Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

President of the land of the Somalis (Somaliland) arrives in Puntland with Pictures

Recommended Posts

Casho Sharaf

 

casho.jpg

 

Boosaaso-20.December.2005

 

Waxaa caawa Xarunta madaxtooyada Magaalada Boosaaso casho sharaf loogu sameeyay madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi iyo wafdigoodii Halkan ka daawo Sawirrada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daawo Sawirada Soo dhaweyntii Bosaso iyo Furitaankii Akadamiyada Booliska ee Carmo

Bosaso:- Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Federaalka oo maanta si wayn loogu soo dhaweeyey Bosaso ilaa Carmo.

 

 

Madaxweynaha Dowlada Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed iyo Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaaso ilaa degmada Carmo ee ka tirsan gobolka Bari.

 

 

Wafdigan balaaran oo ka yimid magaalada Jowhar, ayay kusoo dhaweeyeen Airporka Magaalada Madaxda sar sare ee Dowlada Puntland iyo shacabweyne aad u badan.

 

 

Wafdigan ayaa waxaa loo gudbiyey International Village Hotel, halkaasi oo uu ku haray Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed.

 

Halka Wafdi balaaran oo ay hogaaminayaan Madaxweyne kuxigeenka Puntland Md.Xassan Daahir Afqurac iyo Raysalwasaaraha Somaliya iyo Taliya yaasha Booliiska ee Federaalka iyo Puntland ay u kicitimeen dhanka xarunta Akadamiyada Booliiska ee Carmo.

 

Waxana sidoo kale wafdiga dawlada FKMS kala qayb galay munasabada furitaanka kulliyada boliska Soomaliyeed masuuliyin kale oo ka kala socday hay,adaha gargaarka ee caalamiga ah sida xiriiriyaha deeqaha Qaramada Midowbey ee Soomaliya Maxwell Gylard iyo safiirada dalalka Kenya iyo Masar ee Soomaliya Maxamed Cabdi Afey iyo Cabdala Mubarak iyo masuuliyin farabadan oo kale.

 

Dhamaan Wafuudan ayaa caawa Casho sharaf Madaxtooyada Bosaaso kula leh Madaxweynaha Puntland Md.Maxamuud Musse Xirsi (Cadde Musse).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this