Sign in to follow this  
Gabbal

Kismaayo populace walked 90 km to welcome the TFG and Defense Minister.

Recommended Posts

Gabbal   

Banaanbax lagu taageerayo DFS oo ka dhacay magaalada Kismaayo

 

 

Kismaayo 02, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Dibadax lagu soo dhaweynayo xubnaha dowladda, ciidamada dowladaha Somalia iyo Ethiopia ee shalay galay magaalada Kismaayo ayaa maanta waxa uu ka dhacay fagaaraha beerta xuriyadda ee magaalada Kismaayo, iyadoo dibadbaxaasi ay hadalo ka jeediyeen Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia oo ku dhawaaqay in hubka muddo labo maalmood ah lagu soo xareeyo.

 

Dibadbaxaan oo ay ka soo qeybgaleen boqolaal dad ah oo ay wehliyaan saraakiil sar sare iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia ayaa waxaa hadalo ka jeediyay wasiirka G/dhigga dowladda Somalia Col. Barre Hiiraale iyo Xildhibaan C/rashiid Xidig.

 

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dib loo soo celiyo xasiloonida isla markaana shacabka ay kaalin wanaagsan ka qaataan la shaqeynta dowladda.

 

Wasiirka G/dhigga dowladda Somalia Col. Barre Hiiraale oo isna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in ay cafis u diyeen dhamaan ciidamadii maxkamadaha islaamka iyo dadkii la shaqeyn jirey intaba, isla markaana iyaga iyo hubkooda ay isku soo dhiibaan dowladda Somalia.

 

Barre Hiiraale ayaa waxa uu sidoo kale muddo labo cesho ah uu u qabtey dadka magaalada Kismaayo in ay ku soo xareeyeen hubka warshadii hore ee hilibka, iyadoo mudadaasi ka dib hubkii lagu arko qof loo aqoonsan doono hub ay leeyihiin maxkamadaha islaamka.

 

Waxa uu sheegay in maleeshiyaadka doonaya in ay ka mid noqdaan kuwa dowladda ay sidoo kale ku soo xaroodaan Ex- warshadda Hilibka si loogu furo tababarro.

 

Banaanbaxaan oo ay soo abaabuleen dadka magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay boqolaal dad ah oo si weyn u taageeray isbadalka cusub ee magaaladaasi.

 

Sidoo kale Dibadbax la mid ah midkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Jamaame ee gobolka J/hoose, kaasoo lagu taageeray dowladda KMG ah ee Somalia.

 

Farxaan Lafoole

 

Shabelle Media Network Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre Hiiraale oo ku dhawaaqay hubka dhigis, ka dib banaanbax maanta ka dhacay Kismaayo

 

 

Mogadishu Banaanbax aad u balaaran ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, iyadoo dibadbaxaasi uu hadalo ka jeediyay wasiirka G/dhigga dowladda Somalia Col. Barre Hiiraale oo ugu baaqay dadka magaalada Kismaayo in ay soo xareeyaan hubka.

 

Boqolaal dad ah ayaa saakay isugu soo baxay fagaaraha beerta xuriyadda ee magaalada Kismaayo, kuwaasi oo taageerayay ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ee la wareegay magaaladaasi, iyadoo halkaasi uu hadalo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay Col. Barre Hiiraale.

 

Barre Hiiraale ayaa waxa uu sheegay in ay cafiyeen dadkii la shaqeyn jirey maxkamadaha iyo waliba ciidamadii maxkamadaha, isla markaana haatan loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida magaalada.

 

Col. Barre Hiiraale waxa uu sheegay in ciidamada dowladda Somalia ay bilaabayaan howl-gallo ay ku soo uruurinayaan hubka, isagoo ugu baaqay shacabka reer Kismaayo in hubka ay isugu keenaan warshaddii hilibka.

 

Barre Hiiraale ayaa waxa uu soo hadal qaaday hub iyo rasaas shalay laga boobay xarun ay lahaayeen maxkamadaha islaamka, isagoo ugu baaqay dadkii boobkaasi geeystay in ay dib u soo celiyaan, hadii kale uu u arkayo dad la safan maxkamadaha islaamka oo hubka u haaya.

 

Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmatay xilli ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay la wareegeen magaalada Kismaayo markii halkaasi ay ka baxeen xoogaggii dowladda Somalia.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska warqabadka Allwadani Mogadishu

 

Allwadani NewsDesk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Kismaayo: Dibad bax lagu taageerayo dawladda federaalka oo ka dhacay Kismaayo.

Talaado, January 02, 2007

 

APL

 

Kismaayo(AllPuntland)- Dibad bax ballaaran oo ay kasoo qayb galeen dadwaynaha Kismaayo ayaa maanta ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo,gaar ahaan beerta xoriyadda ee bartamaha Kismaayo.

 

Isu soo baxayaasha oo ruxayay caleemo qoyan ayaa socod ku maray waddooyinka waawayn ee Kismaayo, ayagoo kadibna isugu soo aruuray beerta xoriyadda, halkaasi masuuliyiin kala duwan ugu qudbaysay.

 

Kooxa Baambeeyda ayaa ka dhex muuqday bannaanbaxayaasha ,kuwaasoo garaacayay astaanta calanka Soomaaliya.

 

Wasiirka gaashaan dhigga dawladda Soomaaliya Barre Aadan Shire (Hiiraale), iyo xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa dadwaynihii isku soo baxay la hadlay.

 

Barre Hiirale ayaa dadwaynaha uga mahad celiyay sidii ay magaaladaasi ugu soo dhaweeyeen ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya oo uu ku sheegay ciidan wax wayn la qabtay dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Md: Barre Hiiraale wuxuu sheegay in dawladda federaalku ay diyaar u tahay inay iminka bilowdo dib u soo celinta nabad galyadii dalka Soomaaliya lagu yaqaannay.

 

Wuxuu Barre Hiiraale dadwaynaha ka codsaday inay ka shaqeeyaan nabad galyada, asagoo xusay in dawladdu ay bilaabayso hub ka dhigid baaxad leh.

 

Xildhiban: C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa asaguna u gudbiyay shacabka Kismaayo salaan uu uga siday madaxwaynaha Soomaaliya iyo raysulwasaaraha iyo golayaasha dawladda.

 

Wuxuu sheegay in hadda wixii ka danbeeya dadka goblku ay ku shaqayn doonaan siyaasadda dawladda federaalka Soomaaliya, wuxuu sheegay in qabiil iyo dhib oo dhan ay dhammaadeen.

 

Wuxuu ugu baaqay in dadwaynaha Soomaaliyeed inay iska saaraan kalsooni darada haysta ee dhinaca dawladda.

 

Xiddig wuxuu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay ka qayb qaataan horumarka dawladd, asagoo sheegay in shacabku laf dhabar u yihiin horusocodka dawladda.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka muuqday jawi daganaansho iyo in dadka Kismaayo ay u hamuun qabeen inay dawladdu timaaddo Kismaayo.

 

Waa bannaanbixii ugu horeeyay ee ka dhaca gudaha Kismaayo , laguna taageero dawladda, tan iyo markii maxkamadaha gacantooda ay ka baxday Kismaayo.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Horn, with the country standing on its own feet, everything will be in the right sport and every region should get its share of resource distribution. Let us pray that this government works before its seeds of discord resurface and kills it in its infancy. I guess I am the only honest man here.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this