollarku u dhacaa.

 

Sidaa darteed markii xalay la maqlay lacag cusub ayaa soo gashay dalka ayey markiiba suuqa ka tabaabushaysteen oo uu nin waliba dollarkii yaraa ee u haystay hoosta galiyey.

 

Waxa suuqa ka dhacday in dollarkiiba la waayo ama u yaraado, taas oo keentay in qaaliyoobay sarifka dollarka’ sidaa axa yidhi Aadan Cabdi sarifle suuqa Hargeysa ah.

 

Si kastaba ha ahaatee kor u kacan qiimaha sarifka dollarka ayaa ilaa hadda wax saameyn ah ku yaal uu sicirkii maceeshad ahaa kala duwan ee dalka, haseyeeshee waa suuragal in maceeshad kala duwan ee dalka, kor uga kici doonto qiimaha haddii u sidan ku sii socdo sarifka dollarku.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa, Mar 19 - Xukuumada Somaliland oo soo daabacatay lacag cusub oo shillinka Somaliland ah, iyo cabsi laga qabo in sarrifka lacagta iyo sicirka maciishadu ay sare u kacaan.

 

Magaalada Berbera ayaa waxaa ka soo degay shixnado lacag cusub ah oo ay soo daabacatay dawlada Somaliland.

 

Gawaarida xamuulka oo sida lacagataas ayaa soo gaaray magaalada Hargeysa, kuna dhaliyey ganacsatada iyo dadka danyarta ah welwel dhinacyada sarrifka lacagaha iyo sicirka maciishada ah.

 

Waxaa iyana sidoo kale cabasho ka muujiyey lacagaha cusub ee ay soo daabacatay xukuumada Somaliland axsaabta siyaasada oo sheegay in xukuumada M/weyne Riyaale ay lacagta cusub u soo daabacatay in ay u adeegsato doorashooyinka bisha May la filkayo in ay ka dhacaan gobollada Somaliland.

 

Ma aha markii uhu horaysay ee Somaliland ay soo daabacdo lacago cusub, mana aha maamulka keliya ee soo daabacda lacaga. Maamulka Puntland ayaa isna daabacda lacago cusub oo shilika Somaliga ah. Ganacsatada Muqdsiho iyo dawlada Somaliya ayaa sidoo kale daabacda shilinka Somaliga ah.

 

Daabacashada lacagaha ayaa aalaaba la la arkaa xilliyada ay jiraan duruufo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.

 

Ma jiraan bunuug iyo hay'ado dhaqaale oo isu jaangooya daanbacaada lacagaha iyo wax soo saarka dhaqaale ee dalka.

 

Sharikaad ajnabi ah oo ku yaal dalalka Khaliijka iyo Asiyada Fog ayaa u qaabilsan maamulada Somaliya, iyo ganacsatada Muqdisho daabacaada lacagaha, ayna qandaraasyo la galaan, markii iyo sida ay u baahdaanba dalbada in lagaco cusub loo soo daabaco.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this