Sign in to follow this  
General Duke

Somali clans prepare for national conference

Recommended Posts

BALADWEYNE/KISMAAYO: Xubnihii uga qaybgeli lahaa Shirka Qaranka Beelaha Gobollada Jubbooyinka, Gedo iyo Hiiraan la dhameystiran laguna wado in...

 

Posted to the Web Jun 12, 12:40

 

Baladweyne / Kismaayo (PP) – Ergooyga uga qaybgalaya beelaha Soomaaliyeed ee Gobollada Hiiraan iyo Jubada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo ayaa waxaa la sheegay inay soo gudbiyeen magacyadooda, laguna wado inay berri soo gaaraan Muqdisho.

 

Gobolka Hiiraan ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in ergooyinkii uga qaybgali lahaa beelaha gobolkaas la soo xulay, ayna gaarayaan berri Magaalada Muqdisho, si ay isugu diyaariyaan ka qaybgalka shirka.

 

Sidoo kale wararka ka imaanay Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in xubnahaan uga qaybgalaya beelaha Gobolkaas shirka Qaran lagu soo xulay qaabka ay ku dhisan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya ee 4.5-ka ah, waxaana uu lagu wadaa inay xubnahaan berri soo gaaraan Caasimadda.

 

Dhanka kale, Ergooyinkii loo diray Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxay sheegeen inay durbo heleen magacyada ergooyinka beelaha gobolladaas uga qaybgalaya shirka Qaran ee lagu wado in maalinta Khamiista ah uu ka furmo Muqdisho.

 

Sheekh Maxamed Sheekh Yuusuf Ibraahim oo ah Guddoomiyaha Guddiga shirka dib u heshiisiinta Qaran ee loo diray Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa wuxuu sheegay in ergooyinka magacyadooda la soo gaarsiiyay, laguna wado in maalmaha so socda lagu wado inay gaaraan Muqdisho.

 

Shirka Qaran ee Khamiista ka furmaya Muqdisho ayaanay jirin weli xubin ka tirsan ergooyinka ka qaybgalaya oo Muqdisho soo gaaray, waxaana madaxda Dowladdu ay sheegeen in shirka aan dib loo dhigay, sidoo kale madaxda Shirka guddoominaysa ayaa waxay sheegeen dhankooda in shirka uusan dib uga dhacayn maalinta loo cayimay.

 

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaasha iyo siyaasiyiinta gobolka Gedo oo taageray shirka dib u heshiisiinta

 

 

Odayaasha, siyaasiyiinta iyo indheer garadka gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday sida ay u taageersan yihiin shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee 14-ka bishan Juun ka furmaya magaalada Muqdisho.

 

Nabadoon u hadlay odayaasha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in beesha Sede ay taageersantahay shirkad dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, dawladda Soomaaliyeed ee ka odayayneysana ay tahay dawladda Soomaaliya ee sharciga ah.

 

Nabadoonka ayaa sheegay in ay diyaariyeen xubnihii shirka uga qayb geli lahaa ayna sugayaan xiriirka guddiga shirka wadaya ee ay dawladdu u xilsaartay.

 

Ismaaciil Xasan Colaad (Socdaal)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubno ka socoda gudiga Shirka dibuheshiisiinta qaranka, oo kusugan deegaanada Puntland.

 

Xubno ka socoda gudiga diyaarinta shirka diduhishiisiinta qarnaka ee lagu wado in uu ka furmo todobaadkaan dhamaadkiisa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, ayaa kusugan deegaanada Puntland, iyagoo kulamo kala gadisan la yeeshay masuuliyiinta dowlad Goboleedka Puntland, iyo waxgaradka deegaanada Puntland ee kusugan magaalada casimadaa ee Garoowe.

 

 

Wakiilka Gudiga diyaarinta shirka dibuhishiisiinta qaranka u qaablisan, deegaanada dowlad goboledka Puntalnd C/qaadir Xuseen Nuur, ayaa sheegay in loo gudibiyey ,waxgaradka Puntland warqadihii looga soo qeyb gali lahaa shirka dibuhishiisiinta qaranka ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho..

 

C/qaadir Xuseen Nuur, ayaa sheegay in ay ka sugayaan beelaha Puntland in ay usoo gudbiyaan, xubnihii uga qeyb gali lahaa shirweynaha dibuhishiisiinta qaranka, ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho 14 bishaan.

 

Gudigaan uu hogaaminayo C/qaadir Xuseen Nuur, ayaa, wax ay shalay tageen magaalada Laascaanood, iyagoo kulamo kala gadisan la yeeshay waxgaradka iyo aqoon yaahanada magaalada Laascaanood,kalana hadlay sidii ay oga qeyb gali lahaayeen shirka dibuhishiisiinta qaranka.

 

Waftiga uu hogaaminayo C/qaadir Xuseen Nuur,ayaa shaley galinkii danbe kasoo laabtay magaalada Laascaanood, iyadoo kusoo laabtay magaalada Garoowe, waxaana lagu wadaa in ay tagaan doogaano kale oo katirsan Puntland.

 

Shirka dib u hishiisiinta qaranka ayaa lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Muqdisho 14 Bishaan, iyadoo madaxda sar sare ee dowlada Soomaaliya ay sheegeen in uu qabsoomi doono waqtigii loo cayimay, waqtigaas,o ku beegan magaalinta khamiistaa ee soo socota.

 

Said Ahmed Husein,umalx85@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaasha gobolka Gedo oo sheegay inay taageersan yihiin dib heshiinta qaran

 

(WYNET)Beled xaawo:-Odayaasha,cuqaashay , siyaasiyiinta iyo wax garadka gobolka Gedo ayaa sheegay sida ay u taageersan yihiin shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee 14ka bishan Juun lagu ballansan yahay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

 

Mid ka mid ah odayaasha gobolkaas oo ku hadlayey codka odayaasha gobolka ayaa sheegay in beeshiisu taageersantahay shirkad dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, dawladda FS ee arimaha dusha kala socotana ay tahay tan kaliya ee hadda dalka ka jirta.

 

Odaygan oo ku susan degmada Beled Xaawo ayaa inta raaciyey in ay diyaariyeen xubnihii shirka uga qayb geli lahaa ayna hadda ka war sugayaan xiriirka guddiga shirka oo iyaga dhowaan gobolada loo kala diray si ay ergada u soo xullaan.

 

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah gobladda inta badan aysan dawladu ka howl gelin waana markii ugu horaysay ee odayaasha deegaanku ay sheegaan inay ku faraxsan yihiin shirka dib u heshiisiinta qaran ee dhowaan loo mudaysan yahay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

 

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gobolka Bari oo shirka DUH Qaran ka warbixiyey sida ay oga qeyb galayaan dadka Gobolka Bari ku nool

Last Updated::2007-06-12 14:03:13

 

Boosaaso:-Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf oo Maalintii shaley ahayd oga warbxiyey saxaafada

Xubnaha Gobolka Bari oga qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa sheegey in ay diyaar yihiin Xubnaha ka socda Gobolka Bari ee shirka ka qeyb galaya.

 

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegey in qaab beeleed lagu soo xuley Ergada Gobolka Bari iyo Karkaar oga qeyb galeyso shirka Dib u heshiisiinta qaran ee Labo Beri ka dib ka furmaya Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

 

Muuse Geelle Yuusuf waxaa uu sheegey in 32 Xubnood ay oga qeyb galayaan shirka dib u ehshiisiinta beelaha Dega labada Gobol ee Kar Kaar iyo Bari, waxaana uu sheegey in ay tiro ahaantahay tiradaan mid aad u yar isla markaana ay haboonaan lahayd in tiro intaa ka badan laga casumo Gobolka Bari, oo ah Gobolka ugu Balaaran wadanka Soomaaliya waxaana uu sheegey in ay ku nool yihiin Qabiilo farabadan iyo waliba dad badan.

 

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegey ay dadka ku dhaqan Gobolka Bari ay si weyn u taageersanyihiin shirka dib u heshiisiinta qaran ee ka furmaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada wadanka Soomaaliya.

 

Waxaa kale oo uu sheegey Gudoomiyuhu in aysan jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex galey Dadka Deegaanka, kaas oo ku aadan qaabki ay dadweynaha Gobolka ay oga qeyb geli lahaayeen.

 

Shirka dib u heshiisiinta Qaran ee 14-ka Bishaan ka furmaya Magaalada Muqdisho ayaa dadweynaha Magaalada Boosaaso iyo kuwa Puntland-ba ay si aad ah u hadal hayaan, waxaana hadal heynta aad ka dareemi kartaa Goobaha ay dadka isugu yimaadaan ee Maqaaxiyaha iyo Baararka iyo Goobaha kale ee lagu Qaxweeyo.

 

Dadka ayaa si aad ah u hadal haya shirkaan waxaana ay ii sheegeen mar aan la dhex qaadey Mikrofoonka in shirkaan uu wax weyn ka badali karo Khilaafaadka siyaasadeed, Bulsho ee dhexyaala Umada Soomaaliyeed ee Walaalaha ah, waxaana ay dadku ku adkeysteen in Go'aanka ka soo baxa shirka uu saameyn ku yeelanayo siyaasada Soomaaliya.

 

Si kasta oo ay ahaato, dadka ku nool Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in ay si weyn u taageersanyihiin shirka dib u heshiisiinta isla markaan ay si weyn u soo dhaweynayaan.

 

Mohamed Ali (Dalmar)

mohamedali11@gmail.com

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

^Prepare for yet another disappointment.

 

Diplomats tracking Somalia said on Tuesday they saw no chance of the government being able to stage a national reconciliation conference slated to start in Mogadishu on Thursday, because of insecurity and lack of preparation.

 

"There is no chance," one Nairobi-based Western diplomat said, predicting a formal announcement on Wednesday that the conference was being postponed for a second time.

 

"
I have spoken to some of them (in the government) and they all say it won't happen. They have not even set an agenda or picked the delegates. They will announce a delay tomorrow and blame lack of donor funding
."

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Confirmed all too quickly and expectedly.

 

"The National Reconciliation Committee has decided to postpone the conference due to unforeseen circumstances," committee chairman Ali Mahdi Mohamed told reporters. Rueters

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

"I have spoken to some of them (in the government) and they all say it won't happen. They have not even set an agenda or picked the delegates. They will announce a delay tomorrow and blame lack of donor funding ."

LoL, this guy seems to know the truth of the matter unlike our Somali Pro TFG nomads :D

 

Go on put a brave face on,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol Northerner what do you think duke should do now ? and what happen to Buntland ergo? he keeps talking about gedo hiiraa and jubooyinka

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

He and his friends need to realise that holding Somalia/Somalis to ransom under a so called peace conference with pre-conditions will produce more animosity and mistrust.

 

Their imported Ethiopian muscles will deflate soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Clans are very busy now that they cannot attend the meeting ,,, they've just got married and they need sometime to have the first baby born :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Muqdisho:Gudiga diyaarinta Shir dibuheshiisiinta oo dib u dhigay ,shirka Dibuheshiisiinta.

13. juni 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)-Warar naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho,ee caasumada Soomaaliya ayaa ,waxa ay sheegayaan in dib loo dhigey shirkii lugu wadey in uu Magaalada ka furmo 14-June oo bari ku beegan.

 

Gudoomiyaha shirka dibuheshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa,wuxuu warfidiyeenada usheegay in shirkii dib loo dhigay.

 

Cali Mahdi ayaa wuxuu ku sheegay sababaha dibu dhigidan keenay,dayactir oo ka socda Xarunta shirka lugu qabanayo,beelaha Soomaaliyeed oo codsi usoo diray gudiga oo ku aadan in waqtigu yahay mid ku yar,kana codsadeen in loo kordhiyo.

 

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay ,in sababahaasi dibudhigadan ay laxiriirto,inkastoo oo uusan sheegin goorta ,uuqabsoomaya ,balse warar ku dhow dhow ,ayaa waxa ay sheegayan in la qaban doono bisha soo socota.

 

Gudoomiyaha gudiga diyaarinta Shirweynaha ladoonayo ,in laqabto ayaa waxa ay wararku sheegayaan ,in talaabadan ay ka danbeysay wada hadalo ay yeesheen gudiga diyaarinta shirka iyo Madaxda dawlada Soomaaliya.

 

Mahan markii ugu ,horeysay ee shirkan dib loodhigo,inkastoo horay Madaxda Soomaaliya ay usheegeen in uusan shirkan dib aan loo dhigeyn ,mar labaad.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this