Sign in to follow this  
Kamaavi

Culumo La yaqaan oo Soomaaliya ku Dagaalameyso Majirto

Recommended Posts

Kamaavi   

Sheekh Maxamed Idriis oo kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka hadlay dhibaatada soo laalabatay ee ka dhaceysa wadanka Soomaaliya gaar ahaan tan iminka ka taagan.

 

Ugu horeyn waxa uu sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay yihin dad wax qaban kara laakiin ay u baahan yihiin hoggaan ku haga wadada toosan oo u iftiimiya keliya waxa ay qabanayaan.

 

Soomaaliya waxa kasocda ayuu sheegay ugu horeyn in aanu la dhihi Karin Culumadii Soomaaliyeed ayaa wada, waxa uu xusay in ay arrintaasi wadaan oo ay ka dambeeyaan dad aanu aheyn culumadii Soomaaliyeed ee la yaqiinay.

 

“Culumo la yaqaan oo Soomaaliya ku dagaalameyso majirto” Sh.Maxamed Idriis oo intaasi ku daray in dhinacyada dagaalamaya aanu jirin wax sheikh caan ah oo kamid ah masha’ikhda Soomaaliyeed oo kudhex jira isla markaasina isku heysta dalka.

 

Dadka dagaalamaya waxa ay isku heystaan waxa uu ku sifeeyay waxa ay Soomaalida oo dhan isku heystaan oo ah kursi, qabyaalad, maamul iyo waxyaabo lamid ah.

 

Xisbiyada dalka kajira sida Alshabaab, Xisbul Islaam, Ahlu Sunna iyo waxyaabahaasi oo dhan ayuu xusay in aanu kujirin hal wadaad oo caan ah iyadoo kooxahaasina ay sheeganayaan in ay yihiin culumadii Soomaaliyeed taasina ay tahay wax qalad ah oo Culumadii Ducaada aheyd ee Soomaaliya marnaba aysan kujirin dagaaldaasi kana qeyb qaadan in ay wax dhex dhexaadiyaan mooyaane.

 

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayuu xusay in qalad weyn laga galayo isla markaasina lagu tilmaamayo dagaallada dalka kasocda in ay wadaan wadaado laakiin arrintaasi ayuu sheegay in ay tahay been abuur cad.

 

Kismaayotimes.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Sheikh Max'ed Idriis is one of the well known culumada Soomaaliyeed waaqica jira la socda. May Allah bless him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaaliya waxa kasocda ayuu sheegay ugu horeyn in aanu la dhihi Karin Culumadii Soomaaliyeed ayaa wada, waxa uu xusay in ay arrintaasi wadaan oo ay ka dambeeyaan dad aanu aheyn culumadii Soomaaliyeed ee la yaqiinay.

Well, it all goes back to the definition of the term "culimada" ...... I think he can't exclude Sh. Aweys here ,,, ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^I don't think he's excluding anyone. By definition, one has to carry himself a certain way and meet certain expectations.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by Jacaylbaro:

quote: Soomaaliya waxa kasocda ayuu sheegay ugu horeyn in aanu la dhihi Karin Culumadii Soomaaliyeed ayaa wada, waxa uu xusay in ay arrintaasi wadaan oo ay ka dambeeyaan dad aanu aheyn culumadii Soomaaliyeed ee la yaqiinay.

Well, it all goes back to the definition of the term "culimada" ...... I think he can't exclude Sh. Aweys here ,,,
;)Aweys waa sheikh ahna colonel ahna hogaamiye kooxeed ahna madaxweyne doon so indeed that disqualifies him to be a member of the daaladda culimada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by The Zack:

quote:Originally posted by Jacaylbaro:

quote:

Soomaaliya waxa kasocda ayuu sheegay ugu horeyn in aanu la dhihi Karin Culumadii Soomaaliyeed ayaa wada, waxa uu xusay in ay arrintaasi wadaan oo ay ka dambeeyaan dad aanu aheyn culumadii Soomaaliyeed ee la yaqiinay.

Well, it all goes back to the definition of the term "culimada" ...... I think he can't exclude Sh. Aweys here ,,,
;)
Aweys waa sheikh ahna colonel ahna hogaamiye kooxeed ahna madaxweyne doon so indeed that disqualifies him to be a member of the daaladda culimada.
Daahir dawlada ha raaco. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this