Sign in to follow this  
Suldaanka

Somaliland: The Abdilaahi Yusuf started war will not stop

Recommended Posts

WAXAANU GO’AAN KU GAADHNAY IN DAGAALKA BILAABMAY AANU JOOGSANIN ILAA XADKA LA GAADHO

 

WAXAANU GO’AAN KU GAADHNAY IN DAGAALKA BILAABMAY AANU JOOGSANIN ILAA XADKA LA GAADHO

 

Har(HAR)-Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Somaliland Md.Maxamed Cali Maydhax, ayaa caddeeyay in xukuumadda Somaliland go’aan ku gaadhay in dagaalka ay ******teeniya manta bilowday aanu joogsanin ilaa xuduudka Somaliland la gaadho.

 

 

Md.Maydhax, oo caawa u waramayay Hargeysa News, waxa uu yidhi, “Xukuumadda Somaliland waxa ay go’aan ku gaadhay in dagaalka Bilaabmay aanu joogsanin ilaa Somaliland xuduudkeeda gaadhoâ€, waxaanu intaa ku daray in Ciidamada qaranka Somaliland ay khasaare gaadhsiyeen Ciidamada ******teeniya, kuwaas oo uu sheegay in Maydkoodii hadda wadhanyahay dhulka oo ay ka yaaceen.

 

 

Wasiirku waxa uu sheegay in ******teeniya ay Shabakadaha Internetka soo gelisay Askar ka soo jeeda Beesha Jaamac Siyaad, oo hore uga tirsanayd ciidamada Qaranka Somaliland balse ka goostay, “Waxa ay soo sawireen Ciidamo ah Jaamac Siyaad. Sidee ayay suurto gal u tahay Ciidamo Maydkoodii iyo dhaawacoodii ka yaacay inay ciidamo nolol ku qabtaan†ayuu yidhi Md.Maydhax.

 

 

Dhinaca kale, sida uu shabakadda Hargeysa News u sheegay caawa Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md.Cabdillaahi Maxamed Ducaale, magaalada Burco waxa soo gaadhay 120 Askari oo Maxaabiis ah, kuwaas oo ay soo qabteen Ciidamada Qaranka Somaliland, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda la faafiyosawiradooda iyo magacyadooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAX DAGAALKII MAANTA KU DHINATAY OO LAGA DILAY CIIDMADA ******TEENIYA SADEXDII SARKAAL EE UGU SAREEYAY EE WATAY CIIDANKOODA

 

Halkan idiinku soo gudbinaysaa Magacyda Saddexdii Sarkaal ee Ciidamada Puntland watay ee saaka ay dileen Ciidamada Qaranka Somaliland, kuwaas oo maydkoodu uu gacanta ugu jirox ciidamada qaranka yaalo Xeryaha Ciidamada Qaranka ee Adhicadeeye, waxana loo qaadi doonaa xaga magaalada Burco waxaanay kala yihiin.

 

1.Axmed Raan, oo ahaa taliyihii Ciidamada ******teeniya ee ciidamada horkacaayay

 

2.Garabay, oo isna ahaa taliye ku xigeenkii Ciidamadaas

 

3.Dhoodi, oo isna ahaa taliyaha Hawlgelinta ciidamada ******teeniya.

 

Saddexdan ninba waxa ay ahaayeen saddex Kornayl

 

 

Waxa nolol lagu soo qabtay oo la hayaa iyagana sarkaal Xirsi Ahmed Cumar oo ah ********** Cumar Maxamuud oo reer Khalf ka sii ah, iyo isna Caydiid Maxamed Ali Koos oo isna ********** ah kana sii ah Cumar Maxamuud, sida ugu dhakhsiiyaha badana waxa aad u arki doontaan sawiradooda iyo wariyso lala yeesho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaabiista ******teniya Oo Hargeysa La Keenay iyo Magacyadd qaar ka Mida

 

Tiro Maxaabiis Ah oo 45 in ka Badan kor u Dhaaftay Ayaa Goor Dhowayd Soo Gaadhay Taliska Guud Ee Ciidanka qaranka Wariye Abdihakin Cadaani oo Goob Joog u ahaa Maxaabiistaa Ayaa Sheegay In ay ku Jiraan Sarkaal La Yidhaa ,Dhoodi, oo ahaa Taliya Aaga Ciidamadda ******teniya Ee Lascaanood,

 

Ragga Kale Ee la Keenya waxa Ka Mid ahaa Nin hore uga Tirsanaan Jiray Ciidanka Qaranka Aag 114-aad oo u Baxasadday Ciidamadda ******teniya ,

 

Ragga La keenya In la Shaaciyo Magacyadooda waxa Diiday Madaxda Ciidanka Asluubta Oo Sheegay in aanay Haboonayn Arrimo ku Saabsan Xuquuuqda Adamaha,

 

ilaa Goor Dhow ayaanu idinla Socod Siin Doonaa wixii Soo Kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleshiyada Cabdilahi Yusuf Oo Ku Jabtey Wererkii Saaka Ay Soo Qadeen

 

YAGORI-Saraakiil sarsare oo u hadley cidanka qaranka Somaliland ayaa ka waremey hawlgalkii cidanka Somaliland ay kaga hortageen weraradii ismidaminta ahaa ee sakaa ay soo qadeen maleshiyadka Cabdilahi yusuf ee ku jira gudaha magalada lascanood,sarakiisha oo kasoo warameysa aaga hore ee maanta dagaalku ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in cidanka qaranku cagta mariyeen,isla markaana ay wiiqeen awooda ciiden ee maleeshiyada Cabdilahi yusuf ee jidaha sool.

 

 

KHASARAHA MALEESHIYADA GAADHEY

 

Warbixinta sarakiisha ciidanka somaliland ay soo sareen kadib markii ay xabadu galabta ay istaagtey ayaa waxa ay ku warameen in ay dhimasho iyo dhaawac xoogani soo gadhey maleshiyada,ilaa 22-maxbuusna ay gacanta ku hayaan sanad ciidana ay kaga burburi yeen cadowga.

 

Sarkiisha oo isticmaleysa erayo gaar u ah luqada-meleteriga ayaa waxaa ay yidhahdeen "Cidanka qaranku waxaa ay ku guleysteen in ay wajiga hore ee dagaalku intii uu socdey ay xooga saraan in ay DABKA xoogisa ay u badiyaan bar tilmaameedka koowaad ee ah barta cadowgu ka jilicsanyehey si markaa uu u burburo qaybta koowad ee weerarka cadowgu taas oo ay cidanku ku guleysteen horseedna u noqotey burburkii kowaad ee ku yimi cadowga isla markaana sababey dhameystirka wajigii labaad ee dagaalka oo isugu jirey firxad iyo burbur dhameystir ah oo ku yimi Cadowga".

 

Warbixinta hoganka cidanku ay bixiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa in cidanka qaranku ay dagaalka wajigiisa dhexe ay ku dileen sarakiishii hogamineysey ama dagaal galineysey Maleshiyda,taas oo ay raciyeen in ay meydkii labo ka mid ah sarakiishaas ay cidanka qaranku hayaan,taas oo ay cadowgu xataa meydkoodi ay qadan kari wayeen burbur dhexe oo ku yimi awgeed labada sarkaal ee meydkooda la hayaa waxay kala yihiin.

 

1-Col-Axmed Raan

2-Galdebey

 

BOHOLAHA XARGEGEN

 

sarakhiishu waxa ay sheegen in Ciidanka somaliland ay fadhiyaan goobaha loo yaqaan boholaha xargegan oo wax yar u jirta magalda lascaanod.

 

BAQDIN IYO WARWAR

 

dhinaca xukumada somaliland marwalaba waxaa ka soo yeedha in aanay marna aanay dagaal ku qaadeyn magaalada lascanood oo ah barta ay ku jiraan maleeshiyada ugu faraha badani,balse shacbiga magaalada lascanood waxaa dagaalkani ku keenay CABSI-ARGAGAX IYO NAXDIN taaso ay hada yaqiinsadeen in la isla jiidhi doono dagaalana ka dhici doono magaaladooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fighting breaks out between Somaliland, Mageerteeniya

 

Close to 100 militiamen from *********ia [Puntland], and 22 others, were captured this morning after the *********ia [forces] ambushed bases belonging to the national armed forces of the Republic of Somaliland in the eastern fields [as heard].

 

The provocative attack by the *********ia militia of warlord Abdullahi Yusuf was strongly repulsed by the Somaliland forces, who first killed the commanders. The two commanders who were leading the forces were Ahmed Ran and Galabey.

 

The Somaliland information minister, Hon Abdullahi Muhammad Du'ale, told the media this afternoon that Somaliland forces lost two solders, while five others were wounded. Some 22 prisoners were captured alive from the *********ia side, who suffered major losses. The minister told the media that Somaliland had told the peace-loving world that it was determined to create peace in the region but if provoked, would defend its country. The minister said that warlord Abdullahi Yusuf would be held responsible for any outcome of the fighting.

 

The chairman of the opposition UCID [Justice and Welfare Party of Somaliland] party, Faysal Ali Warabe, who tonight contacted us by telephone from Norway, condemned the provocative attack Abdullahi Yusuf launched on Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems your posts are so rediculious that people have started to ignore.

 

what a shame, all the lies you have brought forth over the past weeks have finally caught up to you huh

 

well we are in ramadhan and you can always ask for forgiveness you know!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this