Sign in to follow this  
me

On Sheekh C/Qaadir Maxamed C/llaahi Garre

Recommended Posts

me   

Sh. Xasan Daahir Aweys “Sh. C/qadir Garre…Diinta Fahamkeeda & waliba Caqiidada Tasxiixinteeda Dadka aadka & aadka ugu Xeelta dheer ayuu ahaa”

 

 

By Somalimirror on 20 Oct, 2009 9:27 AM in Main, Wararka, Wareysiyada

 

 

Shabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa Waraysi aanu la yeelanay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay Saaxiibo ahaayeen Sheekh C/Qaadir Maxamed C/llaahi Garre oo ay 1973 isla soo Bilaabeen Dacwada Maanta si wacan ugu Baahday Soomaaliya Afarteeda jiho.

 

 

Waraysigana wuxuu u dhacay sida tan:-

 

 

Somalimirror: - Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu, Wajazaakallaahu Kheyran.

 

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys:- Wa Calaykumusalaam Waraxmatullaahi wabarakaatuu.

 

 

Somalimirror:- Sheekh Xasan, Maxaad ka Xasuusataa Taariikhdii Sheekh, Dr. C/qaadir Maxamed Cabdullaahi Garre?.

 

 

Sh. Xasan Daahir:- Bismilaahi Raxmaani Raxiim, horta ilaahay SW waxaan ka rajeynaynaa C/qaadir Maxamed Cabdullaahi oo ku geeriyooday Magaaladda Djibouti sida la sheegay ayaan marka hore waxaan leenahay Umaddii uu ka tagay iyo Dadkiisii iyo Qaraabadiisii iyo Asxaabtiisii ayaan u tacsiyaynayaa, ilaahayna waxaan uga baryaynaa inuu Dabigiisa Dhaafo janadiisana uu Fardowso ka raadiyo, Midda labaadna koleey wuxuu ahaa Nin aan Dacwadii isla soo Bilownay ayuu ku jiray, Jamaacaadkii Islaamiga raggii wax ka Aas-Aasay ayuu ahaa, ka dibna Dacwada Meel Wayn uga jiray, allaha Barakeeyo, ka dibna raggii Sucuudiga u tagay inay wax ka bartaan oo Dacwada ku soo bartaan ayuu ahaa, illaa uu Dr(PHD) ka gaaro ka dibna Jaamacadda Boosaaso ku taala Raggii Aas Aasay oo howl-galiyay ayuu uu ka mid ahaa, Runtii Nin Edeb wanaagsan, Diin wanaagsan iyo Cilmi Wanaagsan aan ku naqaano ayuu ahaa, Runtii Taariikhda Xarakaatka Islaamiga ah khaasatan Itixaadkii, Jamaaca Al-islaamiya iyo Ictisaamkii kuli raggii Mu’asisiinta ee Mar walba Hormuudka ahaa ayuu ku jiray, ilaahay SW ayaan u barinaynaa in wixii Kheyr ahaa ee uu soo qabtay inuu Ajar ka siiyo, wixii Danbi ahna ilaahay uu u dhaafo, Umadana Samir ha ka siiyo Badal Kheyr qaba ha ka siiyo.

 

 

Somalimirror:- Goorma ayaad isla Bilowdeen Sheekh Dr. C/qaadir Maxamed Cabdullaahi Garre Dacwada Islaamiga ee Soomaaliya?

 

 

Sh. Xasan Daahir:- Dacwada Sideeda waxaa lagu Bilaabaa Rag yar, 1973 raggii Jamaacaddii Ehelka soo bilaabay buu ka mid ahaa, Rag yar bay sida Badanba ku Bilaabataa, Sheekh Maxamed Macallin Alaha ha u naxariistee raggii kitaabkii u akhrin jiray ka Asaasmay aan wada ahayn intaasna Dacwada ayuu ku soo dhex jiray sidaas ayuuna wuxuu ku tari karay ku daray, wixii khalad ahna ee uu ka Celin karayna uu ka celinayay, Marar Badan oo ay Bidco nagu furmeen sidii Takfiirkii oo kale Waxyaabaha noocaas oo kale ah raggii aadka iyo aadka isku hortaagay ayaan ka wada mid ahayn, Shuuciyadii iyo Balaayadii Waagii Wadaada la dilay iyo wixii ka danbeeyay raggii aadka iyo aadka is hor taagay ayaan ka wada mid ahayn, waxyaabihii intaas ka danbeeyayna sidii Caqiidada Dadka loogu sixi lahaa Dowlad Islaamna loogu soo celin lahaa wadanka Insha allaahu Tacaalaa ayaan ka wada mid ahayn, Nin walbana intii uu ka geysan karay ilaahay ajar ha ka siiyo Insha Allaah Tacaallaa inta ka danbeysana ilaahay Ma fidneeyo Insha Allaahu Tacaalaa.

 

Somalimirror: - Ma jirtaa Dhibaatooyin idinka soo gaaray Dacwada intii aad wadeen ?

 

 

 

Sh. Xasan Daahir:- Badanaaba Dadku marka ay yaryihiin, hadana Dowlad Jaa’ir ah ama Dadkii Gaalnimo ku Hogaaminayso oo Shuuciyo iyo Balaayo marka lagu dhex jiro waxyaalaha aadka iyo aadka Cajaaibta u leh waxaa ka mid ah markii ay yiraahdeen Shuuciyo ayaan Qaadanay oo Dhaxalkii ku tunteen oo Dowladaha Qaar sida Masar oo kale oo xataa iyaga laftooda Shuuciyo Qaatay ay ixtiraami jireen oo Aayaadkii Qur’aanka oo Calam Islaami oo dhan laga Ixtiraami jiray ay nasakheen, runtii raggii aad iyo aadka u hor istaagay oo markaas wadaadii Tobanka ahaa lagu dilay oo raggii Sheekh Maxamed Macallin ee Dacwadda waday la xidh-xidhay oo raggii kale ee Wasaarada joogay ee Sheekh C/Qani oo isna Ayaan dhaweyd Dhintay la xidhay, ragas oo dhan ee Dacwadii la kala eryay oo raggii Mas’uuliyiinta ahaa ee Islaamka u Boodayay oo dhan la kala eryay Qaarna la xidh- xidhay, runtii Raggii is hortaagay baan ka wada jirnay, Tusaale, waxaa jirtay in la yiri 5 Qof meel iskuguma Imaan karto, markaasaa waxaan Sameyn jirnay 4 Qof baan Meel iskugu imaanaynaa Guri oo kale, si aan Danbigiina uga fakano, waxayagiina noogu hirgalaan, hal qof ayaan ka tagaynaa, Qofkaas ayaa loo Akhrinayaa Kitaab, 4-taas Qof waxaa la rabaa 4 kale in Nin walba uu u akhriyo si aysan Dacwadii ku dhumin, arimahaas raggii aan isla soo marnay ayay mid ahayd, markii danbe Raggii Banaanka u baxay oo Banaanka intaan u saarnay niri wax ha soo barteen oo Dacwadii wax ha u soo barteen buu ku jiray, Ciddii ugu horeysay ee Jaamacadaas la yiraahdo Umu Quraa galay buu ku jiray markaa ka dibna Wadankii marna ku soo noqonayay marna Tacliintooda ku noqonayay ayuu ka mid ahaa, waxyaalahaas oo dhan ragii ku soo wada jiray baan ahayn.

 

 

 

Dowladii Shuuciga ahayd waxay sameysteen Qaanuun la yiraahdo “54” “Ka faa’iidaysi Urur Diimeed Waa Dil” Saas ayay ahayd Ragayagii waxa lagu xukumay ee 9 ka ahaa, laakiin aan ilaahay u qorin in la laayo, laakiin isagu wuxuu ka mid ahaa raggii Tacliinta ku Maqnaa oo laakiin Dacwada halkaa ka waday oo halkaas aad iyo aad uga Taageeri jiray.

 

 

Somalimirror: - Geerida ku timid Sh. C/qadir Garre Saameyn intee la eg ayaad is leedahay wuu ku yeelan karaa Saxwadii Islaamiga ahayd ee aad isla soo Bilowdeen?.

 

 

 

Sh. Xasan Daahir:- Runtii Gidaar weyn baa Dacwada ka dumay, laakiin Dabeecadda Ilaahay waxaa ka mid ah in Haddii Nin tago inuu nin yimaado oo ilaahay baa keensada, Qofkii dhintana Qof baa badalaya, Qofkii isagu hadda isagu ka tago oo Dacwada isaga taga Dad baa Badalaya isaga ka badan, marka Insha allaahu waxaan Rajeynaynaa Umuurtiisa ha ahaato ama Muslimiinta kale ha ahaato maanta Dacwada Meel aad iyo aad u Cajiib badan bay maraysaa oo Nasrigii ay rabeen ay ku dhawdahay, Dacwadii Towxiidka iyo Sunadda oon faafin jirnayna ay hadda Qaali ku tahay Soomaaliya Al-Xamdulilaah xataa dadkii Reer Baadiyaha ahaa ay qaali ku tahay waa Ilaahay Mahadii, Nasrigii Weynaa ee aan Dhowraynayna waa Dhadhaw yahay insha allaah, Rag gaarsiiyana waa la helayaa Insha Allaahu Tacalaa, Marka Badiil Kheyr qaba ilaahay ha na siiyo, isagana Ajarkiisa alaha ha weyneeyo.

 

 

 

Somalimirror: - Sheekh Xasan Maxaad ka xasuusataa Dabeecadihii uu Sheekh C/qaadir lahaa intii aad tiqiinay?

 

 

Sh. Xasan Daahir:- aad iyo aad Dadka aan la heli Karin buu ahaa oo Dabcigiisa aan la heli Karin oo Dad wadkana ku fiican, Diintana ku fiican, iyo Fahamkeeda, ra’yigana ku fiican, in badan buu Mas’uul nooga ahaa Dalalkaas Khaliijka oo dhan, ayuu Mas’uul inooga ahaa, Marka Dadka aadka Dad wadka u leh oo Dabciga Fiican oo xanaaqa yar oo mararka Qaarkood rayiga wanaagsan ku adag ayuu ahaa, runtii Dadka Naadirka ah ayuu ahaa, khaas ahaan Diinta Fahamkeeda iyo waliba Caqiidada Tasxiixinteeda dadka aadka iyo aadka ugu Xeelta dheer ayuu ahaa si fiicana u Yaqaano oo illaa DR. (PHD) ku qaatay.

 

 

Somalimirror: - Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu, Wajazaakallaahu Kheyran.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys:- wa calaykumusalaam Waraxmatullaahi wabarakaatuu, Wajazaakumullaahi Kheyran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Sh. Max’ed Idriis “Sh. C/Qaadir Sifooyinkii ugu weynaa ee aan ku bartay waxaa ka mida laab xaadhnaan”

 

By Somalimirror on 20 Oct, 2009 8:49 AM in Main, Maqaallo, Wararka

 

Sheekh Maxamed Idriis - Shabakadda Warbaahinta ee Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa faala kooban oo uu ka diyaariyay Sheekh Maxamed Idriis Saaxiibkiis Sheekh Cabdulqadir Allaha u naxariistee oo ay aad isugu dhowaayeen, sidoo kalana ka mid ahaa dadkii ugu danbeeyay ee ay is arkaan ayaamihii ugu dambeeyey Noloshiisa.

 

 

 

Maqaalka Sheekha ayaa u dhignaa sida tan:-

 

 

Sheekh Cabdulqaadir M Cabdullahi iyo Waxaan ku bartay?

 

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

 

Innaa Lilaah Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waxaa maanta xagga aakhiro inooka guurey Sheekh Cabdulqaadir Muxammad Cabdullaahi, Ilaahay waxaan uga baryeynaa inuu Jannaatul Firdoos ka waraabiyo, Eheladiisii iyo Asxaabtiisi iyo Muslimoontoo dhanna samir ilaahay ka siiyo.

 

Shekh Cabdulqaadir Allaha u Naxariistee, waxaan is naqaaney muddo 30 sano ka badan, Waxaanu 1978 ku kulanay carriga xijaas, oo berigaas dhalinyara badan ee dacwadu usoo carartay, markii cadaadisku kaga yimi dawladdii kacaanka ahayd, si gaarana waxaanu ugu rafiiqnay, Ilaahay dartiisna ugu walaalowney isuguna jeclaannay, dariiqa dacwada, ayaama bandanna waa usoo wada joogney iyo dhacdooyin dhul gariir oo kale ahaa, haba ugu darnaato ayaamihii ay dhacday Dawladdii Soomaaliya 1991, dabadeedna dalku galay dagaalada ehliga ah, safkii ducaaddana ay soo food saartay maayad culus oo dabaylo iyo duufaan wadata, taasoo bur bur iyo dil dillaac xooggan u geysatey saxwadii Islaamka ee heerka sare markaa mareysey, tasoo leh taariikhdeeda mar uun la qori doono haddii Rabbi Idmo. Mudda dheer ayaanu deris ku ahayn Sheekha Magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukkarramah, waxaanan ka mid ahaa dadka ay aadka isugu dhowaayeen waqti dheerna wada shaqaynayeen.

 

Haddaan Isku dayo inaan faalla kooban ka bixiyo sheikh Cabdulqadir Allaha u naxariistee, waxaa aad maskaxdayda isugu herdinaya fikradaha iyo xusuusaha aan isla soo marnay, laakiin waxaan jeclahay maanta inaan usoo koobo akhristayaasha, gaar ahaan barbaarta dacwada Islaamka, qayb ka mida waxaan ku bartay Daacigaan fariidka ahaa, ee maanta innaga baxay.

 

Laab Xaadhnaan : Sheekh Cabdulqaadir sifooyinka ugu weyn ee aan ku bartay waxaa ka mida lab xaadhnaan. Wuxuu ahaa nin Ilaahay ku manaystay qalbi waasica oo aan xume iyo xasad aqoon. Wuxuu ahaa mid kulmiya dadka kala duwan, ama afkaarta ku kala fog, ama arrimaha iskaga hor yimaada, oo inta badan ay isugu yimaadaan, ama ayan waxba u wada qabin. Wuxuu ahaa nin khayrka iyo wanaagga la jecel dadka oo idil, kuna dadaala inuu wada deeqo, isagoo ay kasoo horrayso farxad iyo dhoolla cadadayn. Ma garanayo muddadaas dheer oo axdaas badan laysla soo maray Cabdulqadir iney dad wax uurka isugu qaadeen, balse xitaa dadka isaga maaga ama wax geysta wuxuu ahaa nin aan waxba u qaadin oo wanaag kula dhaqma, waana sifo Ilaahay bixiyo cid walbaana heli Karin.

 

Hufnaan & Xishood : Sifooyinka uu aadka ugu caan baxay Sh. Cabdulqadir Allaha u naxariistee, cid walba oo la dhaqantaana dareemi kartey, waxaa ka mid ahaa, xishoodka iyo hufnaanta af iyo gacanba uu lahaa. Hadduu Cabdul qadir damco inuu wax ku weydiiyo, ama arrin kaala hadlo, ama fikrad uu kugu khilaafsan yahay kuu sheego, si toosa hakuula hadlo ama telefoon hakuu soo diro, waxaad dareemeysaa xishoodka siyaadada ah, iyo qaddarinta xad dhaafka ah ee uu qofka u muujinayo, iyadoo ay hadalkiisa mar walba ku dheehantahay tawaaduc iyo debecsanaan. Sh. Cabdul qadir wuxuu ahaa nin aad u gacan hufan oo qanaaca badan, si kasta oo ummuuruhu ugu adkaadaan, wuxuu ku qaabili jirey sabir iyo qanacsanaan. Waxaan ku baranay Cabdulqaadir – Allaha u naxariistee – nin aad u hadal macaan, waji furan, dhoolacaddayntu mar walba kasoo horrayso markuu walaalihiis la kulmo, bashaasha oo soo dhowaynta iyo xilkasnimada aan lagu gaarin. Waxaan xusuustaa ayaamihii dagaalada ehligaayi Soomaaliya ka bilawdeen, imtixaanada faraha badanina dacwada iyo ducaadda soo waajeheen, in ay dhici jirtey, dooda aad u kulul oo raggii asxaabta ahaa dhex marta, ayna dhici jirtey kolalka qaarkood in ragga qaarkood sheekha hadala kulul oo aan habboonayn ku yiraahdaan, weligayna ma maqal Cabdul qadir oo afkiisa kelimad xumi kasoo bexeyso, wuxuuna ku qaabili jirey, degganaan iyo hufnaan.

 

Isagoo sidaa u xishood badan haddana sheekhu wuxuu ahaa geesi aan kelmadiisa iyo mawqifkiisa la gabban, waxaanuna marar badan iska xejin jirney goobta u baahan geesinimo iyo diricnimo.

 

Deeqsinimo & Urursanaan: Waxyaabaha aan ku barannay Sh. Cabdulqadir Allaha u naxariistee waxaa ka mid ahaa deeqsinimo, iyo Urursanaan uu adduunyada ka urursanaa oo aaney qiima weyn ugu fadhiyin. Waxaan dhihi karnaa, adduunyada iyo dhal dhalaalkeeda isna ma doonin, iyana masoo doonan, ilaa Rabbigiis ka oofsaday isagoon ku wasakhoobin. Waxaan ogahay Sh. Cabdulqadir iney gacantiisa soo mari jirtey boqollaal kun iyo malaayiin, dacwadu leedahay, sidiisi ayuuna ka ahaa. Wuxuu ahaa nin aan waxba meel dhigan, ardada iyo walaalihiisa ducaaddaana u gacan furan, haddaanu wax haynna, u shafaaca qaad badan, oo ku dadaala in wax la taro.

 

Adeegga Dadka: Sifooyinka Sh. Cabdulqaadir ku caan baxay waxaa ka mid ahaa, adeegga dadka waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu soo galo dadka xadiisku tilmaamay ( Dadka Ilaahay ugu Jecelyahay Waa kuwa dadka ugu waxtar badan). Waxaan dhihi karnaa waqtigiisa ugu badani wuxuu geli jirey u adeegga walaalihiisa Muslimiintaa gaar ahaan ardayda cilmiga iyo ducaadda, miduu tazkiya la raadiyo, mid uu sheikh ula tago oo shafaaca u qaado, mid uu shaqa dacwadeed la raadiyo gaar ahaan hay’addii Iftaha ee Sheekh Bin Baaz madaxda ka ahaa, sheekhuna wuxuu ka mid ahaa raggi Sheekh Binbaaz Tazkiyadooda aqbali jirey, iyo miduu cisbitaal u wado, iyo marti uu soo dhowaynayo. Waxaan xasuustaa berigii 1986 rag culima ah oo 10 ah dil lagu xukumay, sheekhu inaanu maalmahaas nasan, taasoo dhalisay in isaga iyo culima kaleba la hadlaan Sh. Cabdulcaziz Bin Baz, Shekh Binbazna la hadlay Ku xigeenka Boqorka Sucuudiga, Haatanna ah Boqorka Jooga, kaasoo la hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, dabadeedna saan ognahay xukunkii loo bedeley xabsi daa,im, kadibna la sii daayey.

 

Sh. Cabdulqadir wuxuu ahaa nin har iyo habeen ku mashquulsan waxtarka iyo u adeegga dacwada iyo ducaadda, heer arrinkaasu raad weyn ku yeeshay iney dayacmaan danihiisi gaarka ahaa, sida Risaaladii Masterka iyo phD uu samaynayey, waana midda keentay inuu waqti aad u badan ay ku qaadato 2da risaalo inuu dhameeyo, waayo waqtigiisa ugu badan oo dacwada iyo dadkeeda geli jirey.

 

Ayaamihii u dambeeyey Noloshiisa

 

Waxaan ka mid ahaa dadkii aadka ugu dhowaa ayaamihii ugu dambeeyey noloshiisa, waxaanan ku wadacay habeenkii khamiista ee subaxdeeda 15/10/2009 u u dhoofayey Djibouti gurigii uu ka degganaa magaalada Jeddah. Sheekha habeenkaa iyo malintii ka horreysey codkiisu wuu xirmay. Waqtigaa ka horna wuxuu sheekhu 11 cisho ku jirey Cisbitaalka weyn ee Malik Faisal, halkaasoo aanu dhignay habeenkii 30/9/2009 uuna kasoo baxay 11/10/2009.

 

Sheekh Cabdulqaadir oo aan ku naqaaney adkaysi iyo dulqaad badan, habeenkaa markii aan cisbitaalka kasoo qaadeyney wuxuu aad isugu dayayey inuu keligiis gaariga fuulo, inkasta oo ay aad ugu adkayd. Taleefanadana wuu ka jawaabayey, dalkii iyo dadkiina akhbaartooda ayuu warsanayey.

 

Sheekhu wuxuu Sucuudiga noogu yimi horraantii bisha Ramadaan isaga iyo Dr. Axmad Xaaji Cabdiraxmaan, iyagoo labaduba baaritaan caafimaad u yimi. Maalintii iigu horraysey ee aan Jeddah kasoo qaaday, waxaa dareen culusi I galay markaan taleefanka codkiisa ku maqlay. Waxaa dhegtayda ku dhacay cod ka bedelan codkii aan ku aqoon jirey Cabdulqadir. Waxaan dareemayaa, ruuxdu waa tiisii, hase yeeshee jirku waa mid ka bedelan. Markaan Gaarigayga kusoo qaadayna wuxuu sheekhu fadhiyey dhinacayga, gurigaannna kawada afurnay isaga iyo Dr., Axmad. Waxaan aad usii arkay xaaladda sheekha saacadahaas kooban, wexeyna igu beertay hammi iyo murugo aanan koobi Karin. Sheekh Cabdulqaadirka hortayda fadhiyaa waa isagii ruux ahaan, qosol ahaan, xishoodkiisi iyo adkaysigiisi xad dhaafka ahaa, ixtiraamki iyo qaddarintii, laakiinse jirkiisa wax badan ayaa iska bedeley, qofkii arki jireyna naxdin iyo calool xumo ku dhalineysa. Waxaanse imtixaanka ugu sabreynaa Allaah Subxaanahu wa tacaalaa oo aan uga rajayneyno inuu dembi dhaaf uga dhigo, daraja sare oo jannada ahna lagu gaarsiiyo.

 

Isla habeenkaas waxaanu booqannay dhakhtar ku takhasusay cudurada jirka intiisa qarsoon. Markuu baaritaan kooban ku sameeyeyna wuxuu noo sheegay, in sheekha beerkiisu dhamaad yahay ama ku dhowyahay, daawada keliya ee uu leeyahayna ay tahay inta aanu ka naqaano in beerka laga bedelo, taasoo kharash fara badan u baahan. Wuxuuna noo diray baaritaano in la sameeyo dhiig iyo raajooyin ah. Wixii ayaamahaa ka dambeeyey, markii raggii meesha joogey la tashaday waxaa talo ku dhammaatay in sheekha baaritaanadan loo dhamaystiro, wixii baxnaanina oo lasiin karana lagula tacaalo, deg degna loogu hawl galo, sidii loo heli lahaa meeshii arrinkaa lagaga gun gaari lahaa iyo kharashkeediiba.

 

Ilaahay fadligiis, maadaama sheekhu ahaa, nin qiima badan oo sidaa dadku u jecel yihiin, makaano iyo maqaam weynna ku leh dacwada iyo dadkeeda, waxaa suurta gashay in lagu guulaysto in ballan laga soo qabto mid ka mida cisbitaalada adduunka ugu caansan xagga beerka, oo ku yaalla London, lana yidhaahdo Cromwell Hospital, kharashkiina meel la saaro ilahay fadligiis.

 

Markii fiisihii in laga qaado Jeddah ay adkaatayna waxaa sheekha la geeyey Djibouti si ballanta 12 Nov. uu u haleelo oo fiisaha halkaas looga qaado maadaama baasaboorkiisu ahaa DJibouti.

 

Hase yeeshee khamiis hadduu tegey wuxuu noolaa oo qudha jimce iyo sabti, wubaxnimadii axadda 18/10/2008 saacaddu markey ahayd 8.00 am ayaa sheekha amarkii Ilaahay u yimi oo la oofsaday. Wuxuuna geeriyoodey sida la ii sheegay isagoo kelimadda tawxiidka ku dhawaaqaya.

 

Kulan gaara

 

Waxaan jeclahay inaan halkan ku xuso sheekhu wuxuu ii yeeray intaanu cisbitaalka Jeddah kasoo bixin habeen ka hor, anagoo ku jirna qaban qaabadii safarta. Taleefan ayuu iisoo diray wuxuuna yiri: Waxaan jeclaan lahaa inaan si gaara isu aragno oo arrima xoogaa ka tashanno. Waxaan ugu tegey Cisbitaalka, wuu fiicnaa markaa xoogaa, oo sariirta ayuu ku fadhiyey, dhiniciisa ayaan fariistay. Wuxuu asluubkiisi edebta badnaa, xishoodka lahaa, iigu muujiyey dareenkiisa ku aadan cariga gaalada, wuxuuna ii sheegay inuu waxbadan is tikhaaraystay, oo fekerey, niyaddiisuna marna ku degi la’dahay inuu aado dhulkaas gaalada. Haddii la heli karo wax ka bedelan ayaan door bidi lahaa ayuu yiri. Waxaan ku iri waa sidii laga filayey Profasoorka caqiidada, arrinkuna mid aynu hadda doorasho iyo jeclaan ugu socono, waase sabab qaadasho, meela ka fiican haddeynu helnana weynu qaadan, wixii tabarteenna ah ayeynu samayneynaa, arrintana Ilaahay ayeynu u deyneynaa, sidaas ayaanuna markii dambe isku waafaqnay.

 

Waxaan rajaynayaa inuu Ilaahay niyaddiisa u qaaday, ayna khayr u ahayd inuu Rabbi u fududeeyey isaga oon dhib iyo rafaad iyo qal qalliin badan marin iyo gacan shisheeye.

 

Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu naxariistii janno geeyo Sh. Cabdulqaadir, Jannaatul firdowsna nagu kulmiyo annagoo walaala is hor fadhiya ah. Eheladiisi iyo asxaabtiisiina ilaahay sabir iyo iimaan ugu bedelo. Muslimiintana wax ka khayrbadan u dhaafiyo.

 

Waxaan rajaynayaa in isaga iyo rag kale oo naga tegeyba ay ardaydooda iyo ducaaddu noloshoodi wax ka qoraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this