Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Bomb explosion in galkacyo causes death and injuries

Recommended Posts

Faahfaahin qarixii saaka ka dhacey Xaafada Garsoor ee Gaalkacyo

Posted by admin on October 10th, 2010

 

Gaalkacyo(Puntlandi.com) Qaraxa saaka ka dhacey guri kuyaal xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa ahaa mid ku qarxey niman sameynayey waxyaabaha qarxa.

inta lahubo 3 qof oo ahaa nimankii qaraxa farsameynayey ayaa ku dhintey, waxaana loo maleynayaa iney nimankaan doonayen iney fuliyaan fal argagixiso markey sameeyaan waxyaabahaan qarxa, balse intey farsameynayeen ayuu iyagii ku qarxey, Bileyska ayaa xirey xaafad qaruxu ka dhacey waxeyna hada wada baaritaan.

 

Qaraxa oo aad u xoogan wuxuu kaloo waxyeelo ugeystey guryo daris la ahaa guriga qaruxu ka dhacey.

 

Nimanka qaraxa ku dhintey ilaa hada lama aqoonsan waxaase loo badinayaa iney ka yimaadeen Koonfurta Soomaalia,

 

Wariyaha Puntlandi.com ayaa hada goobta qaruxu ka dhacey jooga Sawirada iyo wareysiyo arintaan ku saabsan ayaan idiinsoo wadnaa mardhow.

 

Puntlandi.com

 

Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Gaalkacyo

October 10, 20100 comments| leave your own!Qarax loo maleynaayo inuu yahay nooca miinada ayaa goor dhow ka dhacay mid kamid ah guryaha ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Wararka ay warbaahinta Horseed Media helayso ayaa sheegaaya in qaraxa uu ka dhacay guri ku yaalla xaafada Garsoor oo la aaminsanyahay in lagu sameynaayay walxaha qarxa.

 

Xirriro kala duwan aan la sameynay dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in labo qof oo ku sugnaa gurigaas ay geeriyoodeen iyadoo uu jiro sidoo kale khasaaro dhaawac ah.

 

Ma jirto faahfaahin intaas ka baxsan oo la helaayo,waxaana guriga uu qaraxu ka dhacay gaaray dadweyne fara badan.

 

Wixii faahfaahin waan idin soo gudbin doona Insha’allah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo,(Lasanod Online)- inta la ogyahay laba ruux ayaa geeriyootay kidib markii uu goor dhawayd qarax ka dhacay mid ka mid ah ....

 

 

 

 

Xaafadaha Magalada Gaalkacyo.guri ku yaala.

 

Qaraxaa ayaa lugu soo waramayaa in wax yar ka hor uu ka dhacay Xaafdda Garsoor ee Magalada Gaalkacyo kidib markii miinadda dhulka lugu aaso ay la kacday rag la sheegay in ay guri halkaa ku yiila ku miinadaa ku rakibayeen sida loo malaynayo.

 

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa lagu soo warramayaa in lugu arkayay dhiig daadsan waxaana adag in si dhhab ah loo ogaado in khasaaruhu intaa ka sii badan yahay maadama dad farabadan ay halkaa soo buuxiyeen.

 

Raga qaraxani la kacay ayaa dadku siyaaba kala duwan uga hadlayaan waxaana la sheegay in qaraxa guriga uu ka dhacay laga yaabo in miinadaa lugu rakibayay sidoo kale waxaa soo gaadhay guri kale oo isna dhinaca ku hayay guriga qaraxu ka dhacay bur bur xoogan.

 

Lama oga sababta qaraxaa keentay iyo raga wada dhintay in ay ahaayeen ragii rakibayay bamkaa hasayeeshee waxaa goobta shilkaa ka dhacay gaadhay Ciidamada booliiska Magaalada Gaalkacyo. Kuwaas oo la wareegay goobta qaraxaa ka dhacay,.kuwaas oo Risaas cirka u ridayay sida dadka halkaa isku soo baxay u kala eryaan.

 

Ma jirto cid ka tirsan Maamulka Gobalka oo arintaa ka hadashay ilaa iyo haatan mana jirto cid sheegatay waxaana socda baadhitaano arrimahaa la xidhiidha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Duqa Magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan ayaa galabta ka hadlay Qarax balaaran oo maanta kadhacay Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo kaas oo sida la sheegey ka dhacay guri lagu farsamaynayey Walxaha Qarxa oo ku yaalay Xafaadaas.

 

Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan ayaa sheegey in Qaraxan uu ahaa mid la doonayey in lagu dhibaateeyo Shacabka Magaalada Gaalkacyo islamarkaasna uu la qarxay Koox uu sheegey inay Qaraxan abaabulaysay,Waxaana uu Duqu intaas kudaray in ay halkaas ku geeryoodeen dad badan halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhamaantood ahaa kuwii kusugnaa Guriga uu Qaraxu ka dhacay.

 

“Qaraxu wuxuu ka dhacay Guri weyn oo aanu awal tuhunsanayn,Waxaa uu la qarxay kuwo rabay inay Shacabka Dhibaateeyaan oo ay khalkhal amaan sameeyaan,Halkaas dhowr qof baa ku dhimatay,dhaawac intaas kabadana waa uu jiraa,shacabkii deriska la ahaana dhibaato ayaa soo gaartay”Ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan.

 

Duqa Magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegey in Ciidamada Amaanku ay imika baaritaano wadaan,isagoo sheegey in ay rajeynayaan in saacadaha soosocda lasoo afjaro Baarintaanada oo uu sheegey in ay yihiin kuwo ay shacabku ku farxi doonaan,waxaana uu kadigay dhicitaanka falal noocaan oo kale ah.

 

Cabdiqani Xayir

Share this post


Link to post
Share on other sites
kyz   

GOD HAQODIN HADAAD QODAANA HADHEEREEN KU DHICIDOONTAA MA OGIDEEH BALFIIRIYA WAXEE SAMEEN LAHAYEEN RABI AYAA UMADA KAQABTAY MARKA WAXAAN LEEYAHAY DAD LASOO KHALDAY AYEE AHAAYEEN RABI AYAA UMADA KAQABTAY

Share this post


Link to post
Share on other sites

People of Puntland need to be vigilant citizens, open your eyes and ears, and be suspecious those who are there to harm and want to cause mayham.God bless Puntland and its citizens

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by kyz:

GOD HAQODIN HADAAD QODAANA HADHEEREEN KU DHICIDOONTAA MA OGIDEEH

So true.

 

It seems to me that ever since Al Shabab's foreign trainers have been targeted with air-strikes, we are seeing more incidents of this sort--where the Somali terrorists are muddling up the bomb-making procedures, which for the most blows up in their own face, before actually reaching its intended targets which are the innocent civilians of Somalia.

 

Allah is just, and may he bless us with more incidents like this were the terrorists alone die.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this