Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xaabsade is Back

Recommended Posts

Burco (QARAN)-Xabsade oo kulan saacado badan qaatay Maanta Magaaladda Oog kula yeeshay Raxan kamid ah Wasiirada Somaliland oo hada ku sugan Magaaladda Oog

 

Maxamed Cabdi Xaabsade ayaa soo gaadhay Magaaladda Oog ee Degmada Caynaba waxan uu halkaas kulan kula yeeshay qaar kamid ah Wasiirada Somaliland oo iyagun halkaas gaadhay

 

Xaabsade ayaa waxa kulankaas ku waheliyay Xildhibaan Dhakool iyo Laba sarkaal oo kale dhanka Wasiirada Somaliland waxa kulankaas ka qayb galay Wasiirka Cadaalada Axmed Xasan Cali (Casoowe), Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cabdi Xasan Buuni, iyo Wasiirka Warshadaha Maxamed Saleeban Weyne iyo Sarakiil kale

 

Sida uu noo sheekay Wariye Kayse Axmed Digaale oo hada ku sugan Magaaladda Oog oo aanu caawa khadka Telefoonka kula xidhiidhnay

 

Kulankan oo aan la ogayn waxa ay ka wada hadleen labada dhinac ayaa qaatay mud saacado badan ah kadibna Waftiga Xaabsade iyo Dhakool ayaa dib ugu noqday deegankay markii hore ka yimadeen

 

Magaaladda Oog ayaa hada waxa ku sugan Wafti culus oo isugu jira Wasiiro iyo Taliyayasha Ciidamada Qalabka side

 

Togdheernews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this