Sign in to follow this  
Shilling

Falaadhi Gil Gilasho Kaagama Hadho-

Recommended Posts

Shilling   

Falaadhi Gil Gilasho Kaagama Hadho-

 

Waraysi dhawaan laga qaaday midkamida (Mastermind)ka -- kadanbeeya Kooxda la ogyahay qorshaheeda fashilan ee ay rabto kooxdu in loo aqoonsado wakaalada, Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, ayaa sicad looga dheehananayey hadalada aan xigmada ku fadhiyin ee ay adagtahay qof aan aqoonin Kooxda inuu marna fahmo qorshaha qar iska xoornimada ee lagu kala qaybinayo beelaha degan deeganadaas, iyadoo dadka qaar loo tusayo iney Kooxdu tahay-- Masuuliyiintii-- goboladaas--- lagala hadli lahaa,iyadoo aan marna lasoo qaadin taageerada dadka degan Goboladaasi u hayaan--- Maamulka Puntland iyo Madaxdeeda, ee ay dadka Gobolka degeni Sida sharciga ku doorteen.

 

Isagoo Cali Khaliif Galaydh sheegaya iney saaxiib yihiin madaxweynaha Somaliland "Siilanyo", isla markaana u tilmaamaya Siilanyo cidii uu kala hadlilahaa qadiyada beelaha ***********, iney tahay- "Garaadkiisa" gaarka ah iyo Kooxda uu usameystay kala qaybinta beesha iyo nacaybaka Maamulka Puntland- ee ka arrimiya Gobolka intiisa badan kaas oo haysta taageerada ugu badan ee beelaha degan Gobolka.

 

Mar laweydiiyey Cali Dawlada-- Raysalwasaare Farmaajo, wuxuu Cali muujiyey iney ku jiraan rag aqoonyahano ah oo wax kaqabankara dhibaatada Soomaaliya ka taagan.

 

Isagoo Cali moog, hadaladi diidmada iyo mucaaradada ahaa ee uu kala soo horjeeday Dawladii Cabdilaahi Yuusuf. Wuxuu kaloo Cali ka boodey in arrinta Soomaliyi isku hayso aysan aheyn Aqoon iyo" Degee"-- nin haysto, balse ay tahay beelo iyo ururo isku hayaha xukunka iyo mustaqbalka wadanka, sidii loo maamulilahaa nabadina ku imaan lahayd, nin walibana iimaansado waxa uu leeyahay, waxaanu lahayna faraha kala baxo.

 

Waxaa kaloo Cali waraysigiisa ku jirtey in SSC hogaamiye yaasheeda loo madax baneeyo qadiyada Goboladaas isagoon Cali diidaneyn, in Somaliland lagala hadlo qadiyada Goboladaas. Balse Cali kuma darin hadalka in isaga laftiisu uu umadax baneeyo dadka Goboldaas degan iney siyaasadooda iyo dhulkooda uu umadaxbanaanyihiin cidey doorteena ku ixtiraamo cidey diidan yihiina ku ixtiraamo.

 

Isagoo Cali meesha ka saaraya inuu ka warhayo Kooxda xamar u joogta burburka Puntland iyo beerlaxwsiga been abuurka beelaysan ee laga warqabo inaan cidna laga iibin karin.

 

Balse sii kala fogeyneysa fikirka siyaasadeed ee ay kala qabaan beelaha Goboladaas degani, taasoo adkeynkarta in wax isfaham ahi mardambe dhexmaro hadii rajo laga qabeyba.

 

Waxay arrintu u muuqataa in Cali leeyahay ---- Aniga iyo Garaadkeyga --- iyo Hogaanka ---aan soo dhisay ayaa metela Beelaha Goboladaas---- Aniga iyo Farmaajo --- iyo Cabdi Kariimna-- waxaan nahay aqoon yahano (Degree) haysta, hadii sidaa layeelana Soomali waxbaa u hagaagaya hadii kalena waxaa lagu dhacayaa cadaabta, isagoo meesha ka saaraya in dad aad ubadani haystaan "Degree" ayna jiraan kuwo Degree iyo taageerada dadkoodaba haystaa iney meesha ka maqanyihiininey, hadalkaas oo burinaya in ay wax qabankaraan shakhsiyaad aan haysan taageerada bulshadoodu inaaney cidkalena wax uqabankarin.

 

Hadaba waxaan Cali u sheegayaa, inaadan duudsiyi karin xuquuqda iyo xoriyada Beelaha ku midoobay Maamulka Puntland. Taas oo aad geed gaaban iyo mid dheerba u kortey sidaad, u dhaawici lahay midnimadooda adigoo uga jeeda in ajendahagii qalafsanaa halkaa kasoo bixi karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shilling   

Dardaaran Shacabka Puntland:

 

Anagoo ah shacbigii ka qaybqaatey hirgelinta iyo sameynta dhismaha Maamulka Puntland, una soo dhabar adeygaymarxaladihii kala duwanaa ee Maamulku soo maray ilaa mudadii la aas aasey Ogst 1998. madaxdii iyo hogaamiyeyaashii u kala dambeeyey hogaanka Maamulku iney soo gaadhsiiyeen, meel maanta lagu faani karo.

 

Waxaan Shacbigayaga iyo Maamulkaba kula dardaarmayaa iney xejistaan Midnimadooda. iyo iney adeecaan Madaxda ay sida sharciga ah u doorteen hadii aan taas la helina in aaney haysan doonin waxay maanta haystaan, ayna ogaan doonaaan waxay haysteen markii hore markey waayaan, balse iminka aaney dad-badan taasi u muuqan.

 

Sidoo kale inaaney dheg jalaq usiin kooxaha diidan Midnimada- ee beelaysiga iyo qoqobka ku hadaaqaya, iyagoo ka duulaya iney burburiyaan himilada iyo qorsha dadka degan gobolada Maamulku xukumo, islamarkaana taageero u muujinaya cid ale cidii ay u arkaan iney cadow ku tahay maamulka iyo dadka mandaqada deganba.

 

Waxaan kaloo su' aalayaa dadka wax magaratada ah ee afka loogu tirey Gooni isu taaga waxa loogu yeedho (SSC) meeshey ka keeneen caqliga odhanaya waan ka baxaynaa Puntland, balse tusi waayey hadii Puntlad laga baxo waxa gaarka ah ee ( SSC)da isku haynaya. iyo waxa laysku darsanayo meeshay ka imaanayaan iyo waxa cida wax haysata wax ugu darsaneyso cid aan waxba haysan, laakiin dooneysa iney ka saarto cida wax ugu jiraan, iyadoo qarineysa dhagarta, dooneysana iney beesha u ekeysiiso beel aan cidna la dhalan cidkalena wax la wadaagi karin.

 

Maruu Cali ka hadlayey maamulada Puntland iyo Soomaliland wada shaqeynta ka dhexaysa wuxuu cali kadhigayey in loo heshiiyey Beesha *********** sida dad badan oo wax magarato ahi beryahan kaga hadaaqaan mareegaha wararka lagu qoro iyo idaacadaha loo sameystey in lagu waxyeeleeyo aqoonta iyo garaadka dadka iyadoo lagala dagaalamayo deganida, xasiloonida, fikirka, iyo nabada ay haystaanba.

 

Taasi waxay ku tuseysa in Cali iyo Kooxdiisu ay rabaan in Goboladaasi, noqdaan Gobolo lagu xukumo nidaamka (Parones)ka-- ee la isticmaali jirey waqtiyo hore kaas oo ah iney dadka xukumaan caayilad bah- wadaaga, Casabadooda iyo Saaxiibadood oo keliyi.

 

Anigoo garan la meesha cali iyo Kooxdiisu ka keenen fikrada iyo siday isu qabaneyso aqoonta Cali sheeganayo iyo fikirkan duuga ah ee aan qarnigan meel uu ka shaqeeyaa jirin.

 

Halka Cali ka dhawaajiyey saaxiibtinimada dhextaal isaga iyo Siilaanyo, wuxuu Cali meesha ka saaray in Siilaanyo Saaxiibo badan Gobolka iyo dadkaba ku leeyahay, laakiin arrinta laysku hayaa aaney ahayn hebel saaxiib baanahay iyo hebel waan wada shaqeynjirey dadka Soomaaliyeedna dhamaan saaxiibo, qaraabo, deris, iyo xididba yihiin, qof saaxiibtinimadiisuna aysan ka weyneyn qofkale saaxiibtinamadii hadii aanu qofkaasi isu haysan wax qof kawey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shilling   

Madaxda Puntland:

 

Waxaad dhamaantiin ogaataan inaad haystaan taageerada ugu badan ee dadka degan goboladaas ayna la socdaan hawsha baaxada leh ee aad u haysaan shacbigaa idin doortey wax badana aad ka qabateen xaga nabadgelyada, dhaqaalaha, siyaasada, iyo waxbarashada. Angoo og in hawl intaa kabadanina ay idin sugayso inaad u qabataan bulshada in hadana marwalba caqabado laydinku gudbayey inaad gaadhaan hadafkii aad higsaneyseen. Kooxdanina kama duwana caqabadaha cadowgu soo maleegay.

 

Arrintanina kama duwana tii waagii Carta laga soomaleegay raga imminka arrintan wadaana isma bedelin waa kuwii Kooxdii Carta usoo dirtey burburka dadka Puntland.

 

Anigoo kudiirsadey hadalkii Madaxweynaha Puntland, ka jeediyey qudbadii Salaada Ciida, waxaan ku leenahay madaxweyne waad asiibtey hadalkaas waa mid loobaahnaa waana arrinta hogaamiye lagu garto inuu shacabkiisa uga digo dabinada lala damacsanyahay ee larabo in lagu dayo hadey qaataana lugu dumiyo.

 

Shacbiga goboladana waxaan kacodsaneynaa waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhamaan dadka samaha iyo wanaaga jeceli, inaaney fikirkooda la aamusin. Dadkoo aamusaa waxay Kooxda iyo wax magartadaba uga dhigantahay iney wax sax ah ku hadlayaan waxyna arrintaasi fikir iyo tilmaan khaladan kabixinkartaa dadka degan goboldaas iney masuul kayihiin Kooxdan Sheeganeysa dhulka iyo gobolada la yaqaan masuuliyinta iyo Maamulka ay taageer sanyihiin iyo cida sharciga u leh halkey raacayaan iyo halkey diidayaan, balse aaney kooxi isku badhitaarin kana beensheegin xaqiiqda ka jirta Goboladaas.

 

Qore Dr. A. K.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this