Sign in to follow this  
General Duke

Mohamed Dheere governor of Banadir.

Recommended Posts

Muqdisho: Maxamed Dheere oo loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.

28. april 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Dikreeto kasoo baxday xafiiska raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu magacaabay guddoomiyahaa gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho , Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere0.

 

Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ansixiyay dikreetadan lagu magacaabayo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa ..

 

Maxamuud Xasan Cali Cadde (Gaaboow) oo horay u ahaa guddoomiyaha Muqdisho ayaa jagadii laga xayuubiyay.

 

Maamulkan lagu dhawaaqay ayaa wuxuu kuso beegmayaa xilli magaalada Muqdisho maalintii labaad ay si rasmi ah gacanta ugu hayso dawladda federaalka iyo ciidamada Itoobiya.

 

Maxamed Dheere oo horay uga arimin jiray gobolka Shabeellada dhexe ayaa lagu xasuustaa inuu gobolka uu ka talin jiray ammaankiisu uu ka duwanaa gobollada kale , asagoo arinta xagga xasiloonida iyo maamulka horumar kasameeyay.

 

Bishii Feberaayona wuxuu kamid ahaa kooxdii la dagaallanka argagixisada oo asaga iyo raggii la jirayba looga awood roonaaday gacan ku hayntii Muqdisho iyo waliba gobolkii uu in badan ka talin jiray.

 

Dabayaaqadii sanadkii 2006dana wuxuu dib ugu soo laabtay gobolkii uu ka talin jiray ee Shabeellada dhexe, walow markaasi laga qaaday guddoomiye nimadii gobolka Shabeellada dhexe.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda KMG oo maamul cusub u sameysay gobolka Banadir

Click here to find this article in english

 

Mogadishu 28, April.07 ( Sh.M.Network) Dowladda kMG ah ee Somalia ayaa maamul cusub u magacowday gobolka Banadir ka dib markii xilkii laga qaaday maamulkii Cadde Gaaboow, xilli maalintii labaad ay dagan tahay caasimadda Somalia ka dib dagaalo muddo 8 maalmood ah ka socday oo ay ku nafwaayeen in ka badan 350 ruux.

 

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra'isulwasaaraha Somalia, Cali Max'ed Geedi oo uu soo ansixiyay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu magacaabay Max'ed Cumar Xabeeb (Max'ed Dheere) in uu noqdo gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho halka wareegtadaasi xilkii looga qaaday Max'uud Xasan Cali cadde Gaaboow.

 

Wareegtadaan ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay Wariye ka tirsan xafiiska Ra'isulwasaare Geedi la yiraahdo Max'ed Siidii.

 

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa u hanqal taagaya bal isbadalka uu Max'ed Dheere ku soo kordhin karo gobolka Banadir, iyadoo Max'ed Dheere oo horey uga arimin jirey gobolka Sh/dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar uu ka dhigay meel nabdoon.

 

Magacaabista maamulkaan cusub ee gobolka Banadir ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii labaad gacan ku heynta caasimadda Somalia ay la wareegeen ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo ay wehliyaan ciidamada Ethiopia, iyadoo saakay lagu arkayay isgoysyada magaalada Muqdisho ciidamada booliska dowladda KMG ah.

 

Click here to find this article in english

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Max'ed Dheere oo loo magacaabey Gudoomiyaha G/Banaadir

 

War hada naga soo gaarey magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Max'ed Cumar Xabeeb (Max'ed Dheere) oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Koonfurta Soomaaliya loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhigan inay xilkiisii laga xayuubiyey Cade Gaabow oo horey xilkaasi ugu magacownaa.

 

Magacaabista Max'ed Dheere ayaa waxay daqiiqad ka hor ka soo baxdey xafiiska Ra'isalwasaare Cali Max'ed Geedi, waxaana uu kala tashadey Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Max'ed Dheere ayaa maalmihii ugu dambeeyey wuxuu si weyn ugu hawlanaa sidii ciidamada dawlada iyo kuwa Itoobiya ay ula wareegi lahaayen amaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

 

C/laahi Soomaali

 

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guduoomiyaha Gobolka Banaadir oo loo magacaabey Maxamed Dheere

Last Updated::2007-04-28 10:48:45

 

Mogadisco:-Wareegto ka soo baxdey Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed geedi isla markaasna uu ansixiyey Madaxweynaha DF Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed

ayaa xil ka qaadis lagu sameeyey Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banadir isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdisho Cade Xasan Gaabow.

 

wareegtada ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, waxaana Xilkaas loo magacaabey Maxamed Cumar xabeeb (Maxamed DHeere).

 

Ilaa iyo haatan lama garanayo Sababta dhabta ah ee ka danbeysa in xil ka qaadis lagu sameeyo Cadde Xasan Gaabow isla markaana Xilka Gudoomiye Nimada Gobolka loo magacaabo Maxamed Dheere hase yeeshee waxaa ay u muuqataa in la doonayo bal in la arko maadaama ay muqdisho ay degan tahay maalintii labaad in maxamed dheere uu wax ku soo kordhin karo Nabada magaalada Muqdisho oo baryihii ugu danbeysey ay ka socdeen Qul qulatooyin.

 

Wareegtada ka soo baxdey Xafiiska Ra'iisul wasaaraha ayaa saxaafada waxaa u akhriyey wariye ka tirsan Xafiiska Ra'iisul wasaaraha, waxaana markii warkaan la maqley ay dadku si aad ah astacajab ogu noqotey.

 

 

Cade Xasan Gaabow ayaa waxaa horeyxilkaan ugu magacaabey DF Soomaaliya Kolkii ay ku sugneyd magaalada Jawhar.

 

waxaana Cade gaabow mudadii uu hayey Xilkaan ka hor yimid Caqabado dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen markii ay ka talinayeen Hogaamiye kooxeedyadii muqdisho in aysan wax aqoonsi ah aysan siin, iada oo markii maxkamadihii Islaamiga ay la wareegeena awooda maaalada Muqdisho ay yeeleen sidii ay sameeyeen Hogaamiye kooxeedyadii oo kale.

 

 

Mohamed ALi (Dalmar)

mohamedali11@gmail.com

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^There is a method to this madness. Mohamed Dheere before he fell from grace achieved a great deal of security for Jowhar and the Middle Shabbele. I think security, security, security is the top priority.

Share this post


Link to post
Share on other sites

mo deerah was kicked out of tfg to make room for geedi, thats the way this chip was played. anyways, mo is not trust worthy person, he was a warload just like yeey.. so no surprise. if rudy knows this much, then everybody news this truth.

 

geedi was not in the original tfg members in kenya at all. he was inject in there by melees.

thats why hes the puppet boy. yeey is just using him.

 

homie, dont celebrate yet, some more stuff is coming soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suldanka, grown men get over personal issues and deal with the mattersat hand. Dheere comments are in the past much like most things.

 

The man, like him or not is tough, no nonsene and will not take NO for an answer from the business groups, media and so on.

 

You can say whatever but you can see the change alraedy in the air. Go on Shabbele website today.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

"Can the man who tamed lower Shabbele tame Banadir."

 

What do you mean by tame? You mean murder and loot?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this