Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Awdal Sultans Speak about the Current Situation

Recommended Posts

Boorama, September 14, 2009 (Haatuf) - Xubno ka tirsan salaadiinta reer Awdal ayaa markii ugu horreysay muddo bilo ah ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, siddii xal looga gaadhi lahaa iyo waajibaadka ka saaran madaxdhaqameedyada iyo siyaasiyiintu inay meel uga soo wada jeestaan siddii loo dhamayn lahaa khilaafka siyaasadeed.

 

Xubnahan Salaadiinta reer Awdaal ka tirsan oo kala ah Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Cabdi Jaamac Dhawal iyo Suldaan Faarax Maxamuud oo shalay shir’jaraaid ku qabtay Boorama, ayaa sidoo kale waxay ka hadleen sida aan loogu baahnayn in xukuumaddu ciidanka u adeegsato dilka iyo toogashooyinka, Baarlamaaka iyo xisbiyaduna aanay shicibka xabadda u bandhigin.

 

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Cabdi Jaamac Dhawal, isagoo hadalkiisii sii watana waxa ka mid ahaa “Waxan marka hore tacsi u dirayaa dadkii ku dhintay shaqooqinkii ka dhacay Hargeysa, laba cisho ka hor. Intaa kaddib waxan xukuumadda Rayaale usoo jeedinayaa in aanay xoog iyo hanjabaado iyo toogashooyin u adeegsan shacbiga. ka yeeli mayno ciidamada iyo dawladda inay shacbiga u adeegsadaan xoog milatari. Mar kasta wasiirka arrimaha guduhu wuxu shacbiga u adeegsadaa ciidan iyo xoog macno la'aan ah, waa in caqli kale la keeno sidii dadka loo dejin lahaa madaxbaad u tihiin waa inlaga fikiro, keena xisbiyada mucaaradka ah shirguddoonka baarlamaanka waxa loo baahan yahay in la keeno caqli saliim ah si dadkan loo ilaaliyo, maaha dadka in jar lagu kaxeeyo, shirguddoonka waxaan leeyahay. Waxa maanta jooga 82, Afar sanadood ayaad soo xukumayseen. idinkaa la idinka rabaa inaad isku keentaan.

 

Shacbiga waxaan leeyahay yaan la idiin adeegsan dhibaato ka dhacda dalka, maaha in la yidhaahdo qufuladaa ciidanku ilaalinayo jebiya. Xukuumaddu ha ilaaliso golayaasha, hana la xidhiidho hana la iska ilaaliyo caga juglaynta. Waxaad moodaa in wax kale muuqdaan, kursiga Rayaale fadhiyo waa kursi reer Somaliland ah loogana horeeyey loogana dambayn doono, mucaarad ayuu leeyahay yaan kursiga iyo reernimadu isku darsamin. Salaadiin iyo waxagaradbaa ku jira dhexdhexaadin, dawladdo sida qaramada midoobay muhimadda hala siiyo xalka gudaheena. Xisiyada iyo golayaasha qaranka waxaan leeyahay Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedyada ayaa yaqaana xalka ee joojiya middi middi ku taag, Salaadiinta galbeedka haddaan nahay waan ka maqnayn, imikase xaalku maaha mid aan ka aamusayno. waxa qaar ka mid ah salaadiintayada ayaa iska fogeeyey arrimaha Somaliland markii waxba laga qaban waayey dilkii jidgooyada ahaa ee ka dhacay kalabaydh laakiin maanta diyaarbaan idiin nahay inaan talo idinku biirino"

 

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo isna shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi "xaaladda dalku marayo waxay keenaysaa in aanu fikirkayaga ka soo jeedino. Haddan nahay salaadiinta reer Awdal, waxaan nahay salaadiinta reer Somaliland, waxaan go'aansanay inaan sheegno qaladaadka jira. Khilaaf badan ayaynu soo marnay, laakiin tan maantu way ka duwan tahay kuwii hore oo way ka adagtahay, oo xukuumaddii iyo shirguddoonkii oo dalka ugu sareeyey inay is haystaan, xaaladdeenu way kasii dari. waxan soojeedinaynaa adkaynta nabadgelyada in laga siiyo muhimadda. Xukuumaddu iyadaa u xilsaaran amniga dalka, mana aha inay iyadu rasaas iyo qalallaase iyo amnidarro bilowdaa, haddii dad buuqayaan waa inaan rasaas loo adeegsan. waan kasoo daallay rasaas nin kastaana wuu haystaa qori, hadday sii socdaan arrimahaasina nin dhib intan ka badan ayaa dhici doonta, amniguna faraha ayuu ka bixi. xukuumaddu ha joojiso fadqaladada. shirguddoonka waxan leehay dadka ha u dhigina rasaasta. Salaadiintii dhawaanta furaha baarlamaanka soo qaaday waa lagaga baxay ballankii, loomana baahna ballanfuryo. Mooshinada ina wareeriyeyna intay socdaan fawdo waa joogto, xukuumadduna waa inay tanaasusho oo dulqaadato. Arrintan kale ee beryahan muuqata waxa weeye in la isku khaldayo madaxweynaha iyo beelaha uu kasoo jeedo oo ragga qaarkii marka madaxweynaha qalad lagu haysto u qaataan in beeshiisu ku raacsan tahay, waa been madaxweynuhu xil qaranbuu hayaa, qaladka dadkii doortay ku haystaan ku taageri maynno madaxweynaha, waxan ula mid nahay inta dooratay ee la xisaabtamaysa madaxweynahana" .

 

Suldaan Faarax maxamuud (gaangiile) oo isna shirkan jaraaid ka hadlay ayaa yidhi "Waxan isugu nimi inaan caddayno waxa ka iman karaya dhibaatada beryahan taagnayd ee haatan gaadhay meeshii ugu xumayd, intii ku dhimaatay allaha u naxariisto, inta dhaawacu soo gaadhayna allaha shaafiyo. Waxaad mooddaa xaaladda dalku inay marayso meeshii Somaliland laga aasaasay 1991kii, wejigii sagaashankii. Xukuumadda maanta haddaan ka hadlo, dee qori caaradii kuma qabsan dalka, doorasho ayaa lagu kala guuleystay, waxa maanta ka muuqdaana waa nidaamkii jabhadihii ka deg iyo ka degi maayo. Waxaan saddexda gole qaran u sheegaynaa in nabadgelyada lagu soo dabbaalo dalka. Waxa kale oo aan intaa ku darayaa in mooshinada wareerku ka taagan yahay aanay ahayn wakhtigoodii, halkaana aanay gaadheen. haddii aan ka warramo waxa socdaa kama wanaagsana dadkii lagu laayey jidka kalabaydh. waa in dadka la dejiyaa, salaadiinta wax garadka iyo aqoonyahanaduna runta u kala sheegaan cidda dalkan isku haysata".

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Madaxweynaha Ku Taageri-Mayno Gardaro, Dadkii Soo Doortaybaanu Ula Simanahay” Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar

"Looma Baahna In Xukuumaddu Xoog U Adeegsato Shicibka, 'Xisbiyada Iyo Shirguddonka Waxna Leeyahay Shicibka Rasaasta Ha U Bandhigina” Suldaan Cabdi Jaamac Dhawal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this