Sign in to follow this  
Juje

Xilka igama qaadi karo iyo waa kaa qaadi karaa

Recommended Posts

Juje   

yeyypmne7.jpg

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku dhawaaqay in uu xilkii ka qaaday Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde

Axad, December 14, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo saaka shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu xilkii ka qaaday Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.

 

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Xukuumaddii loo dhisay Soomaaliya Bishii November 2007 ay wax qaban weysay, isla markaana ay ku sifowday qayaano qaran, dalkana uu ammaankiisa faraha ka baxay, wuxuuna sheegay in aysan fulin waxyaabihii laga sugayay sida buu yiri ku cad qodobka 11aad ee Axdiga KMG ah farqooyinka 8aad, 9aad iyo 10aad.

 

"Dhamaanteen waxaa la wada soconaa marxalada adag ee uu dalka ku sugan yahay iyo wax qabad la'aanta xukuumaddad federaalka Soomaaliya, iska daa in ay wax qabatee, xitaa waxay hanan weysay waxyaabihii ay horay u qabatay Xukuumaddii hore"ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo la hadlayay qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Intaas kadib waxaa uu sheegay Madaxweynaha in uu muddo 30 maalmood gudahood ah uu ku soo magacaabi doono Ra'iisal Wasaare soo dhisi doona Xukuumad awood leh, wuxuuna caddeeyay in inta uusan soo magacaabin Ra'iisal Wasaaraha uu la tashan doono Mudanayaasha Baarlamaanka.

 

"Mudanayaal iyo Marwooyin ku xad-gudubka Axdiga KMG ah ma ahan dembi caadi ah ee waa qiyaano qaran, sharci ahaan Xukuumad waxaa kalsooni la siiyaa marka lagu qanco xubnaha xukuumadda"ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in Xukuumaddii uu soo dhisay Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ay sharci ahaan dhacday kadib markii ay is-casileen sida uu u yiri 3 meelood labo meel xubnaha Golaha Wasiirradda.

 

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Yuusuf in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in uu sii socdo barnaamijka dib u heshiisiinta ah balse ay lagama maarmaan tahay in la saxo qodobo uu sheegay in ay Axdiga KMG ah ka soo horjeedaan.

 

Xil ka qaadista uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku sameeyay Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uu dhawaanahan soo jiitamayay khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha, kaasi oo maanta uu shir ka lahaa Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Lama oga saameynta ay xil-ka-qaadistan ku yeelan karto wada hadalladii dib u heshiisiinta ahaa ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo la xusuusan yahay in Ra'iisal Wasaaraha uu kaalin muuqata ku lahaa Wada hadalladaas.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

 

 

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in uusan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf awood u lahayn in uu xilka ka qaado

Axad, December 14, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo Baydhabo ku qabtay Shir jaraa’id oo uu uga jawaabayay xil-ka-qaadis uu saaka ku sameeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu sheegay in uusan Madaxweynaha awood u lahayn in uu xilka ka qaado.

 

“Runtii waan ka xumahay in uu madaxweynaha yiraahdo xilka ayaan ka qaaday Ra’iisal Wasaaraha, waayo sharci uma lahan in uu xil-ka-qaadis igu sameeyo, tallaabada uu qaadayna waa mid uu kula tumayo Sharciga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in wixii tallaabo ah ee arrintaas laga qaadayo ay u taallo Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaaraha oo wax laga weydiiyay waxa uu ka leeyahay in uu madaxweynaha ku eedeeyay wax qabad la’aan waxaa uu yiri “Madaxweynaha isaga ayaanba ogoleyn in wax la qabto, ilaa iyo markii aan Xukuumadda soo dhisay wuxuu wax qabadka xukuumadda ku ahaa caqabad”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in Madaxweynaha uu ka duulayo sida uu u yiri Guddoomiye Gobol oo xil-ka-qaadis lagu sameeyay.

 

Madaxweynaha ayuu ku eedeeyay in uu ka soo horjeedo dib u heshiisiinta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in tan iyo markii uu dadaallada dib u heshiisiinta ah bilaabay uu madaxweynaha qaadayay tallaabooyin uu ku wiiqayo dadaalladaas, wuxuuse sheegay in Xukuumaddiisa sii shaqeyn doonto, ayna sii wadi doonto dib u heshiisiinta.

 

“Madaxweynaha waxaa uu doonayaa in aysan nabad iyo kala dambeyn ka dhalan Soomaaliya, ayna dib ugu noqoto nidaamkii fowdada iyo dagallada sokeeye ahaa, taasina ma ahan mid qabata dadka Soomaaliyeed oo muddo dheer dhibaato ku soo jiray”ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in aan weli la gaarin waqtigii ay Xukuumaddiisa qabsatay in ay wax ku qabaneyso, kaasi oo uu sheegay in uu ku egyahay 10-ka bisha Janaayo 2009.

 

Ugu dambeyntiina, Beesha Caalamka ayuu ka codsaday in ay taageeraan heshiiskii Jibouti, isla markaana ay dadaal dheeraad ah geliyaan sidii uu heshiiskaas u meel-mari lahaa, bacdamaa buu yiri uu yahay mid xal loogu raadinayo mushkiladda Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

 

 

This is more than a joke :

They dont control even a third of the country yet they are feuding 'I can do this...No you can't'.

This should mark the end of this fiasco and bring an end to this TFG which was not even worth on the paper is written on.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ishii bugtooy ku bikaacso: ;)

 

Ragii u durbaan tumayey Nuur Cade oo ahaa ninkii lugta jiidayey hormarka iyo hanaanka iyo geedi socodka nabada, ha ogaadaan inuu maanta qax banaan ah uu ka taaganyahay siyaasada soomaaliyeed. Taasoo keentay isagoon daacadnima ah xilkii loo dhiibey uga bixi waayey, markii uu hagar daamo iyo laba digleyn uu kula dhaqmay xukuumadii uu madaxda ka ahaa. Nuur Cade, ma ahayn shaqsi usoo jeeda in Soomaaliya nabad galyo iyo kala dambeyn lagu soo dabaalo, marka it's about time the old man dismissed him.

 

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

:D:D Cilmi baaris lagu sameeyay

maroodiga waxaa la garan waayay

sababta uu geedaha ugu waa wayn

xididada ugu siibo.

 

Dadka duurka ku nool markii la

weydiiyayna waxay ku jawaabeen

caqli malahan very simple, waayo

bini aadamku waxna waa dhisi karaa

waxna waa burin karaa, miyaynaan ka

mid ahayn aadanaha hadaba caruuray

intad riwaayadan aan dhamadka lahayn

iska dhaftaan wax barta aan barwaaqo

iyo dawladnimo gaarnee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Somali PM says he cannot be sacked by president

 

somaliPM.jpg

 

MOGADISHU, Dec. 14 (Xinhua) -- Somali Prime Minister Nur Hassan Hussien Sunday rejected the decision by President Abdulahi Yusuf Ahmed to sack him, heightening a growing political crisis in Somalia.

 

Speaking in the southern town of Baidoa, Hussien said that the president has no "legal authority" to sack him and that he would continue to serve in his capacity as prime minister.

 

"I do not accept the president's announcement today that he sacked me as prime minister because he does not have that legal authority in our charter," the prime minister said at a press conference in the southern Somali town of Baidoa, the seat of the parliament.

 

Hussein said that it was for the parliament to decide on the "constitutional breach" of president's decision to sack him early on Sunday after the president accused him of mismanagement and incompetence.

 

The two senior Somali leaders have been in deep disagreement over variety of issues including the way Somali national reconciliation is being handled by Hussein who has been spearheading peace talks with a faction of the Somali opposition.

 

The two leaders also disagreed last month over the appointment of new ministers in Hussein's cabinet.

 

Yusuf refused to endorse the new ministers appointed by the prime minister, following the resignation of 10 pro-president ministers who were excluded from the newly nominated cabinet.

 

The UN-brokered peace talks in neighboring Djibouti have led to a power sharing deal, but President Yusuf has expressed dissatisfaction with the agreement, characterizing it as "a clan deal."

 

Under the agreement, the current transitional parliament will be doubled, the government's interim period extended and a new leadership for the war-torn Horn of Africa country is to be elected at the beginning of the new year.

 

Source: Xinhua, Dec 14, 2008

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this