Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu security improves and taxes to be collected...

Recommended Posts

muqdish.jpg

 

Mag. Muqdisho oo amnigeeda la adkeeyay

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 12-Febraayo-08

 

Magaalada Muqdisho ayaa jawi degenaan ah laga dareemayaa, waxaana la arkayaa ciidamo fara badan oo Boolis ah oo Isgoysyada Wadooyinka ku sugan, kuwaasoo ammaanka si weyn u sugaya iyagoo aan ciidamadaasi lakulmaynin wax iska caabin ah oo kaga imaanya kooxaha kasoo horjeeda.

 

Degenaanshaha xaafadaha ey rabshaduhu ku badnaayeen ee Muqdisho ayaa ka danbeeya kadib markii Ciidamada Booliska bilaabeen howl gal iyo roondooyin ay meelaha qaar ku sameynayaan, si ay uga hortagaan weerarada iyo qaraxyada ay maleegaan Kooxaha ka soo horjeeda.

 

Saraakiisha ciidamada amaanka ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegeen in Ku dhowaad tobaneeyo ruux loo soo qab qabtay falal ammaan xumo, kadib howl gal roondeyn ah oo ey ciidamada Booliska ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana kooxahaas lagu soo qabtay iyagoo sita Bastoolado iyo bambaanooyin, sida Booliska ku warameen.

 

Dadka reer Muqdisho oo lahadlayay shabakada wararka ee Calanka ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen degenaashaha laga dareemaayo magaalada, waxaana ay kacodsadeen mas`uuliyiinta dowldda in ay qaado tallaabo walba oo lagu sugaayo amniga magaalada.

Gabagabadii xasiloonida laga dareemaayo caasimada ayaa waxaa ay kusoo beegmaysa xili maalmihii lasoo dhaafay ay ilaa iyo 49-qofood oo lasheegay in ay kasoo baxsadeen dhinaca kasoo horjeeda dowlada ay kusoo biireen dowladda federalka inkastoo la ogaan karin in ay sii jiri doonto marka laga eego dhinaca siyaasada.

 

C/laahi Xassan Baliil

Baliilkhan10@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Maamulka Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay in canshuur uruurin uu ka bilaabo doono Degmooyinka Gobolka Banaadir, marka laga reebo Labo Degmo.

 

13. februar 2008

Muqdisho (AllPuntland) - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in dhowaan canshuur uruurin ah uu ka bilaabi doono Degmooyinka Gobolka, marka laga reebo Labo Degmo.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee dhinaca Siyaasada Axmed Tahliil Warsame oo maanta ka hadlay Shir Xubno ka tirsan Gobolka Banaadir ku yeesheen Xaruntii Gaadiidka Booliska.

 

Gen. Axmed Tahliil ayaa sheegay in Maamulka uu go'aansaday in wixii maanta ka bilowday Degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilaabo howlo canshuur uruurin, taasoo ku sheegay in ay qeyb ka qaadaneyso sugida ammaanka Caasimada.

 

Waxa uu sheegay in canshuur qaadistu ka bilaabaneyso Degmooyinka Gobolka Banaadir, marka laga reebo buur yiri Labo Degmo oo ay kala baqayaan Shaqaalaha Dowladda Hoose in ay dhibaato soo gaareen.

 

Ma uusan carabaabin Labadaas Degmo, laakiin waxa uu qiray in Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ay kala kulmi karaan weeraro gaadmo ah sida uu yiri.

 

Degmooyinka Huriwaa oo idil ayaa hoy u noqotay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, waxaana ku soo biirtay Degmooyinka Hodan iyo qeybo ka mid H/wadaag oo ay ka dhacaan iska hor imaadyada hubeysan.

 

Lama oga sida ay ugu dhaqan geli karaan Degmooyinka canshuur uruurinta, xilli Degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo qeybo ka mid Yaaqshiid ay si toos ah uga socdaan Howlo canshuur uruurin ah.

 

C/casiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The capital of Somalia today belongs to the people, it is controlled by the government of Somalia. Before the TFG it was in the hands of clan court/warlords and claimed by a single clan..Thus things are improving.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You have nothing but Ethio military bases and interviews of asking for more soldiers to show for.. and oh yeah.. and when attempting to pilfer credit from the United Islamic courts, it only remind People exactly why they were much better then what This injected virus could ever be.

 

The liberation struggle continues.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Dukey,

 

I always thought you were a bit confused but have you now gone and completely lost it?

 

Lool, tax collection? your ethio-backed soldiers are afraid to walk the streets of Mugdisho, so how you gonna tell us that you are suddendly gonna start tax collection? face up to the truth sxb, the ethio-backed TFG will never get accepted by the true somalis in mugdisho, and the sooner you realise that the sooner your soldiers will stop dying whilst fighting for ethiopian of their own country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galbaite thanks for the pics adeer, the capital is now again the home of all Somali's.

Thats the legacy of the TFG, it has restored it from being a clan centre to a national one.

 

AJ, you must think you are funny? how do you know what and who has the support of Mogadishu?

Share this post


Link to post
Share on other sites

M.Dheere oo ka hadlay canshuur qaadista G.Banadir

17 Feb 17, 2008 - 8:53:07 PM

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb [M. Dheere] ayaa maanta ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin canashuuro uu maamulka gobolka Banaadir sheegay inuu ka qaadayo guryaha ku yaalla Goboolka Banaadir, kooxaha dagaallada ka wada Muqdisho iyo dib u heshisiinta, wuxuuna sheegay in canshuur ururinta Gobolka Banaadir ay ka billaabayso 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in guri walba oo ku yaalla Muqdisho laga qaadayo canshuur.

 

Maxamed Dheere, wuxuu sheegay in maanta ay tahay maalin ay sameeyeen wacyigelin balse ay berri oo ay bishu ku beegan tahay 18-ka Feberaayo ay bilaabi doonaan howsha canshur ururinta oo ay maamulku dhawaan ku dhawaaqeen.

 

Dhanka kale, Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay kooxaha DF ka horjeeda ee dagaallada aan dhammaan ka wada caasimadda Somalia ee Muqdisho, isagoo sheegay inay yihiin laba kooxood oo uu sheegay in mid ka mid ah ay xiriir la leedahay kooxda Al-Qaacida halka midda kalena uu ku sheegay inay tahay koox lagu magacaabo Takfiir.

 

"Kooxaha dagaallada kala horjeeda DF waa laba waxayna u shaqeeyaan dad gaalo ah ama Yuhuud, waxayna doonayaan inay dhibaateeyaan Diinta Islaamka iyo dadkeeda" ayuu yiri Maxamed Dheere, oo intaaas ku daray in dadkaas ay soo dhaweynayaan haddii ay ka tanaasulaan ra'yiga ay wataan.

 

Guddoomiyuhu mar uu ka hadlay dib u heshiisiinta dalka ayuu sheegay inay soo dhaweynayaan cid walba oo diyaar u ah inay wadahadal la yeehaan DF, isagoo sheegay inay iyagu dhankooda diyaar u yihiin inay heshiis la qaataan cid walba oo nabad u heellan, balse wuxuu sheegay in inta dagaallada la wado aysan diyaar u ahayn inay la hadlaan kooxaha dagaallada wada.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Back to the taxes..

Maamulka Gobolka banaadir oo canshuur Uruurin ka bilaabay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka.

 

Muqdisho,(WNT):-Maamulka Gobolka banaadir ayaa Maanta si rasmi ah howlo canshuur uruurin ah ka bilaabay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka banaadir isla markaana sheegay in ay sii wadi doonaan.

Maanta ayaa qaar ka mid ah degmooyinkaasi lagu arkayay ciidamada dowlada hoose oo canshuuro u jaraya guryaha degmooyinkaasi ku yaala waxana dadka inta badan ay ahaayeen kuwo si weyn u soo dhaweynayay.

Mas’uul u hadlay maamulka Gobolka banaadir ayaa shaaca ka qaaday in Maanta si habsami leh degmooyinka gobolka qeybo ka mid ah ka bilaabeen canshuur ka qaadida guryaha degmooyinkaas ku yaala.

 

Mas’uulkaan ayaa intaasi ku daray in dadka xaafadahii ay lacagta ka qaadayeen ku dhaqnaa si weyn arintaani u soo dhaweeyeen isla markana la shaqeynayeen ciidamada dowlada hoose waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dadka qaar oo waayaha.net la kulantay ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan arntaani iyaga oo ku tilmaamay mid muhim ah.

Dadkaan ayaa ku nuux nuuxsaday in markii saakay ay arkeen ciidamada dowlada hoose oo guryaha canshuuraad ka qaadaya soo xusuusisay xiligii dowladii dhexe soomaalya ka jirtay kaasi oo uu hogaaminayay Maxamed siyaas barre.

 

 

 

Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii mas’uuliyiinta gobolka ku dhawaaqeen in manta howlo canshuur uruurin ah ka bilaabi doonaan guryaha ku yaala degmooyionka gobolka taasi oo ay ku sheegeen in loogu adeegayo bulshada iyagana laga qaadayo.

 

C/kariin Xuseen Guutaale.

 

Xafiiska wararka Waayaha.net,Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Originally posted by General Duke:

AJ,how do you know what and who has the support of Mogadishu?

It doesnt take a genius to work to out does it? i suppose you have been living in a fantasy for a couple of years so dont know any better. It is obvious to the whole world that the TFG and their Ethiopian bosses have never and will never be accepted by the people of Somalia and especially Mugdisho and the sooner that you realise the better.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this