Sign in to follow this  
Aaliyyah

SSC waa Hanaqaaday hanbalyo yaanu leenahay - Saado Cali Warsame

Recommended Posts

NASSIR   

Wow, amazing song. Saado has this commanding, rallying voice that even humbles the antagonists of SSC organization and the aspiration of its people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

London(Jidbaale.com) maalinimadii shalay oo sabti ahayd taariikhduna ahayd 16/10/2010 waxaa magaalada London lagu qabtay xaflad lagu xusayey sanadguuradii kowaad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay maamulka SSC. SannadguuradiiKowaadSsc Daaawo Sawirada Qaybta Labaad

 

 

Xafladan oo lagu xusayey aasaaskii maamulka SSC waxaa ka soo qayb galay shacabweynaha u dhashay SSC oo iyagu si weyn madashaasi ugu soo bandhigay shucuurtooda iyo siday u taageersan yihiiin maamulkan curdanka ah ee SSC, oo ay maamulada hareeraha ka xigaana aad uga xun yihiin maamulkan sadexaad ee ka soo if baxay dhinaca gobolada waqooyi.

 

 

Xusitaanka sannad guuradii koowaad ee maamulka SSC waxaa si weyn isugu soo dubariday ururka dhalliinyarada ee SUDO oo fadhigoodu yahay london, waxaanay goobtaasi ku soo bandhigeen warbixino, heeso, majaajilooyin aad u qiira badan kuwaasi oo ay ku muujinayeen duruufaha dhabta ah ee ay ku sugan yihiin shacabweynaha u dhashay deeganada SSC, sida hagardaamooyinka ay ku hayaan maamulada hareeraha ka xiga, ee iyagu adeegsada kuwa horgalada ah ee u dhashay deegaanada SSC.

 

 

Sidoo kale waxaa goobtaasi iyaguna doorkooda ka qaatay gudoomiyaha jaalliyada SSC ee UK Mudane Cabdilaahi *******, gudoomiyaha ururka SUDO mudane Maxamed Cabdi Fookheeye, Aamina Axmed Ismaaciil Mire, gudoomiyaha ururka dhallinyarada Manchester mudane Aadan Xasan Madoobe, sheekh Cawl iyo Dr Maxamed Cabdiraxmaan oo si weyn u qaada dhigay halgankii iyo guulihii uu soo hooyey hogaanka SSC intii ay gudaha galeen.

 

 

Waxaa kaloo sannad guuradii koowaad ee maamulka SSC lagu marti qaaday Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Guuleed oo ka mid ahaa isimadii kaalinta liibaax ka qaatay sidii dhidibada loogu qotomin lahaa maamulka SSC, oo ka dhashay ka dib markii loo adkaysan waayey dhibaha iyo aargoosashada dahsoon ee lagu hayey shacabka SSC.

 

 

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Guuleed wuxuu madashaasi ka soo jeediyey warbixin kooban oo taabanaysey dhinacyo badan, wuxuu si weyn carabka ugu adkeeyey in aan la dayacin fursadan qaaliga ah ee aynu maanta haysano.

 

 

Pictures

More pics

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Buuhoodle Oo Laga Xusay Sanad Guuradda Koowaad Ee SSC

Written by C/raxmaan Somali

Sunday, 17 October 2010 06:21

 

Buuhoodle:-(Jidbaale):-Waxaa maanta ka dhacay magaalada buuhoodle ee xarunta maamulka SSC munaasabad balaadhan oo lagu mamuusayo sanad guurada 1aad ee SS oo Daawo Muuqaal

 

 

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qayb gala dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Buuhoodle, waxaadna

Dadwaynihii goobtaasi isuugu yimid wajigooda ka dheehan karaysay farxad iyo raynrayn iyagoo isuugu hambalyaynayay sanadkan sanadkiisa inay nabadqab ku gaadhaan. kubeegan maanta oo 16 oct ee 2010 sidoo kalana lagu taageerayo raysal wasaaraha cusub ee Dalka Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed.

Intii ay socotay munaasabadaasi ayaa waxaa hadalo halkaasi kasoo jeediyay masuuliyiin kaladuwan kuwaasi oo intooda badan

 

hambalyo udiray Shacab waynaha reer SSC meel kasta ay joogaa sidookalana soo dhaweeyay Raysalwasaaraha cusub ee Somaliya

 

Maxamed C/laahi Maxamed.

 

 

Gabo gabadii munaasabadaasi ayaa dadwayanahan banaanbaxayay waxay socdaal lug ah kusoo wada mareen wadooyinka waawayn

 

ee dhexmara magaalada buuhoodle kuwaasi oo ku dhawaaqayay halku dhigyo kala duwan oo ay kutaageerayaan maamulka SSC

 

somaliya. Sawirada Goor Dhaw ayaan idiin soo gudbinaynaa idanka ilaahay

 

C/raxmaan Somalii

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xagardheer Oo Laga Xusay Sanad Guuradda SSC

Written by jidbaale.com

Sunday, 17 October 2010 06:16

 

Xaflada damaashaadka iyo sanadauurda hogaanka midayta iyo badbaadada ssc Somalia oo ay ka soo qaybagleen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ssc ayaa waxay ka dhacday magaalada xagardheer ee dalka Kenya

 

 

Xaflada ayaa ugu horayn waxaa ayadaha quraanka kariimka kufuray saleebaan cumar guuleed sidookale waxaa wacdi iyo dardaaranka cabsida ALLE ka soo jeediyey sheikh maxamed cali cabdi {GALAYDH} dadweynaha ka soo qaybgalay xaflada sanad guurada hogaanka midaynta iyo badbaadada gobolada sool sanaag iyo cayn ee madasha isugu yimid wajigooda ka muuqanaysay farxad iyo siday ugu faraxsan yihiin maalinta taariikhida ah

 

 

waxaa gabayo iyo suugaan ka soo jeediyey abwaano kala ah

 

abwaan c/qaadir maxamed cabdiraxmaan iy maxamed maxamed wali maxamed {HURE}

 

oo run ahaantii meesha ka soo jeediyay gabayo aay ku amaanayaan uguna ducaynayaan hogaanka midaynta iyo badbaadada ssc oo daka meesha isugu yimid aad ugu qiiroodeen

 

 

ugu danbayntii xaflada ayaa waxaa dardaaran dhalinyarada meesha isugu timid ah meesha ka soo jeediyey Oday mahadi ciise cilmi iyo iyo aqoonyahan c/naasir ciise saleebaan

 

xeryaha qaxoontiga ee UNHCR ee magaalada xagardheer ayaa waxaa soo buuxdhaafiyey kumanaan qoys oo reer ssc ah oo ka soo barkacay cadowga wadankoodii haysta

 

 

maxamuud cabadi tuulo xagardheere Kenya

 

 

Pics

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Finland - SSC's 1st birth date..

 

Waxaa maanta ka dhacay caasimada wadanka eeHelsinki kulan balaadhan oo lagu xusayo xaflad loogu talagalay sanadguuradii 1aad ee SSC, taas oo u dhacday sidii loogu talagalay.Daawo Sawiradda

 

Xaflada waxaa ka soo qaybgalay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada SSC ee ku nool Finland.

 

Waxaa ugu horayn shirka furay guddoomiyaha jaaliyada SSC Dr. Mohamud Mohamed Cartan. Furitaankaas ka dib waxaa la gudo galay xafladii oo dhacday sidan

 

Ugu horayn waxaa warbixintii jaaliyada SSC ee Finland soo jeediyey Ahmed Giire, isagoo ka sheegay wixii qabsoomay mudadii jaaliyadu dhisnayd.

 

waxaa kaloo la sheegay waxqabadkii hoggaanka SSC mudadii sanadka ahayd ee ay jireen, iyagoo dadaal wayn muujiyey.

 

Waxaa kaloo laga akhriyey xaflada taariikhdii SSC laga soo bilaabo Daraawiishtii u soo halganta xoraynta Soomaliya guud ahaan gaar ahaan gobolada waqooyi oo Ingiriis ku soo duulay. Iyadoo uu soo jeediyey Ahmed Mohamed Bulxan.

 

Waxaa ugu dambayn la isku raacay in laga wada shaqeeyo midnimada SSC si loo gaadho midnimada Soomaaliya, lagana bilaabo xoraynta gobolada SSC.

 

Guddiga Jaaliyada SSC ee Finland

 

Waxaa Na Soo Gaadhsiiyey

 

Axmed Maxmed Bulxan

 

pics

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

mashallah Khadar waad mahadsantahay. Sido kale sweden xaflad ba laga dhigay saturday. Finalandna xaflad kale ayeey ku tala jiraan sidaan maqlay. Saado way dalacday..SSC sido kale.

 

SSC way hanaqaaday

horumar bay gaadhay SSC

 

Ha nolaato SSC

 

heestan maskadeeda bayba ka bixi waydey walahi caadi ma aha..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

And Yuganda..

 

Waxaa Magaalada kampala ee Dalka Uganda Lagu qabtay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayey Sanadguuradii Koowaad ee ka soo wareegtay Asaaska Hogaanka midnimada iyo Badbaadada SSC ee lagu Yagleeley MAGAALADA nairobi ee Dalka Kenya.

 

Xaflada oo lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Agakhan ayaa waxaa ka soo Qaybgalay Marti sharaf soo buuxdhaafiyey Hoolkii xafladu ka dhacaysay, waxaana Halkaas Lagu soo Bandhigay Bbarnaamijya Kala Gedisan oo lagu maamuusayo SanadGuurada.

Xaflada oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin Fara Badan oo uu ka midyahay Qunsulka Safaarada Somalida ee Dalka Syria Muxud Ducale Muse, Ganacsato Aqoonyahan, Madaxda Jaaliyada SSC ee Dalka Uganda iyo Bulshaweynta Somaliyeed ee ku dhaqan Dalka Uganda, Ayaa waxaa Halkaa Laga soo jeediyey Taariikh lagu xusay Xiliga Asaaska Hogaanka SSC sababaha keenay Asaaska iyo Weliba Dardaarana loo diray Hogaanka.

Gudoomiyaha iyo Kuxeenka Jaaliyada SSC Dalka Uganda Mohamed Ali Haybe iyo C/rashiid Maxamed Maxamuud Suufi, oo labuda Goobta ka hadlay ayaa sheegay inay tahay waajiba xusida iyo weyneynta maalintan oo kale oo ay sheegeen inay maalinweyn u tahay Bulshada SSC Iyagoo sidoo kalena Xusay siday lagama maarmaanka u tahay ilaalinta midnimada Bulshada SSC Iyo Guud ahaan Tan Somaliyeedba.

 

Si kastaba ha ahaatee Xaflada oo jawi degan oo xamaasadi ku dheehantahay ku so socotay ayaa waxa ay soo gebagebowday xili danbe, iyadoo halkaasna lagu soo bandhigay Barnaamijya badan oo dhanka Dhaqanka SOmaliyeed ah taasoo ay daadihinayeen Barbaar ku Gaaashaaman Hidaha iyo Dhaqanka SOmaliyeed.

 

C/qaadir Kaarshe

Kaarshe997@hotmail.com

Kampala, Uganda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Nassir I am glad you loved it walaal..

 

Somali haa way dalacday oo duushay lool :D

 

salaam

 

-----------------------

Grown means nothing to a mother.A child is a child. They get bigger ,older, but grown? In a MOTHERS heart each will always be her baby..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Congratulations to the organizers of these beutiful events aimed to assemble greater awareness. I hope these events motivate the intended community.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this