Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Salaad Ali Jeelle on A/Y

Recommended Posts

Xildhibaan Salad Cali Jelle oo wareysi siiyay BBC-da ayaa ku eedeyay Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed inuu mas'uul ka yahay waxqabad la'aanta DF.

 

Jeelle, wuxuu sheegay in shirka Nairobi ka furmay uu yahay mid ka dhashay waxqabad la'aanta DF, isagoo xusay inay u tahay DF fursad weyn, maadaama dalkaas lagu soo dhisay.

 

Mar la weydiiyay cidda iska leh dhaliisha ugu weyn ee waxqabad la'aanta TFG ayuu yiri: "Dhalliisha ugu weyn ee hada soo food-saartay DF, waxaa loo tirin karaa Madaxweynaha".

 

"Madaxweynuhu waajibaadyada dastuurka wuxuu u badalaa amar, marka uu khilaaf dhasho, halkii uu waajibaadkiisa ka gudan lahaa, taasuna waxay noqotay mid la jaanqaadi wayday xiliga kala guurka" ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

 

Xildhibaanku wuxuu sheegay in xukuumada Somalia ay ku dhacday hoggaan xumo; isagoo sidoo kale sheegay in madaxweynuhu uu ku adkeystay xilka fursadna siin waayay shaqsi kale.

 

"Xilka waxaa in ummada loogu adeego ee ma ahan in isbaaro la noqdo, hadii xilka la gudan waayo waa in shaqsi kale fursad loo siiyo hadii uu nasiib-roon yahay iyo hadii uu awood badan yahay" ayuu yiri Jeelle mar uu ka jawaabayay su'aal ahad in ujeedadiisu ay tahay inuu Madaxweynuhu iscasilo.

 

Mudane Salaad wuxuu wareysigiisa ku sheegay in khilaafka soo laalaabtay ee u dhexeeya C/llaahi Yusuf iyo Nuur Cadde uu yahay mid aan dhamaad lahay, sidaa daraadeedna la helo waji cusub oo arimaha Somalia isku duba-ridi kara, maadaama ay DF wax qaban wayday.

 

Su'aal ku saabsanayd goorta uu ogaaday dhaliisha Madaxweyahah ayaa sheegay inuu mar walba ogaa, isagoo xusay in isaga ay u muuqdeen dhamaan dhaliilaha uu hada sheegayo, balse uu doortay inay howshu socoto intii uu isqabqabsi imaan lahaa.

 

"Xiligii aan wasiir ku xigeenka ahaa dowladu waxay gacanta ku haysay Gobolada dalka oo dhan, waxaana markii uu iscasilay Geeddi si fudud loogu wareejiyay mucaaradka goobihii ay gacanta ku haysay dowlada, waxaana xukuumada dib loogu celiyay halkii ay ka bilaabatay" ayuu yiri xildhibaan Jeelle oo u muuqday mid difaacayay xukuumadii uu wasiir ku xigeenka ka ahaa.

 

Mar la weydiiyay inuu doonayo in eedihii ay DF gashay intii ay jirtay uu dhan isaga riixo uuna ku koobayo Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia ayuu ku jawaabay:

 

"Intii aan shaqeynayay inay DF guulo gaartay ayay shacabka Soomaaliyeed intooda badan u ahaystaan, wixii aan la dagaalamaynayna waxay ahaayeen argagaxiso; waana ka gacan sareynay argagaxisada, ciidamo dowladeed ayaana dhisnay".

 

"Howsha aan dhaliilayno waa in dowaladii degmooyinkii iyo goboladii ay qabsatay dib looga qabsaday, taasna Madaxweyaha ayaa mas'uul ka ah, maxaa yeelay xukuumadii howshaas waday isagaa kala diray, tii dambe ee uu dhisayna intii aysan 10-casho jirin ayuu khilaaf ku bilaabay". ayuu mar kale yiri Xildhibaanku.

 

Mar la weydiiyay xildhibaan Jeelle waxa xalka ah u ah dadka iyo dalka Somalia ayuu ku jawaabay:

 

"Ummada Soomaaliyeed waxay u baahan tahay hogaan gudan kara waxa uu u balanqaaday, Somalia dowlad bay rabtaa; midnimo ayay rabtaan, sida dowlad looga dhigi karana way iska cadahay waana arin fudud, laakiin waxa haysta waa hogaan la'aan".

 

Jeele ayaa ka tirsanaan jirey golaha Wasiirada xukuumadii Cali Maxamad Geedi isaga oo markaas dhowr jeer lagu eedeeyey xag jirnimo la xiriirtey dagaaladii dowlada kula jirtey mucaaradka.

 

 

Afnugaal New Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Waa sidii hore, waa halkii saaxibkii Maxamed Dheere, kolkuu jagadii waayey buu isna halkan ka miisey.

 

oo ma markuu xilkii hayey ayey DF wax qabad wadey, caag fooqal baniikole waaxid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

To be or not to be, thats the question. Perhaps Salaad Jelle is right or wrong but the question is, who's going to believe or take him serious, waa Sheekadii Cumar beenaale, may be he was lying or telling the truth but who was going to listen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Adeer Odaga he's trying his best, perhaps he knows we only Somalis, easy to forget all about history, if he tries harder he knows he will have an audience, adiga unbaa mardhaw arki doona kuwa dhahaaya Salaad Ali waa Mujaahid... Bal adigu wax yar kadib iska soo fiiri Dayniile iyo meelahaas Lool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by nuune:

^^
:D:D
bal aan dhowrno kolleey wey oranayaan waa Mujaahid, shakiba iigama jiro oo wey oranayaan!!

loooooooooool......nuune kan waa xoolo. Markay jagooyinkooda ay dadka ku laynayaan ay waayaan baad arki iyagoo dhahayaa TFG has failed. Awal soo tuu lahaa cirkay maraysaa...Bal Maxamed Dheerena arka.....waa yaab..........! Mar dhowna Mr Yeey laftiisa baad arkaysaa oo dhahaya Itoobiya ayaa dalka burburisey ee hannaga baxeen markii uu Melez cayriyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Emperor:

^Adeer Odaga he's trying his best, perhaps he knows we only Somalis, easy to forget all about history, if he tries harder he knows he will have an audience, adiga unbaa mardhaw arki doona kuwa dhahaaya Salaad Ali waa Mujaahid... Bal adigu wax yar kadib iska soo fiiri Dayniile iyo meelahaas Lool.

Walaal kuwa waxaa ku hadla, waa kuwa kolba dhinacay hawadu u badantahay iska raaca. Laakin been ma aha in TFG eey rajo beeshay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi: Xildhibaan C/rishiid Maxamed Cabdi (Ciro) oo jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeeray Xildhibaan Salaad Cali Jeelle.

26. oktober 2008

 

 

Nayroobi(AllPuntland)- Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed in uu hor istaagay howlo badan oo ka hirgali lahaa gudaha dalka Soomaaliya, kuwasoo faa'iido ukeeni lahaa Umada Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka uyiriye , wuxuuna sidoo kale ku eedeeyey Madaxweyne Yuusuf ku tumasho Sharciga dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Cabdi (Ciro) ayaa ku sifeeyey eedii Xildhibaan Salaad Cali Jeelle mid aan waxba ka jirin, wuxuuna sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo ka taagan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo si gaar ah usheegay in ay jiraan khilaafaadyo marar soo dhexmaray Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliyeed, kuwasoo laga heshiiyey.

 

Xildhibaan Ciro wuxuu sheegay in ay dawladda Soomaaliya markii ay tagtay gudaha dalka Soomaaliya aysan waxba kajirin amaan ah ama nidaam dawladeed ah, wuxuuna sheegay in hada meelo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ka jirto nidaamyo ay gaarsiiyey dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Mudane Ciro wuxuu tilmaamay in ay jireen kooxo oo ka soo horjeeday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna tusaale usoo qaatay halgankii ay soo mareen Madaxda dawladda faderaalka ee Soomaaliya,isagoo nasiib daro ku sheegay in maanta lugu eedeeyo waxyaabo aan waxba ka jirin.

 

Salaad Cali Jeelle oo si toos ah uweeraray Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, laakiin taasi Ama eedaasi xildhibaanka Cabdirishiid wuxuu ku sheegay mid aan Madaxweynaha Soomaaliya oo kaliya la saari karin talada iyo hogaamintana lala wadaagay ayna dhib badan ka jirtay gudaha dalka Soomaaliya.

 

Mr. Ciro ayaa sheegay in loo baahan yahay in la taageero nidaamka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayna dawladdo badan oo loo dhisay Umada Soomaaliyeed ku socon waayeen markii eedo badan loo jeediyo Madaxdii dawladdahaasi oo mid walba lugu eedeeyo arimo uusan kaligiis sameyn, taasna ay sabab u tahay dhibaatada maanta ka taagan gudaha Soomaaliya.

 

Xildhibaankan wuxuu ku baaqay si rasmi ah loola shaqeeyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, siiba wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo eedaha ama dacaayadaha aan sal iyo raadka laheyn ee aysan waxba ka jirin, markaasna ay abuurayaan buun buuninayaan dad ka mid ah dawladda Soomaaliyeed.

 

Cabdirishiid Maxamed Cabdi ayaa soo qaaday waxqabadyo badan oo ay qabatey dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay dawladdo badan oo loo soo dhisay dalka Soomaaliya, kana horeeyey dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay ku guuldareysteen in ay ka arimiyaan gudaha Soomaaliya, ayna maamulaan Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya, ayna shaqeeyaan Madaxtooyadii, baarlamaankii & Wasaaradihiii, taasna wuxuu ku sheegay guulo la taaban karo oo ay dawladdan keentay.

 

Wuxuu tibaaxay in dawladda Soomaaliya ay hada heysato ciidamo ka badan 4000 Kun oo Milateri & Boolis fara badan, kuwasoo uu sheegay in ay sameysay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo ugu dambeyntii sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya tan & inta laga gaarayo waqtigeeda markaasna ay dalka Soomaaliya ugu horseedo doorasho xor ah.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

 

*************************************************

 

Thank you Mr Ciro--you said all that needed to be said.

 

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

During the BBC interview he was asked if he is saying this coz he lost his position and he didn't say this when he was the Minister ,,, wuxuu yidhi Anigu markaan wasiirka ahaa wax badan baa qabsoomay oo aan qabtay ,markii aan ka tegeyna wixiiba way burbureen ,,, :D

 

 

Bal qaar kelena aan sugno oo eegno ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Abwaan do you remember at times All-Puntland used to describe Salaad Cale Jeele and Maxamed Dhere as 'halyeey'

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loooooooooooooool..........juje...I do remember that...let us see inay hadda fuleyaal iyo argagixiso noqdaan. Siyaasadda Soomaaliya jecliyaa...waa adduunyo oo wax walba waa la arkaa...honeymoon-kaan inuu iska dhammaanaa markii horeba waa la ogaa oo runta loo tegaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this