Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

President of the land of the Somalis (Somaliland) arrives in Puntland with Pictures

Recommended Posts

Wafti 30 xubnood ah oo isugu jira xildhibaano wasiiro uu horkacayo madaxweyne C/laahi Yusuf ayaa kasoo degay Bossasso

 

 

Dec 20, 2005 By:Faysa cabdi dhalac

 

Bossasso(Radiossc.net)Madaxweynaha Soomaaliya,Md:Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi ay hoggaaminayaan ayaa soo cagadhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

 

 

 

 

Ciidanka Baambeeyda oo ku diyaar ahaa garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa Ku soo dhaweeyay Musiga asataanta calanka , ciidanka booliska Puntland ayaa iyana waxay salaan siiyeen madaxwaynaha dowlada fadaraalka somalia iyo wafdigiisa , waxaa isla goobtaasi ay salaan isku dhaafsadeen madaxwaynaha Puntland ,Md:Cadde Muuse madaxwayne kuxigeenka Xassan daahir afqudhac iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada Maamul goboleedka Puntland

 

 

 

Wadada laamiga ah ayaa hareeraheeda waxaa tubnaa dadweyne aad u tira badan oo ruxaya caleema qoyan, iyadoo la adkeeyey ammaanka magaalada, lana joojiyey dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee wadada laamiga ah.

 

 

 

Madaxweyne c/laahi Yuusuf axmed ayaa laxaqiijiyay in ay la’socdeen Wufuud gaaraysa 30 oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiiro.

 

 

 

Waxaana ay u sii gudbeen xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso Waxaana lafilayaa in ay si toos ah ugu kicitimaya magaalada Carmo, halkaasoo maanta ay ka dhici doonto munaasibada maalinta ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isla markaasna xariga looga jari doono xarunta tababarka ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ay hay’adda UNDP ka hirgelisay degmada Carmo.

 

 

 

Magaalada Carmo ee gobolka Bari ayaa waxaa saaka u dareeray masuuliyiin ka tisan Puntland iyo dadweyne aad u tira badan, kuwaasoo isu diyaarinaya in ay soo dhoweeyaan Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Raysal Wasaare .cali maxamed Geedi

 

 

Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo wefdiga kale ee la socda ayaa waxaa ay hadalo ka jeedin doonaan munaasibada maalinta ciidamada Booliska Soomaaliyeed

 

 

 

Faysa Cabdi dhalac

 

Radiossc.net

 

Bossasso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti Ciidamada Daraawiishta Puntland Ka Tirsan Oo Soo Gaadhay Buuhoodle

 

 

Dec 20, 2005 By:Radiossc.net

 

Buuhoodle(Radiossc.net):-Abbaaro 5 galabnimo ee galabta waxaa Buuhoodle soo gaadhay wefti millateri oo ka socda taliska guud ee ciidamada Daraawiishta Dawlad Goboleedka Puntland.

 

 

Waxana la xaqiijiyey in weftigaasi ay u socdaan hawlo dhinaca kormeerka ciidamada ah.

 

 

 

Saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Puntland oo uu horkacayo G/sare Shire Samatar ayaa gaadhay Buhoodle iyadoo aan illaa hadda la caddeeynin xilliga ay booqashadoodu qaadan doonto.

 

 

 

Ujeedada socdaalkooda ayaa lagu sheegay inay samayn doonaan kormeer dhinaca ciidamada ah, waxaana soo dhoweeyey saraakiil ay ka mid yihiin taliyaha Aagga cabdillaahi Keyse aadan iyo taliyaha qaybta Booliska Maxamuud Maxamed Colujoog.

 

 

 

Xuseen Yuusuf Aadan

 

Radiossc.net

 

Buuhoodle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Askar Hore Uga Tirsanaan Jirtay Ciidanka Booliska Hargeysa Oo Carmo U Siijeeda.

 

maxs.jpg

 

Dec 19, 2005 By:Radiossc.net

 

Laascaanood(Radiossc.net):-Waxaa ilaa shalay magaalada Laascaanood dhinaca Boosaaso ugu sii qulqulayey askar ciidanka Booliska Soomaaliya hore uga tirsanaan jirtay oo ka soo jeeda gobollada Waqooyi Galbeed oo ku sii jeeda dhinaca Xarunta Tababarka ee Degmada Carmo, kuwaas oo ka yimi dhinaca Hargeysa.

 

 

Askartan oo saarayd Gawaadhi ku sii jeeday dhinaca Bari ayaa waxa lagu wadaa in ay ka mid noqon doonaan ciidamada tababarka lagu siin doono xarunta booliska ee Carmo, ee ay dhawaan furiyaan madaxda Dawlda Federaalku.

 

 

 

Maaha markii koowaad ee ay Askar ka tirsan maamulka Hargeysa u soo baqoolaan dhinaca Dawlada Federaalka, muddo haatan laga joogo lix bilood ayaa waxa magaalada Laascaanood lagu arkayey askar ka timi dhinaca Hargeysa oo ku sii jeeday Magaalada Jawhar ,kuwaas oo doonayey in ay ka mid noqdaan ciidama Qalabka sida ee dawlada federaalka.

 

 

 

Radiossc.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baliis soo koob next time aad soo guurineysid, for it seems you are deliberately copy-pasting -- thus bordering to flood -- marka one post or two kusoo koob your posts, baliis. You don't have to post every copied report from every site.

 

Dankis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Salamu Calaykum,

 

What president of the land of Somalis. If you say the land of Somalis then NFD,Southern Somalia, Jabuti, Somaliland would come under that term. I think he's no more than the president of the Nugaal valley; where his tribe resides.

 

How on earth can someone claim to be president when he's criminal himself and the only who voted for him are warlords. He is not the president of anyone and as a Somali citizen, I regard him as war criminal and warlord who deserves to be brought to Islamic court to face the reward of the crimes he commited in 1999 civil war in Puntland.

 

Yoonis, please stop being the spokesperson of non existing government.

 

Abdullahi Yusuf cidi bisad kuma aminteen.Hada waaba 80, waxa ku haboon inta uu gurigiisa iska qabto waydiisto danbi dhaaf intaanay nolayshiiso dhamaan. Laakin waxaad moodaa in uu kusii socdo meel xun oo aan anfici doonin. Adiguna iskadaa oo waqtigaaga haku lumin nin xun oo ah danbiile.

 

Assalamu Calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

He is not the president of anyone and as a Somali citizen, I regard him as war criminal and warlord who deserves to be brought to Islamic court to face the reward of the crimes he commited in 1999 civil war in Puntland.

Agreed. But would you also support bringing Riyaale to justice for the crimes he commited during his work for the NSS. An organization that is responsible for the murder, torture and rape of many Somali citizens. If making him a president is part of Somaliland's effort to bring different ethnic communities closer together, why is southern Somalia is not allowed to do the same sxb?

 

To tell you the truth sxb, I be very happy to see warlord Yusuf behind bars. Similarly I expect you to do the same if you want to see equal justice to work in Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this